Kulan Ururka Midnimadda Soomaliyeed iyo Madaxweynaha Finland
Gudiga Fulinta ee Golaha midnimada soomaaliyeed waxa uu Arbacadii
(Dec 5, 2007) kulan kula yeeshay hoyga madaxweynaha wadankan Finland
Marwo Tarja Halonen kulan looga wada hadlayey xaalada wadanka soomaaliya
iyo qaabka ay dawlada Finland uga qayb qaadan karto nabadeynta shacabka
soomaaliyeed.
Waxa uu gudigu uga warbixiyey madaxweynaha marxalada uu wadanku
marayo iyagoo gudiga ssl codsadey in dawlada Finland ay u fidiso
shacabka soomaaliyeed kaalmo bini'aadninimo ee loogu gargaarayo shacabka
soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa ka barakacay deegaanadoodii ee
gumeystaha xabashidu uu ku hayo xasuuq aan kala go'lahayn.

Madaxweynaha finnish iyo Gudiga Fulinta ee Golaha
midnimada soomaaliyeed - Finland
Sidoo kale taageero siyaasadeed oo ku salaysan dib u heshiisiinta
dhamaan kooxaha isku haya hogaanka wadanka soomaaliya.
ugu dambayntii ayaa gudiga ssl waxa uu muujiyey sida joogitaanka
ciidamada Ethiopia ee soomaaliya aysan usoo kordhin wax horumar
xaga nabadaynta shacabka ka soo daalay colaada iyo mid dib u heshiisiin
dhexdooda ah toona, balse bedelkeedii uu noqdey barakicin aan ebed horey
loo arag, xasuuq cadowtinimo iyo burburinta wixii yaraa ee ay gacmahooda
ku sameysteen sida iskuuladii, isbitaaladii iyo adeegyadii bulshada ee
awalba aadka u liitey.
Waxa uu madaxweynuhu balan qaadey in dhamaan codsiyadaasi oo dhan ay
yihiin kuwo ay si gaar ah u tixgelinayo oo ay dawladeeduna ka
shaqaynayso sidii xal waara loogu heli lahaa arinka aad u murugsan ee
soomaaliya.


Gudiga Fulinta ee Golaha midnimada soomaaliyeed -
Finland
sw,
ssl tiedottaja
Saed Guled
Afhayeenka Ururka
Sead Guled
Waxaa soo tebiyey
abdiaziz godah
agodah@hotmail.com
Dhegeyso:
Col. C/Laahi Yuusuf iyo Col. Nuur Cadde oo Isku Khilaafsan In Wadahad
Lala yeesho Dadka kasoo Horjeeda DFKMG...
iyo Xukuumadda Maraykanka oo ka soo horjeedda xeerka lagu magcaabo "HR
2003 - the Ethiopia Democracy and Accountability Act of 2007"...
Akhri