SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xigaalada Xabashida & u Xusulduubka Xaquuqa

Waxaa Qoray Bashiir M. Xersi

    Maalmihaan waxaa Magaalada Muqdisha ka socda dagaallo culus iyo iska hor imaadyo qaraar, oo u dhexeeya ciidanka xababshida oo garab siinaya maleeshida dawladda Empagathi iyo kooxaha kacdoonka ka wada oo ka gadoodsan joogista ciidanka Xabashida gudaha Soomaaliya, oo iyada gardarro qaawan ku soo gashay wadanka Soomaaliya, dagaaladaan oo labadii todobaad ee ugu dambeeyey uga dhacay si goos goos iyo teelteel ah Marka loo fiirsho maalmahaas uu dhacay ayaa wuxuu gaystay qasaaro lixaad leh oo isuga jirta dhimasha dhaawac iyo barakac ballaaran, in kasta oo aan lahayn tiro go’an oo ku caddahay tirade rasmiga ah ee ka dhalatay wayelada dagalkaas, haddana in ka badan (150) boqol iyo kontan qof ayaa ku nafwaayey, halka Dadka dhaawaca ahna agu qiyaasay ugu yaraan (350) sadax boqol iyo konton, sidoo kalana ay ku qexeen dadaan ka yarayn kumanaan.

    Hadaba dagaaladaan ku soo cusboonaaday magaalada Muqdisha waxaad moodaa inay ka dhigan tahay wax lagu tilmaami karo: Sifayn la cirib tirayo dad loo arko inay ka soo hor jeedaan hannaanka ay Dawladdu wax ku waddo, maxaa yelaay waxaa foodda nagu soo haya madahsii shirweynihii Qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne C/laahi Yuusuf ka gadaal cadaadis uga yimid Dalalka reer galbeedka oo culays ku saaray inuu qabto shir noocaas ah, haddaba dagaaladaan waxaa lagu macneeyey inay tahay ka hor dhac shirkaas inta aan la qaban si loo gaaro guulo la taaban karo oo lagu gorgortamo karo laguna shir tagi karo, una noqon kara dawlladda Empagathi tallaabo ay ka soo howsay dhanka Nabadda Xasiloonida iyo dhinaca Siyaasadda, taas oo kor u qaadi karta haybaddeeda dawladdnimo una suura galinta hesho yaboohyo dgaqaale oo loo ballan qaaday, balse lagu xiray inay la timaaddo hannaan lagu siiyo lacagahaas.

    Dagaaladaan ku soo noqnoqday magaalada Muqdisha iyo macnaha loo yeelay iyo ujeedada laga leeyahay ka sokow, waxay had iyo jeer ku dhamaataa guuldarro iyo jab u soo howda Xabashida iyo Xigaaladoda, Murti ayaa waxay leedahay: “Dhagar qabe Dhulka ayaa la Dhaqdhaqaaqa”, si kasta oo ay cudud military ugu soo dagaal tagaan wax guul ah waa ka soo hown waayeen, iyadoo waliba dagaaladii ugu dambeeyey ay wehliyeen duqayn cirka ay ayna ka qayb qaateen dagalka siyaarado, jabkaa iyo guuldarradaa oo waji gabax ku noqotay xabashida ka sokow Xigaalada Xabashida ee iyagu u qiil sameeyey Hoobiyayaasha PM-ka iyo duqaynta cirka ah ee ay sameeyeen ciidanka Xabashida, Xigaalada Xabashida waxaa soo food saartay xaalad adag oo kaga imaanaysa dhanka Xabashida ee iyagu askar fara badan looga dilay dagaalka dabadeedna dhulka lagu jiiday maydkoodiiayna ugu dambaysay dhacdadii qamiistii ee taariiqdu ku beegneed 29/03/07, Xigaalada Xabaashida qorshe kasta oo ay ku damcaan inay isku fidiyaan waa ku shuuqaan sida Dooro(Dajaajad) qayday oo kale!.

    Xigaalada Xabashida waxay caadaysteen in markii dagaal dhacaba ay ku hal qabsadaan Erayga:Argagixiso, Haraagii Maxkamadaha, waxaana wada ogsoonahay in la gaaray heshiis xabad joojin ah oo u dhexeeyey saraakiisha ciidanka Xabashida iyo dad lagu tilmaamay inay yihiin Odayaasha Beelaha Hawiye, wallow ay xabad joojintii jabiyeen ciidanka Xabashidu, hadaba hadaladaa ay ku doodayaan Xigaalada Xabashida waxay noqonaysaa in Dadkii lagu sheegay Odayaasha Beelaha Hawiye ay yihiin Argagixiso tilmaantan oo ay soo hoos galayaan qof kasta oo ku abtirsata Beelahaas inuu ku eedaysan yahay inuu ka mid yahay Argagixisada waa haddii dagaalku u dhexeeyo Hawiye iyo Xabashida oo garab siinaysa maleeshiyada Xigaalada Xabashida.

    Xigaalada Xabashida hadaaqaa iyo hantaatacaa ka sokow waxay ku mashquulsan yihiin howl aad u weyn oo ay u xilsaareen saraakiisha Xabashiduoo ah inay iska horkeenaan iskuna dabeeyaan Beelaga ku wada nool Magaalad Muqdisha, sii loo dhaqan galiyo oraahda ah: “Qaybi oo Xukun” iyagoo isku dayaya inay ka dhex abuuraan Beelahaas dhexdooda tafaraaruq iyo kala qaybsanaan keeni karta in la helo Beelo taageerto ciidanka xabashida, kuwo ay xabad joojin iyo heshiis hoosaad ka gaaraan iyo kuwo iska qunyar socod ah ama lagu tilmaami karo dhex dhexaad aan garabna taageersanayn, hadaba isku soo soofayntaa laysku dirayo Beelaha oo maalmahaan si xowli ah uga sosotay Magaalada Muqdisha sida muuqatay waxaa loo xilsaaray qabqablayaal yaryar oo isugu jira kuwii hore iyo kuwo damboo cusub oo hadda soo baxay oo gacan saar dhow la leh Xigaalada Xabasida, dhacdooyinkii ka kala dhacay xaafadaha Magaalada Muqdisha ayaana muujinaya sida qandaraaskaas u dhaqab galay, tusaale u soo qaado dhacdooyinkii ay ka midka ahaayeen dilalkii abaabulnaa ee lala beegsaday Siyaasiyiin Aqoon yahanno iyo saraakiil ciidan ee lagu dilay Magaalada Muqdisha maalmihii la soo dhaafay, sidoo kale hoobiyaal iyo madaafiic lagu tuuray guryaha Siyaasiyiinta qaarkood.

    Falalkaa gurracan ee ay hurmuudka ka yihiin Xigaalad Xabashida iyagoo adeegsanaya sidaan horay usoo dheegnay caada qaatayaasha aan damiirka lahayn ee ay ka wada kala midaysan yihiin Shisheeye kalkaalnimada, valse waxay tahay inaysan ku guulaysan doonin haddimaha ay la maagan yihiin iyo shir qoolada ay u maleegayaan Ummadda, maxaa yeelay dhagar qabe oo dhan wuu iska dabar go’ayaa waxaana ka haraya magac xun iyo xusuus aan wanaagsanayn, haddaba Dadka Soomaaliyeed haku dadaalaan Midnimadooda iyo inay ka feejifgnaadaan dibin yaabyada  nacabku la maagan yahay isagoo usoo adeegsanaya dad gibilka iyo maqaarka Soomaali ka ah, Xigaalad Xabashiduna ha ogaadeen inay u dambaynayso meel xun magac xun ayna Dadka dhexdooda ka noqon doonaan Duke Cambaar leh iyo haraso Nijaas ah oo qiimo iyo xushmad toona aan lahayn!/ 

Bashiir M. Xersi.

brdiraac@hotmail.com.

Tripoli-Libya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ma Itoobiyaa maanta Loo kala Dheeraynayaa ?

Faafin: April 4, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com