Gaari Ural Ah Oo Ay Saarnaayeen Ciidamada Ethiopia Oo Qarax Loogu
gaystay Agagaarka Ex-wasaaradii Hore Ee Gaashaandhiga .
Qarax aad u xoogan ayaa saaka barqanimadii lala beegsaday gaari nooca Uralka
ah oo ay saarnaayeen ciidamada xukuumada Ethiopia agagaarka xaruntii hore ee
gaashaandhiga ee magaalada muqdisho .
Qaraxan oo lagu qiyaasay nooca miinada dhulka la geliyo ayaa gaystay khasaare
nafeed islamrkaana gaarigii ay ciidamadaasi saarnaayeena u gaystay gubasho
dhinaca dambe ah waloow aan aysan cadayn tirade dhaawaca iyo dhimashada ee soo
gaartay ciidamdaasi sida uu xaqiijiyey goob jooge magaciisa kusoo koobay xuseen
oo ka ag dhowaa deegaankaasi qaraxu ka dhacay ayaa tibaaxay inay indhihiisu
qabteen gaariga uralka oo gubanaya .
Sidoo kale ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa qaraxa kadib isku faafiyey
deegaankaasi xaafadaha ku dhow dhow islamrkaana halkaasi kasoo ururriyey dad
shacab ah oo aan waxba galabsan taasoo aan la ogayn halka iyo meesha ay geeyeen
dadkaasi oo lagu qiyaasay ilaa labaatameeyo ruux.
Badanaaba ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa qaraxayda iyo dagaalada kafool
kafoolka ah ee ay kaga hor yimaadaan kooxaha wax iska caabinta ee diidan
joogitaankooda iyo siyaasada dowlada FKMG u gaysta shacabka aan waxba galabsan
dil ,dhac iyo xabsi iyagoo ku aargoosanaya .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2007


|