Ku dhaqanka runta ah ee
Qawaaniinta
Abdulkadir Ahmed
kotmo3@hotmail.co.uk
Sidaad ogtihiin qaynuunka dunida looga-dhaqmo badankood waxaa degsaday
dad-yowga ku dhaqan adduunka, ku waasoo ay udegsadeen inay ku wada
noolaadaan walow ay jirto in badankiis laysku dulmo dabeecadahaas oo uu
aadanuhu ka simanyahey oo koox, qolo, qabiil, qaran iyo qaarad oo aad
arkeyso amaba aynu ognahey oo maalinka maanta ah ay xaadir tahey in laysku
dul-noolyahey ama laysku duulayo sidii laysu gumeysanlahaa umad kale dalkeed
ama daqaalaheed.
Hadeynu is xasuusinno oo sharax kabixino arintaa aynu kor ku soo xusney
sidaa aynu wada ognahey nadaamiyada dunida kajirah oo kala ah: boqortooyo,
demoqraatiyad, digtatooriyad iyo shuuciyad iyo meelo loogo daqmo siyaalo
kaleba. Intaas oo dhammi waxey leeyihiin nadaamyo ayagu ay sameysteen oo
group ama political parts deh ama magacyo kalebah ugu yeere sii kastabah ha
ahaatee xukuumadahaasi aynu soo sheegney mid walibah wuxuu uu ku meel
marsadaa tiisa xukuumadeed dadweynahuna waa ku dulman yahey waxaana lagu
dhaqaa shuruuc beenaaddaas ay u degsadeen sideey ugu dulnoolaan lahaayeen.
Tusaale xisbiga muxaafidka wuxuu meel mariyaa awaamiirtiisa xisbiyeed ee uu
aaminsanyahey siduu ku hanan lahaa powerka meesha uu ka taliyo umana
daneynayo shucuubaha kale ama aan iraahdo xisbiyada kale ee waaba kasoo
horjeedaa siduu uu baabi'inlahaa.
Kingdomka ama Boqortooyada iyadunah wax qarsoon ma'aha oo loomasinna
mawaadinnimada oo Boqortooyo meesha ay kataliso eyadaa dalka iyo dadkaba
iska leh marka ninku leh sidee wax ula qaybsankartaa taasuna waa sharciga
Boqortooyada.
Kuwa kale ee aynu kasoo hadalney qaybtood sidaa shuuciyadda waad og tahiin
waxey aaminsanyahin oo maba'aha waxeynu kasheekeyn karo.
Marka layaab malaha hadaad aragtaan in maamul beeleedyada kajira Soomaaliya
ama ha'ahaato dowladda ku meel gaarka ah waxaa lagu dhisay four point five
(4.5) oo macnaheedu yahey afar qabiil
oo waaweyn iyo mid bar'ah ma'aqaan meesha laysku tiriyeye, iyagoo u
dhaqmaaya sidaad rabteen sika duwan waayo waa waxey meel marsadeen hadaan
idin iftiiniyo waxaad ogaataan in ninkastoo xukunka meel masuul kanoqda
wuxuu kuyimid beeshiisa taasoo u dhiganta xisbigii uu kasoo galey
Parliamentiga maxay ka duwantahey xibigadii midwalba fulinayey danaha
xisbigiis marka yeyyan iskaga keen qaldamin oo aynaan is oran ama ayna u
maleyn iney inaga ayey meesha inoo joogaan danahooda iyo danaha reerkooda
taa waxaa cadeynaya maantey markii Soomaaliya badankeed oo lix iyo tobankii
sano dhib kujirtey ey hagaagtey waad aragtaan iney doonayaan
maamulbeeleedyadu iney ku celiyaan halkii.
Markaan gaar ahaan ka hadlo Puntland oo dhowaan aan tagey Puntland waxaan ku
arkey dad waxbadan ka hadlaya caddaaladi majirto xagee caddaalada ka
eegayaan waaba aragtaa sida xaalku yahey.
Sidaad ogtihiin maamulbeeleedka Puntland intaan ladhisin dalku sidiisuu ahaa
waxaa keliya oo soo kordhey in laysku dulnoolaado mase aha sidii loo dhistey
ee waa lamajara habaabiyey oo dastuurku sheeg loo sameystey.
Sidaa Islaamka qabo abtiirsiinyaha waa isku aqoonsasho ee ma'aha in leysku
xakumu sidaa owgeed Ilaahey wuxuu inoo soo dejiyey Kitaabkiisa munnazalka ah
yari nah isku dhaqa asal iyo faracba waxeynu ku badbaadi karnaa aduun iyo
aakhiraba isaga aynu qaadano oo ku dhaqanno ku badbaadneeh wa dunyaa wal
aakhirah (waa kaas dhaqanka runta ah)
xagaagii dhowaa waad ogeyd Xamar wixii yiillay
xeerkii ilaah iyo kuwii xaqa danaynaynin
xaaraan ku naaxiyo kuwii xamarba googooyey
ilaahbaa xaqqii daahirshoo xooray taladoodi
xumaantii lalaab oo xaqaa lagu xoroobaaye
waa laysu soo xilsaaraye ma'aha xeeladnootimiye
xashaa lillaahiye maxkamad xoogleh baatimiye
Xamaroo xaafad-xaafad ugudbayn wey wada xoreeyeene
xaqiiqada ninkii haysta waa ku xaddanaadaaye
ku nasiibso iyo waa xarriman inaad cid xoogtaaye
Xamar wayne goortaad tagtaad ku xasilaysaaye
xaflad baa loodhigey oo maxkamadaa lagu xurmeeyaaye
isbaarooyinkii wada xirmoo haatan xaalufe'e
xabadbaa u qoran kaan sharciga ku xassilloonayne
xiqdi iyo waxaa uu rabaa inuu cid xoogaaye
xorbay noqotay Soomaalidii wada xujeysneyde
xishoodkiina soo noqoy oo bulshadu ways xurmaysaaye
xujeynoqotay dadkii lagu helaa inuu xeerka jebiyaayee (Kitaabka)
xeebtiina maraakiibtu xoolahay rogiye
diyaarado xamuulkii sidaa xiiman ku isdhaaffi
aynuu xaqqa qaadanno waakaa marhore lagu xalaaloowye
Abdulkadir Ahmed
kotmo3@hotmail.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2006


|