" U-codeeya Cabdirashiid M.M. Kaalmoy"
Waxaa bisha barakeysan ee Ramadaan ee nagu soo
aaddan ka
dhacaya "Imaaradda Al-Shaariqa" ee dalka Imaaraatka
Carabta Tartan xagga Codka ah, oo lagu soo bandhigayo "Aayado
Quraanka Kariimka ah ka mid ah iyo Anaashiid Diini ah".
Wuxuu Tartanku dhex-marayaa Dhallinyaro ka kala
socota 15-Dawladood oo Carbeed, kuwaas oo kala ah:-Aljeeriya,
Imaaraatka Carbta, Urdun, Sacuudiga, Somaliya, Suudaan, Suuriya,
Ciraaq, Cumaan, Kuweyt, Lubnaan, Marooko, Masar, Qadar iyo Yemen.
Waxaa loo baratayaa shan jago oo kala sarreeya,
oo lagu bixinayo Abaal-marinno isugu jira :Lacag, Baabuur(BMW)
ah,Deeq-Waxbarasho iyo Waxyaabo kale oo qiima badan.
Dalka
Soomaaliya, waxaa Tartankaas uga qayb-galaya:- Cabdirashiid
Muxyaddiin M.Kaalmoy, oo isagu hore guulo uga soo hooyay Tartanno
hor-dhac iyo kala xulasho ahaa oo lagu kala qabtay Sanca(Yemen) iyo
Al-Shaariqa(Imaaraatka), halkaas oo uu wacdarro ka muujiyay, sida ay
soo ban-dhigtay Warfaafinta Imaaraatku.
Cabdirashiid M.M.Kaalmoy, 1988-kii ayuu ku
dhashay Muqdisho, waxbarashadiisa Hoose ilaa Sare wuxuu ku
dhammaystay dalka Yemen.
Haddaba, si uu Cabdirashiid ugu guulaysto
Jagooyinka loo baratamayo , una helo dhibcaha loo baahan yahay,
waxaa lagama maarmaan ah in aad habeennada tartanka ugu yaboohdaan
Codkiinna taageerada ah ee ku dhisan u hiillinta Soomaalinimo.
Keliya, waxaan idinka codsaneynaa, loona
baahan yahay: in aad Bisha Ramadaan oo dhan la socotaan Telefishanka
"Al-Shaariqa", dabadeedna aad habeennada Tartanka dirtaan Lambarka
Telefoonka ku soo qormi doona Shaashadda, markaasna aad Afafka
Carabiga ama Ingiriiska ku tiraahdaan:-"Waxaannu codkeenna siineynaa
Cabdirashiid Muxyaddiin".
Fadlan, Walaalayaal, u-codeeya Cabdirashiid,
oo ah xulka Somalia ee Codka "Al-Shaariqa" ee sannadkan 2007-da, si
uu magaca Soomaaliyeed uga sare-maro kuwa kale ee uu la baratamayo.
-"Axyaa Wadani yaa Soomaali aheey".
-"Wixii Dhiig lahow kaca..".
Ballanteennu waa Bisha Barakeysan...
kalmoi@hotmail.com