SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cayaartii Marqaan iyo Marqaandiid

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Qaybtii 3-aad

Ku xiriirsan Qaybtii 2aad....

Waxay cayaartu mareysaa labo iyo eber oo ay ku hogaaminayaa kooxda Marqaandiid, waxaana kooxda Marqaan ka muuqda daal iyo tabar-dari, qaarkood waxay leeyihiin “Waa nalaka adkaadayee ee maan guuldarada qirano”, mid iyaga ka mid ah ayaase u rumeeyay oo yiri “Waa run oo si wanaagsan ayaa naloo kaka adkadaay, basle waxaan kuu sheegayaa in kooxda Marqaandiid ay sugeyso cayaar adag oo la dhihi karo waa cayaartii ugu adkeyd ee ay yeeshaan”.

Marqaandiid waxaa sugeysa koox ku cayaareysa magaca Xaraarad (sigaar), waxaa kooxdaan u safanaya 11 cayaartooy oo kala ah cayaaryahan Isboortisman, Rooyal, Subermaaj, Imbaas, Bensol, Naaysbiin, , Danhil,, Maarlbooro,Roodmaan , Gooldisiil, kamel Kursiga Keydka waxa u fadhiya Qaac, Haash, Gumud, Taraq, Tubaako., Jentasiigar

Labo ka mid ah taageerayaasha Marqaandiid ayaa waxa ay nafsadooda ku maaweelinayaan in kooxda Marqaandiid ay ku soo wajahan tahay cayaar adag, mid ayaa waxa uu yiri “Anaga waaba nalaka badiyayee, balse aan ogaano waxa ay kooxda Xaraarad la soo shirtagto, waxaan filayaa in rag culus ay haystaan” mid kalaase ku jawaabay “War marqaan ayaaba lagu durduriyayee, halkee joogaan Xaraarad” yeysan naftooda been u sheegin, waxa uu sii daba dhigay “Raggii Turuqyada waaweynaa ayaa dhulka laga dhigaye, maxay raggaani ka keeni karaan Marqaandiid”.

Kooxda Xaraarad waxay subax iyo galabba sameysaa tababar, waxaana tababare u dhashay dalka Kenya oo lagu Magaaco Xashiishad tababarahan oo qibrad weyn u leh cayaarta, ayaa maalin walba cayaartooyda siiya farsmayooyinkii ugu dambeeyay, mararka qaarkood waxa uu u sheegaa cayaartooyda kooxda Xaraarad in ay Garoonka la soo galaan firfircooni oo aysan noqon sida kooxda Marqaan oo uu sheegay in aysanba ka dhisneyn jirka.

Cayaarta la filayo in ay dhex marto Marqaandiid iyo Xaraarad tikidhadoodii mar hore ayaa la goostay oo dadka qaarkood waxay ku waayeen suuq madow, waxaa socda tabaabusho loogu jiro cayaartaasi, taageerayaasha labada dhinac, waxay is weydaarsanayaan hadalo kulkul, waxaana ka mid ah kooxda Marqaandiid ayaa waxa ay leeyihiin, waxba iga dheefi meysidee maad iska tartiibsatid, waxaan nahay rag isku tashaday oo aan la loodin Karin.

Taageere ka tirsan Taageerayaasha kooxda Xaraarad ayaa waxa uu isna ku hadaaqayaa “War rag maxay ka garanayaan, waa waxaan kala helno markaan isku imaano”.

Kooxda Marqaandiid, waxay iyana sameeyaan tababaro joogto ah oo habeenkii xitaa waxay sameeyaan tababar aan horey loo arag, waxay rabaan in ay ku guuleystaan koobka yaala, Tababarahooda Abuu Timir ayaa mar uu la hadlayey cayaartooyda ayaa waxa uu yiri “Waad aragteen, waxaan ku dhignay kooxdii Marqaan, ma cid na soo haweysan karta ayaa jirta”.

Sidoo kale taageerayaashii Kooxdii Marqaan ayaa waxay qudhoodu goosteen tikidhada cayaarta dhex mareysa kooxaha Marqaandiid iyo Xaraarad, waxay rabaan in ay si buuxda u taageeraan kooxda Xaraarad, waxayna dhiiragelin siinayaan kooxda Xaraarad, tashkiilis ayay ku hayaan, waxayna leeyihiin “War horey ayey noo baaba’sadeene iska dhiciya”, waxaad arkeysaa nin ka tirsan Taageerayaasha Marqaan oo gees ula baxay cayaaryahan ka tirsan Kooxda Xaraarad, waxa uuna leeyahay “Saaxiibow adigaa ragga ugu cadcad, waxaad tahay difaac lagu dhaaran karo, ee ninyahow anagey naga hoos baxday, yeysan adinkana idinka hoos bixin”.

Waxaa muuqda saan-saantii ay isaga hor imaan lahaayeen labada kooxood, waayo dhawaan ayaa kooxda Xaraarad, laga naxsaday kaddib cayaaryahan ka tirsan Marqaandiid uu jilaafay cayaaryahan ka tirsan kooxda Xaraarad, cayaaryahankii Xaraarad inta uu jafjaftay ayuu ku yiri kii kale “War ninyahow cayaartii ma aysan bilaabani maxaa dhacay, sow garoonka nooma balan ahayn” Basle Marqaandiid cayaaryahankii ka tirsnaa ayaa ugu jawaabay “waxaa rabaa in adiga oo fara ka naxsan oo garan la’ meel lagaa jiro, soo gasho garoonka, si aan markaasi kuu qararamsado”.

Mas’uuliyiinta Kooxda Xaraarad waxay farta ku hayaan wadanaha, waxayna sugayaa waxa cayaarta ka soo bixi doono haddii ay bilaabato, madaama horey loogu tiiqtiiqsaday kooxdii Marqaan ee ay saaxiibka ahaayeen.

Dhamaad

Akhri: Qaybtii 2aad....

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhsaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 7, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD