SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LIIBIYA

 Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Liibiya ku sugan

Arbaco,25 April 2007 Wasiirada Wasaarada Horumarinta haweenka Iyo Daryeelka Qoyska .Marwo. Aamino Maxamed mursal &Wafdi Ay Hogaaminayso,Wafdiga Wasiirada ayaa guud ahaan Ka Kooban Afar, Sida Ay Ii Sheegtay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo daryeelka qoyska Marwo:Jamiilo Saciid Muse oo iigu WAramaysay Hotelka Ay degen yihiin ee caasimada dalka libya ee tripoli Wafdigan oo Halkan u yimid Shir -shirkan oo ahaa shir loo Qabtay haweenka Dowladaha CArabta Iyo africa Waxaana ka soo qeyb galay 130 Dowladood Shirkan ay ka soo qeyb galeen haweenka ayaa ahaa markii ugu horeysay ee uu dhaco kulan Caalami ah ee haweenka ku Saabsan loogana wada hadlayey sharciga iyo seyniska,

shirkan oo uu marti geliyey hogaamiyaha dalka libya Al Qaaid Mucamar Al Qadaafi ,(The first international Scientific Conference on Woman&Law)--Shirkan waxuu dhacay taariikhda markey ahayd -15---17 April-07 Shirka in tii uu socday waxaa Qudbadii munaasibka ahayd ka soo jeedisay halkaas ahaydna shaqsigii matalayey dalka soomaliya wasiirada Marwo Aamino Maxamed mursal Qudbadii ay halkaasi ka jeedisay Wasiirada ayaa noqotay mid aad loogu riyaaqay ka dib markii ay ku soo qaadatay xalada murugsan ee uu marayo dalkeeda Ayada oo ka faaiideysanayso fursada qudbadeeda ee shirkaDowladihii shirkas ka soo qeyb galayna dhamaan wey soo dhaweeyeen hadalka wasiirada ee ay uga hadashay dhibatada iyo macluusha iyo cudurada manta haysta shacbiga soomaaliyeed ,

shirkii markii uu dhamaaday ayey tiri jamiilo saciid muse oo ah agaasimaha wasaarada horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska oo sii wadata hadalkeeda Waxaa si gaar ah Noogu yeeray Hogaamiyaha dalka libya waxaana la yeelanay kulan foolka fool ah Waxaana Ay gudoonsiisay wasirada dhanbaal qoraal ah oo ay ka siday madaxweynaha Soomaaliya Mudane:C/laahi Yuusuf Ahmed kuna socotay madaxweynaha dalka libya wuuna gudoomay hogaamiyaha libya dhanbalkas, uu us oo diray dhigiisa Soomaaliya

Waxaana uga warbixinay Xaalada dalku maanta marayo Dacuunka ama cudurka daba ka shubanka oo si ad ah uga dilaacay dalka soomaliy taas oo ay sababtay dagaalada iyo macluusha haraysay somaliya mudada 17sano gaar ahaan xalada hada dalku marayo oo ah dadka baraka ku yimid oo aan haysan hoy iyo dawo hooyooyinka iyo dhalaanka sabiga ah iyo haweenka uurka leh hogaamiyaha islam waqtigiiba qalinka ayuu ku duugay waxaana hada socda processki lagu diri lahaa waxaana gargaarka qaadaya diyaarado waa gargaar deg deg ah waxayna ka degayaan sababo aman awgeed magalada baydhabo dibna waxaa loogu sii gudbin doonaa dhamaan goobaha dhibatadu ka jirto ee dalka somaliya gargaarka waxaa uu ka kooban yahay dawo teendhooyin bustooyin iyo raashinka caruurta ama nafaqada caruurta waxaan ka codsanay madaxweynaha in uu nagu diro wafdi soo kormeera baaxada dhibaatada ogaadana qaabka loo bixinayo deeqda iyo weliba weliba weriyayaal ka socda tvga dalka libya si ay u soo gudbiyaan xalada iyo sida loo maamulay deeqda , wuuna naga ogolaaday madaxweynaha dalka libya , mar aan wax ka weydiiyey in ay jireen deeqo dowlado farabadan oo ay ka mid tahay dalka libya ay ugu deeqeen dowlada somaliya deeqdasna aanan la ogeyn ilaa iyo hada meel ay martay oo laga weciyey dhabihii loogu talo galay, ayey agaasimaha guud marwo jamiilo waxay ku jawaabtay ahahah... ma dhacayso tii oo kale waayo beytiri waxaa markaan qaadaya deeqdan haween deeqahaas horey loo lunsaday waxaa qaadi jiray rag markaa wey ka duwantahay ,waxaana rajeynaynaa in ay noqoto mid dhabaha u furta in haween uun wax loo dhiibo oo aan ragba wax loo dhiibin

Sidoo kale waxay ii sheegtay in ay kulan la yeeshen jaaliyada soomaliyeed ee dalka libya uguna warbixiyeen xalada dalku marayo ayagana ay ku booriyeen sidii ay gacmaha isu qabsan la haayeen waayoo beytiri gacmo wada jirbay wax ku qabtaan ama ku gooyaan, sidoo kale waxay ii shegtay jamiilo in ay soo booqdeen xabsi ka mid ah xabsiyada dalka libya ugu weyn oo lagu magacaabo masaraato ay ku xiran yihiin somali gaareyso ilaa 18ruux oo laga qabtay wadooyinka taana waxay ii sheegtay in ay kala hadlen hogaamiyaha libya laftiisa waxuuna ogolaaday in la sii daayo sidoo kale waxaan soo booqanay bay tiri nin gacan ku dhiigle ah oo horey u dilay nin somali ah xirana mudo ilaa 7sano ah asigana in laga soo daayo ninkas waxaa lagu magacba maxamed cismaan maxamed-sidoo kale diyaradaha deeqda geynayo somaliya waxaa naloo ogolaadey in ay horey u sii qaadaan gabar maskaxda looga jiro iyo labo wiil oo xanunsanaya si dalka dib loogu celiyo,

maalmahan fooda inagu soo hayana waxaa bilaabanayo deeqdii ugu horeysay ee deg dega ahayd waxaa is agfadhiyey wasiirada iyo agaasimaha marka ay ii warameysay waa markii ugu horeysay ee ay haween kaligood ah ee ma talaya magaca dowlada federaalka ah ee yimada dalka libya kana fuliyaan howl noocan oo kale ah wafdigan ka socda wasarada haweenka ayaa dhamaan ay u riyaaqeen jaaliyada soomaaliyeed ee dalka libya firfircoonidoda iyo dadaalka xilkasnimada leh ee ay sameeyeen intii ay martida ku ahaayeen dalka libya

Saciid Axmed Cali "Annteno"--Mahdi yare
Saciidanteno@yahoo.com 

Apr 25, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com