Safarkii ugu horeeye ee safiir Soomaaliyeed ku tago Hyderabad
India.
Waxaa magaalada Heyderabad ee dalka India soo gaaray 26 -Dec.
2007 safiiradda Cusub ee dowladda fedeeralka Somalia u soo
magacowday dalka Inda Ebyan Ladane.
Safiiradda waxaa casumay oo ay soo booqatay bulshada Soomaaliyeed
ee ku dhaqan magaalada Hyderabad oo ay ugu horeeyaan aqoonyahanka,
odayaasha, haweenka aradada soomaaliyeed ee hyderabaad iyo gobolada
ku xeeran wax ka barata iyo guud ahaan Soomaalida Hyderabad iyo AP
ku dhaqan.


Sawirada oo weyn halkan ka eeg....
Safiiradda waxaa halkaas loogu sameeyey soo dhawayn aad u weyn oo
aysan u kala harin dhamaan bulshada iyo ardada Soomaaliyeed.
Waxay safiiraddu ka dhagaysatay dadkii kulanka ka qaybgalay
baahiyaha kala duwan ee ay qabaan oo ay ka midyihiin passporarada,
viisooyinka scholarshipyada iyo baahiyaha guud.
Waxay kale oo ay ugu hanbalyeeyeen safiiradda uguna duceeyeen
xilka weyn ee ay umadda u qaaday iyaga, oo aad ugu farxay markay
maqleen calankii Soomaaliyeed oo India laga taagay lana suray
gaarigii safaaradda.


Sawirada oo weyn halkan ka eeg....
Ka dib markay ka dhagaysatay baahiyaha ay qabaan iyo warbixintii
Waxay safiiraddu halkaas ka soo jeedisay hadal dheer oo dhinacyo
badan taabanaya waxayna balanqaaday in ay ka shaqaysiindoonto
safaaraddii Somalia oo aan in muddo ah shaqaynayn. Waxay safiiraddu
halkaas ka muujisay in ay aad ugu faraxsantahay kulanka iyo soo
dhawaynta qiimaha badan leh ee loo sameeyey. “waxaan ahay safiirad
Soomaaliyeed gobol iyo qabiil midna kuma shaqayndoono balse waxaan
ku shaqayn doonaa taladiina iyo rabitaankiina. Waxaa inaga dhexee
saddex waxyaalood oo aan marna kala hari Karin waana dalka, diinta
iyo dowladda. Waxaan balanqaadayaa in aan idiin sameeyo waxkasta oo
karaankayga ah ee aad u baahantihiin”
Waxaa kale oo xafladda telefoon ahaan uga qaybqaatay
Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) isaga oo
u mahadceliyey qaban qaabiyayaashii iyo ka soo qaybgalayaashii
xaflada isla markaasna u hanbalyeeyey Safiiradda Ebyan Ladane.
Wuxuuna yiri isaga oo hadalkiisii sii wata “Ebyan waan aqaan waa qof
karti iyo aqoon leh waxayna idinka caawindoontaa waxyaaba badan oo
aad u baahantihiin idinkuna wixii talo aad ii haysaan ii soo mariya
gacana ku siiya gudashada xilkeeda”


Sawirada oo weyn halkan ka eeg....
Ugu danbayntii waxaa si habsami leh ku soo gabagaboobey xafladii
iyo casho sharaftii safiiradda loo sameeyey, waxaana si weyn isku
marxabeeyey safiiradda iyo ka soo qaybgalayaashii xafladda oo
wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo hididiilo aad u weyn. Waxaa
kale oo safiiraddu kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhamaan qaybaha
kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hyderabad.
Mohammed Abdi Baldho, Hyderabad-India
Baldho12@yahoo.com
+919-989-255-394
Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Dalka
Hindiya oo dhigay Xaflad Aqoon isweydaarsi - Dec 28