Soomaaliya iyo Qarniga 21-aad: Ma mabda’ Qarannimo
(Nationalism) mise Islaam ayaa lagu Hogaamin karaa?
By: Abdiweli Hassan
abdihass@hotmail.com
Soomaalidu waxay qayb ka ahayd meelihii ugu darnaa ee caalamka
ee lagu fidiyay mabaadii’da kala duwan, iyadoo ay guumaysteen
markii hore waddamo kala duwan oo xambaarsan mabaadii’ kala
duwan sida: Fascim, oo maamulkii Talyaanigu aaminsanaa waqtigii
uu Soomaaliya ka talinayay ka hor Dagaalkii Labaad ee Dunida iyo
kaddib xorriyadii halkaas oo xisbigii Socialism ee Talyaaniga uu
Soomaaliya lugta kula jiray. Sidoo kale, Ingiriiska oo isaguna
guumaystay Soomaaliya, halkaasoo waqtigii guumaysiga ay
Ingiriiska xukumayeen xisbayadii Liberalism iyo Conservatism;
kaddib xoriyaddii Soomaaliyana waxaa awoodda Ingiriiska isku
bad-badalayay Xisbiyada Conservatism iyo Socialism (ama Labour
looga yaqaan Ingiriiska). Sidoo kale, Faransiiska ayaa ka mid
ahaa waddamadii ka qayb qaatay qaybsashadii Soomaaliya,
halkaasoo waqtigii guumaysiga ay awoodda faransiiska hayeen
xisbiyadii Nationalism iyo Socialism.
Ujeedada maqaalkani waxay tahay inaan falanqayno waxa Mabda’a
Qarannimo (Nationalism) yahay, Saamayntiisa qaab fikirkeena iyo
inuu xal u yahay hogaaminta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Erayga Nation wuxuu ka soo jeedaa laatiin waana nasci oo
macihiisu yahay dhalasho. Mabda’ani wuxuu aad u caan baxay
waqtigii kacaankii Faransiiska. Ka hor waqtigaas waxaa caalamka
laysku xulufaysan jiray ama lagu dagaalami jiray qaab Mabda’a ku
dhisan ama boqortooyo ku salaysan. Mabda’a qarannimo waxaa isku
waddan loo aqoonsaday dad isku dhalasho ah. Qarnigii 19-naad
Mabda’ani si dhaqso ah ayuu ugu fiday caalamka, iyadoo isbedel
wayn ku dhacay qariiradii yurub iyo guud ahaan maabka caalamka.
Waxaa dumay maamulladii caalamka ka jiray ee ka dhexeeyay dad
kala dhalasho duwan sida maamulkii Islaamka ee xaruntiisu ahayd
Turkiga, iyo kuwii kale ee laga xukumay Austriya iyo Ruushka.
Qarnigii sagaal iyo tobnaad wuxuu ahaa mid caalamka looga
mashquulsanaa dhisidda Qaran. Mabda’ani wuxuu noqday mid aad u
caan baxa iyadoo la samaystay calamo, astaan qaran, gabayo iyo
qoraalo wadani ah, xusas iyo maalmo fasax ee qarannimo.
Fikraddani waxay abuurtay inuu qaran waliba ka sarreeyo kan
kale, iyadoo arrintan ay caawisay fididii guumaysiga ee intii u
dhaxaysay 1870-naadkii ilaa 1880-naadkii, taasoo dhammaadkii
qarnigii 19-naad ka dhigtay in shucuubta caalamka oo idil ay
hoos yimaadaan awooddii Yurub. Waxay kale oo keentay in la isku
xulufaysto si caalami ah, iyadoo ay ka dhasheen dagaallo
waawayn.
Nidaamkii guumaysiga ee ku salaysnaa qarannimo wuxuu keenay in
dadkii Islaamka ee qaaradaha Afrika iyo Aasiya loo qaybiyo qaab
dhalasho, loona sameeyo xuduudyo lagana qabsaday xagga fikirka
dhaqaale, siyaasad iyo bulsho, iyadoo loo soo gudbiyay
mabaadii’da reer galbeedka ee kor ku xusan ayna ku jirto mabda’a
Qarannimo. Isla mabda’an ayay ku dagaal galeen inta badan
dhaqdhaqaaqyadii xornimodoonka guumaysi-diidka ahaa. Kaddib
1945-kii waxaa ku dhacay maababka iyo qariiradda caalamka, gaar
ahaan Afrika iyo Aasiya isbedel ay sameeyeen Ingiriiska,
Faransiiska, Dhajka (Dutch), Boortuqiiska iyo waddamadii kale ee
wax guumaystay ee Yurub, iyagoo u kala qaybiyay qaab dhalasho,
balse waddamo badan xitaa kuwii isla dhashay u sii qaybiyay
dhawr qaybood, sida Soomaaliya oo shan qaybood loo qaybiyay.
Haddaba, arrimahan qaybinta ee lagu sameeyay caalamkii u badnaa
Muslimiinta waxay keentay in dagaalo ka dhammaan waayaan, sida
Bariga Dhexe, Indiya iyo Pakistaan, Sirilaanka, Soomaaliya iyo
Itoobiya, Balkaniska (Yuguslaafiyadii hore) iwm.
Haddii aan eegno Soomaaliya, Mabda’a Qarannimo waa uu sii
dhimanayaa maadaama mar kale muddo ku dhow 20 sano la isugu iman
waayay in lagu midoobo. Sababtuna waxaa weeye dhalashadii uu ku
salaysnaa ayaa lagu sii kala tagay oo si xun loo sii qaybiyay.
Taasina waxay keentay in waddamadii keenay mabda’an ay maanta
Itoobiya u wakiisheen inay Soomaaliya siday doonto ka yeesho.
Su’aashu waxay tahay haddaba, Ma qaab Qarannimo (Nationalism)
ayaa xorriyad lagu raadiyaa mise qaab Islaam?
Maanta caalamku wuxuu u jihaystay qaab ka sii khatar badan
midkii hore, kaasoo ah Globalization. Waxaa caalamka lagu
maamulayaa qaab caalami ah iyadoo laga doonayo waddan kasta inuu
fuliyo wixii ay soo go’aamiyaan USA, Qaramada Midoobay (UN),
Midowga Europe (EU), Ganacsiga Adduunka (WTO), Lacagta Adduunka
(IMF), Bankiga Adduunka (WB), iyadoo go’aanno yar ay gacanta ugu
jiraan waddan kasta. Xagga Bulshada waxaa wada saameeyay
Internet-ka, Kubbada cagta (Football), Teleefishan Satallite ah,
cuntooyin isku mid ah, iwm. Waa sidii hal Tuulo oo kale.
Waxaa cad haddaba in is xulufaysiga reer galbeedka iyo inta ay
mabda’a wadaagaan ee kale sida Itoobiya ay tahay mid sidii qaab
Tuulo ah oo haddii mid wax la yeelo ay isu gurmanayaan, kuwa
kale ee caalamka Islaamkana lagu hayo qaab-fikirkii hore ee lagu
kala qaybiyay. Saas darteed waxaan ku gababaynayaa in Soomaaliya
nidaamka kaliya ee ay xorriyad ku raadin karto, maamulna ku
samaysan karto uu yahay mid Islaami ah, kaasi oo looga
dambaynayo culimada aqoonta sare iyo Allaah ka cabsiga lagu
yaqaan, hogaamiye-yaasha dhaqan ee toosan, lana raacayo mabda’a
dhexe ee maslaxadda Ummadda.
Sidaas darteed mar haddii ay muuqato halka wadadu tahay waa
qardo-jeex in firqooyin diini ah oo fara badan la isku sii
qaybiyo, qabiilkiina isa sii qaybiyo. Waxaasi oo dhan waxay kala
dhantaal ku yihiin awoodda kooban ee dhaqaale, milateri, iyo
siyaasadeed ee Bulshada Soomaaliyeed.
Gabagabo: Mabaadii’da caalamka ka jira maanta waxaa hogaanka u
haya reer galbeedka, marka laga reebo mabda’a Islaam. Iyadoo
taasi jirto ayaa haddana caalamku wuxuu ku jiraa tartan dhaqaale
oo xooggan, kaasi oo maanta u dhexeeya Reer Galbeedka Iyo
Shiinaha. Goobaha Dhaqaalaha (shidaalka iyo macdanahada kale)
iyo Istiraatijayadda ugu fiican ee maanta labadaas qaybood ku
tartamayaan waa dhulalka caalamka Islaamka ay liiska ugu horeeya
ku jirto Soomaaliya. Haddaba, Labada qaybood ee tartamaya waxay
ku dadaalayaan inaysan si toos ah milateri ahaan isugu dhicin
balse laga kala dhabar dagaalamo dadyowga dhulalkooda la isku
haysto. Waxaa jira waddamo yar-yar oo uga faa’iidaysanaya
fursaddaas in mid ka mid ah labada qaybood ay gacan saar la
yeeshaan si ay u gaaraan damac ay wax badan ku taamayeen sida
Itoobiya oo wakiil uga noqotay Maraykanka inay Soomaaliya
qabsato, Indiya oo qalqaalo ugu jirta in Pakistaan loo wakiisho,
iwm.
Sidaas darteed waxaa hoggaamin kara Soomaaliya hoggaan ka saari
kara dhibaatada jirta, mideeya ummadda, fahamsan waaqica
caalamku marayo, yaqaan sida arrimuhu u kala horreeyaan,
xannaaneeya maatada, ah mid mabda’ hago balse aysan maslaxad
shaqsi, koox iyo qabiil midna hagin, isla markaana ka gudbin
kara caalamkan ay shirkadahu ku tartamayaan.
By: Abdiweli Hassan
abdihass@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan