LADAGAALANKA
ARGAAGIXISADA. MAYAAN BAYDHABO LAGU SHIRINBAA?
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Feb
20, 2006
Ururka ladagaalanka Argaagixisada iyo Nabadaynta
Muqdisho. Waa markii iigu horaysan ee aan maqlo, urur
magaciisa hal ku dhig uyahay nabad iyo dagaal, waana
cadayn aad ka fahmi karto in ururkan uusan wax ujeedo ah
ku dhisnayn.
Jabhadihii kuwan ka xumaa ee Somaaliya jilbaha u dhigay,
waxaa magac u ahaa, ururka Badbaada Soomaaliya. Ururka
Dimuqraadiga Soomaaliya. Ururka Samata-bixinta
Soomaaliya. Waxay isu muujinayeen iney dadweynaha
badbaado u wadaan, laakiin Sabtidii dhawayd Jabhadan
Xamar looga dhawaaqay, waxaa la dhahaa ururka
ladagaalanka Argaagixisada iyo Nabadaynta Muqdisho. Bal
adigu nabad iyo dagaal, oo uu waliba dagaalku soo
horeeyo is qabadsii, sow kuuma muuqato in ururkan ay
unkeen dad aan dadka iyo dalka wax u dan ah u hayin.
Waxay
ahayd sanadkii 1997.kii. kolkii uu Xuseen Caydiid
waraysi dheer siiyey jornaalka Al-Musawir ee Qaahira
lagu daabaco, wuxuuna u sheegay, inuu la dagaallamayo
Argaagixisada Soomaaliya joogta, isagoo kaalmeysanaya
dowladda Masar, oo uu ku tilmaamay iney aqoon u leedahay
tir-tirida Argaagixisada.
Maalmo kadib waraysigaas, ayaan ka qayb-galay khudbad uu
jeedinayey Xuseen Caydiid, isagoo khudbadaas aad ugu
dhaleeceeyey Cumar Xaaji Masaalle iyo raggii lasocday ee
ciidamada Itoobiya soogaliyey G/Gedo, goortii uu
hadalkii dhamaystay, ayuu su’aalo furay, aniga oo
gacanta ku haya nuqul kamid ahaa waraysigii uu dhawaatan
siiyey Jornaalka Qaahira, ayaan weydiyey su’aashan, {
Haddii aad adiguba dilayso dad Soomaali ah, adigoo
kaalmeysanaya dowladda Masar ( Waa haddiiba ay kaa
yeeshee) maxaad ku kala duwantihin adiga iyo Cumar Xaaji
Masalle oo isagana ciidamo Itoobiyaan ah ku laayey dad
Soomaali ah? Sow qof nool nafta halaga qaado ma’ahan
cidii larabo haloo soo adeegsadee sidii looga
qaadi-lahaa nafta?
Qisadaas mid lamid ah waxay hada ka taagantahay Muqdisho.
Raggii ku cel-celinayey C/Laahi Yuusuf, wuxuu ciidan
Itoobiyaan ah u keenayaa Xamar, waa sidii uu dadka
Muqdisho dagan ulayn-lahaa, ( Dabcan waa siday u
dhigayeen hadalka). Sow hadda isla iyagii ma’ahan kuwa
leh, anaga ayaa qandaraas ku qaadanay inaan layno dad
badan oo Xamar ku nool!!. Waxayse nasiib darro joogta ah
ku dhacaysaa shacabka ku nool Caasimada, oo marna dibada
looga soo dhaaranayo, marna kuwa la joogo ay u
dhaaranayaan, oo laba jeerraba lalaynayo.
Maxuma in Argaagixiso lala dagaalamo, laakiin su’aashu
waxay tahay, yaa ah Argaagixiso? Muddo 15.sano ah kuwii
dawlada u diiday, ee heerkan soo gaarsiiyey sow iyaga
ma’ahan Argaagixiso? Waxay warqadoodii ku sheegeen in
rag wajiga u daboolan-yahay ay habeenkii dadka u soo
dhacaan, kadibna ay si gaadmo ah ku laayaan, iyaguna ay
doonayaan iney taas ka hortagaan si bulshada ay nabad u
hesho!!!.
Waxaan jeclaystay su’aashii uu wariyaha Hornafrik
weydiiyey mid kamid ah madaxda ururkan cusub, oo uu ku
yiri: sow adinka ma’ahan kuwii dadka mudada dheer
laynayey? Wuxuuna ugu jawaabay, anagu taayada wiiftay
ahayd, tanse waa shirqool!!. Oo haduu qofku marba
dhimanayo wiifto iyo shirqool maxay u kala yihiin?
Dhiigga sida joogtada ah u qubanaya ee marwalba cirka
iskusii laraysa, waxaa masuuliyadeeda yeelanaya raggan
leh anaga ayaa hogaamiye u ah dalka, waayo iyaga ayaa
diiday in dawlad lahelo, in nabad lahelo, in xitaa
lanoolaado. Haddii ay nabad iyo dowlad lahelo, oo hogaan
qaran dhismo, waa lagala xisaabtami-doonaa raggan
dhibaadata ay umada usoo jiideen.
Haddii shacabka Muqdiso maanta la su’aalo Maxakadama
Islaamiga ah iyo hogaamiye-yaashan hubaysan yaa wax idin
taray? Waxaan qofna shaki uga jirin iney 100% ay af
buuxa ku dhihi-doonaan Maxkamadaha Islaamiga ah. Waxay
taariikhdu si kala duwan u qori doontaa, oo siyaalo kala
duwan u xusuusan-doontaa Maxakamadaha Islaamiga ah oo
waxbadan u madda u taray, ayna dhici karto iney
khaladaadyo galeen, iyagoo islahaa wax saxa, iyo raga
tan iyo kolkii magac-baaskooda lamaqlay aanan
lagaranaynin wax ay umada utareen, aan ka ahayn iney
15.sano Soomaaliya dunida ka reebeen, iyo iney xumaan oo
dhan dalka ka fuliyeen, waa arin ay iyaguba ka marqaati
kacayaan.
Waxaa
jira rag aan moodayey inaysan fadeexad intaan le’eg dhex
istaagi doonin, laakiin nasiib daro sabtidii ay goob
ceebeed dhex galeen. Raggaas waxaa kamid ah Cumar Finish
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Taariikhiyan
wuxuu ahaa nin diineed, wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii
Masaajidda ku xirnayd, kadibna siyaasadda u tallaabtay,
ilaa uu Wasiir ka noqday dowladii Nayroobi lagu
abaabulay, Xajkii dhawaana wuu soo gutay, waxaan
isleeyahay waa wax ceeb ah, rabi hortiisna aan ku
fiicnayn adoo bil kahor soo xajiyey inaad hadana dhiig
muslim sidii loo daadin-lahaa aad talo ku yeelato. Wali
rajo ayaan ka qabaa rag uu Cumar Finish kamid yahay,
waana suurowdaa in qisadan si sahal lagu galiyey.
Dilal
kala duwan ayaa Xamar ka dhacay. Waa run waayadan danbe
waxaa soo batay in si gaadmo ah loo laayo waxgaradkii
bulshada, iyo raggii aqoonta lahaa, su’aashuse waxay
tahay, yaa dadkaas laynaya? Yay dan ugu jirtaa in
shacabka ay ku soo haraan inta aan fahmi karin
hagar-daamoyinka qaran-dumiye-yaasha raba in Soomaaliya
siday tahay lagu sii xajiyo.
Waa
arin u baahan in labaaro, oo hadba qofkii lagu soo
ogaado Maxkamad lasoo taago, ciduu doono ahaado,
shaatiguu rabo halabisnaado, xitaa haduu rabo magac
diineed haku qaraabto.
Waxaad u malaysaa dagaal-oogayaasha Xamar iney fahmeen
Siyaasaddii Jen Morgan ee ku dhisnayd in dadka laga
mashquuliyo meelaha ay ka sugaan xalka qaran. Malaha
Jananku intuu Xamar joogay ayuu casharkaas u dhigay
qolada Muqdisho. Dagaalka hada la’abaabulayo hadafkiisa
waxaa kamid ah in dadka shirka Baydhabo laga
mashquuliyo.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com