SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DAMACA ITOOBIYA

IYO

DAMIIR LAAWEYAASHA BAYDHABO

 

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”
haldhaa35@hotmail.com

 

     Waxaan in badan maqlaa dad Soomaaliyeed oo aqoonyahanoo isku sheegaya oo ku dooda in tigreega hadda Itoobiya xukuma uu ka fiicanyahay ama ka duwan yahay xukunkii Mingiste. Run ahaantii ma aqaan si day u fikirayaan, laakiin waxaad mooddaa inay aqoon la’aan hadlayaan oo ay iska sheegayaan waxaysanba ka warhayn.

 

Waxaa cad in xabashidu ay cadaw noo tahay noocay doontaba ha noqotee. Waxa ay biladaha isku siiyaana ay tahay hadba si ay ula dagaalaan ummadda Soomaaliyeed. Madax-waynihii hore ee Itoobiya Mingeste Xayle Maryan mar uu la hadlayay golahiisa baarlamaanka wax yar ka hor intuusan cararin, wuxuu yiri;-

 

" Guusha ugu wayn ee aan u soo hooyay dalka Itoobiya waa inaan burburiyay dawladdkii Soomaaliyeed oo aan dib danbe loo arki doonin dawlad Soomaaliyeed ".

 

Waxaa laga yaabaa inay in badan is waydiiso faa'iidad ugu jirta dawladda Itoobiya burburinta Soomaaliya. Waxaanse filayaa inay cid kastaa u caddahay kana jawaabi karto. Iyadoo sidaas ay jirtana bal aynu yara qodabayno faa'iidada Itoobiya ugu jirta burburkii dawladda Soomaaliya.

 

1- Itoobiya oo ah dawlad Kirishtaan ah kuna dhex jirta jasiirad Muslimiin ah oo intay Muslimiintu midnimo iyo walaanimo ku suganyihiin ay Itoobiya noloshu ciriiri ku tahay.

 

2- Dalka Itooobiya oo ah saddex meeloodoo laba meel iyo badh dhulkii dawladii Islaamka ahayd ee Harar (Adari) fadhiyi jirtay laga dhacay iyo shacabka Itoobiya oo 75% Musliin ah kuna jira gumaysi nooca ugu xun oo markaa haddii ay Soomaaliya sii dhisnaato laga baqayo inay raadiso dhulka Muslimiinta ka maqan shacabkana kiciso.

 

3-  Itoobiya oo aan xeeb lahayn gacantoodiina ay ka baxday xeebihii Muslimiinta Eretareeya. Marka waxaa qasab ku ah inay raadsadaan xeebo kale. Taasna waxaa lagu heli karaa jiritaan la'aanta dawladda Soomaaliyeed.

 

4- Inta ka sokaysa qabsashada xeebaha waxay ku talo jiraan inay helaan waxyaalaha ka soo dega dekadaha Soomaaliyeed ee aan dawladda lahayn, sida Xamar, Boosaaso, Kismaayo iyo Berbera. Kuwaasoo waqtigan xaadirka ah wixii ka soo dega ku gala canshuur la’aan labada dawladood ee Kiinya iyo Itoobiya. Waxa maanta ay labada waddan ku camiranyihiina waa xoolahaas canshuur la'aanta  kaga soo dega dekadaha aan dawlada lahayn, kuna gala canshuur la'aan.

 

5-  In suuq xor ah oo aysan dawladi maamulin loo helo maandooriye yaasha, sida Khamriga, xashiishka oo waddanka aad loogu beeray iyo Qaadka. Taasoo aad arkayso in maalin kastaa ay ka soo duulaan labadaas dal dayuurado wada caws (Qaad) oo ayna ku noqdaan dayuurado wada lacag adag. Khamrigana waxaaba lagu sameeyaa waddanka gudahiisa oo waxaa sameeya xabashida joogta. Xashiishkana waxaaba lagu beeray meelihii loogu talo galay in bariiska lagu beero intii uu burburay qarankii soomaaliyeed.

 

6- In bulshada laga baabi'iyo dhaqanka fiican iyo akhlaaqda, hoosna loo dhigo xaaladooda caafimaadka oo cudrada xun xun ee aan dawada lahayna lagu faafiyo, sida (AIDS-ka). Taasna waxaa fuliya naago iyo rag u dhashay Itoobiya. Naaguhuna waxay meelo badan oo dalka ka mid ah ka furteen goobo ay kaga ganacsadaan jiidhkooda iyadoo ay u dheertahay jaasuusnimo ay dawlada Itoobiya u jaasuusayaan.

 

 Intaas aannu soo sheegnay oo dhanna waxaa nooga marag kacaya duullankii gardarada ahaa ee ay Itoobiya ku soo qaadday ummadda Soomaaliyeed ee la ildaran daadadka iyo macaluusha. Ummaadda Soomaaliyeed ee soo ceshatay wanaaggii iyo kala danbaytii 16 sano ka maqnayd caasimadda Muqdisho. Ummaadda Soomaaliyeed ka guulaysatay qabqablayaashii giidh miiradka ahaa 16ka sano.

 

Itoobiya waxay damacsanaydna wuxuu ahaa inay baabi'iso Muslimiinta geeska Afrika, si ay taas u gaartana waxay doonaysaa inay hesho dekado ay ku dhul ballaarsato.

 

      Duullaamada ay Itoobiya ku soo qaaddo ummadda muslimka ah ee Soomaliyeed waxaa gacan xoog leh ku siiya Maraykanka, sida uu sheegay wasiirka gaashaan dhigga ee Itoobiya, kadib markii duullaan ku soo qaaden jabhaddii S/galbeed sannadkii 1994kii. Wuxuuna yiri wasiirkaas isagoo BBCda u warramayay

 

"Waxaanu dawladda Maraykanka ka helnay gargaar ah gawaarii gaashaam, waxyaalo kalana waanu ka sugaynaa".

 

Duullaankii gobalka Gedaba waxaa ka qayb galay helakobtardii maraykanka nooca loo yaqaan (Cobra). Haddana waxaa hubanti ah duullaanka ay itoobiyaanku soo qaadeen inay taageero ka haystaan Maraykan oo ku waafaqsan arrintaas, kadib markii uu ku fashilmay taageeradii uu soo siiyay qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho.

 

Waxaa kaloo iyagana gacan xoog leh siiyay dawladda Kiinya oo iyadu u sahayshay inay Itoobiyaanku ka soo galaan dhinaca Kiinya. Run ahaantiina dagaalka way u sinaayeen, mana kala sokeeyaan oo iyaguna waa cadawga labaad ee ay Soomaalidu leedahay. Cadaawada ay Kiinya u hayso Soomaalida waxaad ka heli kartaa oo aan ku qeexay buugga la yiraahdo "Tuugo sharciyaysan" ee soo baxay 1997kii. Kaas oo aan kaga hadlayay dhibaatooyinkii ay booliiska Kiinya u gaysteen qaxootigii Soomaaliyeed ee ku soo qaxay Kenya.

 

     Waxaase intaasoo dhan ka daran oo ka cadawtinimo badnaa madax-weyne isku sheegga iyo ra’iisul wasaare isku sheegga iyo baarlamaan isku sheegyada, Soomaaliyeed kuwaasoo dalkoodii iyo dadkoodii u soo horqaaday cadaw soo jireen ah oo lana col ah diinta iyo dhaqankagaba. Waxayna dadkoodii iyo dalkoodiiba dhaafsadeen dhowr shilin, waaba haddii la siiyee!!. Yaase u sheega inaysan Wayaanadu (Tikreegu)  waxba bixinin Daafi qallashay oo qudhuntay mooyaanee.

 

Bal nimankaas cadawga soo horkacay maanta ma mudanyihiin in Madax-weyne ama ra’iisul wasaare ama Wasiir ama Xil-dhibana lagu sheego?!!. Kuwa kale ee qorshaha la wadaagana ma mudanyihiin in janano iyo kornaylo iyo masuuliyiin lagu sheego, sida Jen. Cadde Muuse, Cabdi Qeybdiid, Ismaaciil Buubaa, Shaati-guduud iyo kuwa kalaba?!!. May. Ma mudna. Sababtoo ah ma ahan rag waawayn mana ahan carruur. Ma aha jaahiliin, cilmina ma lahan. Ma waalna, mana miyirqabaan. Reer magaalana ma ahan reer baadiyana ma ahan. Waxaase lagu sheegi  karaa :-  "Waxba yahoow" . Waana kuwuu gabayga ku tilmaamay gabayaagii waynaa ee Soomaaliyeed Allaha u naxariistee C/laahi Suldaan "Tima cadde"

 

                  "Rag sagaashanka dhaafay

                      Oo gadhka saynta gammaankiyo

                      Kebed soohan la moodaa

                      Sanbab loo lulayaa oo

                      Baruur saafiya mooda  ".

 

     Waxaan qormadaydan ku soo gabagabaynayaa inay ummadda Soomaaliyeed isku kaashato wanaaga iyo khayrka, cadawgeedana ka hortimaado oo dalkooda iyo diintooda ka daafacato iyagoo is haysta. Waxaan kaloon ugu baaqayaa inay ka haraan gadanayaasha doonaya inay dillaalaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo carruurtoodii iyo xaasaskoodii dibadaha gaystay, oo doonaya inay carruutanada ku dhammeeyaan madaafiicda ay sooo ganayaan iyo kuwa ay ku soo hoggaaminayaan. Waxaan kalloon ugu baaqayaa inay u soo laabtaan diintooda iyo Allihii abuuray way liibaanayaan aakhiri iyo adduunba ee. Waligiina yaysan idin murginin daba dhilifka iyo gumaysi raacaha doonaya inuu dhulka Soomaaliyeed ka iibiyo gumaysi soo jireen ah. "Soomaaliyana Soomaali baa leh".

 

 

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”
Chairman of

The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD