IGAD
SOW I GAD (I IIBI) MAAHAN?!!
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Dec 8, 2006
Waxaan waayahanba
aad ugu mashquulsanaa sidii ana u ogaan lahaa magaca
dhabta ah ee urur goboleedka IGAD, waxaana ii soo
baxday haddii dhab loo fiiriyo waxa uu qabtaba inuu
magacu yahay ”I GAD” ama ”I IIBI”. Macnaha waxaan ka
wadaa waa urur loogu talo galay in lagu iibiyo ama
lagu gado bulshada muslimka ah ee ku nool geeska
Afrika.
Haddaba akhriste
waxaa laga yaabaa inaadan horay iga fahmin waxaan u
jeedlo laakiin waxaan marka hore ku tusayaa arrin
aad ku fahanto oo iyadoo kale ah.
Markii loo gaystay
Yuhuudda dulmigii iyo xasuuqii gar-darrada ahaa ee
ay waliba u geysteen reer Yurub waxaa magdhowgii
bixiyay ummadda Carabta ee Muslimiinta ah. Waxaana
mag-dhowgu uu noqday in Yuhuudda la dejiyo dhulka
Carabta oo deedna Falastiina qaxooti laga dhigo.
Halkaasna waxaa lagu dhisay dawlad gacan ku rimis ah
oo Yuhuuddu ay leedahay.
Haddaba si
dowladdaas gacan-ku rimiska ah ee bartamaha Carabta
laga dhisay loo ilaaliyo waxaa lagu dhaqaaqay in
waddamada Carabta iyo qaaradda Aasiya oo Muslimiinta
ugu badan adduunka ay ku noolyihiin la kala gooyo si
aysan Muslimiinta Aasiya deggan ugu soo hiillin
muslimiinta Carabta.
Intaas laguma
deyninee Muslimiintii Carabta ayaa haddana la sii
qeybiyay oo loo kala bixiyay
- Bariga dhexe
- Khaliijka
Danta iyo ujeedad
laga lahaana waxay ahayd inaysan isu soo gurman oo
arrintaba looga dhigo mid gobolo hoose iyo urur
goboleed ka dhexaysa, sidaas ayaana loo kala
dhantaalay xooggii shucuubta muslimiinta ah Carabta
iyo Aasiyaankaba.
Haddaba aqrise
dantii laga lahaa urur goboleedka IGAD-na waxay
ahayd sidaas oo kale oo waxaa la doonayay in
Yuhuudda Afrika waa Itoobiyee lagu naasnuujiyo oo
hadba waxay doonaanna ka sameeyaan geeska Afrika.
Taas oo hor joogsi ku noqotay waddamada kale ee
Muslimiinta ah ee Afrikaankana ah. Haddii ay damcana
inay faraha la soo galaan arrimaha Soomaaliyana
waxaa lagu yiraahdaa waxay u taallaa urur goboleedka
IGAD.
U fiirso hadda
markii IGAD laysla soo dhaafana waxaa arrinta loo
sii daaya waddama safka hore, kuwaasoo ah Itoobiya,
Kenya iyo Jabuuti. Waxaana halkaas ka baxa dawladda
aannu walaalaha nahay ee Suudaan.
Waxaan ognahay
Kenya iyo Itoobiya waa u cadow Soomaaliya oo
labaduba waxay haystaan dhul iyo dad Soomaaliyeed.
Marnaba ma ogolaanayaan inay Soomaaliya cagaheeda
isku taagto. Jabuutina waa dawlad tabar yar oo
Soomaali ah Soomaaliya la’aanteedna aan waxba noqon
karin.
Haddaba aqriste
miyuusan magaca IGAD noqonayn I GAD ama I IIBI.
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Chairman of: The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
GEEDDI DOQON
MAAHAN.
Run ahanatii
waxaan moodi jiray inuu Rasii’sul wasaaree
Doqon yahay oo aad looga caqli badanyahay.
Ama uusan garan karin wax dantu ugu jirto.
Fikirkaygii sidasa ahaa wuxuu is badalay
marki aan British Broadcasting Corporation
ka dhagaystay labo warysi oo ay wax yar uun
u dhexaysi markii uu siiyay idaacadda
British Broadcasting Corporation.
Labadasa
wareysi wuxuu midka hore joogay magaalada
Nairobi wuxuuna yiri:
”Waxaan
aaminsanahay ummadda Soomaaliyeed dagaal wey
ka daashay. Sharcbiga Soomaaliyeedna dhiig
baxiisiina wuu dhammaaday. Cidda hadda
doonaysaa in ummaada Soomaaliyeed ay u
horseeddo barakac iyo diif danbe indhaha ka
qabsan mayno.
Haddaba waxaa
taas lid ku ahaa markii uu 5-tii bishan
desember 2006 uu waraysi oo uu yiri:
”Dagaal la
huri maayo mar haddii argagixisadu ay
dalkeena joogaan oo hub iyo ciidamo ay ku
soo daldalayaan iyo taageeraba. Dad
Soomaalinimadu ay raqiis la tahay oo
biidhi-qaate ah ay joogaan soo horkacayaan.
Oo dadkooda iyo diintooda in la burburiyo
heshiis kula ah cadawga Soomaaliyeed”.
Haddaba
markaan leeyahay Geeddi doqon maahan waxaan
ka wadaa in Geeddi uu ogyahay cidda cadawga
soo hor-kacday ee biidhi-qaataha ah ee dalka
iyo diintana kusoo duulay, Soomaalinimadana
raqiiska la ah inuu isagu yahay. Laakiin ay
cabsi ka keentay inuu cid kale dusha ka
saaro isagoo markaas Midoowga Maxaakiimta
Islaamiga ah (MMI) ah u duurxulaya. Taas
waxaa caddayn u ah markii uu todobaadkii
hore joogay Nairobi waa kii lahaa cidna kama
yeelayno in ummadda Soomalaiyeed dagaal iyo
bari kac loo horseedo. Ummadda
Soomalaiyeedna way ka soo daashay dagaa.
Geeddi wuxuu
isoo xusuusiyay dhacdo tan u dhow ayaa
qabsatay gabyaagii weynaa ee Qamaan Bulxan.
Waxayn ahayd isagoo Qorraxeey jooga oo
tolkiisna ku jira ayuu gabay faan ah tiriyay.
Isagoo ku faanayay in jilibka uu ka dhashay
uu aad u faro badanyahay waxay dhigaanna
lala yaabo. Waxaana ka mida ahaa erayadiisii
-
Faro
sheegay reer Magan, wuxuu falina waa
yaabe
-
Qamaanoon
fasaxin geel ninkii, foofiyaa daganee.
Haddaba waxaa
arrintasa aad uga xumadaay Sayid Maxamed oo
degaanka markaas ka talin jiray. Wuxuu u
qaatay in isaga loogu gooddinayo ama loogu
digaayo. Deedna wuxuu ergo u diray Qamaan oo
waa loo keenay.
Qamaan markii
uu yimid xaruntii Daraawiishta ayuu Sayidku
ka codsaday inuu Qamaan ku soo celiyo
gabaygii uu tiriyay markii uu Qorraxeey
joogay. Qammaan oo cabqari ahaa wuxuu gartay
inuu xujoobay haddii uu gabayga sidiisi ugu
soo celiyo. Marka waxuu tiriyay isla tixdii
oo yara baddalay si uu u badbaado. Wuxuuna
yiri;-
-
Faro waa
Daraawiish waxay, falina waa khayree
-
Sayidkoon
fasaxin geel ninkii, foofiyoow daganee.
Haddaba
waxaan filayaa waxa Geeddi ka keenay
labadaas hadal ee kala fog inaysan ahayn
caqli xumo ee ay tahay maskax iyo cabsi uu
naftiisa la baqay. Maxayse akhriste adiga
kuula muuqataa?!!
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Chairman of: The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com