SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Iskoolada Islaamiga ah oo ku soo badanaya Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.

 
Tan iyo markii ay bur burtay dowladii Soomaaliya sanadkii 1991 ayaa dalka Kenya waxaa  uu  hooy u noqotay kumanaan kun oo qof ka soo barakacay dagaalada Dalka Soomaaliya ka caalwaayay wadanka,dadka ka soo qaxay dhibka ka taagan Soomaaliya ayaa waxaa fursad muhiim ah u noqtay soo badashada Iskoolada Islaamiga ah oo  caruurta yar yar ee soo  koraysa fursad muhiim ah u ah barashada Diinta Islaamka.

DSC01445
Daawo Sawirada Imaamu Nawawi Nairobi

 
Xaafada Islii oo ah halka ugu badan ee ay Soomaalidu ka tagan tahay magaalada Nairobi ayaa waxaa iminka ku yaala ku dhawaad 70 Madarso isugu jira mid lagu barto qur'aanka Sharafta leh oo kaliya iyo kuwa lagu barto dhamaan maadooyinka Aasaasiga u ah wax barshada oo saldhig looga dhigayo Diinta Islaamka.
 
Dadka ka soo qaxay dagaalada Dalka Soomaaliya oo kaliya maahan kuwa ka faa'iidaysanayo wax barshada Islaamiga ah ee sida cajiibka ah uga socota Xaafada Islii balse waxaa jira caruur ku dhaltay dalkan Kenya oo Soomaali iyo Kenynba isugu jira iyo waliba kuwa laga keenay wadamada Reer Galbeedka ayaa si aad ah uga faa''daysto barshada Iskooladaani Islaamiga ah.
 
Hadaba Waxaan booqday Iskool Cusub oo Islaami ah oo magaciisa la yiraahdo [IMAAMU NAWAWI] waxaana oo ka mid yahay Iskoolada ku soo badanaya magaalada Nairobi oo caruurta da'da yar lagu barayo diinta islaamka iyo waliba madaadooyinka kale ee Aasaasiga u ah wax barshada sida Xisaabta,Culuumta Bulshada,Afafka,Carabiga,Englishka,Kisiwahiliga,iyo kuwa kale oo kala duwan.
 
Waxaan la kulmay Maamulaha guud ee Iskoolka Imaamu Nawawi ,Ustaad Cabdirisaaq Ismaaciil Xaashi [Cirro] oo Sabakada SomaliTalk.com faafaahin ka siiyay Iskoolkan waxaana uu yiri Ustaadku '' Iskoolkan Imaamu Nawawi waa iskool cusub balse cusaybkiisa iyo ardayda dhigayso hadii aad fiirisid waa mid farqi u dhaxeeyo,waxaan furnay bilowgii sanadkaan 2007 hadana waxaa dhiganaya 295 Arday waxaana oo ka kooban yahay ilaa 4 fasal oo dugsiga hoose ah iyo waliba barista caruurta yar yar qaabka Iskoolada looga dhaqmo sida akhlaaqda wanaagsanj oo ay ku dheehan tahay Diinta Islaamka,qaabka qalinka loo qabsado qaabka loo fadhiisto faslada,qaabka wax loo qoro, iyo qaybo kala duwan waxaan rajaynaynaa in aan sanadkaan inta uusan dhamaan hadii eebe idmo aan ku soo siyaadinyo Madarisada faslada dugsiga Dhexe ilaa fasala sideedaad'' ayaa uu yiri Cabdirisaaq Cirro.
 
Maamulaha Macaliminta [Headmaster]ka iskoolka Mr Petr ecko Nyaparara ayaa Somalitalk.com u sheegay in Imaamu Nawawi oo ka diiwaan gashan yahay wasaarada wax barshada dalkan Kenya isla markaana uu yahay Iskool aad u heer sareeyo kana mid ah iskoolada ugu tayada fican Xaafada Islii waxaana uu magaclinku shegay in arday ka timid dalalka reer galbedku ay dhigtaan Iskoolkooda,

DSC01435
Daawo Sawirada Imaamu Nawawi Nairobi

 
Faslada Iskoolka mar Ay Camirada SomaliTalk.com ku soo dhex wareegtay ayaa waxaa lagu arkayaa Arday labisan Uniformka labiska Iskoolka oo si habsami leh wax uga baranaysa macalimiin maaamulka Imaamu Nawawi u soo diyaariyay oo isugu jira kuwa diinta Islaamka baraya iyo kuwa maadooyinka kale baraya,iyadoo hiirta hore ee waa bariga caruurta la barayo diinta islaamka iyo xifiska qur'aanka Kariimka ah marka laga bilaabo 8:00 Am ee subaxnimana ay u bilaabayso barshada Maadooyinka kale oo ay ku dheehtan tahay barshada Islaamka. 
 
Xaafada Islii waxaa ku yaala Madaaris la mid ah Imaamu Nawawi oo ay ka siman yihiin barista Caruurta soo koraysa Dinta Islaamka maadaama ay ku dhex nool yihiin bulsho aan ahayn Islaam iyo dhaqamo kala duwan oo ka fog diinta islaamka waxaana hadii eebe idmo idiin soo bandhigi doonaan war bixno kala duwan oo ku saabsan Iskoolada Islaamiga ah ee Nairobi oo sawiro leh.

Daawo Sawirada Imaamu Nawawi Nairobi

 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Faafin SomaliTalk.com,Nairobi,Kenya 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com