Cabdi qani Siciid Carab “ogaada inuu yahay qabiilkeenu Isboorti,
waxaad kale oo ogaataan in Is aragii Ciyaaraha Gobolada dalka ay si si
rasi ah u bilaabandoonaan..”
Siminaar ay ka faa’iideysanayaan 40 xubnood
oo isugu jira maamul iyo tababarayaal Isboorti oo ka kala yimid 10-Gobol
oo ayna iska kaashadeen Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada iyo
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta oo ay maalgelisay Hay’ada Unicef
islamarkaana socdey mudo 7-maalmood qaybtii maamulka ayaa xalay Xaflad
loogu magacdarey Is arag iyo sagootin ayey u sameeyeen xubnaha xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada cagta ee Gobolka Baay xarunta Caalin Center ee
Baydhabo.

Xafladaan oo ahayd mid si weyn loo soo
agaasimaey ayaa waxaa halkaasi ka ahdley Gudoomiyaha Xiriirka
Soomaaliyeed ee Gobolka Baay Aweys Suufi Caafaan, xubin kale oo ka
tirsan kubada cagta ee Gobolka Baay, Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed
ee Kubada cagta, Salaad macallin Maxamed (Salaad Gaab), Xog’hayaha
Xiriirka Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab, Gudoomiye ku xigeenka GOS
Prof. Maxamed Cali Cadow (Prof Cadow) iyo Agaasimaha waaxda tababarada
iyo Qorsheynta wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada Siciid maxamed
xasan.
Md, Aweyn Suufi ayaa ugu horeyn halkaasi
hadal soo dhaweyn iyo dardaaran isugu jira ka soo jeediyey, wuxuuna
isagoo faraxsan ku yiri “waxaan ka xumahay inuu waqtiga nagu yaraado,
waxaadna ku soo dhawaataan qalbi furan, laakiin waxaan u maleynaaa
markaad naga tagtaan aan ooyidoono”.

Aweys oo la gudoonsiinayo Shahaado.
Xog’hayaha Xiriirka Soomaaliyeed Cabdiqani
oo isna halkaasi ka hadalay ayaa wuxuu yiri “ Isboortigu waa kan keli ah
waa ka keli ah si shuruud la’aad nabada u wadaya, waana inaan
dhamaanteen nabada ka hor marinaa wax kasta dhisida nabada, waxaana
idiin ogeysiinayaa inaan si rasmi ah u bilaabidoono 1/10/007 Ciyaarihii
Gobolada dalka, waxaana ciyaaraha loo ciyaaridoonaaa mid ka sahlan
nidaamkii hore waana ka ciyaaro badan yihiin, arintanuna waa mid si wada
jir ay isula og’yihiinn Gudiga GOS iyo Xiriirka Soomaaliyeed, waxayna
Goboladu u tartamidoonaan sidan, ShHoose iyo labada Jubba, Baay, bakool
iyo Gedo, Sh/Dhexe Hiiraan iyo Galgaduud, Mudug, Gobolada Barri, Sool
iyo Sanaag, kooxihii soohara kulanka ugu dqambeeya waxaa lagu qaban
doonaa Magaalada MUqdisho, hadaba hadii aan nahay Bahda isboortiga
waxaan idiinkula dardaarmayaa ogaada inuu yahay qabiilkeenu Isboorti
ayuu hadalkiisa ku soo gebegebeeyey cabdiqani”.

fadhiga Mas'uuliyiinta Isboortiga

Cabdiqani oo hadlaya.

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta gobolka ooka hadalaya Xaflada

Aweys oo hadlaya
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk
Baydhabo.
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa...
Akhri Aug 6
Dareenka
ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii
Duntay ee Minneapolis
Maxammed Guuleed oo ay qaraabo...
Akhri Aug 6
Shirka
Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay
balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna
waxey u ekeyd afwax cunay xishood...
Akhri Aug 6