SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Xildhibaan Maxmuud Sayid Aadaan "ilaa Xukuumada cusub Baarlamaanku Ansixiyo, waxaa sii shaqeynaya Xukuumadii hore, sida uu sharcigu qabo"

Maxamuud Sayid AadanWasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Xidhibaan Max'uud Sayid Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Gedo qoraal aan ka helney, islamarkaana uu Wargelinayo Ra’iisulwasaaraha XFKMG ee Soomaaliya, Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Sade, Hay'adaha UNOPS /UNDP Somalia, UN Security Somalia, Maamulka Gobolka Gedo, Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga Qaranka, Xildhibaanada ka soo jeeda G/Gedo ee DFKMG, Madaxweynaha DFKMG ee J. Soomaaliya, ayaa wuxuu qoraalkiisa ku sheegay sidan

" habkii maamul u samaynta Gobolka Gedo ee in mudo ah lagu hawlanaa uu fashilmay 9/12/007, kadib markii ay isku dayeen kooxo jooga Degmada Gerbahaaray xaalad abuuri karta qas iyo iska hor imaad taas oo ay ka soo horjeedeen dhamaan Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Culmaa’udiinka, iyo Xildhibaanada Beesha ee kasoo jeeda Gobolka Gedo, Hasa yeeshee ay ku dhaqaaqeen kooxo dano kala gedisan leh ku waas oo gebi ahaanba kaleexdeen dhamaan wixii nidaam iyo shuruuc ahaa ee loo dajiyey in lagu maamulo habka maamul usameynta Gobalada iyo Degmooyinka Dalka ku waas oo ay dejisay Dowlada FKMG Somaliya ayna fulinteeda lahayd Wasaarada Arimaha Gudaha oo ay taageerayaan Hay’adaha UNka ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan".

Xildhibaanku wuxuu keloo qoraalkiisa ku xusay " in dhaqaalihii ay deeq bixiyaasha caalamka ugu talagaleen uguna deeqeen dib uheeshiisiinta iyo dhismo maamulo dadku ay ku qanacsan yihiin in ay soo doortaan, in loo adeegsaday si kaleexsan sidii loogu tala galay oo ah , islamarkaana uu ku tilmaamey in ay sameeyeen, Eex dadka dhaxdiisa ah, Kala faquuqid dadka dhexdiisa, Musuqmaasuq, Iyo kaqeybgalin la’aan talada dhamaan inta ay quseyso".

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan

Xildhibaanku waxaa uu ku eedeeyey in ay sameeyeen wakiilada Wasaarada Arimaha Gudaha ee ku sugan Garbahaaray iyo xubnaha Hay’adaha UNka, taasoo fursad usiisey kooxaha xagjirayaasha ah in ay hormuud u noqdaan gacan ku haynta Gobalka, Sidaas owgeed kaleexashada dhamaan nidaamyadaas aan kor kusoo sheegay ayaa keentay in uu Gobalka Gedo galo qas iyo dhibaatooyin bulshad dhaxdeeda ah, waxaa gebi ahaanba fashilmay dhismihii maamulka G/Gedo mana jiraan wax loo aqoonsaday wax dhisan oo lagu heshiiyey , waxaana loo baahanyahay in dib loo habeeyo qaabdhimeedkii Gobalka islamarkaana ay maamulka ay sii wadaan maamulkii uu horay Madaxweynaha u magacaabay .

Mar aan weydiiyey in arintaan ay tahay mid Beel islamarkaana uu isagu la safankaro Beel ka mid ah Beelaha Gobolka ayaa wuxuu yiri "waxaan ku kala badbaadinayaa, isku dhaca dadka wada degan dhexdooda, iyadaana nagu khasabtey inaanu cadeyno xaalada sidey tahay".

Sidoo kale mar aan weydiiyey xilka aad sheeganayso in uu khalad yahay sow ma ogid ayaa wuxuu ku jawaabey "ilaa Xukuumada cusub Baarlamaanku Ansixiyo, waxaa sii shaqeynaya Xukuumadii hore, sida uu sharcigu qabo"

Hay’adda CRD oo koorso lix bilood u qabaneysa suxufiyiinta Soomaalida ee…

Siminaar ay si wada jir isaga kaashadeen Hay’adaha CRD IYO UNPOS oo ujeedadiisu tahay kor u qaadida aqoonta Saxaafada, si ay uga qayb qaataan dhisida Nabada iyo wacyigelinta shacabka oo socdey mudo 4 maalmood, islamarkaana ay ka faa’iideysanayeen, Wakiilada kala duwan ee qaybaha warbaahinta dalka iyo dibada oo tiradoodu gaareysay ilaa iyo 30 xubnood, ayna wax ka dhigayeen laba Haween ka kala socotey Wakiilka xoghayaha guud Xafiiskiisa siyaasada arimaha Soomaaliya iyo xubin kale oo ka socotey dalka Mareykanka ayaa lagu soo gebagebeeyey 9/12/2007-da.

Xiritaankii siminaarkan ayaa waxaa ka Hadley mas’uulka Hay’ada CRD ee Gobolada Baay iyo Bakool Yuusuf Baadiyow, waxaa uuna kula dardaarmay xubnihii siminaarka ka faa’iideysanayey “in waxyaabaha ay ku qaateen siminaarka ay si dhab ah u dhaqan geliyaan, islamarkaana ay noqoto waxa ay halkaan ka qaateen mid hore looga sii socdo waxyaabihii hore ee laga soo gudbey”.

Yuusuf Baadiyow
Yuusuf Baadiyow

Yuusuf Baadiyow mar aan weydiiyey cida soo qaban qaabisay siminaarka iyo ujeedadiisa ayaa wuxuu yiri “Ujeedada siminaarka wuxuu ahaa in kor loo qaado wacyiga Saxaafada, si ay uga qayb qaataan dhisida nabada iyo wacyigelinta shacabka ayay ahayd, sanadka cusub waxaan bilaabidoonaa Koorsooyin saxaafadeed oo socondoona ugu yaraan mudo {3} Bilood ugu badnaan ilaa iyo mudo {6} Bilood”.

Waa markii ugu horeysay oo ay Hay’ada CRD ay siminaar noocaan oo kale oo ay ku qabato Bahda warfidiyeenada Soomaaliya eek u sugan Magaalada Baydhabo.

Intii uu socdey siminaarka ayaa waxaa lagu soo bandhigey dodo kala duwan iyo Filim ka tarjumaayey arimaha dhaqanka, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, siyaasada iyo qaybo kala duwan oo muujinaayey taariikhihii Gumeysteyaashii dalka Soomaaliya soo marey, taasoo is bar bar dhig lagu sameynayey xiliga la duiubey filimka sida lagu sheegey oo ahayd 1982-dii, taasoo aragtiyo kala duwan lagu muujiyey gunaanadkii Filimka daawashadiisa.

Hase ahaatee marka la eego ka soo qaybgalayaasha siminaarka ayaa waxay isugu jireen Wariyayaal, Kaamiro maano, ka socdey Hay’adda nabadsugida DFKMG iyo kuwo kale oo goobjoogayaal ah.

Dhinaca kale waxaa Magaalada Baydhabo maalmahaan ka dhacaayey shaqaaqooyinka isugu jira Qaraxyo, Toogashooyin ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo ifafaale muujinaya degenaansho la’aan arimaha amaanka iyo is casilaad qaar ka mid ah mas’uuliyiin Deegaanka miisaan ku leh.

Arimahaan Qaraxyada ah iyo Toogashooyinka ayaa waxaa ka Hadley Taliyaha ciidamada Booliika Gobolka Baay Gen. Ibraahim Xaashi Gaaboow, mar uu la hadlaayey warfidiyeenada Gudaha iyo dibada waxaa uu sheegey “in lagu raad joogo kuwii geystey faldembeyeedyadaas, halka kuwo kale uu sheegey in gacanta lagu soo dhigey mid ka mid ah qaraxyadii ugu horeeyey ee ka dhacay Shineemo Weheliye oo ku taal meel ku dhow Taliska ciidamada Booliiska iyo inta u dhexeysa Buurdada Isha Baay.

Mar aan soo booqdey Suuqa Xoolaha iyo Suuqa weyn ee Bagaashka iyo dharka ayaa waxaan ku soo arkey waxyaabo kala duwan.

Xoolaha Suuqa la keeno ayaa waxaa ka muuqdey intooda badan diifta Abaarihii soo marey, gaar ahaan Geela iyo lo’ada.

Sidoo kale Suuqaweyn ee Bagaashka lagu iibiyo ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa iiga muuqdey mid si xawli ah ay u socdaan Ganacsigiisa guud , balse waxaa jira dhibaato haysata Haweenka Caanaha keena, waxayna fariistaan meel Qorax ah oo aan lahayn meel ay ku gabadaan kulaylka daran ee dhacaaya maalintii inta ay joogaan magaalada, waxaa kale oo jira goobe hore loo bur buriyey oo dib loogu noqdey, islamarkaana ay ku socoto qaarkood dhisme.

Dadka Magaalada Baydhabo ayaa waxay is weydiinayaan xanuunka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Dhismaha Xukuumada cusub oo qaybo ka tirsanaa ay is casileen halka ay ku dambeeyaan, taasoo ay ka bixinayaan dareeno kala duwan.

Dareenada kala duwan ee ay bixinayaan ayaa waxaa ka mid ah hadii uu sii cuslaado xanuunka Madaxweynaha sida ay noqondoonto arimaha siyaasada Soomaaliya, waxayna leeyihiin qaarkood ma jiraan wax dhibaato ah oo imaanaya, waayo waxaa dhisan Baarlamaankii DFKMG iyo mas’uuliyiintiisa kala duwan, halka kuwo kale ay leeyihiin waxaa dhacaya wax ka daran kala qaybsanaanta hada jirta, waayo waxaa imaanaya in lagu tartamo qabashada xilka ugu sareeya dalka.

Halka dhismaha Xukuumada cusub ay ku sheegayaan in uusan ahayn markii horeba dhisme sax ah, waayo hadii dhismahaan cusub uu yahay mid sax ah ma imaadeen waxa hada dhacaya, halka kuwo kale oo la dhacsan qaab dhismeedkan Xukuumada ay ku adkeysanayaan in dhismahaan cusub uu yahay mid sax ah, sababtoo ah Xukuumada waxaa ku jira xubno muhiim ah oo hore u soo shaqeeyey iyo kuwo cusub, laakiin xeel dheerayaasha arimaha siyaasada Soomaaliya waxay Carabka ku adkeynayaan, in dhismahaan uu yahay mid ay keentey dano kala duwan, waxayna leeyihiin waxaa la doonayey in Qorsho hawleedka Xukuumada cusub lagu ansixiyo oo kali ah, si looga gudbo cabadaha dhinaca Baarlamaanka uga imaanaya, kadibna mustaqbalka inta badan Wasiiradda ka tirsan Baarlamaanka loo xiiro Timaha, halka kuwo kale ay leeyihiin Ra’iisul Wazsaaraha dan baa badey inuu sidaan noqdo dhismaha Golihiisa Wasiiradda, waayo Aqoonyahanadii Beelaha Soomaaliyeed intooda badan ayaa ka cudurdaartey qabashada xilka Xukuumada cusub.

Dhamaan arimahaan dhacaaya waxay muujinayaan ifafaale degenaansho la’aan iyo duufaano careysan oo ku soo wajahan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, laakiin la arkidoonee halka ay ku dambeyndoonaan arimahaan dhacaaya.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com