Saameyn fara badan oo la filan karo ayey la imaan karaan dhacdooyinka maanta
ka socda dalka Somalia.
Waxaan haddaba, maqaalkan ku soo qaadi doonaa anigoo uga digaya, kuna
baraarujinaya dadka reer Ogadenya (somali galbed) dhawr arrimood oo horey u
dhacay, saameyn weyna ku reebay geedi socodka Gobolka Ogaden iyo
aaya-ka-talintiisa, waxaan kaloo ku soo qaadi doonaa dhacdooyin taariikheed
oo halis ku noqon karay jiritaanka iyo somalinimada dalka. Ugu dambeyntii
waxaan soo jeedin doonaa wixii talo ah iyo siday aniga iigu muuqato xal u
helidda dhibaatooyinka faraha badan ee maanta ka taagan Gobolka Ogaden. ::
A- U Hanalqal-taagga Somalia iyo dalkoo la cidleeyo..
Hddii aan taxaddar badan iyo digtoonaan lala imaanin oo dadka dalkaas u
dhashay, kuwa gudaha iyo dibeddaba, gaar ahaan masuuliyiinta, aanay hadda
tallabada ku haboon ka qaadin (wacyi gelin iyo is-xusuusin dhacdooyinkii
hore) waxaa hubaal ah in isbeddlada ka socda Somalia ay saameyn weyn ku
yelanayaan Gobolka Ogaden iyo dadka ku nool. Mana noqonayso markii ugu
horreysay,ee waa wax soo noqnoqonaya oo kolba duruufaha labada dhinac ka
jira la xiriira.
Waxaaba durba soo ifbaxaya calaamooyinkii u horreyay oo arrintan la xiriira.
Waxaa muuqata in mudan dambe hadal hayntii Qaddiyadda Ogaden ay aad u
yaraatay, xaaladda Gobolku ku sugan yahayna aan sidii hore loola soconin.
Mediyada ama Shabakadaha daneeya Qaddiyadda Gobolka Ogaden, waxay 90%
waqtigan ka hadlaan arrimaha ka aloosan Somalia. Waxaa indhihii lagu
jeediyay dhinaca Somalia iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee sida xawliga
badan uga socda,.Dadka qaarkiisna, dibedda iyo gudahaba, wuxuuba
billabay,sida wararku nagu soo gaarayaan in uu u ambabaxo xaggaa iyo
Somalia. In lala socdo Isbedellada ka dhacaya Somalia waa arrin muhim ah oo
qof kasta oo soomaali ah taabanaysa, meeshuu doonaba ha joogee.Laakiin waa
in aan la illaawin,maskaxdana mar walba lagu hayo in dalkaaga iyo hoygaaga
wax walba ka horreeyo, kana muhimsan yahay, jiritaankaaga iyo sharafaaduna
ku xiranyihiin.
Haddii dadka qaarkiis markii hore arrintan iska sahladay ama uusan sidaa u
garwaaqsanayn qiimaha uu ku fadhiyo dhulka hooyo, dagaalkii sokeeye ee
Somalia,qof walba darsi iyo waayo aragnimo ha u noqdo.
Baqdinta weyn ee jirta waxay tahay, in dadka gobolkaas u dhashay ay mar kale
dalkooda ka tagaan una yaacaan xagga Somalia, haddii ay deganaansho iyo
Dawlad rasmi ah ka saldhigato dalkaas. Sida ay dhawr jeer oo hore u dhacday
(1950- 1964- 1977), oo.dalka mar kale cadowga loo cidleeyo (maqaal baan
herey ugu cabbiray dhibaatada iyo dib u dhaca ay arrintani u soo jiiday
masiirka iyo mustaqbalka Gobolkaas oon ku tilmaamay dhiig-bax dadeed) .Dal
dadkiisii wax tarka ahaa ka tagay wax walba waw halis.
B- Talisyadii hore iyo siyasaddii dhul ballaarsiga
Waxaan wada ognahay in Talisyadii isaga dambeeyay dalka Ethioia,laga soo
billabo Menilik,Xayle Selassie ilaa Mingistu ay waligood ku andocoon jireen:
"Dalka Ogaden waa dal ethiopian ah, laakin dadku ma aha ethiopian,waa reer
guuraa koyta ah oo Somalia ka yimid" Soo marka uma noqonayso markhaati fur
iyo mid misaan siinaysa doodaas beenta ah iyo shegashadaas xaaraanta ah ee
Xabashidau dunida kula meereysan jirtay, haddii dadkii dalka u dhashay
markay in yar oo xidhiidhi iyo dhibaato la soo gudboonato ay si jaanta rogan
ah dalka uga yaacayaan oy cadowga u loogayaan.Waa ayaan darro weyn oo
cawaaqib xun xambaarsan,dadkana dhaxalsiisay jaho wareer iyo degganaansho
la'aan. Qaanuunka dabeecada iyo nolosha ayaa ku saleysan in meeshii
bannanaata ay deg deg wax kale u soo buuxinayaan (The nature hates the
vacuum).
Waxaan filayaa in dad badani xusuusto kumanyaalkii qof ee amxaarda u badnaa
ee Mingistu ka soo daad gureeyay Gobollada waqooyiga Ethiopia, gaar ahaan
gobolka Wollo oy abbaro is-dabjoog ihi baabiyeen dadkaasoo la dejiyay
gobolka Godey, mashaariic beereed oo aad u baxaad weyna loogu maal geliyay.
Siday Menilik iyo Xayle Selassie u xalaalesteen magaalooyinka
Harar,Diridhaba iyo nawaaxidooda, soomaalidii iyo Harariyiintina loo
mooroduugay,sidaas oo kale ayey ahayd khidadii Mingistu damacsanaa in uu ku
dhalan wareejio dagmooyinka Jigjiga Qabribayax,Tulli Guleed iyo Jinacsani oo
ah degaannada ay leeyihiin waligoodna lahaayeen GARI iyo JIDWAAQ iyo Gobolka
Godey oo ka mid ah gobollada ogaadeenku dego, gobollada kalana sidaas iyo si
la mid ah ayuu la maaganaa. Haduu Mingistu xukunka sii hayn lahaa sand ama
labo sano oo dambe, waxaa hubaal ah in wax dhul ah ama meel lgu soo noqdo
aan la heleen ama ay aad u adkaan lahayd Sida Yuhuudu ula wareegtay dhulkii
Falasdhiin ayey khidado ahayd.Maanta shacabka falasdhiin wakaa noqday haad
waayay geed uu ku dago,wax dan ka lehna aysan jirin. Ilaahay qudradiisa,
khidadii Mingistu (plan) ma hirgelin. Muddo gaaban gudeheeda waxaa burburay
oo israacay taliskiisii iyo kii Siyaad Barre.Khidadii xaaraanta ahaydna
halkaas ayey ku baaba'day, amxaaradii Gobolka Godey sida xaq darrada ah loo
dejiyay,dib ayey halli halli ugu noqdeen meelihii markii hore laga
keenay.Sidoo kale dadkii reer Ogadeniya qaar ka mud ah oo maati u badan,dib
ayey ayaguna ugu soo qaxeen dhulkii ay hore u cidleeyeen,ugana
daneysteen,ayagoo ka soo cararay dagalkii sokeeye ee dooxatada ahaa ee
Somalia ka qarxay, ka dib burburkii nidaamkii Siyaad Barre.Kuwii aqoonta ama
awood dhaqaale lahaa dibedaha ayey magangelyo u doonteen,halkaasoo ilaa
maantana badankood ku sugan yihiin.
Intaas haddaan uga baxo is-xusuusintan kooban ee taariikheed,aan markan in
yar ka dhaho,waxa maanta Gobolka Ogaden ka taagan iyo sidii waqtigan
xaadirka ah looga hortagi lahaa in mar kale dadku ka tago dalkiisa?
Waxaa xusd mudan, in xalaadda maanta ka jirta dalka Ogaden ama Ethiopia guud
ahaanba ay ka duwan tahay tii Talisyadii hore. 1991 waxaa taladii Ethiopia
la wareegay Ururka EPDRF oo TPLF (Tigrey) hormuud ka yahay..
Maxay qabteen oo ka duwan talsyadii hore?
C- Taliska EPRDF iyo siyaaasadda ku wajahan Qowmiyadaha reer Ethiopia.
Masuuliyiinta maanta ka taliya Ethiopia,waxay u oggolaadeen Qowmiyadaha kala
jaadka ah ee reer Ethiopia in ay yeeshaan ismaamul u gaar ah.Nidaamkii
boqortooyada iyo kii Mingistu ee argagaxnimada cas (red terror), waxaa
baddalay Nidaam federaali ah oo distuurka dalka u degsan ay si qeexan ugu
qoran yihiin in Qowmiyad walba ay xaq u leedahay in ay iskeed isu
maamusho(self-Administration), hadday doontana ay ka go'i karto Ethiopia
inteeda kale,haddii aqlabiyad dadka dagaanku sidaas ku codeeyo. Sida
xaqiiqada ah, waa houmar la gaadhay iyo aqoonsi xuquuqda dadywoga reer
Ethiopia markii la barbar dhigo siyasadoodii ku salaysnayd cabbudhiska iyo
duudsiga xuquuda aadanaha ee Talisyadii hore. Qowmiyadda somaalida, inkastoo
tacadiyadii badnaa ee gumeysiga lagu yiqiinay aysan weli meesha ka wada
bixin,maanta waxay haysataa, Ilaahay mahaddii, Xukun daakhili ah oo
soomalida u gaar ah,waxay xaq u leeyihiin in ay diintooda afkooda iyo
dhaqankooda isku maamulaan, tasoo noqonaysa markii ugu horresay ee abid soo
marta dadka gobolkaas ku nool. Nasiib darro, maamul goboleedkii halkaas ka
hanaqaaday, ma noqonin mid sidii la rabay wajibaadkisa uga soo baxa.
Dawladda dhexe iyo ciidamadeeda, ayagoo ku marmarsoonaya dagaalka ay Onlf
dalka gudihiisa ka wado,faragelin joogta ah ayey ku hayaan maamulka daciifka
ee tayada xun.Masuuliyinta Gobolku ayaa sida runta ah dambigaas wax weyn ku
leh, aqoon darro iyo kalsooni darraba ha ugu wacnaate.Hadday diidi lahaayeen
waxa aan dawga ahayn ee Dastuurka dalka ka soo horjeeda, haddii ay muwaafaqo
iyo aragti mideysan yeelan lahaayeen, haddii ay is-qabqabsiga dhexdooda iyo
is-dhaleeceynta joogtada ah joojin lahaaen, u jeesan lahaayeen oo keliya u
adeegida shacabkooda,dalku houmar wacan ayuu gaari lahaa, qaddarin, abaal,
iyo ixtiraamna dadkooda ayey ka heli lahaayeen.Dawladduna kuma soo
deg-degteen faragelinta umuuraha gobolka sida hadda dhaqan u noqotay.
Jaaliyadaha dibadaa ku sugan ee Gobolka Ogaden (somali galbeed) eeda wax
badan bay ku leeyihiin, xilkii ka saarnnaa dadkooda iyo dalkooda kama ay
soo dhalaalin, ihmaal badan (carelessness) uusan mudnayn, ayey ku sameeyeen
degaanka ay ka soo jeedan. Hadda iyo dan , bal wixii tagay aan tuurnee
maxaa talo ah.
D- Talo ahaan anigu, waxaan soo jeedin lahaa Qodobadan soo socda:
.
Haddii si dhab ah oon leexleexad lahyn loo doonayo in Gobolka laga samata
bixio dhibaatada b'an ee maanta haysata,cudurka ,gaajada ,aqoon
darrada,midnimo l'aanta,cooladaha beelaha qaarkood ka dhex taagan i.w.m.,
haddii la rabo in tayada maamulka kor loo qaado, caddaalad sinnaan
dimoqradiyad dalka ka hirgalaan,haddii la doonayo in dadku ku nagaado
dhulkiisa, ku dhaqdo ku dhisto,ka shaqyesto, oo uusan mar kale u hanqal
taagin Somalia, haddii la doonayo in xaqan dastuuriga een maanta haysano uu
noqdo mid dhab ah oo dhaqan gala (practical), waxaa lagama maarmaan ah,
aniga aragtideyda, in si deg-deg ah loo qaado tallabooyinka soo socda::
A- In,si dhaqso ah loogu gudbo sidii wadahadal toos ah loola yeelan lahaa
Dawladda dhexe,ayadoo la soo nooleynayo waan-waantii Oday-dhaqameedyadu
(Salaadiinta, Ugaasyada iyo garaadyadu) billaabeen sandakan 2006 billowgiisa
B-Wadahalladaaso dhinaca soomalida si loo dhan yahay looga qayb galo,waayo
qaddiyadu dadka gobolka dega way wada khuseysaa, qolo iyo koox midna si
gooni ah uma sheegan karaan, waa in arrinta miiska la soo saaraa si wada jir
ahana mowqif heshiis lagu wada yahay looga gaadhaa ka hor inta aan
wadahadallada lala billaabin Dawladda dhexe. C-In ay xaadir ku yihiin
miiska wadahallada xubno matala Heyadaha iyo Ururadan soo socda:
1- Xubno ka socda Maamulka Degaanka oo ayagu xog ogaal u ah dhibaatooyinkii
hortaagnaa 15kii sano ee maamulku jiray.
2- Ururada Jaaliyadaha dibedda ee nabadda u ololeeya oo aqoon iyo khibrad ku
biirin kara wada-xaajoodka Dawladda lala yeelanyo,
3- Oday-dhaqaeedyada oo ayagu
horyba ugu guda jiray waan-waanta,xog ogaalna u ah dhibaatada waddnka
haysata iyo waxa ay bulshoweyntu tabanayso.
4- Haddii ay suurogal tahay,xubno Ururka Onlf ka socda oo waaqiciyiin ah
(xaqiiqada u hoggaansan) oo qiimeyn ku sameyn kara duruufaha culus ee maanta
nagu hareereysan, ka naxaya dadkooda, garan karana in aan dagaal keliya lagu
xaqiijin karin hadafka la tiigsanayo. .
5- Jaaliyadaha dibedda ku sugan ka sokow wadahadallada in ay ka qayb
galaan,waa in ay isla markaas si lixaad leh u muujiyaan joogitaankooda dalka
gudihiisa.Maal ,maskax iyo muruq waxa ay hayaana galiyaan,waa in laga gudbo
shilimada xawaaldaha lagu diro dalkana la iska xaadiriyo, dhismihiisana si
buuxda looga qayb galo,ha ahaato xag dhaqaale,bulsho iyo siyaasadba.
Haddii is-maandhaafka, mindi-mindi ku-taagga laga koro, kanaa nabaddiid
ah,kanaa dabaqoodhi ahna meesha laga saaro, maslaxada guudna loo wada
guntado, waa hubaal in aan si deg-deg ah guulo u soo hoyinayno.
Waxaan ku talin lahaa in heyadahan iyo ururadan kor ku xusana ay sida ugu
dhaqso badan u kulmaan, mowqif mideysana,wada gaadhaan, ka hor inta aan
dawladda wadahadalka lala billaabin.waxaan qabaa kuna rajo weynahay haddii
aan marka hore annagu heshiino oo khilaafaadka dhexdeena xallino in ay noo
sahlanaanayso heshiis aan la kano Dawladda dhexe,fikiradda ay maanta ka
qabto dadka reer Ogadenyana wax badan iska baddali lahaayeen isfahamna la
wada gaadhi lahaa,wax badan oo maanta naga maqanna soo dhacsan lahayn.Waa
wax labada dinacba dan ugu jirto (win-win dialogue) nabadda iyo xasiloonida
mandhaqada Geeska afrikana dawr weyn ka ciyaari lahayd.
E- GABOGABO.
Qolana Ilaahay ma dooriyo, (ma qayiro) ilaa ay ayagu is-dooriyaan,aayad
quraan ah ayaa si cad u sheegaysa arrintan. Shacabka dalka Ogaden (somali
galbeed) ku nool hadduu ilaa maanta xukun xabashiyeed ku hoos jiro waa mid
uu inta badan asagu isugu wacan yahay. Asagaa qeyrkii iska reebay. Inkastoo
xaaladu sidii hore ay aad u dhaanto,Gobolka Ogaden,waa mandhaqada keliya ee
Qaaradda Afrika ee weli nidaam isticmaar ku hoos jirta. Afartii qaybood ee
kale ee somaaliyeed,labo ka mid ah maanta waxay madax-bannaan yihiin muddo
nus qarni ku dhaw.Ayaan darrose,dhibaatooyin fara badan iyo dagaallo sokeeye
ayaa Jamhuriyaddii soomaaliyeed aafeeyay,midnimadii iyo jiritaankii
Qarankana dhaawac weyn u gaystay.Jamhuuriyadda Jabuuti,wataa 30 jirsatay,
waa Dawlad xor ah oo maqaam iyo magac ku leh dunida. NFD,ama gobolka waqooyi
bari ee kenya,inkastoo lixdameeyadii ay dagaallo iyo qulqulado soo mareen oo
dib u dhac ku yare riday,inkastoo aanay weli madax-bannaani helin, dadka
somaalida ah ee gobolkaas ku nool horumar buu gaadhay,gaar ahaan xagga
waxbarashada, Baarlamanka iyo Dawladdaba xubno firfircoon bay ku leeyihii
,General gobolkaas u dhashay, sida lala socdo, waakii noqday Taliyaha
ciidamada qalbka sida ee Kenya.Waa dad maanta aan xuquuqdooda la dafiri
karin waxay leeyihiin madax xilkas ah waddaniyiin ah,soomaalinimadu ku weyn
tahay Systemka dalkaas u degsan ayey si buuxda uga qayb qaataan.inta
karaankooda ahna uga faaiideeyaan shacabkooda.
Somalidii konfureed, dhibaato badan iyo rafaad nooc kasta ah kadib, maanta
kacdoon shacbi ah ayaa ka socda, muddo gaaban gudeheeda, haddii eebe idmo,
waxaa ka soo bixi doona Nidaam cusub oo xoog badan oo diintiisa iyo dadkiisa
u adeega,Qarankii dumayna soo nooleeya. Gobolka Ogaden asagu weli ma helin
madax-bannaanidiisa.Midnimo iyo muwaafaqo la'aan madax,xilkas ah la'aan iyo
dalkii oon lagu mintidin oo mar walba la baylihiyo ayaa ugu weyn sababaha
dib dhaca ku riday oo ummadihii la dhigga ahaa ka reebay. Shacabku sida
runta ah dambiga ma laho ee wuxuusan weligiis helin,hoggaan siyaasadeed oo
dacad ah, waddani ah,si dhab ah u abaabula,ku wacyi geliya danahooda, kuna
baraarujiya, kala dagaallama qabyaalada, ku beera jeceelka waddankooda iyo
isku tashi, kadibna u tilmaama meesha dantoodu ku jirto iyo dhabbaha ugu
sahalan ee dhibaatada looga bixi karo ha ahaado hab dagaal ama mid nabadeed
kolba kii munaasab ah oo duruufta markaa jirta ka tarjumi kara.Hayeeshee,wax
kasta oo la soo maryba,Ilaahay mhaddii,maanta waxaan gacanta ku haynaa
saldhiggii iyo asaaskii dawladnimo, maamulka waddankeena dasturiyan waan u
madax-bannaan nahay Haddaba inkastoo 15 kii sano ee dambe aan wax horumar ah
oo la taaban karo la gaadhin, maanta waa la is-daba qaban karaa(better late
than never) .waxaa haddaba waajib ku ah qof walba oo gobolkaa u dhashay meel
kasta ha joogee in uu u guntado dhammeystirka iyo dhidib u aasidda xukun
dawladeedkan qaybyada,u hanqaltaagga Somalia in la iska daayo. Walaalayaal,
dib dambe yaan dalka loo cidleunin, cadawgana loo loogin.Waddan hodan ah
ayaa eebe nagu manneystaye ee aan khayraadkiisa ku manaafacaadno, fursadan
aan maanta haysano yaanay mar kale naga lumin, taladu yaany maanta na
seegin, Ilaahay cadhadiisana yaanay nagu dhicin. Dawladdan hadda Ethiopia ka
talisa oo ah midda noo oggolatay ismaamulka aan maanta haysano, weligeed
meesha ma joogeyso, inta ay xukunka hayso aan xiriir fiican oo iskaaashi
iyo is-taageerid ku salysan la yeelano. Amxaaro iyo Ormana waa kuwan
miciyaha soo lisanaya,waan la wada soconaa fikirkooda iyo siyaasadooda ku
aadan dhulkeena. Intaan shaleyto,ciil iyo qaxootinimo ku waari lahayn,siduu
horey tix gabay ah ugu sheegay macallin Dhoodaan (La meeryso ciil waxaa ka
roon mayd inaad tahay).Haddaba, inta goori goor tahay aan wajibaadka
dadkeena iyo dadkeena naga saaran si hufan oo daacad ah u gudano,aynu
fadhiga ka kacno, boodhkana iska jafno,wixii horey noogu baaqday aynu maanta
ka soo dhalaano,Caruurteena, caruurtooda aanu u diyaarino magac sharaf leh
iyo mustaqbal wanaagsan.
Ali Abdi Gurhan.
aa_gurhan@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan