Waqtigaas oo ahaa waqti ay dowladu ukala qeybsaneyd
magaalooyin ka Muqdisho, Nairobi iyo beydhabo, oo
kooxiba ay meel dibjir ku aheyd , dowdarnimaduna ay
aheyd inay khaad cunis ku habsaameen iyo khilaaf ayaga
dhexdooda ah.
Qolyahan
Kaleen idhi diyaaaha ayunbay racaan oo debedaha meer
meeraan waa madaxda sarsare ee dowlada oo sida aan
ognahay iyadoo dad gaajo ugu dhimanayeen xiligaas iyo
maantaba aabaar xumina ay ka jirta gobolada koofurta
qarashaad aad ubadan ku bixin jiray duulimaadyo aanay
xigmad badani ku jirin oo oo kolba dal African ah lagu
aado.
Hadaba
qofkii ILAAHAY kabaqaya cadiifad iyo nin jecleysina
aysan meelxun geyn wuxuu iiga markhaati yahay in ay
arimahaasi run yihiin aflagaadana aanan ula badheedhin
madax Soomaaliyeed waaba hadii ay jiraan maantee.
Gebogabo:
Su’aasha aan aniga iyo dad badanba weydiineyno
shaqsiyaadkaas iyo dhamaan umada Soomaaliyeedba waxay
tahay. MAXAA INOO DIIDAY WANAAGA, WALAALNIMADA, WADA
JIRKA IYO ISWEHESHADKA ?????
Cidii
Jawaabteeda heyso aad baan u dooneynaa ee hanoo sheegto.
Maansadan gaaban ee aan ku address gareeyay Abwaanka
weyn ee Abshir bacadle, waa aniga oo ah Mubashir Sheekh
C/laahiye waxay tidhi:
Abshiroow nidaam dowlo waa laga danbeeyaaye
Waa loo
dulqaataa wixii waayo kaa damane
Dadku
maleh dareen qarnnimiyo dabec islaameede
Dastuur
qeexan waan jecelihiyo maamul daacadahe
Qabiil
lama dugsado iyo waxaan duxi ku laabneyne
Darmadaaban sii wadho lahaa damal cagaar weyne
Dundumooyinkaad uhadh gasheen waa daciifnimo e
Marse
hadii gumeysiga dadbani daanka nagu heysto
Dagmo
iyo koley tuulo tahay la isu deyn waaye
Durbaan
qoys hadmaad noo tunteen deyro mey jirine ?
Tola’ayeey safiir iyo danjire laysu dacareeye
Nin
walow dantaa garo kuwii geliyay diiwaanka
Sow inay
ragbadan duufsadeen deelka kuma taalo
Ninkii
dirir kubaaqee siduu doono noqonweydo
Guutooyin uu dumay hadii duufka la cunsiiyo
Daayinow
maxaa iilahaa wow diwaan galiye
Dangiraanba waa wuxuu kulumay diiri jilibkaaye
Diracyadii lasoo wada qaldiyo daahir iyo kaahin
Darka
jiidha ina-muhuu lahaa diide amarkiiye
Maantana
wuxuu dood adkaa doori hadalkiiye
Dibna
uga bax qabanqaabaduu diiqa ka ahaaye
Dubai
kama matalo reeruhuu duubka uxiraaye
Dabka
laga dhig waayaba haduu diini ku ahaaye
Isagoo
dagmadi uulahaa magan ku daaqaaya
Dabaabadaha xeylee dulyimid daashki uga guurye
Daliilyiyo hunguri qoon horey dalaw ka tuureene
Dafdafliyo afmiinshaarna wey damac qasaareene
Waxaa dowlisyada loositaan meel digaan digahe
Dalkeenii amxaar baa qasbaday gaalna wuu dagaye
Dar
ILaahay waxa leygu dudo waa danbiyo beene
Dulmi
kuma hayee caalamkaa nacay dadkeygaase
Dulligiyo darxumadaan qabniyo dhibaha diihaalka
Dalandoolka gaajada ah iyo ceydhan daba joogta
Duruufaha naheystee badhkood nagu daneysteene
Daris
iyo shisheeyana naflihi noo dardaar wariye
Diin-laawe goortay arkeen gaday damiirkiisa
Damac
baa Ethiopia kagalay daarihii xamare
Nin
walaalki dilay meelxiluu kaga danbeeyaaye
Boosaaso
waxay doonayaa inay duduunshaane
Hargeysana dibbaa loodhigtoo daabac bow qorane
Doqon
dheregtay ehelkeed ma oga diif haduu qabo e
Jabuutiba waxay daarantahay maalmo dabadeede
Durur
baa nasoo wada galiyo tog iyo duufaane
NFD
horaa loo dabroo malaha waa deyne
Ogaadeenya lagu daal xornimo daayin baa jira e
Soomaalidii daluun baa uqodan dabina wow yaale
Dul
ahaan bacaadlow rag waa wada dareeraaye
Idinkuba
dameeraha la korey kali ma daaleyn
Daanooyinkaan wada qabnaa taniyo doollowe
Dakadihii Kismaayiyo Berbera daalin baa galaye
Duunyo
shicibkii kama dhoofsadaan dowga ulahaaye
Kamana
soo degaan waxaan aheyn doomihii Maleze
Inkastoo
wax noo dihanyihiin deeqdi lala beydhye
Diyaarado canshuur iyo daasas laga qaaday
Ninkii
daafacaayiyo midkii daadin karayoowba
Dariiqyada Addiss bey hantidu dayac tireysaaye
Inkasoon
daniga iyo necbahay dur iyo ceebaalka
Mar
hadii danaakili nin jira samihi noo diiday
Labo
daran midaan dooranaba sow dagaal ma aha