Muqdisho: Askarta Itoobiyaanka oo Kutubta Quraanka Iskaga
Tiray Saxarada, Masaajidyadana ku dhex saxarooday...

Ihaanadii ugu darayd ee ay askarta gumeystaha Itoobiyaanku u geystaan Diinta
Islaamka iyo sharaf dhacii ugu xumaa ee loo geysto shacabka Islaamka ayaa
Muqdisho ka dhacday intii u dhexeysey November 4 ilaa December 8, 2007 xilligaas
oo ciidamada Xabashidu ay galeen masaajidda kuna saxaradoodeen, sidaas waxaa
yiri oday booqday aaggii ay ka baxeen ciidamada Itoobiyaanku, weydiisteyna in
aan magaciisa la sheegin. Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yiri: "Arrinta
ugu ba'an ayaa ka dhacday xaafadihii ay xoogga ku qabsadeen ciidamada
Itoobiyaanku, gaar ahaan aagga jidka Wershedaha iyo jidka Soddonka, halkaas oo
markii ay ka baxeen (Dec 8, 2007) la arkay kutubtii Masaajidda tiil oo ay
saxarada iskaga tireen, arrintaas oo ah ihaanadii ugu xumayd ee abad loo geystey
Kitaabka Kariimka ee muqdaska ah oo dhex yaal qowmiyad Islaam ah." Xasuuqii
ugu xumaa ee ciidamaada xabashidu u geysteen shacabka Muqdisho waxay ahayd intii
u dhexeysey Nov 4-10, 2007, xilligaas oo wararku tibaaxeen in hal maalin ay
qowrac iyo rasaas ku dileen 50 Soomaali ah. Lix kun (6000) oo Soomaali ah ayaa
la diiwaan geliyey in ay dhinteen sannadkan 2007 oo ah intii ciidamada
gumeystaha Itoobiya ay ku jireen ciidda Soomaaliyeed. "Arrimahaas ay geysteen,
welina geysanayaan ciidamaad gumeysiga Xabashidu, gaar ahaan xasuuqa shacabka,
iyo in ay ku saxaroodeen masaajidda dhexdooda iyo in ay Qur'aanka Kariimka
iskaga tireen saxaradooda najaasada ah, waxay muujineysaa in aysan wax caddayn
ah u baahnayn waxa uu gumeystaha madoobi la damacsanaayeen shacabka
Soomaaliyeed, iyagoo boqolaal sano ku taamayey in ay mar uun sidaas u galaan.."
ayuu yiri odayga Soomaaliyeed oo xaafadiisii ka qaxay, balse bil ka dib
kulaabtay oo arkay sida ay Itoobiyaanku u galeen aaggagii ay ka baxeen. Waxana
uu intaas ku daray "Falalkaas foosha xun ee ay Xabashida cadownimada dheer ka
dhexeyso Soomaalida ay u geysteen Kutubta Quraanka iyo Masaajida oo ah Beydka
Allah waa wax laga murugoodo oo aan loo dul qaadan karin." Odayga Soomaaliyeed
oo wixii uu xaafadiisii ku soo arkay ka warbixinayey ayaa yiri: "Muddo bil ah
markii aan ka maqnaa xaafaddii aan deganaa kaddib ayaan hadda ku laabtay bal in
aan soo eego gurigaygii, waxaan la kulmay in guryihii xaafaddaas ku yiil ay
Xabashidu ka dhigeen qaar ay bililiqaystaan iyo qaar wixii yaal intii ay qaadi
waayeen ay burburiyeen, wixii kumbuyuutarro iyo aalado kale ah iyo qalab xafiis
ee xaafadadahaas yiil waa rarteen, wixii buugaag ay heli karaan qaarna waa
rarteen qaarna waa jeexjeexeen.." waxana uu intaas ku daray isagoo qiiraysan
"haddii aad arki-lahaydeen sida Itoobiya u gashey xaafadii dadku deganaan jirey
waa yaabi lahaydeen, xitaa masaajidadii bay ku saxaroodeen oo weliba ay isaga
tireen saxarada kutubka Quaanka kariimka." Ciidamada Itoobiya waxay magaalada
Muqdisho galeen December 28, 2006, wixii xilligaas ka dambeeyey waxaa
maalin walba sii kordhayey tacadiyada ay u geysanayeen shacabka Soomaaliyeed iyo
xasuuqa, iyo ihaanada ay ku hayaan Diinta Islaamka iyo hadda oo ay u soo
dhigteen Quraanka Kariimka oo ay u adeegsadeen sidii xaashiyo ay saxarada iskaga
tiraan, taas oo meel ka dhac weyn ku ah Qowmiyadda Soomaaliyeed ee Islaamka ah
iyo Diinta Islaamka. Maqaalada dadweynaha:
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007
Taariikh Kooban: wixii adduunka ka dhacay markii Joornaal ka soo baxa
Denmark aflagaadeeyey Nebi Muxammad (Nabad gelyo iyo naxariista Allah korkiisa
ha ahaatee.)
- 30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa
Denmark (Jyllands-Posten) ayaa
daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
- 20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee
Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul
wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu
baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu
ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
- Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo
Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska
Jyllands-Posten, waxana sheegeen in
Muslimiinta la daan-daansanayo.
- 20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka
ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
- 10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo
lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa
daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa
Rasuulka NNKH.
- 25 Jan 2006: Muftiga
dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu
yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta
inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga
leeyahay Denmark,
- 26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay
safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta
alaabta laga keeno Denmark.
- 30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday
xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay
bixiyaan
- 31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa
bixiyey wax u eg raali gelin
- 1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa
mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo
waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah
France, Germany, Italy iyo Spain .
- 3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu
soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida London UK, Ciraaq,
Pakistan, iyo Indonesia
- 4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani
weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka
Suuriya.
- 5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu
qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee
magaalada Beyruut, Lubnaan. Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha
ee Lubnaan.
- 6 Feb 2006: Ciidamada Booliska
Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku
dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.
-
Sii Akhri
halkan........
- DIFAACA RASUULKA:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |


|