SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MCTC

Waraysi: Madaxa Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee MCTC, Minneapolis....

Abdullahi Aden, he new president of the Somali Student Association MCTC
C/laahi Maxamed Aadan Madaxa Somali Student Association ee (MCTC)

Waxaa Somalitalk.com usuuragashay inay waraysi layeelato C/laahi Maxamed Aadan oo ah Madaxa Somali Student Association ee ka dhisan Gobolka Minnesota (MCTC). Cabdulahi waa arday ka dhigta culuumta Business Accounting MCTC: Minneapolis Community and Technical College. SSA waa ururka ardayda Soomaaliyeed ee uu leeyahay Iskuulkaas.  

Somalitalk: C/laahi kusoo dhowow Somalitalk. 

C/laahi: Waad Mahad santahay

Somalitalk. C/laahi goormaad bilowday iskuulka MCTC inaad arday ka noqoto?

 C/laahi: Waxaan bilaabay sanada 2003 illaa hadana waan wadaa wallow aan mar mar fasax ka qaatay. 

Somalitalk: Maxaa kugu kalifay inaad noqoto Madaxwaynaha ururka SSA? 

C/laahi: Su’aal wanaagsan weeye, waxaa igu kalifay inaan qabto jagadaan arimo badan oo ay kamid yihiin, baahida ay ardaydu u qabto wax qabad iyo anoo jecel inaan wax uqabto ummadayda, waxaana jecelahay markaan arko wax dayacan inaan buuxiyo, mana aaminsani inaad dib isu dhigto adoo aaminsan inaad wax qaban karto, mana daawan karo iyadoo ummaydu dayacantahay. 

Somalitalk: Goormaad madax u noqotay ururka ardayda? Maxaase lagugu doortay?  

C/laahi: waxaan noqday Madaxa ururka SSA oo la idoortay 05/02/2007 Marka hore marka larabo in qof ladoorto waxaa laga fiiriyaa waxyaabo badan, waxaana jira  sadex arimood oo sabab ka dhiga inuu qofku madax noqdo. Qof wuxuu madax ku noqdaa waxqabad, qofna qoys ahaan ayuu kunoqdaa sida haduu kasoo jeedo qoys madax ahaa iyo madax xaaladu abuurto, sida hadii arin dag dag ah oo aan la filayn timaado oo qof wax maamulo, halka inta kalena ay wali yaabanyihiin. Hadaan dib ugu laabto su’aashaada aniga waxaan iskuulka ka ahaa xubin firfircoon, waxaana xog haye u  ahaa SSA 2004 illaa 2005. Marna waxaan ka mid ahaa gudi Muslim Student Association ay u magacoday arin kusoo korortay horaantii sanadkan Iskuulka taasoo ahayd in Joornaal Iskuulku leeyahay lagu daabaco Sawir gacmeed lagu caynayo Nabi Maxamed csw. Arintaasna aan ka qaatay kaalin taasaana ahayd sababaha ugu wayn ee aan kusoo baxay xiligii doorasha oo aan helay cod farabadan oo gaaraya 102 cod.


Qolka laga dhigay Masjidka cusub ee MCTC

Somalitalk: Maxaad qabatay intaad madaxda u ahayd ururka SSA? 

C/laahi: waxyaabaha aan qabtay lama soo koobi karo, waxaase kamida inaan kusoo kordhiyey iskuulka Masaajid kuyaala dabaqa shanaad, markii hore waxaa lagu tukan jiray masaajid yar oo kuyaala dabaqa sadexaad, kaasoo aad ciriiri u ahaa inta la iska sugayana aradayda qaar galaasyada ka daahi jireen, maadaama raga iyo dumarku aysan isla tukan Karin goobta oo yar daraadeed, marna wiilasha ayaa gali jiray marna gabdhaha, arintaasna ma’ahan midaan kaligay fuliyey waxaa illa suurta galiyey ardayda, aadna waan ugu Mahad celinayaa. Sidoo kale waxaan qabtay 7/20/2007 Shir aan ugu magac daray (Noloshii iyo Taariikhdii wanaagsayd ee Aadan C/lle Cismaan) oo ay kasoo qaybgaleen dadcaan ah oo dagan Gobolkaan Minnesota sida; Raysal wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen, Taliyiihii hore ee ciidanka Police-ka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Abshir Muuse, Pro. Axmed Siciid Samatar iyo dadkale oo aad loo xushmeeyo.


Kulankii lagu qabtay MCTC ee kusaabsana Noloshii iyo Taariikhdii wanaagsayd ee Aadan C/lle Cismaan

Somalitalk: Arintan kusaabsan in Nabi Maxamed la caayi rabay yaa qorayey? Maxaase looga danlahaa?. 


Phil Davis
MCTC Minneapolis Community and Technical College
.

C/laahi: Een wiil dhalinyara ah oo aan diin haysan ayaa waxa uu damcay inuu qoro sawir gacmeed cay ah oo Nabi Maxamed scw kusaabsan, wuuna qoray wuxuuna u gudbiyey website iskuulku leeyahay, qaybtiisa joornaalka oo kasoo baxa iskuulka, iskuulkastana wuxuu leeyahay city webpage wax la dhaho,  keenana waxaa la dhahaa CityCollegeNews.com. Markuu dhameeyey wuxuu u geeyey qaybta qaabilsan tifatiraha joornaalka si loo daabaco, markay arkeena waxay dhaheen arintaa waxay abuuri kartaa xiisad, waxaana noo yidmid qofkamida tifatirayaasha oo arintii nala socodsiiyey. Markaan ogaaday arintii markiiba waxaan e-mail u qoray Madaxwaynahay Iskuula Phil Davis  lana socodsiiyey arinta kana codsaday inuu il gooni ah ku eego arintaan oo aan ahayn mid sahlan. Arintii waxaa loo qaban qaabiyey shir ay kasoo qayb galeen ardayda Muslimiinta ee iskuulka dhigata, Ninkii qoray iyo tifatirayaashii daabici lahaa iyo Madaxwaynihii iskuulka iyo shaqaalihiisii qaar kamida. Meeshaas waxaa ka dhacday dood culus oo aad u kululayd kuna saabasanayd madaabici kartaan iyo waan daabacaynaa waxaan xaq u leenahay inaad cabiro dareenkeena, sidaana waxaa dhigaya sharciga maraykanka (freedom of expression and speech) ardaydiina waxay yiraahdeen hadii la daabaco iskuulka waan ka baxaynaa. 

Howshii meeshaas uga harin gudi ayaa la sameeyey, gudigii ayaa la igu daray la igana codsaday inaan soo diyaariyo ajandihii, kadib iyagaa shiray (tifatirayaashii Joornaalka iyo shaqaalihii website-ka ) markay isku mari waayeen hala daabaco iyo yaan ladaabicin cod ayey qaadeen, codkiina waa is leekaadeen, kadibna Madaxa tifa tirayaasha ayaa go’aamiyey in la daabaco. Arintaas waxaa diiday kala bar kamida gudiga tifatirayaasha iyo shaqaalihii website-ka oo ku dhawaaqay inay is casilayaan hadii la daabaco. Anaga dhinaceena ayaan ka dadaalaynay iskuulkana tusaynay khasaaraha soo food saari doonta haday falaan arintaas. Kadibna qoraalkii halkaas ayaa lagu joojiyey, iskuulkana waan uga Mahad celinay dadaalkaas ay nala galeen, sigaara waxaan waraaq ugu qoray website kii arintaas qori lahaa. 

Somalitalk: Ardayda Soomaalida ah ee dhigata MCTC intee lagu qiyaasaa tiradooda?. 

C/laahi: Waxaa lagu qiyaasaa ardayda Soomaalida 250-350 ardayda Muslimiinta oo dhan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 500 oo arday. 

Somalitalk: Maxaa hada ku tala jirtaa inaad qabato? 

C/laahi: Waxyaabo badan ayaa madaxayga kujira waxaase ka xusi karaa laba arimood; hada waxaa lagalayaa fasax, marka lasoo noqdo waxaan kutala jiraa inaan sameeyo meel dadka waxbarasha kujira noocay rabtoba ha ahaatee ay doodaha iyo fikradaha isku dhaafsan karaan, khaasatan waxyaabaha ardayda khuseeya. Sidoo kale Iskuulka ayaa wuxuu ka shaqaynayaa inuu ardayda Muslimiinta u sameeyo meelay ku waysaystaan, Madaxwaynaha Iskuulka Phil Davis ayaa iga codsaday inaan ka caawisyo survey laga qaadayo ardayda Muslimiinta ah oo ku aadan sida ay ugu baahan yihiin goobta waysada. Survey-diina waan dhamaynay waxaana iska kaashaday MSA iyo SSA waxaana soo buuxiyey 374 arday. Jimcihii lasoo dhaafay 12/14/07  ayaan Madaxwaynaha Iskuulka u gaynay survey-gii kadibna waxaan kormeer kumaray meelaha ugu haboon ee laga samayn karo waysada, wuxuuna noo sheegay inuu u gudbin doono Broad of Trustee iyo madaxdiisa inay howshii waysta isaga kasoo dhamaatay kadibna uu war kusoo celindoono. Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxwaynaha Iskuulku inay lasoo xariireen Iskuulo kale oo gobolka kuyaala Madaxdooda kana codsadeen inuu la wadaago sida uu u samaynayo goobta waysada, tasoo madaxwaynuhu sheegay inay dhiira galin u noqotay. Arintaas haday hirgasho oo  noqonaysa iskuulkii ugu horeeyey ee Minneapolis oo arintaas sameeya. Waxaa kaloo xusim mudan in Madaxwaynaha Iskuulka arintaan goobta waysada oo uu samaynayo uu ku weeraystay Joornaal afdheer oo kasoo baxa Minnesota (Star tribune) kana qoray dhow maqaal oo lid ku ah arintaas [Akhri: Shariah in Minnesota? - Startibune March 27, 2007] . Kadibna Madaxwaynuhu gaashaanka ku dhuftay wuxuuna sheegayna inuu daboolayo baahi jirta oo ardaydiisu qabto haday noqon lahayd dhinaca Safety-ga iyo caafimaadka ama saxmada ardayda Muslimiinta ah oo markay waysaysanayaan aan fursad siinayn ardayda kale taasoo kaliftay inay ardayda kale cabasho kamuujiyaan, ee uusan ka eegayn dhinaca diinta ee Joornaalku arkay.

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo Kafeeteriyada, halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.. GUJI...

Somalitalk: Ugu danbayntii C/laahi Maxaad ku dooratay Iskuulkan? Maxaadse kula talin lahayd ardayda doonaya inay aadaan College? 

C/laahi: Waxaan ku doortay Iskuulkan dhowr arimood, marka hore waa iskuul ay kabadan yihiin 50% dadka qoxootiga kuyimid Maraykan aadna maqlayso 40 luuqadood in kabadan maalintii, taasoo kaa caawinaysa inaadan dareemin qalo. Arinta labaad wuxuu kuyaalaa Downtown Minneapolis oo waxaa sahlan sida aad ku gaari karto, sidoo kale waxaan aamin sanahay inuu yahay Iskuulka ugu horeeya xaga barasha luuqada ingiriiska ee gobolkan. Intaana waxaa kuu dheer hada inaad ka helayso meel aad ku tukato, meel waysana la rajaynayo. Waxaan kula talin lahaa ardayda rabta inay dadaalaan inay kabilaabaan MCTC. Ugu danbayntii waxaan rabaa inaan fursadaan ugu Mahad celiyo kuxigaynkayga Faysal, Ibrahim Galoney, Madaxa MSA Al-Xaq, Madaxa Iskuulka Phil Davis iyo Somalitalk oo fursadaan qaaliga ah isiisay, waad mahadsantihii dhamaantiin.

Waraysigaas waxaa idiin Somalitalk Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com