SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Garoowe: Afhayeenkii Xisbiga Ramaas ee Midawga Yurub Cabdinaasir Guure oo Xilkii laga qaaday.

  • Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas (RPP), Garoowe Dec 5, 2007
ramaas
C/Naasir Guure Faarax [jeer]

Warqad uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Daahir Ciiro oo marka magiciisa la soo gaabiyo looyaqaano RPP ayaa lagu cadeeyay in xilkii uu hayay Cabdinaair Guure Faarax jeer laga qaaday maanta (Dec 5, 2007).

Cabdinaair Guure ayaa ahaa afhayeenkii Xibiga Ramaas ee Midawga yurub u fadhiyay kaasi oo xiliyadii ugu danbaysay ku jiray jahwareer siyaasadeed ka dib markii uu cadaysatay warqado aan sal iyo raad lahayan oo uu ku sheeganayo in uu yahay afhayeenka Dawlada (Puntland) u fadhiya Dalka England.

Kulan madaxeed ay isugu yimaadaan madaxda sar sare ee Xisbgia Ramaas shalay galinkii danbe ayaa si wayn looga dooday xaalka iyo arinka ku saabsan C/naasir kaasi oo markii danbe shirkaasi uu ku soo dhamaaday in Go'aan rasmi ah laga soo saaro arinta ku saabsan Cabdinaasir Guure waxaana markii danbe Cadaatay in xilkii laga qaaday kaasi oo uu maantana Gudoomiayha Xisbiga Ramaas Daahir Ciiro soo saaro digreeto uu xilka kaga xayuubinayo afhayeenkii xisbiga Ramaas ee midawga Yurub Cabdinaasir Guure faarax jeer oo haatan ku sugan London ee Caasimada dalkaasi England.

Sida lawada ogyahayna waxaa xiliyadii ugu danbaysay ee kala duwanaan soo baxayay warar is khilaafsan oo aan sal iyo raad toona lahayn kaasi oo Cabdinaasir guure ku sheeganayo in uu yahay afhayeenka dawlada Puntland ee London isla markaana la waayay xiliga ay dawladu u magacawday afhayeenimadaas.

Sidoo kale waxaa jiray in waxyaabo badan la is dhaafsday kuwasi oo markii danbe ku dhamaaday fashil aan raadlahayn ka dib markii ay xukuumada Cade Muuse cadayn u wayday xiliga iyo goorta loo magacaabay xilkaas uu sheeganayo Cabdinaasir Guure.

Daahir Ciiro
Daahir C/qaadir Muuse
(Ciiro)

Xisbiga Ramaas ayaa sidoo kale jawaab ka baxshay xil sheegashadaas uu Cabdinaasir sheeganayo waxana uu xisbigu cadeeyay in aan Cabdinasir uusan hayn xil kale oo aan ka ahayn xilka Xibiga Ramaas ee ah In uu yahay Cabdinaasir Guure Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee midawga Yurub.

Xilka qaadistaan lagu sameeyay Cabdinaasir Guure ayaa timid xili ay waxyaabo badan isku murugsan yihiiin kuwaasi oo u baahan in si waadix ah wax loo iftiinsho dhamaan arimahaas qarsoon ayaa waxaa soo afjaray xilka qaadistaan lagu sameeyay Cabdinaasir Guure Faarax jeer oo ahaa Afhayenkii Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano RPP.

Qoraal ka soo baxay xafiiska:

Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Political Party (RPP), Daahir Ciiro

Oo lagala xiriiri karo Email: daahirciiro@hotmail.com

Halkan ka akhri Waraaqo uu mr. Jeer ku sheegtay in loo magacaabay Afhayeenka DGPL

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2007


ciiroXisbiga Ramaas oo Beeniyey in Afhayeenkii Xisbigaas ee London uu Wakiil u Noqday DGPL Waxaana xisbiga Ramaas uu DGPL uga Digey in ay iska magacawdaan C/Naasir Guure "jeer"... Akhri..

jeerGen. Cadde Muuse Saxiixiisa ma Lagu Been Abuuranayaa?.... C/Naasir Guure "jeer" oo cadayn waayey xilligii uu Cadde Muuse u magacaabay afhayeenka Akhri...

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com