Kitaabka lagu xadgudbay yaa ka masuul ah?
Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com
Scw: waxaan salaamayaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,
waxaan hoog iyo halaag u rajaynayaa ciidamada gumaysiga madow ee
itoobiya ee dalkeena ku soo galay xadgudubka , welina dulmiga ku haya
iyo dilka iyo bar kicinta umadda soomaaliyeed .
Waxaase wax laga naxo ah waxa ay hadda bilaabeen oo ah inay masaajidadii
oo ah guryaha ilaahay ay ku saxaroodeen kitaabkii ama masxafkii kariimka
ahaana ay u isticmaalaan waraaqo ahaan.
Laba nin oo walaalo ah ayaa beri
is waraystay markaasaa mid kii kale weydiiyey war hooyo ka waran ,
markaasuu yiri maxaad hooyo ku ogeyd markaasuu ugu jawaabay indho la,aan
markaasaa kii kale yiri waxay hadda ku darsatay dad cunimo.
Hadda
itoobiyaanku waxay dadkii ay dilaayeen iyo dhibkii ayshacabka ku hayeen
ku darsadeen in ay kitaabkii alle heerkaas gaarsiiyaan.
Hadaba ilaahay
amxaar u qaban maayo denbigaas waayo xabshi waa gaal oo naar waa la
gelin gaalnimaduuna ku mutaystay, laakiin kuwa amxaarka dalka keenay ,
kuwa sababay amaan darada , kuwa dilka iyo dowlad la,aanta , iyo qof
kasta oo masuul ka ah in xaalada soomaaliya ay heerkaas gaarto ayaa
masuuliyadaas wax ku leh.
Waxaan filayaa inaan denbigaas loo qaban karin
qof keli ah ama koox ama beel balse arintani waa arrin uu masuul ka
yahay qof kasta oo soomaali ah oo ka aamusan inuu wax ka yiraahdo ama
wax ka qabto dhibka soomaaliya.
Nabadda iyo amaanka iyo cadaalad daradii
dalkeena oo luntay 17 sano ayaa keentay in dadkeenii heerkaas gaaro ilaa
masaajidkii lagu saxarooday kitaabkiina laga dhigtay waraaqaha godka loo
isticmaalo. in kastoo aan anigu sheekadana ka akhriyey bogga internetka
ee
www.somalitalk.com ayna ka soo xigteen nin soomaaliyeed oo oday ah,
waxaan hubaa in hadiiba aad la yaabtaan oo ay idiinla muuqato inaynan
dhicin ay tahay mid beriba dhici doonta.
Ugu dambeyn waxaan ku soo gunaanadaayaa war soomaaliyeey alle ha loo
noqdo , qabiilka iyo foolxumadiisana ha laga haro, dalka iyo dadkana ha
loo naxariisto, sharafta iyo karaamaduna waxaa soo celin kara oo keli ah
midnimo , walaalnimo iyo inaga oo is jeclaana kana harna sheekada beenta
ah ee ninba nin ku mushquulay, iyo kala qaybsanaanta .
Umadda soomaaliyeed waa inay ogaadaan in meel kasta oo ay kala joogaan
ay walaalo yihiin si kasta oo siyaasadda la isugu khilaafona aan
walaaltinimadii dhamaan aanna la raacin mowjadaha siyaasadda.
Waa in la ogaado in koonfurta iyo woqooyiga dadka joogaa ay yihiin dad
walaalo ah marka laga soo tago herdanka siyaasadda , waa in la ogaado in
puntland iyo somaliland aanay isku haysan dad shacab ah , ayna dadka
dega dhulkaas iyo kuwa koonfurtuba ay yihiin kuwo walaalo ah, xidid ah
is dhalay ayna wadaagaan wax kasta oo dad wadaago.
Walalayaal ha laga soo noqdo wadadan qaldan ee lagu tegey oo ha loo soo
noqdo in la noqdo ummad islaam ah oo alle ku walaaloobay ilaahayna uu
allohooda yahay oo ay caabudaan.
Waana in laga wada damqado kitaabka kariimka ah iyo sida xun ee loola
dhaqmay, ciidamada amxaaraduna waxaa joogitaankooda soo yarayn kara
nabad aan dhexdeena ka dhalino.
Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2007


|