Masaxbaa in dhulka
Soomaalida Ogaadeenya ee ay Itoobiya gumaysato loogu yeedho
(Ismaamulka Soomaalida Itoobiya?)
Mukhtar Gundid
gundid@gmail.com
Dadka soomaaliyeed waa dad uusan xataa wakhtigu wax
barin,kuma fogaadaan qiimaynta dhacdooyinka iman kara
mustaqbalka iyo raadreebka kuwii tagay.
Soomaalidu halgankeedu wuu midaysnaa kahor xoriyaddii
labadii qaybood ee Soomaaliya 1960kii,markii labadaas gobol
ay xoroobeen ayaa waxay iska iloobeen walaalohoodii ku
hadhay gumaysiga.
Shakhsiga Soomaaliga ah ee kunool Muqdisho,Boosaaso,Hargaysa
iyo meelo kale oo badan marka uu warbaahinta ka maqlo
dhibaatooyinka uu cadawgu ku hayo dadka Ogaadeenya ama falal
ay fuliyeen xoogagga Wadaniga xoraynta Ogaadeenya ayaa waxay
ula mid tahay sidii iyadoo laga hadlayo Afganstan ama meelo
kale oo Aasiya ah.
Ma odhan karnaa markaas dadka Soomaaliyeed ee ku nool
Jamhuuriyaddii xorta ahayd kama damqanayaan gumaadka
joogtada ah ee lagu hayo Soomaalida Ogaadeenya?
Bal kawaran akhristoow sidii maalin maalmaha kamid ah
Ogaadeenya loo qabsaday ayaa maantaba
Gaalkacyo,Hargaysa,muqdisho iyo Kismaanyaba loo qabsadaye
hadaan dhulkaas ugu Yeedho (Jawhar oo katirsan kililka
lixaad ee ismaamulka soomaalida itoobiya!?) waxaa xaqiiqo ah
in maanta ayna jirin wax ay ku kala duwan yihiin soomaaliya
iyo Ogaadeenya, bal e Ogaadeenya ayuuba udhaqdhaqaaqayaa
urur 23 jirsaday oo cagta saaray wadadii toobiyaha ahayd.
Qoraalkan waxaa iga keenay waxaan akhriyay qoraal uu kusoo
baxay Internetka Ayaa waxa uu qormadiisa cinwaan uga dhigay
(In
ku Dhow 70 Askari Oo Ethiopian ah oo Ku Nafwaayey Weerar Ka
Dhacey Deegaano ka tirsan Ismaamulka Somalida ee Ethiopia)
saw markaas uma muuqato in dhadhanka qormadani ay Itoobiya u
xalaalaynayso dhulkaas? eraygan uu webku sida ka fiirsasho
la'aanta ah uu qoray:-
- Ayaa waxaa unaf wayday
Boqolaalan kun oo N/hure oo geeri ka doortay haysashada
itoobiya ee dhulka Ogaadeenya.
- Waxaa unaafoowday
boqolaalan kun oo ruux oo aan marna ku qacni Karin in
itoobiya ay dhulkoodii ku naalooto.
- Waxaa ubarakacay
boqolaalan kun oo ruux oo guuraa madage wadanka
dhexdiisa hadba dhinac uhayaama.
- Waxaa uqaxootiyay
boqolaalan kun oo ku kala silicsan dabalada aduunka.
Shakhsiga Itoobiyaanka ahi
marka uu ka hadlayo ama uu tilmaamayo dhulkaas waxa uu
adeegsadaa (OGADEN ama GOBOLKA SOOMAALIDA ama ).
Hadaba ninkii Itoobiyaanka ahaa ee cadawga u ahaa umadda
soomaaliyeed iyo muwaadhinkii Soomaaliyeed ee odhaahdaas
qoray keebaa sax ah?waxaan jawaabteeda u daayay muwaadhinka
xalaasha ah ee Soomaaliyeed.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Maroodigu wuxuu afkiisa ka
cuno dabadiisa ayay ka jeeban tahay xaqiridda iyo
dhabarjabinta walaalkaa waxay keentaa in dhibkii isaga
haystay oo kale uu mar uun adigana ku qabsado,sida maanta
taagan ee Itoobiyaankii aad nagu dayriseen ee aad waliba noo
dhabar jabiseen uu ku amar-kutaaglaynayo ciiddii
soomaaliyeed.
Mukhtar Gundid
gundid@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Apr 26, 2007
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka
oo Liibiya ku sugan
Dhagaxbuur:
74 Qof oo Ku Dhintay Weerar lagu qaaday Xarun ay
Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen..
9 qof oo shaqaale Shiine ah ayaa ka mid ah dadka ku
dhintay weerarkaas oo ay sheegatay jabhadda...
Akhri...
Qabsashada
Sharcidarada ah ee Itoobiya iyo Xasuuqa ummadda...
Shir weyne lagu qabtay magaalada
Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa looga hadlay xaalada
Soomaaliya..
Akhri...
BAYAAN
KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...
Waxayna ugu baaqeynaa
ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka
gumeystaha Itoobiya iyo in...
Akhri...
Minnesota,
USA:
Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta
beesha....
Akhri...
Jaaliyadda
Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen
dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa
Akhri
Soomaalidda
Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax
Akhri...


|