Caga dhigo
Siciidow Xaqaa kaa Cadceedsadaye
Waa Gabay Jawaab u
ah
Abwaan Xasan Garaad
Warsame
Email:
abwangaraad@hotmail.com
Gabaygaan waxaa tiriyey
abwaan xasan garaad warsame waxawna ugu jawaabay nin gabay
aflagaado ah u geystay makaakiimta islaamka soomaaliyeed
ninka gabaygu ku socdo waxaa luga magacaabaa siciid
cabdille cali [ ilweyn] waxa uuna ku soo qoray gabayga
aflagaadada shabakad Internet ah [ ciwaanka gabaygaanu
waa ]caga dhigo siciidow xaqaa kaa cadceedsadaye
- · Siciiid
hadalka ciifaha leh iyo cudurka kaa muuqda
- · Col
abaabulkiyo duul isjecel gabal cambaareynta
- · Caraadada
qabiilkiyo wax tagey dib u cusbooneynta
- · Maqrib cuba
cadceed sii dhecee celitinkeed maaga
- · Diincaayga
cadow faanis kiyo hadal cawaaneedka
- · Cibaareynta
aad kala hortimid culuma owdiinka
- · Waa
caariyaad iyo xumaan laga coroodaaye
- · Waa cambaar
in laga faano mudan caayga kaa yimide
- · Waa caana
qaansiir warkaad curisay wiiloowe
-
· Waa calaaluggii boobku waday ciida gaaladaye
- · Oon
ceynkastaba uga duwneyn ciga dameeraade
- · Laakiin
cadaab aaqiraa lagu carbuun taaye
- · Waa
cilmaaniyadi lagu yaqiin caasi iyo buushe
- · Waa codkii
sanaawiya tegree camaladeediiye
- · Sida
dhagaxyo duul caabudoon caadil garaneynin
- · Ama gaal
caddihi shuucigoo cayi jiray diinta
- · Wayla ceeb
wadaadda in aad carunku seydhaaye
- · Aqligaadu
wali kama fogaan laba cabaaroode
- · Caga dhigo
siciidow xaqaa kaa cadceed sadaye
-
- · Cawar lama
galshoo gabayga waa la casriyeeyeeye
- · Cagsi waxaw
ku yahay beydadkaa lagu cadeeyeeye
- · Cirka lama
ogaan karo halkuu ciidda kaga yaale
- · Waxaw
caadilkeykaa ogyahay lama curraafyeeysto
- · Cajal
laguma shubo qowl jariba cara illaaheeye
- · Cosob iyo
naq adigoo degiyo caaradiyo rayska
- · Alla
gacanta loo gama codsado caga gubjiilaale
- · War carquba
xunkeenaa jiriyo ceeb hurgumo weyne
- · Cuqdad
beena lama kala dhexdhigo cida wallaalaahe
- · Cataaw
laysma dhoho manta waa ciirtay xaajaduye
- · Carabkaaga
waa laga dadbaa hadal colaadeede
- · Ciifa laga
tag oo waysduntaan cadadki soomaale
- ·
Isi soo ceshade shalay hadey kala coroodeene
- · Cabsida
alle iyo diinta baa laysku caawimaye
- · Camal yari
haduu kala dhex galay ways cafinayaane
- · Caaqibadu
halkey saran tahay wey cabirayaane
- · Cadow gooda
iyo wey ajeli ciid ka haystahaye
- · Nacabkey
isaga celinayaan cududa hoodiiye
- · Calan koo
jigjiga laga mudey calafsan doonaane
- · Aduguna
cariish laga gud baad cudur la jiiftaaye
-
· Aqligaagu wali kama fogaan laba cabaaroode
- · Caga dhiga
siciidow xaqaa kaa cadceed sadaye
-
- · Cidka maqan
dagaalkaan malaha gaalka leys cuniye
- · Culumada
kitaabada watowse cayrku saacidaye
- · Cawinaad
ayay uga dhigeen curaddadoodiiye
- · Cawareerre
sacadbaa socdiyo cumar saleemaane
- · Ma cabsade
saruurbaa la yimid cududihiisiiye
- ·
Curadkii abgaal iyo maharin cadiyo shiiqaale
- · Cadowreebki
dudublaan ka tagan caamageeljirehe
- · Samataliski
cali iyo agoon cune furuurtiiye
- · Karanlihi
lawada ciirsan jiray caaradkii noqoye
- · Ogaadeenki
cududaha badnaa waa cartamayaaye
- · Ciishoode
beeshii sadoo care mariixaane
- · Ciddii
digilya miriflana hubkey camal la qaateene
- · Cirka yeer
dhulmahantaa ficiba caan ahaa jiraye
- · Caleema
qoyan bey lula ahayaan caalim iyo shiiqe
- · Gaaljecel
cirooliyo saqiir ciidan kuu galaye
- · Baadi cadde
soo wada cabey caarad dhuubyadaye
- · Mid
cadiifad beeleed qaboo calowle muuyaane
- · Codkarkii
majeerteenka iyo culuma owdiinki
- · Cirifkaaya
boosooso bey nuga casuumeene
- ·
Aqliyahanadii reer burcana caawa bey imane
- ·
Ceyn xaraf ah kuma koobi karo cadadka soomaale
- · Cadawgaa la
wada aadayaa waa la ciil bixiye
- · Gumeeysiga
jigjiga caasimee cabaya dhiigeena
- · Ciidda
inaan ka saarnaa dagaal loo iclaamiyay
- · Aduguna
cariish laga gudbaad cudur la jiiftaaye
- · Aqligaadu
wali kama fogaan laba cabaaroode
- · Caga dhigo
siciidow xaqaa kaa cadceedsadaye
Abwaan Xasan Garaad
Warsame
Email:
abwangaraad@hotmail.com
Afeef: ARagtida gabaygan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 1, 2006
|