SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
May 3, 125

Cadowgu muhimadiisii waa gutaye annagu teenii ma gudanay? 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim. 

Maqaalo hore aan halkan ugu faafiyay ayaan kaga hadlay qaabka  Rijiimka cadowga itoobiya Soomaaliya la damacsanyahay iyo in aan u guntano sidii aan isaga xorayn lahayn sida rag kale oo boggan wax ku qoraahi ay sidaasoo kale uga hadleen. Hadaba marka la fiiriyo baaxada dhibka ay u gaysteen ciidamadda cadowga itoobiya dadka iyo dalka Soomaaliya mudadadii ay joogeen ciideena oo halsano jirsatay dhibkaas oo aan  ka dhicin aduunka  wixii ka danbeeyay dagaalwaynihii labaad ee aduunka marka laga reebo dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay Bosnia-Herzegovina ayaa qofka waxaa ku adkaanaya  inuu rumaysto in ay jiraan dad soomaali ah oo gumaysiga uqiildayaya dabcan kama hadlayo kuwa heeryo qaadyada ah ee la shaqaynaya ciidamada cadowga ee waxaan u jeedaa qaybaha kala duwan ee dadwaynaha soomaaliyeed gudaha iyo dibadda jooga. 

Dadka wali ku doodaya ciidamadda itoobiya dowladda ayay la shaqaynayaan ma dhagaha iyo indhaha iyo afka ayay beeleen oo caqligii ayaa ka tagay, ma iimaankii iyo islaamnimadii ayaa ka madoobaaday mase qabiil ayaa indhatiray oo qalbigii ayaa ka qunfulmay, ilaahay ayaan ka magan galnay in aan niraahno itoobiya waa na caawinaysaa  iyadoo gaaladii leeyihiin danbiyo dagaal oo dhan ka ah xuquuqda aadanaha ayaa ka dhacaya Soomaaliya , iyadoo Hal milyan oo Soomaali ah ay ka qaxeen caasimadii Muqdisho iyadoo Xamar ciidamadda cadowga itoobiya si aan kala sooc lahayn ugu garaacayaan madaafiicda goobta, iyadoo dhimashada iyo dhaawaca ay tiro beeleen, qofkii ka damqan waaya oo ka hadli waaya hadiiba uu ka dagaalami waayo ha ogaado inuu soo galayo xadiiskii Nabi Muxammad (NNKH) uu yiri “Qofkaan arrimaha muslimiintu aanay saamaynin nagama mid aha” hade qofkii ku farxa dhibaatada muslimiinta ha ogaado  in kooxda uu jecelyahay qiyaamaha lala soo bixin doono waaba hadii uu ogyahay in lasoo bixin doono qiyaamaha oo la xisaabin doono.

Cadowga ummadda Soomaaliyeed ujeedooyinkii uu lahaa gudashdeeda ayuu ku dhex jiraa waa gumaadka  indheer garadka si loo waayo wax u hadla dadka Soomaaliyeed, qaxinta iyo bara kicinta bulshada  soomaaliyeed gaar ahaan bulshada degan caasimada Muqdisho oo ah astaanta jiritaanka Soomaaliya si ay u suuro gasho xoog ku haysiga gumaysigu dalkeena, tabtaas oo cadowgu ka bartay Yuhuuda markii ay gumaadeen shacabka reer Falastiin kadibna  markii ay ka qaxeen dhulkoodii degeen guryahoodii taasoo dhibaatadii ka dhalatay wali taagantahay. Maalin  dhowayd ayaa waxaan ka aqriyay mid ka mid ah website-yada Soomaaliga wax ku qora nin soomaali ah oo ku nool qurbaha oo rabay inuu la xiriiro ahalkiisa oo ku noolaa Muqdisho, kadibna taleefankii waxaa ka qabtay askari itoobiyaan ah oo u sheegay halkan inay ayagu daganyihiin , kadibna dariskii markuu waydiiyay waxaa loo sheegay in xaafadii reerkiisu daganaayeen ciidamo itoobiyaan ahi dageen!!, ogaaw ma aha arinku hub la raadinayo ama muqaawamo lala dagaalamayo , nimanku guryo ay dagaan ayay rabaan , sida uu ii sheegay qof aad ula socda dhaqdhaqaaqa ciidamada cadowga waxaa jira ciidamada itoobiyaanku inay bilaabeen inay keensadaan xaasaskooda meelaha qaarkood, hadaba yaa og caruurtoodiina inay dhexda kusoo jiraan!!. 

Cadowga Soomaaliya maanta xooga ku haysta intaas aan soo sheegay iyo waxyaabo kasii xun ayuu nala damacsanyahay, waadna aragtaan Soomaaliya in gaaladu maanta ay isu bahaysatay sidii godka loola ekayn lahaa, hadaba su'aashu waxaa weeye annagu hadaan nahay dadkii soomaaliyeed ee la beegsanayay ma kasoo baxnay waajibaadkeenii?. waxaa xaqiiq ah in raga muqaawamada ee la dagaalamaya ciidamada Itoobiya ay gudanayaan waajibkoodii mar hadii ay naftooda u hurayaan dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale waxaa jira dad aad ugu hawlan sidii ay u caawin lahaayeen raggaas dagaalamaya iyaguna waxay gudanayaan waajibkoodii qayb kamid ah inkasta oo ayna lamid ahayn raga naftooda huraya, waxay ila tahay inaan ku ducaysano ilaahoow labadaas qaybood nagu dar oo  hanaga dhigin kuwa yiraahda isha ka fiirso oo iska sug waayo arrintu waxay taagantahay in askari Tigree ahi inta gumaado dadkaaga si nabada isaga dego guryahaaga. Waxay ila tahay in aysan jirin wax lakala doorto kaliya waa in lala Jihaado cadowga dalka qabsaday lagana xoreeyo ciideena hooyo . 

Waxaa cajiib ah in dhowaantan Ato Meles Zenewi asagoo qiranaya dhibaatada ciidamadiisa ku haysata Soomaaliya hadana uu yiraaho qaab aan uga soo baxno soomaaliya ma naqaan ee waan sii joogaynaa!, taasoo naxasuusinaysa xikmadii ahayd in wixii xoog lagu qaato ay tahay in xoog la isticmaalo si loosoo ceshado oo aan baryo lagu helayn, markii arrinku xornimada iyo karaamada dadkaaga taagantahayna ka hadalba malahan, waxaana xaqiiqo ah  in nidaamka itoobiya si aan warwareeg lahayn ula bixi doono ciidamadiisa markii geesiyaasha soomaaliyeed u diidaan inuu ku ledo ciideena taasoo aan dheerayn ilaahay idanki, bal xasuuso suugaantii ay ku luuqayn jireen hobolada soomaaliyeed: “Gobanimadu waa geed harwayn oo kubaxa dhiiga geesiga’e”. Waxaa xaqiiqo ah  in soomaalidu ay hal qoys tahay khilaafkooduna mar uun waa dhamaanayaa laakiin waxa aan dhamaanayn hadii uu xididaysto waa gumaysiga waxaana nagu waajiba inaan ka takhalusno intaanu xididaysan. 

Qore: Jimcaale Rooble (jimcaalerooble@hotmail.com)  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2007


caddeDheegyso: Col. Nuur Cadde oo Shaaca Ka Qaaday in uu Dib u Soo Dhisidoono Xukuumad Cusub oo aad uga tiro yar tii hore... Waxa kale oo uu sheegay in kala-bar xukuumada cusub uu ka keeni doono baarlamaanka bannaankiisa Guji

cabdullaahiWaraysi: Madaxa Ururka Ardayda Soomaalida ee Minneapolis MCTC: C/laahi Maxamed Aadan ayaa faahfaahin ka bixinaya arrimo muhiim ah oo ay ka wadaan MCTC.. Waraysiga SomaliTalk.

aloorePuntland oo Loo Sameeyey Wasaarad Cusub ee Batroolka iyo Macdanta oo Aan Lahayn Wasiir-ku-xigeen... Akhri...

Gen CaddeGen. Cadde Muuse oo Isku Shaandheeyey Golihiisii Wasiirada
Wasiirada la bedeley waxaa ka mid ah wasiirkii is casiley ee kalluumaysiga, waxaana jagadoodii waayey Cali Cabdi Awaare iyo... Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.