PUNTLAND ‘"AABOOW SIDAAN KUGU LISAY MA ‘AADAN IGU HANBAYNIN"
London 28/12/2007
Waxaan doonayaa inaan maqaalkaan kaga hadlo arimo
badan oo aad muhiim ugu ah maamulka Waqooyi Bari ama Puntland & shacabka
Soomaaliyeed ee ku hoos nool.
Sanadu markii ay aheyd 1998
waxaa lagu aasaasey magaalada Garoowe maamul ay si wadajir ah u dhisteen dadka
degaanadaas dagan ee Soomaaliyeed , maamul loo bixiyey Puntland xaruuntiisuna
tahey Garowe.
Shacabka Puntland
Shacabka dagan gobaladaas waa
shacab Soomaaliyeed oo nabad jecel ogolna inay helaan maamul, kuna wada nool si
nabad galyo ah ,lehna nidaam iyo xeerar ay ku wada noolaadaan oo salka ku haya
dhaqankii ummadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa.
Waxaan baryahaan soo ifbaxaya in
gobaladdaas laga soo sheegayo fowdo iyo khalaankhal siyaasadeed oo mug
weyn,kuwaas oo sababay in la afduubo dad ajanabi ah oo howlo shaqo ah ka hayey
deeganadaas.
Dadka adaroosa siyaasada
Soomaaliya ayaa ku tilmaamey arimahaan afduubka ah inay yihiin kuwo ku cusub
deeganada Puntland,marka laga reebo kuwa baddaheena ku qafasha maraakiibta sida
sharci darada ah uga jilaabta loona yaqaan burcad baddeedka Soomaaliya.
Waxaa marag ma doonta ah in
gobaladaan lagu tilmaami jirey hada ka hor meelaha ugu amaanka baden
Soomaaliya,taas oo aan oran karno waxay ku timid fowdadan hada jirta fashil ku
yimid maamulkii 10 sano ka hor lagu unkey magaalada Garoowe ee maamul gobaleedka
Puntland,waayo fowdadan waa mid qorsheysan oo maalinba maalinta ka dambeysa sii
durkeysa hadaan wax laga qabanin.
Maamulka Puntland
Maamul gobaleedka Puntland oo
jira 10 sano hadaan dib u eegno wax qabadkiisa maamul iyo horumarineed, waxaan
oran karnaa waa maamul fashilmey kuna fashilmey inuu wax horumar ah oo la taaban
karo gaarsiiyo dadka iyo deegaankaba.
Waxaa xusid mudan in maamulka
Pumtland uusan waxbo ka qabanin dib u dhiska dalka, waayo hadaan isku barbar
dhigno dowladii hore ee Soomaaliya, waxay gobaladdaan ka hirgalisey mashaariic
la taaban karo oo dadka iyo dalkaba anfacey ,kuwaas oo aan ka xusi karno :
-
Dekkada Bosaaso
-
Airport Gaalkacyo
-
Warshada Korantada Bosaaso
-
Laamiga dheer ee dhaxmara iskuna
xira ilaa xamer iyo hargeysa
-
Isbitaalada ,xafiisyada
doowladda iyo dugsiyada waxbarashada.
-
Mashaariicdaas oo dhan ayaa laga
wada hirgaliyey gobaladda Waqooyi Bari.
Hasayeeshee waxaa cad in
maamulkaan Puntland uu ku fashilmey inuu la yimaado wax qabad dhab ah oo ay ku
kasban karaan dadka deegaanadaas ku nool ee Soomaaliyeed mudadii 10ka sanadood
aheyd ee ay ka talinayeen gobaladdaas.
Shacabka Puntland ee nabada
jecel ayaa ogolaadey ineysan faragalin maamul ku sheega musuqmaasuqa iyo dhaca
kheyraadka dalka ku shaqeeya ee ka arimiya Puntland.
Waxaa nasiib xumo weyn ah in
shacabka qiimaha baden ee ku nool Puntland ineysan helin maamul gaarsiiya
himilooyinkii ay tiigsanayeen.
Ugu dambeyntii waxaan shacabka
Soomaaliyeed ee dagan Puntland ama Waqooyi Bari Soomaaliya leeyahay “xaqaada
waa la goostaa ee ma jirto cid kuu garaneysa’’
Taas oo aan ula jeedo
micnaheeduna yahey inaa taladiina u dhiibataan maamul amaano iyo diinba leh,si
aad uga hor tagtaan qowleysatada xag jirka ku ah:
·
Dhaca hantida iyo kheyraadka dadka iyo dalkaba
·
Iska horkeenida shacabka Soomaaliyeed ee wada dagan hadana walaalaha ah
· U
adeegida danaha shisheeyaha Soomaaliya ka leeyahay sida Ethopia oo cadawgeena ah
· La
dagaalanka dadka waxtarka u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed sida Culumaa’udiinka
ganacsatada ,aqoonyahanka , Siyaasiyiinta iyo dhamaan bulshaweynteena.
Gunaanad waxaa soo dhaw xiligii
ummada Soomaaliyeed ka xoroobi laheyd qowleysatadaan xagjirka ku ah dhaca iyo
boobka dalka ,tusaalena waxaa kugu filan arimahaan
·
Puntland & Somaliland dagaalkooda Laascaanood iyo kordhisashada sharcidarada
maamuladooda.
·
Fashilka iyo jabka ku yimid Ethopia iyo kooxda ay ku adeegato ee Mbagathi
regime
Shacabka Puntland ee nabada
jecel siday maamulkooda u sharfeen ma aysan ugu abaalgudin ayaan maqaalkeygii ku
soo gabagabeeyay,waayo horumarka gobaladaas ka jira ayaa ku timid maalgalinta
shacabka ay ku sameeyeen deeganadooda halka maamul gobaleedka Puntland uu
canshuurta iyo xaalufinta khayraadka dalka ay jeebabkooda ku gurteen.
Waxaa nasiib xumo inaysan ka
dhisin maamulka Puntland hal bulukeeti degaanada ay ka talinayeen 10-ka
sanadood,balse waxay ku fanaan inay horumar gaarsiiyeen.
Ma waxay ku faanayaan guushii
shacabka ay dulmiyeen?
Dhamaad
Soomaaliya Soomaali baa leh
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Somali Political writer
mrsomalia@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007
December
28, 2006 waa maalintii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya cag- dhigeen Xeebta
Muqdisho...
"...nabad,
dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"
sidaas waxaa qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya...
Akhri:
Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Af-Soomaali loo rogey:::
Waa qoraalkii ay soo saartay Itoobiya ka hor intii aan cidamadeedu gelin
Muqdisho, waxaana uu qeexaya ujeedada dhabta ah iyo siyaasada Itoobiya ay ka
leedahay dalka Soomaaliya...
Akhri halkan...
Akhri:
YAA GABLAMI,
YAASE GOOD DILI?
ee Abdullahi
Spanish
Vido:
Dagaalkii 1977/78 ee
Soomaliya iyo Itoobiya
Dhegeyso: Waraysigii
Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Akhri:
Aw Jaamac: Dhimbil
dib u soo noolaysay Halgankii


|