Nairobi/Brussels,
27 November 2006: Qaraarka qabyada ah ee ay dowladda Marekanku soo
hordhigi doonto golaha Ammaanka ee quruumaha midoobey marka ay
taariikhdu tahay Nofeembar 29, wuxuu keeni karaa dagaal ba’an oo ka
dhaca Soomaaliya iyo in ay xasilloonidu ka dhunto dhammaan dalalka
Gobalka geeska Afrika taasoo sii keeni karta in ay sii kacdo xiisadda
colaadeed ee u dhexeysey dowladaha Itoobiya iyo Eriteriya iyadoo ay
khatarta ka dhalan karta dagaalkaasna ay gaari karto heerar cusub oo
halis ah.
Haddaba intii lala safan lahaa hal
dhinac oo ah dhinacyada isku haya dagaalka sokeeyey ee Soomaaliya-waa
dowladda ku meel gaarka ah ee kala qaybsan oo tabarta darane- waxaa
golaha Ammaanka la gudboon in ay cadaadis xoog leh saaraan labada dhinac
ee Dowladda iyo Maxkamadaha taageerada ka helaya Eriteriya si ay dib
loogu noqdo wadahadallada iyadoon wax sharuud ah lagu xirin.
Qaraarka qabyada ah ee la soo jeediyey,
oo ay taageerayaan waddamada Afrika ee xubnaha ka ah golaha Ammaanka,
wuxuu ansaxinayaa in dalka Soomaaliya la soo galiyo ciidamo militari ah
oo ka immaanaayo gobalka (IGADSOM) kuwaas oo taageeri doona dowladda ku
meel gaarka ah ee Soomaaliya, ciidamadaas iyo waddamada ay ka
immaanayaan sida Itoobiya, Yugaandha, iyo weliba Kenya waxaa laga
qaadayaa cunaqabateynta hubka. Iyadoo ujeeddooyinka ciidankaasi ay
yihiin in la xoojiyo dowladda ku meel gaarka ah, in la hakiyo is
ballaarinta Maxkamadaha Soomaaliya, iyo in la baajiyo dagaal baahsan oo
dhaca, ayaa haddana waxaa dhici doonta in si karoodda ah ay u
dhicisowbaan dhammaan seddexdaas ujeeddo.
Kooxda
Mushkiladaha Dersa (ICG) waxay si joogta ah uga soo horjeedeen in
ciidamo la soo geliyo Soomaaliya- gaar ahaan kuwo ay ku jiraan waddamada
safka hore sida Itoobiya- ilaa iyo inta laga helayo oggolaasho dhammaan
kooxaha Soomaalida ah ee uu dagaalku ka dhexeeyo, waxaana aynu ku
talinay in la sii adkeeyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo
weliba lagu daro kormeerid adag. Kooxda Kormeerayaasha Cunaqabateynta ee
Quruumaha Midoobey, oo soo gudbiyey warbixin bishii Oktoobar 16-keedii,
ayaa iyaguna sidoo kale tusmeeyey khatarta ay leedahay in ciidamo
gobalka ah loo diro Soomaaliya waxayna ku boorriyeen Golaha Ammaanka in
taa baddalkeeda la sii xoojiyo cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya
iyadoo ilaalo laga qabanayo xudduudaha Soomaaliya.
Si kastoo beesha caalamku u aqoonsan
tahay dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, haddana dowladdaasi
weligeed ma helin taageero baahsan iyo kalsooni dalka Soomaaliya
dhexdiisa ah. Baarlamaanka dowladduna wuxuu si xun ugu kala jabey
arrinta ciidamada shisheeye Maajo 2005-tii. Ciidamo dhab loo keeno waxay
sii jab jabin kartaa, si aan kabayo laheyn, baarlamaanka waxayna sii
xoojin doontaa aragtida ah in dowladda ku meel gaarku ay tahay tu u
adeegta Itoobiya. Dhuminta kalsoonida ey dadka Soomaaliyeed ku qabi
kareen Dowladda waa wax aan dib danba dowladdu ugu soo noqon doonin.
Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed oo
gacanta ku haya inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay in
badan ku cel celiyeen oo ay ku dhawaaqeen in ay Jihaad la gali doonaan
ciidan kasta oo shisheeye oo soo gala Soomaliya, oo ay ku jiraan
ciidamada Itoobiya ee iyagu mar hore soo galey dalka. Maxkamadaha
midoobey iyagu waxay u arki doonaan in Dagaal lagu Iclaamiyey haddii
qaraarkan ay Golaha Ammaanka ansaxiyaan. Intii ay sugi lahaayeen in
dowladdu isa soo hubeysa, waxaa suurta gal ah in maxkamaduhu dagaal ku
qaadaan Baydhaba. Maxkamadaha waxaa loo arkaa in ay khatar ku yihiin
waddamada deriska ah sabab la xariirta fikradahooda ku aaddan Soomali
Weyn iyo iyagoo taageera xubno argagixiso caalami ah iyo kooxaha
Itoobiyaanka ah ee ka dagaallama Itoobiya. Intaa waxaa sii dheer in
Maxakamaduhu khatar ku yihiin in ay kursiga ka hoos bixiyaan dowladda ku
meel gaarka ah ee caalamku aqoon sanyahay. Intii muhiimmad badan la siin
lahaa in dowladda laga difaaco Maxkamadaha-kuwaas oo taageera ka haysta
ilaa siddeed waddan oo kale- Beesha Caalamka waxaa la gudboon in ay ku
xujeeyso Maxkamadaha Midoobey in ay ka soo dabcaan mowqifkooda ku aaddan
waxyaabaha looga shakisan yahay oo ka shaqeeyaan in ay xal wadahadal ku
yimid la gaaraan Dowaladda ku meel gaarka ah.
Dowladda iyo Maxkamadaha midoobey waxaa
u loo qorsheeyey in ay ku kulmaan Khartuum bisha Deceember dhexdeeda si
ay u yeeshaan wadahadalkooda wareegga saddexaad oo ay dhexdhexaadin
doonto Jaamacadda Carabtu. In kastoo, wadahadalladii hore horumarka laga
gaarey uu aad u yaraa, haddana haddii cadaadis xooggan oo ka imanaya
beesha caalamka la saaro labada kooxood, cadaadiskaas oo ay ka mid noqon
karto faragalin firfircoon oo uu sameeyo Xoghayaha Guud isagoo u soo
marinaya ergeygiisa gaarka ah, waxay kordhin kartaa in guul laga gaaro
wadahadalka. Haddii aysan dhicin arrintaas, qaraarkana la ansaxiyo taasi
waxay marmarsiiyo siin doontaa Maxkamadaha midoobey si ay uga baxaan
wadahadalka oo dhan una dilaan wax kasta oo rajo ah oo laga qabey in
xabbad joojin lagu heshiiyo. Iska horimaad Militari uun baa soo haraya.
Intii la ansaxin lahaa in ciidamo
goboleed loo diro Soomaaliya, Golaha Ammaanka waxaa la gudboon in ay sii
riixaan in labada kooxood ay dib ugu noqdaan miiska wadahadalka sida ugu
dhaqsiya badan. Waxa ugu horreeya ee laga wadahadlayana ay noqdaan sidii
loo gaari lahaa xabbad joojin buuxda oo daboosha::
- In Ciidamada is horfadhiya la kala
qaado;
- In Soomaaliya ay ka baxaan
dhammaan ciidamada shisheeye iyo tababarayaasha milatari; iyo
- In Soomaaliya loo diro Guddi
Caalami ah oo Xaqiijiya fulinta iyo u hoggaansanaanta wixii lagu
heshiiyey.
Ciidama kasta oo loo dirayo Soomaaliya
oo fasax ka heysta Quruumaha Midoobey waxaa habboon in ay ahaadaan
Ciidamo loo dhisey in ay taageeraan Xabbad Joojin lagu heshiiyey, waana
in aysan ciidamadaasu noqon kuwa mijaxaabiya dadaallada la doonayo in
lagu gaaro xabbad joojin, iyo iyadoo ciidamadaasi ay noqdaan kuwa ay
oggol yihiin labada dhincaba. Haddii marka mid ka mid ah labada dhinac
uu ku guul darreysto in uu muujiyo in ay dhab ka tahay wadahadallada
socda iyo wixii lagu heshiiyo, Golaha Ammaanka waxaa markaa la gudboon
in ay xayiraad ku soo rogaan safarrada madaxdooda, la fariisiyo wixii
hanti ah laguna soo rogo cunaqabateyn dhaqaale wixii ganacsigooda la
xariira ah.
Sida marar badanba dhacdey, maxsuulka
ka dhasha faragalin aan laga fiirsan ayaa waxaa uun dhici doonta iska
horimaadka oo sii fara bata, mana uu yaraan doono. In Milatari la
isticmaalo waa in ay noqoto hubka ugu danbeeya in la adeegsado.
English: http://www.crisisgroup.org/home/index.cfm?id=4520&l=1
Contacts: Andrew Stroehlein (Brussels)
+32 (0) 2 541 1635
Kimberly Abbott (Washington) +1 202 785 1601