SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND

 Seddex Nin oo ka mid ahaa Daraawiishta Puntland oo ku Dacdarraysan Xabsi ku yaal Thailand

cabdiwaaxid

Xaggee kala xiriiri kartaa safaarada Thailand ee dalka aad joogtid...
Linkigan: www.thaiembassy.org


Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Boqortooyada Thailand
www.thaiembassy.org


Xafiiska guud ee arrimaha dibada ee dawladda Thailand u qaabilsan xiriirka dadweynaha waxaalagala xiriiri karaa:
Foreign Office, The Government Public Relations Department, Bangkok,Thailand,
Tel: (66-2)618-2323 ext. 1700,
Fax: (66-2)618-2358,
E-mail: prforeign@prd.go.th

Website: http://thailand.prd.go.th/index.php


Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Thailand
THAKSIN SHINAWATRA
EMail:
webmaster@thaigov.go.th

Xafiiska Wasaarada Caddaalada Thailand:
Email:
ojawebmaster@moj.go.th

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 



Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Goormaa dadkii Soomaaliyeed saas loo qiimotiray? Seddexdaas nin ee dhallinayrada ahi waxay ka tirsanayeen ciidamadii daraawiishta ee Puntland. Waxaa si aqoon iyo isku-halleyn ah u xushay shirkadda Somcan ee ka kalluumeysata biyaha Waqooyi-Bari Soomaaliya. Shirkaddaasi waxay wiilashaas saartay markab ka diiwaangashanaa dalka Thailand. 

Sida la ogyahay, iska daa in shaqaale mushaarkooda sanad loo diidee xitaa marka shaqaalaha adduunka loo diido in loo kordhiyo mushaarooyinka si ay uga gaashaantaan sicir-bararka ayey sameeyaan shaqo-joojin iyo bannaanbaxyo ay kaga ashtakoonayaan arrintaas. Marka, ma la yaabbey leedahay in wiilal aan intaas oo bilood mushaar qaadan ay isku dhacaan dadkii Thailand u dhashay ee markabkaas saarnaa? Wiilashaas waxaa ugu wardambeysay 15/03/05. Waxaa wax kasta ka darnaa oon horay taariikhda Soomaalida u soo marin waa iyagoon ehelkood loo sheegin meel ay ku dambeeyeen markii nimankaas la waayey. Waa arrin ka daran dil. Seddex bilood ka dib ayaa waxaa internetka soo gashay Soomaali joogay Thailand oon xitaa u dhalan gobolladaas. Seddexda nin magacyadoodu waa: 

  1. Yuusuf Aadan-seed Samatar
  2. Maxamuud C/hi Jaamac
  3. Xuseen C/hi Aadan

Weli ma arag sida wiilashan loo dayacay oo kale cid loo dayacay. Waa la wada ogaa sidii Soomaali badan uga qeybqaadatay ka hadalkii gabadhii yarayd ee Samsam ee lagu xiray Somaliland. Sidoo kale, niman Soomaaliyeed oo qaarkood ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo lagu xiray Hargeysa waxaa u gurmaday qareenno iskood isu diray; waxaana la geshay saxaafadda. Laakiin arrinta wiilashani waa ka duwantahay oo waxaa madax uga taagan kuwii ehelka u ahaa ee shaqada u dirsaday. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa la sheegay in wiilashii maxkamad la horkeenay 15/03/06 lana filayo in mar kale la keeno 24/04/06. Ilaa hadda ma jirto wax cad oo lagu hayo. Sida muuqata maaddaama aan waqti badan ka harsaneyn waqtiga maxkamadda oo ay maalmo naga xigaan ayaan jecleystay inaan la xiriiro madaxda, saxaafadda iyo dadweyne kalaba bal si aan u muujinno in dadka Soomaaliyeed weli nafi kujirto. 

Sida muuqata waxaa la sheegaa in madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu warqad u qoray wasaaradda arrimaha dibadda ee Thailand isagoo sheegaya in dib loo soo cesho seddexdaas nin ee ka tirsanaa daraawiishta Pubtland. Marka waa mahadsanyahay mudane Xasan Daahir Af-qurac. 

Marka waa sida loo dhaho: geel ninkii lahaa dhacayo looma maaro helo. Marka wiilashan waxaa madaxa uga taagan kuwii dad u xigay ee shaqada u diray. Si kastaba ha ahaatee annagoo Ilaahay taageero weydiisaneyna ayaan rabnaa inaan garaacno albaab kasta oo suurtogal ah si ay wiilashaasi bannaanka u yimaadaan. Marka waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaneynaa in qof kasta oo macluumaad ka haya arrinta wiilashaas uu nala soo xiriiro. 

Mahadsanidin.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2006