SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
"ISBAHAYSIGA  - ARGAGGIXISADA"


Waa Su’aal da’ weynee yaa Argagixiso ah!!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Ummadaha Islaamka ah ayaa si weyn ugu jaah-wareersan ereyga (Argagixisada), iyagoo taasi jirto ayaa ummadda Soomaaliyeed  iyana si aad ah ugu jaah-wareersan yihiin ereyga argagixiso, waxaana haatan moodaa in ereygaasi uu noqday mid la isku cabsiiyo xitaa qofkii wax wanaagsan sameeya waxaa la leeyahay waa argagixiso, iyadoo hogaamiyaasha Soomaaliyeed ay ereygaan haatan u noq noqday mid ay ku tiimbareeyaan qofkii ay is leeyihiin idinma raacsana.

::CODSI GARGAAR DEGDEG AH::
Calasey “Ninkaygii oo Kawaanle ahaa baa sidaan ii galay oo aan ku waayey labadeydii Gacmood” Guji...

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Muqdisho waxaa looga dhawaaqay isbahaysi ay leeyihiin Waasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ganacsato oo dhamaantood ah beelaha Hawiye, ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha soo dedejiyay isbahaysigaasi, iyadoo dadweynaha Magaalada Muqdisho ay ku mashquulsanaayeen dagaal ka qaraxay agagaarka kulyadii hore ee Jaale Siyaad oo u dhexeeya Maxaakiimta Islaamka ah iyo kooxo kale oo iyana fariisin u ahayd halkaasi oo gacan ka heli jiray Max’ed Qanyare Afrax.

Max’ed Qanyare Afrax oo ka hadlayay markii lagu dhawaaqay isbahaysigaasi kaddib ayaa waxa uu yiri “wax badan baanu baaritaan ku heynay kooxaha ka dambeeya dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho oo lala beegsado saraakiisha iyo Aqoonyahanada, waxaana ogaanay in falkaasi ay gaystaan kuwo indhaha daboosha oo fulinaya Mabaadii dad kale uu leeyahay, sidiii Baastadii iyo Sonkortii ayay nooga soo dhoofiyeen dibadaha”.

Muuse Suudi oo isna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in isbahaysigaani ay u abuureen sidii ay uga hortagi lahaayeen waxa ay ugu yeereen kooxaha argagixisada ah oo uu sheegay in ay ka dambeeyeen dilkii C/qaadir Yaxye, Saraakiishii Ciidamada iyo dad kale oo lagu dilay Magaalada Muqdisho, wuxuuna inaas sii raaciyay “maalintii la dilay C/qaadir Yaxye ayaa waxaan bulshada u sheegnay in aan sinaba uga hari doonin kooxihii dilay oo aan dabagal ku sameyn doono, waxaana noo baxday in dilkaasi ay ka dambeeyeen kooxaha wajiga qarasaday”.

Bashiir Raage oo ka hadlay kulankaasi ayaa isna waxa uu yiri “Diinta waxaan ku ogeyn Suufiyada iyo Qaadiriyada, laakiin, waxaan ogaanay in ay soo baxeen kuwo la magac baxay Wahaabiyo oo aan ogaanay in aysan wadinba wax diin la yiraahdo waxayna soo miinguuriyeen afkaar kale oo ay dad leeyihiin”.

Isbahaysigaan markii lagu dhawaaqayay dadweynaha Muqdisho aad bay  ula yaabeen, waxayna yiraahdeen “kuwii 15-ka sano ka baabi’inayay ayaa koox kale ku tilmaamaya argagixiso”.

Haweenay lagu magacaabo Faadumo Cali ayaa waxay tiri “Sagaal carruur ah oo aan dhalay ayuu haleelay madaafiicdii ay isku ridi jireen kooxaha haatan ku shiray Deegaanka Deyniile, haddaba falkaasi sooma ahan kan Argigixisadaa, maantase waxay ahayd in ay isku xishoodaan oo ay bulshada weydiistaan cafis”.

Nin Odey ah oo isna fikirkiisa ka dhiibanayay isbahaysigaan cusub ayaa waxa uu yiri  “ragga ku shiraya Deyniile ee isku raacay la dagaalanka argagixisada sow ma ahan kuwii Isbaarooyinkoodu yiileen Magaalada Muqdisho maalin walba baadda ka qaadaya dadka rayidka ah”.

Dhawaan ayaa Max’ed Qanyare mar uu wareysi siinayay Idaacadda Hornafric waxa uu idaacaddaasi ku tilmaamay in ay u adeegto aragagixisada, waxayna dadku ku micneeyeen in Max’ed Qanyare uu danihiisa ka waayay idaacaddaasi, waayo waxa uu ahaa ninka ugu badan ee ka hadli jiray idaacaddaasi oo hadba waxa uu aaminsan yahay sii deyn jiray.

Maxkamadaha Islaamiga ah waxay ku abuurmeen marka laga hadlayo xaqiiqda markii ay dadku u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay bulshada ku hayeen burcadda hubeysan, kuwaas oo dadka kula kici jiray afduub, dil iyo dhac, waxayna Maxkamaduhu u is taageen in arrintaasi wax ka qabtaan, waxaana marag madoonto ah in ay wax badan ka qabteen arrintaasi, “waxay doonaan ha qarsoonaadeen adiga maxaa laagaga waayay in aad bulshada wax u qabatid oo Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha u furtid” ayuu yiri wiil dhalinyaro ah oo intaa raaciyay “Horumar ay dalka ku soo kordhiyaan iskaba dhaafee waxay jidgooyo dhigteen wadooyinka ay gaadiidka iyo dadkuba isaga gooshi lahaayeen”.

Mid ka mid ah hogaamiya kooxeedyada ayaa hadda ka hor waxa uu qabtay nin Suuriyaan ah oo maqaayad uga furneyd meel ka mid ah dalka, waxa uuna u gacan geliyay mid ka mid ah dowladaha aan deriska la nahay, isagoo qasdigiisa ugu weyn uu ahaa aad lacag heshid, hase yeeshee way xaaratay markii lagu yiri “waxaad noo keentay nin ganacsanayay ee ma midabkaad ka raacday”. nin ayaa shaxaad u doontay nin kale markaas ayaa wuxuu ku yiri “maanta wax kuuma hayee berito ii soo laabo”, ninkii inta uu xanaaqay ayuu ku yiri “argagixisaa tahay”, wuxuuna kii kale ugu jawaabay “berito ii soo laabo miyaan argagixiso ku noqday” Isku soo wada duuboo waa su’aal da’ weynee yaa argagixiso ah, waxay ila tahay nafsad ahaanteyda in argagixiso ay tahay erey lagu tilaamo marka dan laga waayo qofkii laga rabay

W/D: Amiin Yuusuf Khaaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2006


 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARARKA SAWIR GACMEEDYADA
:::MAGACA ARGAGGIXISADA:::

Qaybtii 2aad: Soomaaliya iyo Gabbaad Ka Dhigashada Magaca Argaggixisada!!
Qaybtan waxay ku saabsan tahay: Yaa gabbaad ka dhiganaya Magaca Argaggixisada? Guji..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD