Mid ka mid ah ku xigeenada duqa magaalada muqdisho
oo qado sharaf u sameeyey ergadii maamul goboleedka puntland ee ka qeyb
galaysay shirka dib u heshiisiinta beelaha somaliyeed haatan uga socda
xerada gaadiidka boliska
Ku xigeenka gudoomiyaha gobolka banadir ee dhinaca arimaha
nabad gelyadda mudane cabdifatraax ibraahim cumar sebriye ( ina shaaweeye)
ayaa qado sharaf u sameeyey ergada shirka dib uheshiisiinta ee belaha
somaliyeed haatan uga socda magaalada muqdisho ee ka soo jeeda gobolada
waqooyi berri ee maamul goboleedka puntland ,

Sawirada Halkan ka daawo..
ibraahin fagaareeye isaga oo ku hadlayey magaca beesha ayaa
ku so dhaweeyey guriga cabdifitax cumar sebriye shaaweeye oo garabkiisa
taagnaayeen Cabdikariin sh: ibraahin ,nasra weheliye maalin,iyo ganacsade
suuxaay iyo xubno kale ayaa
Si kalsooni leh waxaa uu ugu soo dhaweeyey si ay ka
muuqato walaaltinimo islaanimo iyo sharaftii u dhaxeynjirtay beelaha
somaliyeed ee walaalaha ah gar ahaan kuwa puntland iyo beesha murusade
dhaxeyn jirtay oo dameystiran
Dhinaca beesha murusade ayaa waxa ka soo qeyb galay qaar ka
tirsan ugaasyada ,boqorada ,indheer garadka,salaadiinta ,culumaa.udiinka
,haweenka , iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay beesha
murusade iyada oo dhianaca isgaarsiintane uu uga qeyb qaatey ka qeyb galka
qado sharaftaas ugaaska beesha murusade ugaas cabdiqadir oo ku sugnaa
xiligaa magaalada ceelbuur ee gobolka galgaduud
Boqor cabdilaahi boqor muuse ( boqor king kon ) , bel
daajiye farax ,beel daajiye xaaji cabdulaahi ismaciil ,garaad cabdulahi cali
ciid , ugaas cabdulaahi ciise nuur , beel daajiye cali farax maxamuud ,
suldaan maxmaed jamac shire , ugaas xasan ugaas yaasiin cabdiraxman ,
suladaan cabdilqaadir suldan cali yaasiin kenidiid ,garad cabdisalaan xusen
maxamed ,suldaan cabdi bile warsame ,islaan xusen islaan cabdi islaan iyo
inkale oo aan haatan magacyadooda halkaan ku soo wada qori Karin ,
Beesha murusade oo gogoshan dhigtay ayaa lagu tilmaamay in
ay aheyd gogol saaxiibtinimo o ka dhaxayso labada beelood taasoo lagu
macneeyey mid so jireen ah iyada oo loogu tala galay in ay ka so qeyb galaan
madaxdhaqanmeedyada labada beelood sida Salaadiinta ugaas yada boqorada
islaanyada nabadoonyada iyo ergsada kale ee la socoto ee rer puntland iyaga
oo ka raali geliyey wixii daldaloola ah ee ay leedahay gogoshu
cabdifatax ibraahin sebriye shaawey oo ah ku xigeenka duqa
magalada xaga arimaha nabadgelyada ayaa ergada reer puntland ugu horeyn ugha
mahad celiyey ka soo qeyb galka qado sharaftaa isaga o u sheegay in
caasimada muqdisho ee somaliya ay tahay magaladoodii labaad uuna si weyn ugu
faraxsan yahay sida ay uga soo qeyb galeen casuumadii uu u fidiyey wuxuuna
xusay in ay farxad weyn u tahay in dad kala maqnaa mudo 17 sanno ah ay manta
hal meel ku wada qadeenyaan waxeyna taasi ina xasuusineysaa nbuu yiri
dhaqankii iyo hidihii somaliyeed ee soo jireenka ahaa wuxuuna xusay in aanay
somaliya manta sinaba u kala marmin ayna yihiin dad isku diin ah .isku
dhaqan ah.isku af ah
Ugu danbeyntii labada beelood ayaa si waangsan isu afgartey
waxaana lagu soo gebegebeeyey guul iyo wanaag
Wuxuuna halkaasi ku gudoonsiiyey hadiyado qaali ah oo ka
wuxuuna sheegay in ay ka dhaxeyso sidaan oo kale labada beelood
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2007
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa...
Akhri Aug 6
Dareenka
ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii
Duntay ee Minneapolis
Maxammed Guuleed oo ay qaraabo...
Akhri Aug 6
Shirka
Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay
balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna
waxey u ekeyd afwax cunay xishood...
Akhri Aug 6