SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UGANDA
 

Dowladda Uganda Iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Uganda Ku Nool Oo Qodobo Muhiim Ah Wada Gaaray.

Shirkii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah ay iskugu yimaadeen Dowladda Uganda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku nool ayaa galabta mar kale ka dhacay hoyga guddoomiyaha Somali Community Association in Uganda Xuseen Abuukar Xasan (Xuseen Garweyne).

            Labada wakiil ee ka socotay Xaafiiska Madaxweynaha  ee Alex Abeneitwe iyo Ssanja Erie ayaa sheegay in Madaxweynaha Uganda Yoweri K. Museveni uu u kulul yahay inuu arko Soomaalida Uganda oo soo buuxisa sharuudaha lagarabo, isla markaana ka faa’iideysata mashruucyo badan oo dowladdu u heyso Jaaliyadda.

            “Waxaad tihii jaaliyada ama qoyska uu Madaxweyne Museveni ugu jecel yahay marka loo ego qoomiyadaha iyo jaaliyadaha kala duwan ee ku nool wadankan, Soomaalida wuxuu u aamin san yahay dad wanaagsan oo waa la dhacsan yahay, sidaas daraadeed wuxuu idinka doonayaa inuu helo maamul ahaan dad kala dambeeya oo muujiya han iyo wax la qeybsi dadka kale” sidaas waxa yiri Alex Abeneitwe oo ah madaxa District Internal Security Organization (DISO) ee Kampala central, isla markaana ah ergay gooni ah ee xaafiiska Madaxweyne Museveni, “Waxaan ku soconaa amar uu na soo siiyay madaxweyne Museveni kaas oo ah in aad yeelataan qaab isku xirnaansho iyo wadashaqeyn dhexdiina ah iyo mid aad dowladda aad la yeelataan, waxaana dooneynaa in aan wada shaqeyno” ayuu sii raaciyay Mr Abeneitwe.

            Kulankii maanta oo ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa la isku raacay qodobo dhowr ah waxaa ka mid ahaa:-

  1. Xoojinta guddiyada kala duwan ee Somali Community, si loo helo ama ay Soomaalida Uganda ku nool ay ugu suurto gasho adeegyo badan oo muhiim u ah noloshooda iyo shaqooyinkooda.

  2. in guud ahaan la diiwan galiyo Soomaalida halkan Uganda ku nool, haddi ay ahan lahaayeen Qaxooti, Somali-uganda ama dadka heysta jinsiyadda wadankan iyo sidoo kale dadka Ganacsiga iyo booqashooyinka ku jooga, si loo ogaado Number-ka ma tirade guud ee Soomali ah ee bustahoodu yaalo Uganda

  3. in la furo 5-xaafiis oo hoos taga Somali Community kuwaas oo la kala macaamilaya qeybaha mid kasta lagu haleeyo, waxayna kala yihiin:

    1. Xaafiiska Caafimaadka

    2. Xaafiiska Waxbarashada

    3. Xaafiiska qaxootiga

    4. Xaafiiska dad heysta jinsiyadda ama baasaboorka Uganda ee wadanka ku noolaa muddo, hada ku sii noolaaanaya

    5. Xaafiiska dadka Soomaalida ah ee ganacsiga, waxbarashada iyo booqashooyinka ku jooga

  4. in si ammaanka dadka Soomaalida ah uu u noqdo mid adag, isla markaana ay diiwaan galinta u fududaato degmada Soomaalida ee Kisenyi loo kala qeybiyo 5 waaxood oo kala ah central Kisenyi, Kasato, Kakajo, Masaja iyo Mengo Hill.

  5. in dadka Soomaalida ah ay ka  faa’iideysto mashruuca “BONA BOGGAG WALLE” oo markii afsoomaali loo bedelo noqoneysa “QOFKASTAAHI HA TAAJIRO” kaas oo ah mashruuc deyn ay oo ay dadku ka qaadanayaa Bangiyada dowladda, isla markaana ay ku qabsanayaan edeegyada ay daneynayaan.

  6. in loo fududeeyo dadka Soomaalida ah socdaaladda ay ku tagayaan wadamada deriska ah iyo sidaas oo kale in loo fududeeyo wixii document ah oo ay dowlada dhinaceeda ka rabaan.

  7. in dowladda Uganda aysan waxba ka hagragan soomaaliyda dalkeeda ku noo iyo sidaas oo kale dowladda lala shaqeeyo.

  8. in  dhinaca waxbarashada gacan weyn la siiyo Soomaalida halkaan, gaar ahaan dhinaca waxbarashada caafimaadka.

Dhammaan qodobadan waxay dhaqan gali doonaan wixii ka dambeeya maalinta isniinta ah ee soo socota, waxaana markaas bilaaban doona diiwaan galinta oo ah mid dadka Soomaalida ah lagu ogaanayo tiradooda.

Guud ahaan dadkii shirkas ka soo qeyn galay oo kala socoday qabaa’ilka iyo qeybaha bulshada ee, haddii ay ahaan lahaayeen Duqey, waxgarad, aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro intaba waxay muujiyeen in ay ku faraxsan yihiin qodobadan, iyadoo markii shirkaas uu dhammaaday ay Odayaasha Jaaliyadda yeesheen  kulan lagu xulayo guddiyadii howshaas qaban lahaa.

Guddoomiye Xuseen Garweyne ayaa ugu dambeyntii isaga oo ku hadlaya magaca Soomaalida dowlada u diray macadcelin buuxda isagoo ballan qaaday in shaqadaas xooga leh ay qabanayaan haddii EEBBE Idmo. 

W/D Faarax Maxamed Cali (Faaarax Blue)

Kampala-Uganda

Email: farahblue_545@hotmail.com

Mobile +256 (0) 774228112

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com