SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: Apr 27, 2007

  • 450 qof ayaa ilaa hadda ku dhintay dagaalada, waxaana ku dhaawacmay 700 qof....
  • Warbixin : Muqdisho oo ku waabariisatay dhawaqa madaafiicda BM_ka iyo hoobiyaha maalintii sideedaad oo xiriir ah...
  • Masaajidada Waaweyn Ee Magaalada Muqdisho Oo Lagaga Dhawaaqay Jahaad Ka Dhan Ah Ciidamada Cadowga Ethiopia...
  • Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku eedeeyey dunidu in ay ka seexatay dhibaatada iyo dagaallada ka socda Muqdisho
  • Miles Zenawi: "Dagaallada ka socda Muqdisho waxaa wada beesha Cayr iyo Xubno Al-Shabaab ah"

    Letter From Students at: Minneapolis Community and Technical College

Raysal Wasaare Geedi : Waanu Soo Af-jarnay Dhamaan Dagaaldii Ka Socday Muqdisho Waanuna Ku Guulaysanay .

(Apr 26, 2007): Raysal wasaaraha Dowladda KMG ah ee cali maxamed geedi ayaa sheegtay inay soo gaba gabeeyeen inta badan dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho oo ay la wareegeen goobihii dagaaladu ka socdeen .

Shir Jaraa'id uu ku qabtey Ra'isulwasaaraha dowlada KMG ah prof,geedi hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in in ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaaladii soconayey caasimada muqdisho 8 -cisho kadib .

Geedi oo saxaafadda ugu yeeray hoygiisa ayaa carabka ku dhuftay in aysan dhici doonin dilal ku saleysan aargoosi, isagoo ugu baaqay ciidamada dowladda KMG ah in aysan sameyn falal lagu waxyeeleynayo qof kasta oo ku sugan goobihii lagu dagaalamay.

Ra'isulwasaare Geedi waxa uu ka dalbaday dadka hubka haysta ee dagaalada aanan ku jirin aysan ka soo bixin guryahooda, una diyaar garoobaan si loo diwaan galiyo.

Waxa uu ku amray ciidamada dowladda KMG ah in ay sii dabo galaan kuwa ku dhuumaaleysanaya guryaha ayna baaraan wixii hub ah ee ay wateen ciidamadii la dagaalamayay waa siduu hadalka u dhigaye .

Ra'isulwasaare Geedi ayaa waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan si ay ugu soo laaban lahaayeen guryahooda wixii berri ka bilowda, isagoo ku dhiiri galiyay shacabka Somaliyeed in la joojiyo wixii wax u dhimaya umadda Somaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku soo jirtey.

Si kastaba ha ahaatee shirkan jaraa,id ee uu qabtay raysal wasaare geedi ayaa kusoo beegmaya xili ay dagaalo kululi ka soconayaan deegaano kamida magaalada caasimada ee muqdisho taasoo u muuqata mid aan weli dhamaan .

Dagaalo Faraha Lagaga Gubtay Iyo Duqayn Xoogan Oo Maalintii 8-aad Ka Socota Magaalada Muqdisho .

Duqayn iyo Dagaalo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka waaberigii mar kale dib uga qarxay magaalada muqdisho oo ku faafay meelo aan markeedii hore dagaal ka jirin .

Dagaaladan oo soconaya maalintii 8aad ayaa maalinba maalinka ka dambaysa sii kululaanaya iyadoo wararka laga helayo dagaalka saaka waaberigii ka qarxay agagaarka deegaanada al-cadaala ee degmada yaaqshiid ee nawaaxiga hotel ramadaan huriwaa ilaa hotel sanca ee degmada kaaraan ay yihiin kuwo gacanta laysula tegey iyadoo ay sidoo kalena dagaaladu ay labo geesood yihiin oo ay qaarkood ka soconayaan Aagga Jamhuuriya, Fagax, Towfiiq oo ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid, halkaasi oo 7dii maalmood ee la soo dhaafay dagaalo ba'an ay ku dhexmarayeen ciidamada huwanta ee kuwa dowlada KMG iyo Ethiopia iyo xoogaga wax iska caabinta ee ka dagaalamaya magaalada caasimada ee muqdisho .

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan iyo qorayaha lidka diyaaradaha ayaa madaafiicda la is weydaarsanayo waxa ayaa waxay ku fideen deegaano cusub oo aysan markii hore dagalo ka socon sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan deegaankaas .

Deegaanada xayle bariise ,agagaarka al-cadaala ee degmada yaaqshiid ayaa saaka dagaaladu ku fideen iyadoo Rasaasta aaggaasi ka socoto ay tahay mid aad u culus mar- marka qaarkood waxaaba madaafiicda habowga ahi waxku dilaysaa deegaaada xaafadaha ka dhaadheer dagaalka waloow saaka waaerigii duqay xooga loo gaystay xaafadaha jamhuriya ,hotel samca ee degmada kaaraa .

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa tiro dhaafay oo aysan jirin cid tiro koobtay ayaa sidoo kale dad meydad ah ayaa lagu arkayay goobaha ay ku dagaalamayaan labada dhinac, kuwaasi oo isugu jira dad ay haleeshay rasaasta haboowga ah iyo kuwo ay si toos ah u toogteen ciidamada Ethiopia..

Dhowr Madfac ayaa ku dhacday xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, waxaana mid ka mid ah madaafiicdaasi uu ku dilay 4 ruux oo rayid ah ka dib markii uu ku dul habsaday gaari BL ah oo dadkaasi ay saarnaayeen, iyadoo tiro kale oo dad ah ay ku dhaawacmeen halkaasi.

Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay sababeen in dad ka barakacay magaalada Muqdisho ay sii barakacaan ka dib markii ay uga tabatageen goobihii dadkaasi ay u carareen.

Si kastaba ha ahaatee dagaaladan ka soconaya maalintii 8-aad magaalada muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli ay socoto waan waan u dhaxeysa odayaasha beelaha Hawiye iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia, iyadoo saaka barqanimadan ee maanta ay ku balansan yahay kadib markii kulnakoodii shalay uu dhicisoobay.

Masaajidada Waaweyn Ee Magaalada Muqdisho Oo Lagaga Dhawaaqay Jahaad Ka Dhan Ah Ciidamada Cadowga Ethiopia....

Masaajidyada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xawli ah uga socda is qorista dhalinyaro Jihaad la gasha ciidamada cadowga Itoobiya ee ku soo duulay Diinta, Dalka iyo Qarannimada dadka Soomaaliya.

Ilaa Boqolaal dhalinyaro ah oo isdiiwaan gelisay kana soo jeeda beelaha Soomaaliyeed oo dhan ayaa haatan qeyb-qeyb u gala dagaallada Muqdisho ee looga soo horjeedo cadowga Itoobiyaanka ee caasimadda Soomaaliya ka wada dagaallada, iyadoo qof walba oo Soomaali ah uu ka dhiidhiyey dagaallada ay Itoobiyaanku ka wadaan Muqdisho oo aan la ogeyn sababta uu uga dagaalamayo gudaha Muqdisho oo wax ka khuseeyaa aanay jirin.

Sidoo kale Isbitaallada Muqdisho ee dhaawaca dadka rayidka uu buuxo ayaa iyagana waxaa ku sii qulqulaya dhalinyaro dhiig u shubaya dadkaas dhaawaca ah ee ciidamada Cadowgu Madaafiic iyo Hoobiyaal la dhaceen, waxaana dhammaan beelaha Soomaalida ay ka siman yihiin inay dhinac uga soo wada jeestaan cadowga Itoobiyaanka, isla markaana gurmad u fidnayaan dadka ku dhaawacmay dagaallada iyo madaafiicda sida arxandarrada ah Itoobiyaanku ugu garaacayaan rayidka.

Si kastaba ha ahaatee dagaalada ka soconaya magaalada muqdisho oo ay ku bara keceen kumaan qoys oo soomaali ah ayaa marba marka kasii dambaysa sii kicinaya dhiiga dadka soomaaliyeed ee wadaniyada iyo diintaba leh iyadoo ay isasoo tarayaan carada xoogan ee loo qabo ciidamada wadanka kusoo duuley ee Ethiopia.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalada ka socdo muqdisho...

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 / 002521653623

450 qof ayaa ilaa hadda ku dhintay dagaalada, waxaana ku dhaawacmay 700 qof....

Saaka waaberigii ayaa diriri ka bilaabatey halkii ay ku habeensatey shalay galab oo aheyd meelihii ay iskaga soo horjeedeen ciidamada Ethiopia oo garab siinaya kuwa dowlada fadaraalka KMG somaliyeed iyo kooxaha diidan joogitaanka ciidamada shisheeyey ee dalka ku sugan .

Dagaalkaan ayaa waxaa la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyo madafiicda waa weyn ee uu ka mid ayahay BMka altileriga gantaalaha garabka laga rido risaasta ka dhacda qoryaha suuga iyo taranta sataha .

Dagaalka subaxnimadaan ayaa wuxuu a bilowday xaafada towfiiq iyo jiiro garoob wuxuuna ku si fiday xaafado kale oo horey u nabdoonaa sida muqdisho stadium ,ramadaan suuqa jamhuuriya ,heli waa suuqa xoolaha ,yaaqshiid , wardhhigley .iyo meelo kale.

Madaafiicda BM-ka ayaa u dhacday suuqa xolaha goob gawaarida laga raaco bus halkaas dad ay uga degayeen ka yimid dhinaca black sea kaas oo ku dul habsaday halkaas oo dadkii uu ku dhacay lakala garan waayey xubnahodii, waxeyna ahaayen kuwo gubtay oo doorsoomay, dhaawaca ayaa intaa ka badan waxaana loo qaaday dhanka ispitalka hoyada iyo dhalaanka ee sos kaas oo aan la isku halen Karin isaga qudhiisa waxaana jirtay in Bm lagu garacay shalay oo ay dad ku dhinteen waana ispitaalkii sadaxaad ee xirmo iyada oo ay horey u xinaayeen ispitllada xayaad iyo carafaad kuwaas oo xirmay ka dib intii ay bilowdeen dagaaladaan dadka badani uu ku hoobtay .

Dhanka kale waxaa maalintii saddexaad yaala meel wado ah mid ka mid ah 5 ruux oo ahaa dadka xaafadaha ku harsanaa isla markaanka ilaalo ka ahaa guryahay laga qaxay oo ay haleeleen risaasta la is weydaarsanayey meydka qofkaan ayaa waxaa diiday in la aaso ciidamada Ethiopia oo uu u dhowyahay halka ay aaga ku jiraan cidamada Ethiopia kuwaas oo diiday in la qaado oo la asturo ( la duugo ) cidii isku dayda in ay u dhawaatana la duldhigayo .

Dagaaalkaan culus ee ka socdo xaafdaha badan oo ku soo dhacayo qoriga BM-ka oo lagu rakibay gobo cusub marka loo eego halkii uu horey ugu rakibnaa tirade dhimatay ayaa waxaa lagu qiyaasay in ka badan 450 qof hala dhaawacune lagu qiyaasay 700 inkasta oo aan la garaneynin kasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dadka iyo dalkaba waxaana jirta madaafiic habow ah oo dad ku laysay meelo dad ay u qaxeen.

Wixii war ah ee ku soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.


Wararbixintii Xalay::

Warbixin : Muqdisho oo ku waabariisatay dhawaqa madaafiicda BM_ka iyo hoobiyaha maalintii sideedaad oo xiriir ah...

Arbacadii hiirtii ayaa waxaa halkiisii ka bilowday dagaalkii u dhaxeeyey ciidamada dowlada Ethiopia oo gacan hagar la'aan ah siinayo DFKMG iyo kooxaha diidan joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan siiba kuwa Ethiopia iyada oo la isla dhacayo duqeynta culus ee aan la isu aabe yeelaynin iyada oo ay halkoodii ka sii socdaan madaafiicdii shalay ilaa xalay lagu ridayay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku nafwaayeen (Arbacadii iyo habeenkeedii) tiro kor u dhaftey 45 qof oo u badan dad shacab ah waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan isla markaana ay ku dumeen guryo badan halka in badane ay ku barakaceen guryahoodii .

Meelaha sida aadka ah uu Arbacadii dagalku u saameeyey ee uu ku dhex maray iska horimad fool ka fool ah Ciidamada Ethiopia oo garab siinaya kuwa dowlada fadaraalka KMG oo dhinac ah iyo waliba xoogaga kasoo horjeeda joogitaanka Ciidamada shisheeye ayaa ah xaafadaha fagax iyo juungal .

Dhinacyada dagaalamayo ayaa isu adeegsanaya hubka noocadiisa kala duwan sida gantaalaha garabka laga rido, madaafiicada aarti-lariga ah iyo waliba madaafiicda goobta sida qoriga BM ka oo goobaha laga rido ay ka mid ahaayeen dugsigii maxamuud axmed cali .taaga xaafada sanca .hotelka global .xeradii gaadiidka booliska , taliska asluubta halkii horey u ahayed ,madaxtooyada oo iyadu iska noqotey meel caanku ah dhawaqa madfaca Bmka iyada oo loo isticaamlayey qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha kala fog fog ee Magaalada Muqdisho waxaana jirin wax daqiiqado ah oo uu hakad galeen Madaafiicda mana jirin wax liishaan ah ee waa dhinicii la doono in la iskaga rido.

Lama cadeyn karo khasaaraha Baaxada leh ee soo gaaray dadka rayid ka ah Madaafiicdune waxeyu socotaa si isdaba joog ah .

Sidoo kale waxaan la xaqiijin Karin Dhimashada ilaa hada inta ay la egtahay dadka waxaana lagu qiyaasayaa in ay gaarayaan waxyeelada soo gaartey dadka rayidka ah in ay gaarayso ilaa 45 qof dhaawacune waa tiro intaa ka badan (waa qiyaasihii la sameeyey 24kii saacadood ee la soo dhaafay, halka ay maalmihii hore ee dagaalada ay ku dhinteen 267 sida ay sheegeen hay'adaha xuquuqul insaanka).

Abaarihii 9kii subaxnimo ee Arbacadii ayuu sii xoogeystey dagaalka ay iskaga soo horjeedaan magaalada muqdisho ciidamada Ethiopia iyo kooxha diidan jogitaanka cidamada shisheeye sidoo kale waxaa iyane sii batay Madaafiic lagu gamayo degaanada fagax iyo jamhuuriya halkaasoo ay ku soo dhacayaan Madaafiicda laga rido qoriga BM-ka iyo waliba hoobiyaasha waxyeelo badan oo burbur iyo barakac dhimaho iyo weliba dhaawacba leh ayeyna gaysteen.

Howlwadeenada caafimaadka ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa uu dagaalku sii cuslaanayo mana jirto cid guul sheegan karto ilaa iyo hada waxana lakala joogaa meelhii uu dagaalku ka bilowday .waxaana loo baahan yahay dadaal nabadeed ayey yiraahdeen qaar ka mid ah howlwadeenada cafimaadka oo diiday in magacooda la xuso sababa amaan dartood.

Sidoo kale waxaa iyane sii badanayo khasaaraha soo gaarayo dadka shacbka ah oo aan waxba galabsan halka kuwa kalane ay ku barakaceen duqeynta culus ee loo geysanayo magaada waxaana soo baxayso in sadax meelood ay magaaladu duntey sidii ka dhacday ruwandha ayey saadaalinayaan dadka qaarkii.

Dhanka kale ispitaka hooyada iyo dhalaanka ee sos ayaa duqeyntii Arbacadii waxaa ku habsaday ilaa 4 madfac oo halkii yahay tiro lix gantaal ah kuwaas oo ah BM_ka oo lagu ridayo markii lix gantaal ( nus darsin ), dagaalka Arbacadii xoogiisa ayaa waxaa uu ahaa jungal, fagax , jamhuuriya, sidoo kale madaaficda ka dhacda qoriga BM-ka ayaa ka soo dhacayey isgoyska sanca ,hotelka global baashiisa ,xeradii gadidika boliska ,taliskii asluubta iyo madaxtoyada .

Dhanka kale xaafadaha shibis ,kaaraan, cabdi casiis, oo ahaa xafadihi loo qaxay ayaa waxey Arbacadii qeyb libaax ka qaadanayeen khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba leh ee ay geysanayaan madaficda ay ridayaa ciidamada Ethiopia ee ah kuwa Bmka.

Xaafada suuq bacaad oo aheyd meelihii lagu soo qaxay meel ka mid ah ayaa Arbacadii waxaa ku soo dhacay tiro madaafiica ah oo gaareyso ilaa iyo lix, waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo shacab ah waxaana ku geeriyooday nin ku xamaalanayey gari dameer, waxa burburay xafiisyadii shirkadaha xawaaladaha ee ah Dahabshiil iyo alMustaqiin xafiisyo ay ku lahaayeen xaafada suuq bacaad ee magaalada muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku eedeeyey dunidu in ay ka seexatay dhibaatada iyo dagaallada ka socda Muqdisho

Guddoomiyiha Maxkamadihii Midoobay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan Asmar oo ka hadlayey dabka ka aloosan Muqdisho muddada halka toddobaad ah; wuxuuna sheegay inay dagaalladaas yihiin kuwo geystay dhibaatooyin isugu jira dhimasho dhaawac iyo barakac dad aan awoodin in ay socdaan , dunidu ka sii jeesatey dagaalladaas inay wax ka qabato.

Sheekh Shariif ayaa xusay in dagaalladaas ay yihiin kuwo xanuun badan leh oo u dhexeeya Ciidammada Ethiopia iyo kooxo ka soo horjeeda, waxaana uu sadaaliyey inay dagaalladu socon doonaan inta ay ciidammada Ethiopia ay ka baxayaan gudaha dalka somaliya.

Sheekh Shariif ayaa hadalkaan ka sheegay kulan ka dhacay dalka Eritrea oo ay isugu yimaadeen mas'uuliyiinta ka kala tirsan dowlada fadaraalka ah iyo xubnaha baarlmaanka oo hada xilalkoodii laga xayuubiyey kuna sugan dalka Eritrea ee ka soo horjeeda dowladda, balse ma sheegin in dagaalladaas ay qayb ka yihiin midowgii Maxkamadihii .

Sheekha sharif sh: axmed ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax argagaxiso ah oo ku sugan Muqdisho ama qaybo kale oo ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna diiday inay jiraan kooxo shisheeye ah oo ay iyagu gabbaad ku siinayaan Muqdisho iyo goobo kale oo dalka ka tirsan.

"Ma jiraan wax aan gabbaad siinayno oo shisheeye ah ama Argagaxiso ah, balse waxaan sheegayaa in argagaxiso ku sugan Soomaaliya ama Muqdisho haddii ay jirto ay yihiin ciidammada Ethiopia oo iyagu dhibaatooyin u geysanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo indhawaalaba ku sugnaa dalka Eritrea.

Miles Zenawi: "Dagaallada ka socda Muqdisho waxaa wada beesha Cayr iyo Xubno Al-Shabaab ah"

Miles Zenawi ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay fursad u helaan in laba toddobaad ama toddobaad loogu daro howlgalka ay ka wadaan Muqdisho si buu yiri ay uga ciribtiraan Al-Shabaab .

Raiisal wasaare Miles Zenawi ayaa shirsaxaafadeed oo uu ku qabtay Addis Ababa kaga dhawaaqay arintaan , waxaana uu sheegay in ciidammadiisa ku sugan gudaha dalka somaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalladii ka dhacay Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

"Ciidammadeydu waxay ka gaareen dagaallada ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab guulo la taaban karo, waxaase ay u baahan yihiin inay helaan hal toddobaad ama laba toddobaad oo kale si ay uga saraan Muqdisho kooxahaas" ayuu yiri Miles Zenawi oo ku sheegay shirkiisa jaraa'id  isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay sheegay in dagaallada Muqdisho ay wadaan beesha Cayr iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, Waxaana dhanka kale uu sheegay in belaha kale ay taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo jogitaanka cidamada Ethiopia .

"Ciidammadeydu waxay sii wadayaan dagaallada ay kula jiraan kooxahaan inta ay ka saarayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo goobo kale oo dalka ka tirsan dalka Soomaaliya" ayuu ku celceliyey isaga oo caro wajigiisa ka muuqato Zenawi. 

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 / 002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 26, 2007

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Liibiya ku sugan

ShiineDhagaxbuur: 74 Qof oo Ku Dhintay Weerar lagu qaaday Xarun ay Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen..
9 qof oo shaqaale Shiine ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas oo ay sheegatay jabhadda...
Akhri...
 

mplsQabsashada Sharcidarada ah ee Itoobiya iyo Xasuuqa ummadda...
Shir weyne lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya..
Akhri...


 

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com