Deeq lacag ah oo ka timid jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta Goergia
(USA) oo la gaarsiiyay bukaanada jiifa qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho
Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay
bukaanada ku jira isbitaalada Muqdsihu 6-7/08/2007 , deeqdan ayaa la
gaarsiiyay bukaanada ku jira isbitaalada kala ah : Madiina , Keysaney,
Banadir & isbitaalka Xaawo Cabdi .
Deeqdan ayaa loo gaarsiiyay bukaanada sida soo socota :-
Magaca Isbitaalka iyo Tirada bukaanka deeqdan la gaarsiiyay
- 1 Madina 94
- 2 Keysaney 80
- 3 Banaadir 97
- 4 Xaawo Cabdi 61
Isku dara: 332 bukaan
Isu geynta bukaannada la gaarsiiyay deeqdan oo gaarsaysa 332 bukaan ayaa
mid kastaba waxaa la siiyay 300,000 SHso , isbitaal kastana waxaa kaloo la
gaarsiiyay 1000,000 Shso oo loogu talagalay shaqaalaha isbitaalka ee tabarta
daran.
Deeqdan waxaa ku tabarrucay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta-Georgia
(Maraykanka ) si loogu caawiyo walaalahooda dhibaataysan.

Baaq & Mahad celin
Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahad celinayaa
walaalaha Soomaaliyeed ee ku tabarrucay deeqdan , wuxuuna Ilaahay uga
baryayaa in uu ugu bedelo wax ka kheyr badan .
Sidoo kale Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay
u istaagaan caawinta walaalahooda dhibaataysan.
Kaalmadiina waxaad ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee kala ah :-
Accounada G.S.H.S
Qaran Express: 117
Dahabshiil Bank: 2283
Amal Bank: 11073
Mustaqbal Bank: 22315
Tawakal Bank: 309
Wixii faahfaahin intaa dheer kala xiriir emailada Golaha :-
Kaalmeeye@hotmail.com ,
kaalmeeye@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa...
Akhri Aug 6
Dareenka
ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii
Duntay ee Minneapolis
Maxammed Guuleed oo ay qaraabo...
Akhri Aug 6
Shirka
Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay
balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna
waxey u ekeyd afwax cunay xishood...
Akhri Aug 6