SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhda Colaadeed ee soo jireen-ka ah ee Somalia iyo Ethiopia - Qaybtii 2aad.

Sida aan ku soo xusnay qoromadeenii hore loolankii u dhaxeeyay labadii quwadood oo ay kala matalaan dowladii somaliyeed ee zaylac iyo boqortooyadii xabashida (amhaara iyo tigree), wuxuu ku bilowday isku dhac diineed, taas oo keentay in uu noqdo dagaal balaaran oo dhinacya badan taabanaya.

Hadaba isku dhacyadaa waxaa sababay arima badan oo ay kamid tahay kala duwnaashiyihii xadaarada iyo diinta, maxa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa geeska Africa iyo dhulkii laga xukumi jiray zaylac, waxay ahayeen dad haysta ilbaxnimo islaami ah oo ku dhisan cadaalad, sinaan, xuriyad iyo dhaqama aad u wanaagsan, halka ay ahayeen dadkii ku hoos jiray boqortooyadii xabashida, dad cawaan ah oo dulman, oo kujiray adoonsi, waxay sheegaan dadka wax ka qoro taariikhda Africa, in adoonta ugu badan ee lagu kala iibsanjiray suuqyadii caalaamka wixii ka horeeyay qarnigii 7aad ay ahaayeen dadkii hoos imaanjiray xukunkii boqortooyada xabashida. hadaba qoromadan waxaan uga hadli doona isbarbardhig labadii xadaradood iyo wixii laga qoray.

Isbarbardhigidii heererkii ilbaxnimo ee dowladii Islamic ee Zayla iyo boqortooyadii xabashida

Mudo aad u fog ayay Xamiitiggi Geeska Africa (Somali, Oromo, Sidaamo iyo Cafar) iyo xeebaha Afrikada Bari xiriir ganacsi la lahayeen khooriga Persia, Koofurta dalka Carbeed, India, Indonesia iyo Chine oo raadreebya badan laga helay.

Inbu batuuta oo sahan ku maray zaylac sanadki "1331’ miilaadiga, kitaabiisa "Alcajaaib al-asfaar"ku sheegay "Waa magaalo madaxda barbariga (Somali) oo dadka Dagan ay Muslim yihiin, xoolohooduna yihiin geel iyo ari waana magaalo saylad balaaran leh oo qiima leh" sidoo kale wuxuu socodkiisaa ku tagay muqdisho isagoo la kulmay boqorkii saldanadii muqdisho Abu shawaar Sheikh Abuubakar Cumar Hiloowle,isgoo ku sheegay dadkii daganaa halkaas dad ilbax ah xadaarad wanaagsana leh,wuxuuna sultankii ku tilmaamay in uu ahaa imam caadil ah dadkiisuna ay aad u jecelyihiin.

Hadii aan ku samayno isbarbardhig labadii xadaaradood waxa inoo cadaanaya in ay ahaayeenn kaaf iyo kala dheeri, maxaa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa Zaylac iyo dhamamn geeska Africa waxay ahayd noloshoodu mid aad u sareysa,hadii ay ahaan lahayd xaga Handasada sidii ay u dhisan jireen guryaha,xaga ganacsiga,waxbarashada iyo caafimaadka .

 
Waxaa taa kuu cadaynaya hadii aad dheehatid magaalooyinki waa weynaa ee somaliyeed sida Zaylac oo ahayd caasimadii dowladii zaylac,harar oo hoos imaanjirtay Zaylac,Muqdisho,Baraawe,Barbara,Marka iyo Cadil.waxay ahaayeen magaalooyinka ugu waaweyna geeska Africa .
 
Waxay ku tilmaameen qorayaashii iyo dhulmareenadii muslimiinta ahaa nolasha dadkii ku noolaa magaalooyinkaas iyo xukaamtoodiba nolol aad u sareysa.
 
Hadaka u kaalay Ibnu Fadlu-llaah Al-cumari, Al-qalashqaandi, Almaqriizi, Al-idriisi, Al-yacquubi iyo Ibnu-Batuuta "oo ka sheekaynaya magaalooyinka somaliyeed iyo dakii ku noolaa,waxay sheegeen in ay ahayeen magaalooyin aqooneed oo inta badan aad looga ixtiraamo dadka cilmiga leh gaar ahaan culumada, sidoo kale waxay caan ku ahaayeen qudaat(Judges), dhanka boqorada waxay ku sheegeen in boqorku, uu ku fariisanjiray korsi aad u sareeya oo ka samaysan bir lagu xardhay dahab iyo qalin,halka ay umarada kale fariisanjirtay hareeraha boqorka ,sidoo kale waxay tilmameen labiskii ay qaadan jireen boqoradaa oo ay ku tilaamen in uu xiranjiryay boqorku Taaj aad u quruxbadan laguna naash naashay xariir taas aad u quruxbadan, halka madaxda kale ay xiranjireen dhar suuf ka samaysan oo lagu xardhay xariir,halka dadka kale ee shacabka ah ay xiranjireen dhar ka samaysan suuf aad u quruxbadan.

Sidoo kale waxay sheegeen taariikhyahandaasi sicirkii cuntada lagu kala iibsanbjiray suuqayada magaalooyinka Islamic ah waxay sheegeen in 3o rodol ee hilibka ah la siisanjiray 2dirham, waxaa kale oo magaalooyinka wax lagu kala iibsanjiray dahabka iyo qalinka".

 
Dhanka kale dhalintii reer Zaylac waxay wax barsho u aadi jireen magaalooyink cilmiga sida Maka, Madiina, Qaahira, Dimishqi iyo Yemen ayagoo ka baranjiray Fiqhi, Xadiis,luqada iyo culuumta kala duwan,sidoo kale waxaad arkaysaa in wadamadaa aanu soo xusnay ay meelo gooni ah ay u cayimi jireen ardada ka timaada zaylac ama dhamaan dhulkii xeebaha ee somaliyeed. Syria tusaale ahan waxaa jiray qasri wayn oo lagu saacidi jiray dadkii ka imanajiray Sudan iyo Zaylac,halka Qaahira azhar ay u cayintay meel la dajiyo ardadii ka imaan jirtay Zaylac waxaana lagu magaacaabi jiray uruqatu Zayaalica.
 
Waxaa intaa dheer Zaylac waxaa ka soo baxay culumo aad u waawyn oo manta kutubtoodu ay marjac u yihiin fiqhiga iyo xatiithka sida:

Cabdullah Ibnu yuusuf Ibnu Mohammad Al Zaylaci, wuxuu iska leeyahay kutub layiraahdo "Nasbu-rraayah Li- axaadiith al hidaayah" wuxuuna ahaa xanafi, kitaabkaasi wuxuu ka mid yahay kutubada la ictimaado xaga axnaafta ama dhamaan kutubada xadiithka, sidoo kale ardaydii shikha waxa kamid ahaa Ibnu xajar- al casqalaani oo ah shaarixa kutubka layiraahdo "Fatxul baari".

Wuxuu dhintay shiikhu sanadkii762 hijriga.

 
Fakhruddin Cusman Ibnu Cali Al-Zaylaci. Kutubtiisa waxa kamid ah, kitaabka layiraahdo "Tabyiinul xaqaa-iq fii-sharxi Kanzu al- Daqaaiq", waa kitaab aad u qiima badan oo fiqhi ah.
 
Carab Faqiih, waa qoraagii Imaam Axmed gureey wuxuu qoray kutubka la yiraahdo "Futuux Al-xabasha" waa booga kaliya ee loogu noqdo taariikhdii muslimiintii zaylac iyo dagaaladii ay lagaleen christiankii xabashida iyo Portugal.
 
Waxaa halkan inooga cadaday in dadka somaliyeed ay yihiiin dad soo jireen ah oo leh taariikh aad u fog.
Carabtu waxay xeebaha Afrikada Bare ay aqoon u laheeyd tan iyo waayo fog waxayna aad wax uga qortay heerka ganacsiga ee magaalooyinka xeebaha iyo dadkii deggenaa dhaqankiisi.

Waxaa xusid mudan ineey carabtii qarniyadii dhexe ee miilaadiga wax ka qortay dalka Somalia waxayna u taqiin dalkii beberigaa ama barri-alcajam walina waagaa sooma ifbixin magaca Somalia.

Qoryaashi Islaamka ee wax ka qoray dhulka somaliyeed iyo guud ahaanba Geeska Afrika waxaa kamid ahaa: Alyacquubi, Ibnu idriis, Yaaqu al xamawi, Ibnu batuuta, Ibnu khalduun, Ibnu saciid, iyo qaar kale oo aad u badan wallow aynan somalidu wax tixraac ah ku samayn.

 
Hadaba ilbaxnimadii xabashida oo aad u hooseysay markii aad dheehatid nolashii ay ku noolaayeen xabashidu, waxay kor isii kicisay colaadii iyo dagaalkii u dhaxeeyay iyaga iyo muslimiintii Zaylac.

Waxaa dabka ku sii shiday colaada mustawihii ay maraysay xadaaradii dowladii zaylac dhanka maadiga iyo dhanka moralka intaba, iyadoo ilbaxnimadii dowladii zaylac ay ahayd mid la hana qaaday horamarkii barigaa ay ku tilaabsadeen wadamadii muslimiinta ah sida Iraq, Syrian, Magolis iyo Xijaaz,ayadoo zaylac iyo muqdisho ay noqdeen labada magalo ee ugu saraysa xaga ganacsiga ee Geeska Africa .

 
Hadaba waxaa inoo cadaynayaa xadaaradii xabashidu heerka ay maraysay, qoraaga weyn ee Almaqriizi oo isagu sahan ku maray boqortooyada xabashida iyo waxii uu ka qoray.

Wuxuu ku sheegay Kitaabkisa "Al-ilmaam" Xabashidu waxay daganaayeen guryo laga sameeyay coosh, harna looga dhigay soda ama maqaarka lo,da,waxayna ku cunayeen hilibka lo,da qayriin, isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri , wuxuu ii sheegay ruux arkay Sayf orcad "wuxuu ahaa mid kamid boqoradii xabashida wuxuuna kamid ahaa usradii Sulaymaniinta ahayd ee xukumi jirtay xabashida, wuxuu xukumayay 1382 ilaa 1411 miilaadiga" in uu arkay isagoo cunaya hilib qayriin ah oo laga soo jaray neef nool oo lo, ah , sidoo kale wuxuu yiri waxaan indhahayga saaray nin cunaya digaagad nool oo qaylinayso", kafiiri bage 2,3 ee kitaabkaas.

Waxaa taageeraya tilmaaha uu sheegay maqriizi taariikh yahno booqday isaga kadib, ha ahaadeen Muslimiin ama Christian ajaanib ah.

 
Xiimi oo booqday bartamihii qarnigii 11aad ee hijriga ama qarnigii 17aad ee miiladiga, wuxuu ku sheegay kitaabkiisa "Siiratul xabasha, bage 99" isgoo tilmaamaya qalcadii uu ku noolaa boqorkii xabashida wuxuu yiri dhamaan guryaha boqortooyadaasi waxay ahyeen acshaab ama ulo, laga soo jaray dhirta".
 
Xiimi kadib, waxaa yimid dhulmareenkii Scottish ahaa James biros oo booqosho ku tagay xabashida sanadki 1183 hijriga ama1769 miilaadiga, wuxuu ku noolaa 3sano, isagoo ku xanuunsaaday, kadib markii uu la qabsan wayay dhaqamadii xabashida, wuxuuna tilmaamay sida ay xabashidu, u malafsanjireen hilibka qayriinka ah gaar ahaan hilibkii lo, da, waxayna dhaayihiisu soo arkeen sida ay hilibka uga siibi jireen jirka neefka lo,da oo nool,dabadeedna ay u cuni jireeneen sidii dugaagi.

Sidoo kale waxa tilaamay arintaa Saadaq baasha Alcadami kadib markii uu booqday isna dhulkii xabashida ee buuraha sare qarnigii tagay.

Hadaba waxaa inoo cadaatay sugnaashiyaha hadalkii uu soo tabiyay Almaqriizi afar qarni kadib.

Dowlada xabashidu maynan ahayn kaliya mid ku liidato xaga nolasha ee waxay aad uga hooseysay dhanka maamulka, dhaqaalaha, dagaalka, dowladihii dariska la ahaa gaar ahaan dowladii zaylac.

Hadaba eeg Almaqriizii oo markale tilmaamaya qarnigii 9aad ee hijrada ama qarnigi 15aad ee miiladiga, wuxuuna yiri "waxay ahayd saldanadii Isxaq daawuud,taas oo maqriizi ay isku wakhti ahaayeen iyo boqrtooyadii Abihii hamajiyiin (juhalo) anan waxba qorin waxna akhrin,wuxuu yiri ma ayna lahayn wax diiwaan,tartiib iyo qanuun intaba .

 
Guntii iyo gunaanadki, akhristoow hadii somaalidii barigaa ay xabashidii ku khasbeen in ay hilibka qayrinka ah cunaan ama digaagadaha nool ay dufta ku liqaan baqdin ay ka qabeen, in Axmed gureey iyo colkiisi galaaftaan, kuna khasbeen in ay buuraha miciin bidaan, kana zuuliyeen in ay jadiinka mariyaan wax bisil.

Hadaba hadii aad gacanta u gashid caruurtii aabayaashood sidaa loo galay, laguna soo barbaariyay cadowtooyada somaliyeed ama aad isu dhiibtid? maxaad ka filan kartaa? Waxaan u malaynayaa in su, aashaas jawaabteeda cidna gibil ka saarnayn, mirihii kadhashay cadow lasoo dhawaystana, in ay maantaba soo ifbaxeen walina aneey faanoole fari ka qodneeyn. Waxaa intaa dheer ninka aaminsan in ethopia ay ka shaqaynayso maslaxad umada somaliyeed wuxuu lamidyahay Nin abeeso farqaha ku wato.

Horay ayaa loo yiri "Axdi malaha ethopia lagu aaminaaye waa abris iyo abees afka kala hayoo ubad iyo caruur oday iyo haween waxii uu arkaba alamsiinayoo, anaguna hadii aan nahay Islam aayeheenu waa umadyahay midnimo, arligana angaa iskaleh ethiopiana ma ogolin".

Hase yeeshee waxaa jira rag talo ku gooyay geddina isku raacay in ay geeri iyo nolo ka xigaan gumaysiga, marka Allah waxaan uga rajaynayaa in uu guuleeyo. 

Akhri: Qaybat 3aad...

 
TIXRAAC (references).
1. "Wathaaiq cani somal, xabasha, irateria" waxaa qoray Axmed barkhad maaxi"waa qoraa somaliyeed.
2.Alcilaaqatu-siyaasiya bayna muslimi al-zaylac wannasaara al xabasha".Dr Rjab Mohamed cabdul-xaliim.
3.The Ethiopian, an introduction to country and people" waxaa qoray Ulenderdorff (Edward).
4. "Futuuxul xabasha" Carab faqiih.
5. "Tuxfatunnadaar fii qaraaib al amsaar" Ibnu batuuta.
6. "A somaal wadanan washacban." Mohamed cabdul muncim.
7. "Duwal fii sharqi ifriiqiya (Somali, harar)"Dr.maxamed muctasim.
8. "Tuxfatul awfiya limasiirati altaxriir, waltacriib liqarni al-ifriqiya".waxaa qoray Ibraahin Abdullah Mohamed, waa qoraa Somali ah.
9. "Alnizaac al Somali wal itoobia" waxa qoray Cali axmed nur. 
10"Al-somaal alkabiir" waxaa qoray Dr.raashid baraawi.
11. "Al-somaal qadiiman wa xadiisan".waxaa qoray Xamdi sayid saalim.
12. "Islam wal xabasha cabra taariikh".Almuhandis fatxi qayth. 

FG: waxaan ka cudurdaaranaya in maqaalkaygii hore anan soo raacin wax tixraac ah, hadaba aqristaasha sharafta leh waxaan u sheegayaa in masaadirtii hore iyo kuwii dambe intaba an ugu soo gudbiyay halkan, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya dhamaan intii igu biirisay talo iyo tusaale,walina kama maarmo talada akhristayaasha, Akhri Qaybat 3aad...

Qore: Zakaria Ismail Haji nur.
Pakistan—Islamabad.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com