Barnaamijkii Radio
Xoriyo
-
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada Cadowga Itoobiya.
-
Waxyeellooyin ay ciidammada gumaysigu dadwaynaha u gaysteen.
-
JWXO oo qaraxyadii Jigjiga Itoobiya ku eedaysay.
-
Gumaysiga iyo Petronas oo heshiis ku galay Gaaska Ogaadeenya.
-
Gabagabadii shirweynihii 11aad ee Jaaliyadaha Ogadenya.
======================
Gumaysiga iyo Petronas oo heshiis ku galay
Gaaska Ogaadeenya.
Xukuumada gumaysiga Itoobiya iyo Sharikada
Batroolka ee Petronas ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore heshiis ku
kala saxiixday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Heshiiskan
ayaa ku saabsan in Sharikada Petronas ay soo saarto Gaaska Dabiiciga
ah ee Jeexdin iyo Helalle.
Xukuumada gumaysiga iyo Sharikada Petronas, oo
laga leeyaha dalka Malaysia ayaa tan iyo bishoo July 2006 waxay ka
wadaxaajoonayeen sidii ay ula soo bixi lahaayeen Gaaska iyo
Baatroolka Ogaadeenya, waxayna hadda sheegeen inay ku heshiiyeen in
Sharikada Petronas ay soo saarto Gaaska Xeexdin iyo Helalle, iyo
inay qoddo labo Ceel oo kale oo iyagana Baatrool laga soo saarayo.
Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa marba sharikad
shisheeye ah heshiis kula gasha Gaaska iyo Baatroolka Ogaadeenya,
hase yeeshee ilaa iyo hadda uma aanay suuragalin inay ku guulaysto
siyaasadeeda ah inay boobto khayraadka Ogaadeenya, iyadoo geesiyada
CWXO ay ka dhaariyeen in si sharci darro ah looga manaafacaadsado
khayraadka dabiiciga ah ee ay ka gaajaysan yihiin dadwaynaha
Ogaadeenya.
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada Cadowga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka gudihiisa ayaa noo
soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya, oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada caga-jiidka ah ee
gumaysatada Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
03/08/07 weerar ay CWXO ku qaadeen kolonyo baabuur ah
oo cadowgu lahaa oo maraysay Fooljeex waxaa ciidammada cadowga lagaga
dilay 13 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 03/08/07 wuxuu dagaal qallafsani Nusdariiqa
agtiisa ku dhex maray ciidammada gumaysiga iyo koox Dabaqoodhi ah oo
laga soo diray degmada Gaashaamo. Ciidammada gumaysiga waxaa dagaalkaas
kaga dhintay 9 askari, 13 kalana way kaga dhaawacmeen, halka kooxda
Dabaqoodhiga ah ay ka dhinteen 3, 6 kalana ay ka dhaawacmeen.
02/08/07 weerar gaadmo oo CWXO ku qaadeen ciidammo
cadowga ka tirsan oo ku sugnaa Masaarre, oo ka tirsan degmada Dannood,
waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
01/08/07 waxay CWXO weerar mir ah ku qaadeen
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxayna
weerarkaas ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
31/07/07 waxay CWXO sidoo kale weerar mir ah ku
qaadeen ciidammo kuwa gumaysiga ka mid ah oo ku sugnaa meesha lagu
magacaabo Miiro, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxayna kaga dileen inta la
ogyahay 10 askari, 5 kalana way kaga dhaawaceen.
24/07/07 waxay CWXO weerar si fiican loo qorsheeyay
la beegsadeen kolonyo ciidammada gumaysiga ka tirsan oo maraysay
Tuulo-Cawil, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaana weerarkaas lagaga
dilay 20 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.
Waxyeellooyin ay ciidammada gumaysigu dadwaynaha u
gaysteen.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa
waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah. Waxyeellooyinkan
ayaa isugu jira dil, xidhay iyo dhac.
03/08/07 waxay ciidammada gumaysigu Tayin iyo
Fooljeex dhexdeeda ku dileen Alla ha u naxariisteen nin lagu magacaabi
jiray C/qaadir Daahir (Gacamey). Waxay sidoo kale isla taariikhdan
deegaankaas ciidammada gumaysigu xidhay iyo ganaax ugu gaysteen dad
dhawr ah oo shacab ah. Dadkaas waxaa ka mdi ah;
1-
C/llaahi C/qaadir, oo isagu wali xidhan, isla
markaana lagu ganaaxay 3000 oo Bir.
2-
Saafi Xaashi oo iyadana lagu ganaaxay 4000 oo Bir
3-
Abshir Xaashi oo isagana agu ganaxaay 5000 oo Bir
4-
Gabadh Ina Ugaas ah oo magaceeda aanaan haynin, waxaa
iyadana lagu ganaaxay 3000 oo Bir
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale dadwaynahaas ka
dhaceen 3 Qori oo AK 47 iyo 1 Qori Baasuuke ah. Dadka Qoryahaas leh
waxaa ka mid ah;
1-
Muxumed Xirsi Cabdi Gaas iyo
02/08/07 ciidammada gumaysigu waxay gubeen tuulada
Kala-jeex, oo wax yar u jirta magaalada Dhoobawayn.
04/08/07 waxay ciidammada gumaysigu boobeen oo
rarteen guud ahaanba wixii hanti ahaa ee shacabku lahaa ee tallay
tuulada Yaxoob.
05/08/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale bobeen
oo rarteen wixii hanti ahaa ee taallay tuulada Haynsaraar, oo Fiiq ka
tirsan. Hantidaasi waxay isugu jirtay badeecad iyo lacag caddaan ah.
Waxayna halkaas ka afduubteen oo meel uu ku sugan yahay aan ilaa iyo
hadda la garnaynin nin lagu magacaabo Bishaar Maxamed.
02/08/07 ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa Aqallo
soomaali ku gubay deegaanka Qarsoodi. Tirada guud ee Aqallada la gubay
ma hayno, laakiin waxaa ka mid ahaa dadka Aqallada laga gubay;
1-
Khaliif Qarwaashe, oo isaga iyo caruurtiisa laga
gubay 4 Aqal
2-
Qabdiid Cilmo Qoorjeex oo 3 Aqal laga gubay
3-
C/llaahi Faarax Good oo isaga iyo carruurtiisa 4 Aqal
laga gubay
4-
Faalug Xasan Muxumed oo isaga iyo carruurtiisa 5 Aqal
laga gubay iyo
5-
Cali-Gurey Cabdi Jikre oo isagana 1 Aqal laga gubay.
Aqalkan waxaa lagu gubay Maqal 12 ah.
JWXO oo qaraxyadii Jigjiga Itoobiya ku eedaysay.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa
taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ku eedaysay inuu isagu ka
denbeeyay qaraxyo axaddii lala beegsaday meelo kala duwan oo ka mid ah
magaalada Jigjiga. JWXO ayaa bayaan ay isla axaddiiba soo saartay waxay
ku sheegtay in qaraxyadii ala beegsaday Suuq iyo Kaniisad ku yaalla
magaalada Jigjiga uu ka denbeeyay taliska Addis Ababa, taasoo ula
jeeddada ka denbaysa ay tahay in lagu marin-habaabiyo halganka xaqa ah
ee shacbiga Ogaadeenya. JWXO waxay sidoo kale taliska Addis Ababa ku
eedaysay weerarkii uu toddobaadkii hore ku dilay madaxii iyo shaqaale ka
tirsan ururka samafalka ah ee Ogaden Welfare and Development OWDA.
Qaraxyadan denbe ee Jigjiga ee taliska Addis Ababa
fuliyay waxaa loola jeedaa oo kaliya in marmarsiinyo loogu raadiyo
denbiyada dagaal ee taliska Addis Ababa ka galayo dadwaynaha rayadka ah
ee Ogaadenya.
JWXO waxay canbaaraysay qaraxyadan lala beegsaday
goobaha rayadka ee bulshada Ogaadeenya, waxayna tilmaantay in
tallaabadani ay caddayn u tahay in xukuumadda Itoobiya ay taageerayso
fal kasta oo ay ku dabooli karayso hawlgalladeeda, si ay sii waddo
denbiyada bani’aadamnimada ka baxsan ee ay ka gasanayso Ogaadeenya. JWXO
waxay beesha caalamka mar ale ugu baaqday inay si toos ah u faragaliso
arrimaha Ogaadeenya inta ayna xaaladu faraha ka bixin.
Axaddii ayay labadan qarax ka dhaceen magaalada
Jigjiga, iyadoo qaraxyadan lala beegsaday suuq magaalada ku yaalla iyo
Kaniisa, waxaana la sheegayaa inuu ku dhintay hal qof oo rayad ah,
siddeed kalana ay ku dhaawacmeen. Ma aha markii ugu horraysay ee
xukuumada Itoobiya ay magaalada Jigjiga ka fuliso qarax noocan ah oo
lala beegsanayo goobaha rayadka, iyadoo ula jeeddada ka denbaysa ay
tahay inay ku masabido CWXO.
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2007
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa...
Akhri Aug 6
Dareenka
ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii
Duntay ee Minneapolis
Maxammed Guuleed oo ay qaraabo...
Akhri Aug 6
Shirka
Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay
balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna
waxey u ekeyd afwax cunay xishood...
Akhri Aug 6