Af-hayeenka Baarlamaanka Sh, Aadan
Maxamed Nuur {Sh.aadan Madobe} Gudi 31- xubnood oo magacaabey innay soo
kormeeraan shirka dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed iyo
Baarlamaanka oo bilaabey inuu su’aalo kulul weydiiyo Xukuumada
Akhristayaal waxaan idiin soo gudbinaynaa
kulankii baarlamaanka ee ay shalay ku yeesheen hoolka shirarka ee
Magaalada Baydhabo oo ay soo xaadireen 155 Mudane ayaa waxaa ka hadlay
Xidhibaanada kala ah Max’uud Axmed Kulalihi, Cali Jeyte Cismaan, Cali
Cismaan Jiddow, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko Xanaf, Xidhibaan Ismaaciil
Xasan Maxa’uud (Timir), Muuse Suudi Yalaxoow, waxaana warbixin laga
dhagaystay Wasiirka Dastuurka & Arrimaha Federalka Prof. C/llahi Sh.
Ismaaciil iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele.
Sh.Adan Madoobe iyo Boqore.
Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG Xidhibaan Sh.
Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa inta baarlamaanka dooda uu
san dhexgalin waxaa uu amrey in 6-xubnood oo cusub lagu dhaariyo halkaas
kwaasoo kala bedeley Enn, Xuseen Maxamed Faarx Caydiid, waxaa lau
bedeley Maxamed Cali Xirsi,, Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi waxaa lagu
bedeley Jawaahir maxamed Axmed, Eng, Munye Siciid Cumar waxaa lagu
bedeley C/nuur C/qaadir Maxamed, Saleebaan Colaad Rooble waxaa lagu
bedelay Muuse Waxgard C/llaahi,Yuusuf Nuur C/llaahi waxaa lagu bedeley
Cabdow Maaxi Faarax, Cali Maxamuud Maxamed waxaa lagu bedelay Shariif
Maxamed Siidii xubnihii dhaarta kadib
waxaa uu magacaabey Gudoomiyuhu gudi ka kooban 31 Xidhibaan oo soo
kormeera Shirka Dibu heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ka socda
Magaalada Muqdisho.
Magacaabida gudigaan ayaa
waxaa ka hadaley Xildhibaan C/llaahi Geedi Shadoor oo hore u ahaa
Gudoomiyaha Gudiga Dibu-heshiisiinta Baarlamaanka isagoo arimahaasi ka
hadlaya waxaa uu yiri ” Mudane Gudoomiye Aniga hadii aan dhegeystey
hadalkii meesha aad ka jeedisay waxaan go’aansadey inaan hal su’aan
meesha ka jeediyo, aniga waxaan isku ogaa inaan ahay Gudoomiyaha Gudiga
Dibu-heshiisiinta Baarlamaanka, waxaan kala Aqoon waayey in Gudigii
Dibu-heshiisiinta aan hogaamnayey in la baaba’ashey iyo in meesha wax
kale ay ku jiraan, hadii aan la baabi’ina aniga waxaan qabaa in wax
kasta dariiq loo maro ay leeyihiin ee aniga in naloo soo maro ee
Gudoonka waxaan weydiinayaa in la baaba’ashey iyo in kale!?.
Waxaa codbaahiyaha la
wareegay Af-hayeenka Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo ka jawaabeyey
su’aasha Xildhibaan Shadoor waxaa uu yiri ”Gudiga Dibu-heshiisiinta
Baarlamaanka lama baabi’in waa jiraa, gudiga hada la magaacabayey waa
gudi kormeerayo shirka dibuheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ka socda
Magaalada muqdisho, waxaadn la socotaan in Shirka su’aalooyin badan
layska weydiinayo, sidaas darteed anaga waxaan go’aansaney in lagu
shaqeeyo Axdiga KMG, sababtoo ah waxa ka jira lama oga, mana aha gudi
shirka dhex fariisanayo ee waa gudi kormeer ah oo Baarlamaanka matalaayo
jawaabna
ku soo celinayo, waxaana gudiyada Baarlamaanka ka codsanayaa in
shaqooyinka dalka ka socda lala socdo”.
Xildhibaan Cali Cismaan Jiddow oo ka
mid ahaa Gudigii Turxaan bixinta hawlaha Baarlamaanka ee ka koobnaa
15-ka xubnood ayaa wuxuu yiri ”Gudigii farsamo ee loo saarey mooshinka
turxaanbixinta iyo dardargelinta hawlaha Baarlamaanka aragtidoodii ayaa
doonayaa inaan idiin soo gudbiyo, Gudigu waxaa uu soo jeediyey, markuu
arkey gudigu habacsanaanta hawlaha Baarlamaanka, islamarkaana eegey
Axdiga Qaranka qodobkiisa 33-aad iyo ka xeerhoosaadka, oo falanqeyn
dheer laga yeeshey gudigu wuxuu isku raacey in la helo Qalab Xafiiseed
dhameystiran oo ay ku hawlgalaan Xafiiska Gudoomiyaha iyo laamihiisa
kala duwan,lana helo gaadiid ay ku hawlgalaan gudiyada Baarlamaanka,
lana dhiso Agaasimaha Guud ee Baarlamaanka iyo Qaybaha kale ee
Baarlamaanka Agaasimayaashooda, in isku dheelitir lagu sameeyo xubnaha
Gudiyada Baarlamaanka islamarkaana la buuxiyo xubnihii xasaanada laga
qaadey, in gudi kasta hawlaha shaqo ee uu qabto bishiiba laba jeer u soo
gudbiyaa Baarlamaanka si
looga warqabo shaqadooda, in
la xadido xubnaha Baarlamaanka fasaxyada qaadanaya, loona sameeyo Buug
lagu qoro xildhibaan kasta intuu fadhiga soo xaadirey, taana ay saameyso
gunooyinkiisa,in la xaq dhowro hadal qaadashada lana xurmeeyo
xildhibaanka hadlaaya”ayuu yiri Xildhibaan Jiddow.
Wasiirka Dastuurka & Arrimaha Federalka
C/llahi Sh. Ismaaciil ahna Ra’isu Wasaare ku xigeen ahaana wasiirkii ugu
horeeyay ee Baarlamaanku warbixin ka dhegeysto ayaa yiri:- ” Anniga
waxaan qabaa in dowladnimda la xoojiyo laysna dhaliilo dabadeedna
qorshihii wadanka uu nagu aaminay aan horey ugu socono, hadaan lays
dhaliilin oo lays tuxaan bixin ma adkaanayno dowladnimada, in laygu
hormariyo aad baan ugu faraxsanahay, Soomaalidu waxay tiraahdaa (WAX IS
WEYDIIN MA XUMEE WAX IS WEDAARIN BAA XUN), waxaana guda galayaa inaan
idiin soo ban dhigno xaalada Dastuurka FKMG ee hore loogu balamay,
waxaana ka codsanayaa in dib loo eego tan iyo intii la gudagalay
hirgelinta Dasruurka FKMG, waxaana lays moogeysiin karin hawlihii uu soo
qabtey Wasiirkii aniga iga horeeyey ee naftiisa u hurey ee la xiriirey
Arimaha Dastuurka, waadna garaneysaan intaan xilka hayo, waxay xukuumadu
soo jeedinaysaa in hormuudkii Dastuurka Soomaaliyeed loo aqoonsado
islamarkaana loogu magacdaro Machadka Dastuurka, intaan aniga xilka aan
qaban waxaan soo maray goobihii Gaalada ay naga caawinayeen waxaana iiga
muuqday isku dhex yaac, waxaana ku dhex jirey madax isugelin Wasaarada
iyo gudiga qaabka ay u kala shaqeynayeen, waxaana u soo noqoney Axdigii
si loo meel mariyo waxayna si cad ugu qoran yihiin Axdiga mudada ay ku
dhisayaan Gudiga Dastuurka iyo Arimaha Federaalka, Arimaha ugu waaweyn
in la dhowro ayuu sharciga qorayaa sida Sharciga Islaamka, dhowrista
dalka IWM, mar hadii la ansixiyey sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen
gudiga dastuurka, waxaana hada laysweydiinayaa heerka uu marayo Gudiga
Dastuurka iyo caqabadaha la soo gudboonaadey,
mar hadii sharci ahaan loo dhameeyey
qaab dhismeedkooda iyo shaqadooda, waxaa kale oo taagan xiligii loo
qabtey in dasruurka la diyaaro oo aad moodo in la joogo waxa hortaagan,
hadii 24/5/006 la ansixiyey, waxaan mareynaa sanad iyo laba bilood, waxa
noo harey oo laysweydiinayo waa sanad iyo seddax bilood, markii gudiga
iyo wasaaradu ay isla baareen waqtiga dhaqan galka uu noqonkaro, shaqo
waxay bilaaban kartaa markii sharcigii lagu shaqayn lahaa uu jiro, xitaa
hadii la bilaabo ma noqon karto mid eber ah, waxaan dastuurka
waaqasaneyn idiin ma keeni karo,hadii la eego talaabooyinka qaabka
sharcidejinta inoo yaala, hadii uusan dhameystirmin sharcigaas mid jira
ma ahan sida caalamka uu qabo, iyadoo la og’yahay heerarka kala duwan ee
lagu soo gudbin karo, waxaadna tihiin xildhibaano sharcidejiyeyaal ah,
waxaana loo baahan yahay in arintaan si xilkasnimo iyo geesinimo loo
wajaho ee ku lug lahaan kara dhinacayada sharciga Xukuumada, Gudiga,
Siyaasada iyo Dhaqaalahaba
waa in loo fahmaa sababaha dibu dhaca keeney, islamarkaana laga cabsi
qabo in lala walwalo, waana mid marag ma doonto ah ee la soo
gudboonaatey xaga diyaarinta Dastuurka, iyagoo faah faahsan waxaa ka mid
ah ka soo guuritaankii Nayroobi iyo sidaan isaga daba jiitameyney aan
Jowhar tagno iyo kala qaybsanaantii Xukuumada iyo Baarlamaanka ee ay
kala degeen Muqdisho iyo Jowhar, gudasho la’aantii Hay’adaha DFKMG
Xildhibaan Maxamuud Axmed (Kulalihi).
waajibaadkooda iyo ka oo
guuristii ay dowlada ka soo guurtey Magaalada Jowhar, islamarkaana ay
soo degtay Baydhabo, nabadgelyo xumidii guud ahaan saameysay dalka oo
dhan, khal khalgelinta Xukuumada iyo Baarlamaanka inay ku shaqeeyaan
Magaalada Baydhabo , iyaduna waad og-tihiin hagrashadii Beesha Caalamka
xag siyaasadeed iyo xag maalgelinba waad la socotaan, iyagoo hore u
sheegi jireen inay lacag badan inay inoo hayaan, waxaan soo baxdey waxa
ay sheegayeen iyo wax soo baxayba, gudigana waxay siinayeen wax aan
macquul ahayn marna way ka goosanayeen marna way siinayeen, waxayna
shuruud inooga dhigeen waad kala qaybsan tihiine soo heshiiya, markii
aan isu nimidna waxay nagu yiraahdeen waxaa soo baxay Maxkamadihii,
markaan wax weydiino waxay nala aadayaan arin siyaasadeed, iyadoo taasi
ay jirto ayaa waxaa waqti naga cunay kalsooni kala noqoshadii Xukuumada,
waxaan galney dagaal hada ayaan Waqti fiican helney,
intaas waxay noqdeen
caqabado na hakiyey, sheki kuma jiro in dhibaatooyinkaas ay yihiin kuwa
naga dhumiyey waqti badan, waxaa jira arin aan isla qaadaney anaga iyo
gudiga oo ah inaan wadamada Federaaliga looga dhaqmo aan isla tagno, si
aan uga qaadano fikir, anagu ma nihin niman safarada markii ay ka soo
noqdaan kuwo qalinka iyo xaashida isa saara, Soomaaliya waxay leedahay
dadd Aqoon yahano ah oo Dastuurkeeda dejiya, waxaana maaleynaa
Aqoonteena wadaniga ah, waxaan u sheegaynaa inaan hawsha guda galney oo
aan gacmaheena laabaney, meel fiican bayna mareysaa, xukuumada ayaana u
soo gudbindoonaa, kadibna Baarlamaanka, Ugu dambeyn waxaan soo gudbin
doonaa dastuur hufan, mana aha wax layska yiri, Barnaamijka wasaarada u
degsana waa mid kaas, waxaan idiin sheegey midka aan wada degsaney anaga
iyo gudiga dastuurka, waxaana ku darayaa waxaa nagala qayb galay nin
SWSerland u dhashay, waxaana na amaaney Hay’ada UNDP, laakiin waxaa nagu
socda Mu’amarad, mana aha mid hadal ah oo aan idiin ka gadeyno, waxaana
jira laba socdaal oo aan ka soo faa’iideysanayey, wasaarada iyo gudiga
waxay yeesheen aqoon is-weydaarsi, waxaana jira dhowr iyo toban
su’aalood oo laydiin soo gudbin doono, waxaa kale oo jira inaan Puntland
aanu ka codsaney ay inoo qabtaan siminaar la tashi ku saabsan ee ogaada
howshaan baaxada weyn
waa mid u baahan miisaaniyad gaar oo badan arintan is jiid jiidka ah
naceybna ma gasho laba tiimna wax layskuma wadi karo ee waa in hal
dhinac wax layskula wadaa mana gasho hirig hirig waan idiin ifinay wixii
hnaga lumay iyo wixii naga qasaaray”ayuu ku yiri Wasiirka Dastuurka &
Arrimaha Federalka C/llahi Sh. Ismaaciil.
La Soco qaybta kale oo ay
ku jiraan arimo muhiim ah.
Maxamed Macallin Cismaan {All-man)
Somalitalk Baydhabo.
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa...
Akhri Aug 6
Dareenka
ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii
Duntay ee Minneapolis
Maxammed Guuleed oo ay qaraabo...
Akhri Aug 6
Shirka
Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay
balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna
waxey u ekeyd afwax cunay xishood...
Akhri Aug 6
|