SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Ref: WAG/XWD/……../07   Date: 10/12/07                                               
  • Ku: Ra’iisulwasaaraha XFKMG ee Soomaaliya
  • OG: Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Sade
  • OG: UNOPS /UNDP Somalia
  • OG: UN Security Somalia
  • OG: Maamulka G/Gedo
  • OG: Wasaarada Arimaha Gudaha
  • OG: Wasaaradda Amniga  Qaranka
  • OG: Xildhibaanada ka soo jeeda G/Gedo ee DFKMG.
  • OG: Madaxweynaha DFKMG ee J. Soomaaliya. 

Ujeedo:Wargelin  

Waxaan dhamaan  Xafiisyada sharafta leh ee warqadaani ku socoto iyo kuwa ogeysiinta ku lehba ku wergelinaynaa in habkii maamul u samaynta G/Gedo ee in mudo ah dhaqdhaqaaqiisu socday wuu fashilmay 9/12/007, kadib markii ay isku dayeen kooxo jooga degmada Gerbahaaray xaalad abuuri karta qas iyo        iska hor imaad taas oo ay mudo dheer diidanaayeen  dhamaan Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Culmaa’udiinka, iyo Xildhibaanada Beesha ee kasoo jeeda G/Gedo

Hasa yeeshee ay ku dhaqaaqeen kooxo dano kala gedisan leh ku waas oo gebi ahaanba kaleexdeen dhamaan wixii nidaam iyo shuruuc ahaa ee loo dajiyey in lagu maamulo habka maamul usameynta Gobalada iyo Degmooyinka Dalka ku waas oo ay dejisay Dowlada FKMG Somaliya ayna fulinteeda lahayd Wasaarada Arimaha Gudaha oo ay taageerayaan Hay’adaha UNka. 

Nidaamkaas oo kala lahaa sedax weji  ama hab oo loo kala hormarinayo ku waasoo kala ah :

  1. Wajiga 1aad, xulashada Gudiyaasha qabanqaabada ee Degmooyinka.
  2. Wajiga 2aad, shirarkii Degmooyinka ee dib uheeshiisiinta ee boqaleyda saamileyda ah.
  3. Wajiga 3aad, xulashada xubnaha counsilada Degmada oo ay soo saxiixayaan xubintiiba sedax odey dhaqameedkiisa  oo caan ah.

    Sidaa owgeed , kaleexashada dhamaan nidaamyadaas aan kor kusoo sheegnay ayaa keentay in uu Gobalka Gedo galo qas iyo dhibaatooyin bulshad dhaxdeeda ah .  

    Waxaa nasiib daro ah in dhaqaalihii ay deeq bixiyaasha caalamka ugu talagaleen uguna deeqeen dib uheeshiisiinta iyo dhismo maamulo ay dadka soo doorteen oo lagu qanacsanyahay , in loo adeegsaday si kaleexsan sidii loogu tala galay oo ah : 

    1. Eex dadka dhaxdiisa ah
    2. Kala faquuqid dadka ah
    3. Musuqmaasuq
    4. Iyo kaqeybgalin la’aan talada dhamaan inta ay quseyso .

    Oo ay sameeyeen wakiilada Wasaarada Arimaha Gudaha eek u sugan Garbahaaray iyo xubnaha hay’adaha UNka  . taasoo fursad usiisey kooxaha xagjirayaasha ah in ay hormuud u noqdaan gacan ku haynta Gobalka . 

    Sidaa owgeed , waxaa gebi ahaanba fashilmay dhismihii maamulka G/Gedo mana jiraan  wax loo aqoonsaday wax dhisan oo lagu heshiiyey , waxaana loo baahanyahay in dib loo habeeyo qaabdhimeedkii Gobalka islamarkaana ay maamulka ay sii wadaan maamulkii uu horay Madaxweynaha u magacaabay . 

    Wabilaahi toowfiiq. 
     

    Mudane, Maxamuud Sayid Aadan

    Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha 

Contact:tel:+2521-5905966/+2521-5567659/+2520-990032/

E-mail: xuse114@hotmail.com 


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com