SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
"ISBAHAYSIGA  - ARGAGGIXISADA"


Isbahaysiga Sheydaan!!

W/D: Xaliimo Jaamac Cilmi
(Xaliimo Qarad)
qarad22@hotmail.com

Alle ayaa mahad leh, Rasuulka ayaa gutay amaanadii Alle u soo dhiibay (NNKH) akharistayaal maqaalkaan oo aan ugu magacdaray Isbahaysiga Sheydaanka waa mid aan doonayo in aan kaga hadlo isbahaysiga dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho oo loogu Magacadray isbahaysiga la dagaalanka argaixisada Caalamiga ah horta waaba su’aale yaa argagixiso ah?.

Muuse Suudi waa ninkii ugu horeeyay oo fura maxkamad islaami ah kana furay deegaanka Madiina oo uu ugu magacdaray xumaan diid, waxaa ka muuqata Sunada, isagoo leh Gar weyn dhowr jeer ayaa waxa uu sheegay in wadanka aysan joogin wax argagixiso ah.

Max’ed Qanyare Afrax dhowr jeer ayuu ku celceliyay in wadanka aysan ku sugneyn argagixiso, wuxuuse warkiisu ahaa mid boor isku qaris ah hase yeeshee maanta ayuu banaanka isa soo dhigay.

Bashiir Raage isagu waaba caddeystay oo Mareykanka iyo Yahuuduu ka amar qaataa oo culumaduu dhoofiyaa waxa uuna ku tilmaamaa in ay yihiin Al-Caaqida.

C/Rashiid Il-Qeyte waa ma fekeri aan aqoon dantiisa waxaana filayaa in qandaraaska uu dhinaciisa ka soo qaatay oo uu yahay hunguri raac oo keliya.

Cabdi Waal tolkiis baa inkaaray waana ficiis tuug, wuxuuna ku go’doonsan yahay Deyniile, waana ninka dhibka maanta taagan Aabbe u ah, waxa uuna warbaahinta ka sheegay in dagaalkaan uusan joogsaneyn ilaa laga soo qabqabto kooxaha argagixisada ah, balse waa ku khasaaray Allaahu Akbar.

Bootaan Ciise Caalin isaga waa nin caan ku ahaa Isbaaro joogis iyo jid gooyn.

Cumar Filish xajka ayaan ku soo arkay si weyn ayaa halkaasi loogu soo dhaweeyay isagoo loo arkayay in uu yahay Wasiirka Diinta iyo Ow-Qaafta, haddaba ma fileyn in Cumar Filish uu dib ugu laabanayo waxii uu ka toobad keenay.

Haddaba akhristow waxay daaha ka qaadeen in ay yihiin Munaafiqiin, mana la socdaan xaaladda uu adduunku haatan ku sugan yahay iyadoo la og yahay in warbaahinta reer Galbeedka ay aflagaadeeyeen Nabiga (NNKH) ma jirto ragga haatan isbahaysiga sameystay mid ka hadlay arrintaasi oo amba cambaareeyay, ma garanayo sababta ay u aamuseen, ma raali gareynta reer Galbeedka mise waa dhaqaale doon.

Raggaan mudo 15-sano ah ayay dhiiga shacabka cabayeen iyadoo la og yahay in Maxkamadaha islaamiga ah ay badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed, mudadii yareyd ee ay dhisnaayeen, haddaba isbahaysigaan sheydaanka waxay hor taagan yihiin mar kasta in dalka ay dowlad ka dhalato, waayo, haddii ay dowlad dhalato waxaa lagala wareegayaa ilaha Dhaqaalaha oo ay gacanta ku hayaan sida Ayraboorada iyo Dekedaha.

Waxaa la yaab leh in ay Culumada Soomaaliyeed ay kala saaraan, oo ay yiraahdaan qaar waa Suufiyo, qaarna waa Wahaabiyo, haddaba Culumada Soomaaliyeed waa kuwo mid qura ah, waxa ay qabteen waa og yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiligaana gurmadka abaaraha waa kuwa horseedka u ah oo mar kasta ku howlan in ay shacabkooda wax u qabtaan, waa su’aale isbahaysigaan Sheydaanka ma jiraa nin bixiyay Kun Shilin, jawaabtu waa maya, waxayse shacabka abaal-gud uga dhigeen xabad iyo madaafiic in ay huwiyaan….. Alle ayaa mahad iska leh haddii ay bannaanka isa soo dhigeen oo ay maanta shacbka Soomaaliyeed kala garanayaan kan dhibka ku haya iyo kan kale.

Akhristow Qofka insaanka ah Alle maskax buu siiyay waxa uuna u siiyay in ay ku fekeraan, haddaba waa su’aale Isbahaysiga Sheydaanka maxay u fekeri la’ yihiin waxay haystaan ilihii dhaqalaha dalka oo dhan, shacabka Muslimiinta ah ayay dhiigooda baneysteen waxay mar kasta warbaahinta ka yiraahdaan shacabka ayaan badbaadineynaa, Alla maxay badbaadiyaan…. Shacabkeygoow Miskiin…. goormaad baraarugeysaan, oo aad garan doontaan wixii dan idiin ah?.

Akhristoow arrinta ay sameeyeen isbahaysiga sheydaanka ma ahan mid ugub ah, waayo xiligii Nabigu uu noolaa (NNKH) oo uu waxyigu ku soo degayay waxaa jiray Munaafiqiin luggooyo ku hayay Diinta Islaamka safka horena ku tukan jiray salaadda, kuwaas waxay ahaayeen kuwo qarsoonaa, waxaa caddeeyay Alle, blase ragga maanta banaanka isa soo dhigay waxaan dhihi karnaa waa fursad qaali ah oo uu ka faa’iideysan karo  ruux ka kasta oo damiir diineed leh doonayana raali ahaansha Alle.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed la gudboon in ay fiiro gaar ah u lahaadaan hogaamiyaasha doonaya in ay  dalka u soo horkacaan mabada’ shisheeye isla markaana doonaya in ay meesha ka saaraan isku xukunka Shareecadda Islaamka. waxaana ugu baaqayaa in raggaasi ay Alle u laabtaan maadaama ay tobaddu furan tahay, in ay shacabka ka daayaan madaafiicda aan loo Aabbe dayeen. in aysan arrimaha Diinta Islaamka fara gashan oo aysan ka dhigin wax cayaar cayaar ah.

W/D: Xaliimo Jaamac Cilmi

(Xaliimo Qarad)

qarad22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2006


 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARARKA SAWIR GACMEEDYADA
:::MAGACA ARGAGGIXISADA:::

Qaybtii 2aad: Soomaaliya iyo Gabbaad Ka Dhigashada Magaca Argaggixisada!!
Qaybtan waxay ku saabsan tahay: Yaa gabbaad ka dhiganaya Magaca Argaggixisada? Guji..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD