Wararkii: AGoosto 28, 2006
Lacag Shilin Soomaali ah oo kasoo
degtey Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Bososo.
Lacag shilin somali ah oo gaareysa
(500) oo bilyan ayaa shalay soo gaartey magaalada boosaso ee
xurunta gobolka bari lacagtan ayaa waxaa laga soo dajiyay Airoborka
magaalada bososo waxaana xaqiiyay in lacagtan ay soo degtey Masuuliyiinta
Airoborka Bososo.
Lacag tan shilin somaliga ah oo
Cadadkeedu gaarayo (500) shan boqol oo bilyan oo shilin somali ah
ayaa waxaana lagu soo farsameeyay dalka indoniisiya waxayna ku
socotaa sida la sheegey dowlada kmg ah ee soomaaliya.
Lacagtan ayaa la sheegin in laga
sarifo doono magaalada boosaaso kadibna loo gudbin doono xurunta
dowlada kmg ah ee soomaaliya ee Magaalada baydhabo.
lagahana noocaan oo kala ah ayaa marka
ay soo gaareen deegaamada Dowlad goboleedka puntland waxaa cirka
isku shareera doolarka iyo waliba maciishada iyadoo ay dadka
danyarta ah arintan oo kale ay cabasho ka muujiyaan.
Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
Bososo,Puntland,Somalia
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ugu
baaqay Wadamada IGAD ay ku daydaan.
Maxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed
ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay saraakiil ka soctay Wadnka
Uganda oo tiradoodu gaaraysey afaartan Sarkaal kuwaas oo la socday Sadax
Diyaaradood oo kuwa Milatariga ah, waxaana kulankaas la iskula soo
qaaday sidii Dowladda Uganda uga Qaybqaadan lahayd gacansiinta Dowladda
dhinaca amaanka wuxuuna Madxwaynaha uga mahadceliyay sida Uganda ay
markasta u daneynayso in Soomaaliya ay dib ugu soo laabto. Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ayaa ugu baaqay Wadamada IGAD in ay ku daydaan Dowlada Uganda ay
Ciidamada u soo diraan dalka Soomaaliya.
Waxaana maalintii shalay ahayd Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo soo gaaray Qalab Milatari oo ay
leedahay Dowladda Uganda kuwaas oo iskugu jiray Teendhooyin, Dareyska
Ciidamada, Gawaarida wax lagu qaado iyo Matoorada ee dabka dhaliya
waxaana la filayaa in ay soo gaaraan Maalamaha soo socda Ciidamo ka
socda Wadanka Uganda oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 500 oo askari,
hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagu diidmo
ka muujiyey imaanshaha ciidamadaasi, iyadoo sheegay in ciidamdaasi aysan
si sharci ah ku soo galin gudaha dalka soomaaliya, maadaama Soomaaliya
aan laga qaadin cunaqabateyntii hubka, taasina waxay keeneysaa in
ciidamo kale ay iyana soo galaan gudaha Dalka Soomaaliya. Saddex
diyaaraadoo ee shalay soo gaartay Baydhabo ayaa waxaa loo diiday inay
sawiro ka qaataan suxufiyiinta ku sugan Magaalada Baydhabo, sidoo kale
waxaa loo diiday in ay gudaha u galaan halka uu kulanku ku dhex marayey
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Saraakiisha Ciidamada Uganda. Ciidamada
Uganda oo la filayo in ay dhawaan soo gaaraan Magaalada Baydhabo ayaa
waxaa la dejin doonaan meel ku dhow Garoonak Diyaaradaha ee Magaalada
Baydhabo, halkaas o ay ka dhigan doonaan xarun, warar ayaa waxay
sheegayaan in Jeneral ka tirsan Ciidamada Uganda uu noqon doono Taliyaha
ciidamada IGADSOM ee Soomaaliya.
Soomaalida ku nool Dalka Itoobiya oo ay
soo wajahdey welwelkii ugu Xooganaa…
Soomaalida ku nool dalka Itoobiya
ayaa la sheegay in ay soo food saartay wal wal aad u balaaran, kaas oo
la xiriira, halista dagaal ka dhex qarxa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dad socoto ah oo dhawaan soo
gaaray Muqdisho kana yimid dalka Itoobiya oo Wargeyska u waramay ayaa
sheegay in si weyn ay uga cabsi qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool
Dalkaasi Itoobiya dhibaato uu u horseedi karo dagaal dhex mara
Soomaaliya iyo Itoobya, waxayna dadkaasi sheegeen in haatan dadka
Soomaaliyeed ee ku nool qaar ka mid ah Gobalada Itoobiya, gaar ahaan
Magaalada Adis-Ababa ay soo food saareen dhibaatooyin xoog leh oo kaga
imaanaya dadka u dhashay Itoobiya, waxaana la sheegay in mararka qaar
lagula kaco falal bini’aadanimada ka baxsan sida in la kufsado Gabdhaha
Soomaaliyeed, in xoog lagu haysto Dumar Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale
falal xun loo gaystaa carruurtada Soomaalida ah. Dadkaan socotada ah
ayaa waxay kaloo wargeyska u sheegeen in xiligaan ay sii xoogeysatay
dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool Dalka Itoobiya, taas oo ay
sheegeen in ay ugu wacan tahay is bedelka cusub ee ka dhashay Dalka oo
ay Itoobiya si weyn uga soo horjeedo, isla markaana qaar ka mid ah
ciidamadeedu ay soo galeen Xuduudaha Soomaaliya.
Horyaalkii
35 aad ee soomaaliya oo si xiiso leh uga socda Garoonka Banaadir

Ayadoo dhawaan Garonka Banaadir uu dib ugu
furmay horyaalkii 35-ee Kubadda cagta oo asagu hakad galay 2004 ka dib markii la
isku qabsaday hogaanka xriirka kubadda Cagta waxaa maalintii shalay ahayd ciyaar
ka tirsan Horyaalka wada yeeshay kooxaha Banaadir, Telecom, iyo kooxda Elman
waxaana ciyaartaas ka qayb galay dadwaynihii ugu badnaa ee lagu arko Garoomada
kubada cagta waxaana ka dhex muuqday Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa
Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) iyo Gdoomiayah xiriirka
kubada cagta Muxyadiin Xasan Cali (Darbawayne) waxaana ciyaartaan ay ahayd tii
ugu xiisaha badanayd ee ka dhacda Garoonkaas markii la furay horyaalka, waxaana
qaybtii hore cayaarta Gool qurux badan la dhaliyey Kooxda Banaadir waxaana isku
darsamay Sawaxan, Qeylo, iyo sacab ay samaynayeen Taageerayaasha Kooxda Banaadir
waxaana cayaarta qaybtii horay ku soo gabagaboday 1-0 oo ay la hayd Banaadir.
Macalin Geela oo tababare u ah Kooxda Elmen
ayaa la tashi dheer ka dib waxaa lagu soo laabtay Garoonkii ayadoo Kooxda Elman
isku dayday in ay soo guddo goolka, wax la hardamo oo la isweeraraba ayaa Kooxda
Banaadir waxay hashay Goolkii 2-aad oo ay ku Quusisay Kooxda Elman waxaana
cayaartii ku soo gabwgabooday 2-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda Banaadir oo ay
hogaanka ku qabatay dhibic qur ah waxayna Kooxda Banaadir leedahay 15 Dhibcood
halka Elman ay ka leedahay 14-Dhibcood.
Xashiiskii ugu badnaa oo ay gacanta ku dhigeen
Ciidanka maxkamada Xamar weyne.
Ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ee
Degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar jajab ayaa Hawlgalo ay kawadaan Maalmahani
dambe Gudaha Degmooyinkaasi waxa ay kusoo qabteen Hawlgalkii ugu dambeeyay
Mukhaadaraad aad u fara badan. Nooca Mukhaadaraadka ay gacanta kusoo dhigeen
ayaa ah Xashiishka Maandooriyaha loo yaqaano Murujwaana, waxaana ay kasoo
saareen Dhulka oo uu ku aasnaa, waxayna kasoo saareen Xaafad kudhaw Bacaadlihii
hore. Tanka Xashiishadda oo aanan wax miisaan ah lasaarin ayaa ah sida
Mas'uuliyiinta Maxkamaddaasi ay uxaqiijiyeen Shabakadda Islaamiga ah ee
Qaadisiya 4-Bundad iyo Bar (Jawaanada Dharka Hudheyda lagu keeno).
Mas'uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmooyinka X/weyne iyo X/jajab ayaa
waxa ay sidoo kale sheegeen in Xashiishaddani ay tahay tii ugu faraha badneyd oo
Golaha Maxaakimta ay gacanta ku soo dhigaan tan iyo xilligii la Aasaasay
Maxkamadaha oo idil, waxaana lagu gubi doonaa sida qorshuhu yahay Garoonka weyn
ee Kubadda Cagta “Muqdisho Stadium”. Mas'uulka ugu sareeya ee dhinaca Ammaanka
Degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar jajab Sheekh Xuseen Cumar Xuseen oo Maalintii
shalay Shacbiga ku dhaqan labada Degmo ee uu Mas'uulka ka yahay kula hadlayay
Masjidka weyn ee Marwaas ayaa waxa uu ka codsaday in mas'uuliyadda ay u
dhiibteen aysan ku eeganin oo ay wax la qabtaan.
Maxaakiimta
Islaamiga ah oo beeniyay in Ciidamo shisheeye ay joogaan..
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah aya waxa ay si
kulul u beeniyeen warar ka soo yeeray Dowladda Federaalka oo sheegayay in
Ciidamo Ajnabi ah dhawaan laga soo dejiyay xeebaha Warshiikh iyo Ceel Macaan,
waxayna wararkaasi ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Golaha Maxaakiimta waxay sheegeen in warka ka
soo yeeray Dowladda Federaalka uu yahay mid lagu marin habaabinayo Beesha
Caalamka, laguna qarinayo ciidamada Itoobiyaan ah ee ku sugan Deegaano ka tirsan
Gobalada Dalka.
”Sabab aan ugu yeerano ciidamo Shisheeye,
meesha ma taalo, waayo goobaha aan ka talino dhamaan waa nabad” ayaa lagu yiri
war saxaafadeed ka soo baxay Golaha Maxaakiimta, waxayna beesha Caalamka ka
codsadeen in il gaar ah lagu eego faragelinta Itoobiya ay ku hayso Arrimaha
Soomaaliya.
Markabkii labaad oo ku soo xirtay Dekedda Weyn
ee Muqdisho…
Iyadoo Maalintii Khamiista ahayd Dekedda Weyn
ee Caalamiga ah uu ku soo xirtay markabkii ugu horeeyay oo ganacsi ah kaddib
markii Golaha Maxaakiimtu ay caddeeyeen in ay dekeddaasi furan tahay, shalay
ayaa markab aad u weyn waxa uu ku soo xirtay Dekedda Magaalada Muqdisho.
Markabkaas oo siday Bakaash, Raashin iyo
Gawaari aya ka yimid dalka Imaaraadka Carabta waxaa la sheegay in uu u raran
yahay ganacsato Soomaaliyeed.
Markii Khamiistii ku soo xirtay Dekedda ayaa
isagu dhamaatay dejintisii, iyadoo howlaha Dekedda ay ku socdaan si xowli ah,
waxaana maalin walha ka howgala shaqaale aad u badan oo maalin walba ka howlgali
jiray Dekedda Ceel-Macaan.
Dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa
Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay furitaanka Dekedda, waxayna ka codsadeen
Maxaakiimta Islaamiga ah inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Maciishadda waxayna
sheegeen Maciishad aad u jaban, maadaama ay fooda nagu soo hayso Bishii
Barakeysneyd ee Ramadaan oo ay ka harsan yihiin maalmo yar.
Geeddi oo kulan gaar ah la yeeshay Cabdulaahi
Yuusuf iyo Shariif…
Iyadoo Ra’isul Wasaare Geeddi uu dalbaday in
dib loo dhigo Kalsooni siinta Dowladdii uu dhawaan soo dhisay Cali Max’ed Geeddi
oo ka kooban 31 xubnood ayaa waxaa maalintii shalay ahayd kulan ku yeeshay
Xarunta Madantoonyada ee Magaalada Baydhabo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed,
Guddoomiye Shariif Xaan Sheekh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Geeddi, waxaana
kulanakasi la iskula soo qaaday sidii ay u howlgali lahayd Dowladdii Cali Max’ed
uu dhawaan soo dhisay. Ra’isul Wasaraha ayaa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha
Barlamaanka waxa uu doonayaa in uu ka dhaadhiciyo in Dowladdiisu aysan ahayn mid
cusub, balse ay ahay mid la isku shaandheeyey oo ay horey kalsooni uga heshay
Golaha Baarlamaanka, hase yeeshee Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka
ayaa iyagu doonaya in Dowladda Cali Max’ed Geeddi la hor keeno Golaha
Baarlamaanka si ay kalsooni halkaasi uga hesho, waxaa muuqda in mar kale uu soo
bixi rabo khilaaf u dhexeeya mas’uuliyiinta Sare ee Dowladda.
Magalada
Bujumbura oo Martigelineysa Tartanka dhalinyarada ..
Sida uu noo sheegay Gilles Sereni oo ah Madaxa
Saxaafadda iyo arrimaha Sport-ka ee Qaramada Midoobay, laantooda ay ku leeyihiin
wadanka Burundi, waxaa Bisha soo socota ee September ka bilaabanaya Magaaladda
Bujumbura ee wadanka Burundi tartanka Xulalka da’dood ka hooseys 20-jirada ee
Bariga iyo Bartamaha Africa ee (CECEFA Under-20 tournament).
Wariyaha GOOL SPORTS Faarax Blue oo ku sugan
Magaaladda Kampala ee wadanka Uganda ayaa la xiriiray Gilles Serenni oo isna ku
sugan Magaaladda Bujunbura ee Xarunta Burundi, wuxuuna u sheegay in UN-ku uu
qeyb weyn ka qaadan doono tartankaas, wuxuuna sheegay in qaban-qaabada
tartankaas ay ka socota Magaalada Bujunbura, wuxuuna cadeeyay in wadamada Bariga
iyo Bartamaha Africa Xulalkoodu ay ka soo qeyb gali doonaan, hase ahaate aan
weli la sameyn isku aadka tartankaas, laakiin tani ay tahay ku dhawaaqis oo
kaliya.
Wuxuu sheegay Gilles Sereni in Somalia ay ka
soo qeyb galeyso Tartankaas, isla markaana Somali ay tahay wadan aan Tartamada
wadamada bariga iyo Bartamaha Africa aan ka baaqan, waxaana ku dhawaaqista
qabashada Tartanka ay ku soo begantay xilli diyaar garoow uu gali karo Xulka
Qaranka K/cagta 20-jirda Soomaaliya.
GABADHII UGU HORREYSAY OO DALXIIS KU TAGEYSA
HAWADA SARE!
(Socdaalkani oo qaadanaya 10-maalmood waxay ku bixisay $20-Milyan oo Dollar!)
Haweeney Ganacsato ah oo u dhalatay Dalka
Iran oo lagu magacaabo Anoshiya Ansari ayaa lagu wadaa in ay noqoto Haweeneydii
ugu horreysay ee Dalxiis u aadda Hawada Sare, isla markaana raacda
Dayax-gacmeedka, waxaana Anoshiya ay arrintani u suuro gashay kaddib markii lagu
beddelay Nin Ganacsade weyn ah oo u dhashay dalka Japan, laguna magacaabo
Daisoko Inamoto, kaasoo doonayay in uu noqdo ninkii ugu horreeyey oo dalxiis u
taga Hawada Sare, hase yeeshee safarkani looga baajiyay sababo caafimaad
aawadeed.
Anoshiya Ansari oo 39-jir ah ayaa
socdaalkeeda dhinaca Hawada Sare u ambabaxaysa 14-ka Bisha soo socota ee
September sida ay shaacisay Wakaaladda dhinaca Hawada sare ee Federalka Ruushka
ee fadhigeedu yahay Moscow.
Waxa ay Anoshiya raaci doontaa Gaadiidka
Hawada Sare ee magiciisu yahay “9-AMT ZuyoS” waxaana Haweeneydani 10-maalmood ku
soo raaxeysan doontaa Hawada Sare, waxaa lagu warramay in Anoshiya Ansari waagii
ay yareyd ay fiidkii seexan jirtay bannaanka hore ee gurigooda, waalidkeedna ka
codsan jirtay in ay halkaasi iska seexato, si ay isaga daawato Xiddigaha,
waxaana ay ku fikiri jirtay in ay mar uun Meerayaashaasi ka ag dhowaato, hase
ahaatee marna uma aysan muuqan in riyadeedu ay maalin u rumoobi doonto!.
Dhinaca kale riyada Anoshiya ayaa waxaa
u suuro geliyay u guuriddii qoyskeeda ay u guureen dalka Mareykanka, halkaas oo
ay ka bilowday Ganacsiga xorta ah, iyadoo sanadkii 2000-na shirkad dhinaca
Isgaarsiinta ah oo ay qoyskeedu leeyihiin ay ku iibsatay adduun dhan $750-Milyan
oo Dollar.
W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Suxufi basaasnimo loogu xiray dalka Suudaan
Weriye u dhaashay dalka Mareykanka ayaa dacwad
loogu soo oogay dalkaasi Suudaan kadib markii falal basaasnimo leh lugu
eedeeyey. Weriyahan oo magaciisa la yiraahdo paul Solopek ayaa ka tiran
wargeyska Chicago tripune iyo National Geographic. Weriyahan ayaa waxaa la
qabatay bishan ogosto lixdeeda isaga iyo nin tarjumaan ah, waxaana la
sheegay inuu halkaasi u joogay howlo saxafinimo oo ay u soo dirtay
shaanalka National Geographic. Ninkani waxaa lugu eedeynayaa inuu ku
dhaqaaqay howlo basaasnimo iyo warar been abuur ah oo la sheegay inuu
gobolkaasi ka faafinayey. Warkan oo dhan.. Akhri...
GUDDOOMIYAHA XISBIGA S.N.L.F. OO SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED
Guddoomiyaha xisbiga Somali National Liberation Forces C/laahi Xaaji Axmed
Xabeeb ayaa magaalada Muqdisho ka soo saaray warsaxaafadeed.
Warsaxaafadeedkaasi oo dhinacyo badan taabanayay ayaa waxa uu u qornaa sidan:
Waxaan
ahay mudaawdin Soomaali ah, waxaan marka hore u hambalyeynayaa kacdoonka
shacabka Xamar oo ay hoggaaminayaan maxkamadaha Islaamiga ah ee ku guuleystay
xoreynta iyo nabad ku soo celinta gobolka Banaadir oo ay caasimaddii Soomaaliya
ku taal iyo gobollo kale. Mirihii ka soo baxay kacdoonkaas waxay kala yihiin:
1. Ka eryiddii qab-qablayaasha nabadda diidanaa muddo 16 sano ah oo halaq galeyn
ka dhigay Magaalada muqdisho.
2.
Nabad gelyadii gobolka Banaadir iyo gobollada ay ka taliyaan oo soo noqotay 95%,
islas markaana dhamaystir kaliya u baahan.
3.
Furitaanka dekedda iyo garoonkii diyaaradaha oo maanta shaqeynaya oo
maraakiibtii iyo diyaaradihii ka howl galayaan, taasina waxay keentay farxad
dadweyne iyo daqli caalamku ogaaday in ilihii kaabayaasha dhaqaalaha ay ka
furmeen caasi-madda Somaliya ee Muqdisho.
4.
Magaaladii Muqdisho oo si hagar la'aan ah looga howl galay nadaafadeeda.
5.
Nabad jaceyl iyo dib u heshiisiinta maxkamadaha iyo dowladda Federalka darteed
labo jeer ay u aadeen magaalada Khartoum, markii seddexaadna waxaa dalkeena soo
galay ciidamo Itoobiyaan ah oo ay madaxda sare ee dowladda Federalka u yeereen
ayaa meel walba oo dalka ka mid ah soo galay, hase ahatee maxkamad-uhu hor
istaageen inaysan dalka Suudaan iyagoo shuruud uga dhigay in marka hore
ciidamada Itoobiyaanka ee ku jira dalka ay ka baxaan, taasna way ku mahadsan
yihiin, waana xaq.
Haddaba looma baahna in golay-aasha maxkamadaha shuurada iyo fulinta ay xakameyn
waayaan qaar ka tirsan maxkamadaha oo ku shaqeynaya weerarro aan loo dirin ama
aan ka soo bixin madaxda sare ee labada gole ee maxaakimta islaamiga.
Tal
soo jeedin
Si
aanay u fashilmin nabad gelyadii iyo dadaalkii hirgalay waxaan talo ku soo
jeedinayaa:
1. In
madaxda sare ee maxkama-daha ay yeeshaan xafiisyo loogu soo hagaago markii ay
dhacaan ficilllo ka soo horjeeda hannaan u socodka howlaha loo baahan yahay in
la saxo.
2. In
gobolka Banaadir iyo gobollada kale oo ay ka taliyaan maxkamaduhu loo sameeyo
maamul ku shaqeeya daacad-nimo iyo caddaalad aan ku koob-neyn maxkamadaha oo
kaliya lagana qeyb geliyo bulshada rayidka ah, aqoon-yahannada iyo kuwa waayo
aragga ah ee horay u soo shaqeeyay.
3. In
wada hadalka Khartoum aydnaan ka qeyb gelin inta ciidamada Itoobiya ay dalkeena
ku jiraan, haddii jaamacada Carabta ay xoogga idin saarto ka qeyb galka shirka
aan isku qaybino labo qeybood oo kala ah: (1) Qeyb shirka aadda iyo (2) Qeyb
difaacda dalka iyo diinta, si hal dhagax loogu dilo labo shimbirood.
4. In
aan la lumin lana daayacin kontaroolka Muqdisho, lagana dhigo koontarool kasta
ciidamo joogto ah waayo cadowgu waa badan yahay dibad iyo gudaba.
5. In
la joojiyo orodkaan faraha badan inta uu adkaanayo xukunkiina oo aysan idinka
xiiso dhicin shacabka sida weyn idiin taageeray, waayo maxkamad kasta waxay u
shaqo tagaysaa meesha ay doonto, sida weerrada lagu sameynayo dhallinyada
cayaaraha jecel, aroosyada farxaddii ay lahaan jireen loo soo galbiyo, goobaha
wax lagu sawiro oo la fasaxo, waayo waxaas oo in la diido waxay munaasib tahay
markii xukunka islaamiga uu xoogoobo oo la doorto ama la dhiso dowlad Islaami ah
Insha allaah, laakiin hadda lama joogo waqtigeedii.
6.
Looma baahna inaad xilalka wax qabadka laga rabo aad idinka uun isku koobtaan ee
ha la idinka arko inaad magacawdaan dadka loo qaateenka ah oo xilalkooda gudan
kara.
7.
Orodka iyo meel qabsiga intaad hakisaan xoojiya inta aad haysataan si inta
harsan iyagoo raalli ka ah waxqabadkiina daacadnimo ay idiinku soo raacaan
8. In
kala dambeynta iyo is maqalka la adkeeyo ciidamada maxkamadaha la wacyi geliyo,
kuwa kale ee la xareynayana la dhaqan celiyo lana baro xirfado ay ku shaqeystaan
9. In
aad ku talo gashaan in dalka ay ku jiraan ciidamo ajnabi ah oo doonaya bur-burka
iyo kala qoqobnaanta Soomaliya oo ay dalka soo geliyeen madaxda sare ee dowladda
Federalka oo ay weliba inkirayaan iyagoo kul sugan gobolka Bay, Bakool, Gedo,
Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug qeybta Puntland ka taliso, sida uu qirtay Cadde
Muuse oo maamulkaasi madaxweyne u ah.
10.
Waxaa nasiib darro ah in dowladda Federalka ah aanay weli qiran in Itoobiya ay
ku jirto dalkeeda, IGAD-na ay leedahay ciidamo ka tirsan Suudaan iyo Uganda aya
la keenayaa, Itoobiyana ha ku sii jirto Soomaaliya, waxay ka mid tahay: Ma anaa
mindiyo lay qarshaa laygu qali doono ee ha laga feegjinaado waxa ka dambeeya
shirqoolka la maleegayo oo Soomaaliya lagu kala geynayo.
Wabillaahi towfiiq
Guddoomiyaha Xisbiga S.N.L.F C/laahi Xaaji Axmed (Xabeeb)
Tel:
+2521-273904 /E-mail:
xabeeb712@yahoo.com
Maxkamad Nuurul-Islaam
oo Howlgalkeeda Ugu Horreeyey Ka Billowdey Gobolka Shabeellada Hoose:

Maalin ka dib markii la qabtey xafladda
furitaanka maxkamadda Nuurul-islaam ayaa waxay shaqadeeeda ugu horreysey
ka billowdey gobolka shabeellada Hoose ,wafddiga maxkamadda oo watey
illaa saddex gaari oo qaar ka mid ah yihiin ciidamo ilaallo u ah
wafuudda maxkamadda ayaa waxaa horkacaayey ,Guuddoomiyaha maxkamadda
Sheeekh Xasan Cusmaan Xuseen ,ku xigeenkiisa Macallin Soomoow Cusmaan ,Afhayeenka
C/risaaq Xaaji Xasan Qallaafe,iyo guddoomiyaha hay’adda isllaamiga ee
Al-tahaamun ee fadhigeedu yahay Afggooye Sheekh Aadan Xasan Xuseen ,islamarkaasna
ka tirsan shuurada maxkamadda Nuurul -isllaam ,iyo xubno kale oo ka
tirsan shuurada .
Wafdiga oo safarkiisa ka biillaabey
magalada muqdisho ,ayaa wuxuu ku hakadey ,magaalada afggooye halkaas oo
uu ka billaabey wacyi gelinta hadafka maxkamadda ee ku dhaqanka
shareecada isllaamka iyo in la sammeysto maamul madax banaan oo isllaami
ah .Wafdigu wuxuu sii marey tuulooyin badan oo ay degto Beesha
maxkamaddan furatey,waxaana tuulooyinka laga soo dhoweeyey ka mid ah
Osmaan dure ,Awjeelle ,Baadlle baxarka ,Iidoow Guudoow Furuqlleey iyo
Toortooroow oo wafddiga socodkiisa ku ekaa ,waqtiga uu wafddigu halkaas
gaarey oo galab ahayd ,waxaa magaalada banaankeeda ku soo dhoweeyey
odeyaasha dhaqanka Haweenka,dhalinyarada iyo culumaauddiinka degamada oo
dhammaantood watey caleemo qoyan ,waxayna ereyadooda ka mid ah soo
dhowaada walaalyaal ,allaahu –akbar,diinta silaamka kor ,dulmigu ha
dhaco,Maamul islaami ah baan rabnaa iwm .
Intaas ka dib ayaa waxaa dadkii la
hadlley guddoomiyaha maxkamadda ,wuxuuna u mahadceliyey shacabka degan
Toortooroow oo si xammaasad ku dheehan tahay ku soo dhoweeyey maxkamada
,wuxuuna taas bedelkeeda abaal uga dhigey inay ahaatey degmadan halkii
ugu horreeysey maxkmaddu ka shaqo billaabeyso,wuxuuna dhamaan qaybaha
bulshada ka codsadey inay u huraan maamulkan cusub ee ka shaqo
billaabayo deegaankooda iyo gobolkaba inay u huraan maalkooda iyo
naftooda ,taas oo ay ku heli doonaan liibaan adduun iyo aakhiro ,Waxayna
,jawaab uga dhigeen allaahu-akbar.
Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu meel
faggaare ah oo uu dadka kula hadllaayey sheegey inay ka howlgalayaan
dhammaan deegaannada ay Beeshu degto oo aysan u aabayeeli doonin koox
qof ka hor yimaada maamulkooda wuxuuna ku nuuxnuuxsadey in ay dhowaan
meesha ka bixi doonto mugddiga ,dulmiga ,jahliga ay muddo dheer ku
jireen dadka gobolkan dega.Dhinaca kale waxaa hadallo soo dhowayn iyo
mahad celin ah halkaas ka jeediyey waxgaradka deegaankaas oo ay ka mid
yihiin Cabdi Xaaji Aadan Magadlle,Gaaboow Buulle ,iyo Cabdi jiis .
Intaas ka dib ayaa waxa wareysi gaaban
la yeeshey guddoomiyaha saxaafadda Gudaha oo ay ka mid tahay Idaacadda
Quraanka ,iyo Wariyaha DMC ee muqdisho ,
Waxaana Su’aalaha la weydiyey ka mid
ah:
Su:aal:Guddoomiye Waxaan ognahay
in gobolkan ay degan yihiin Beelo aad u badan gaar ahaan Beelaha
awdigil,markaas maxkamaddiinnu ma Beeshaada oo keliya ayay ku shaqo
leedahay mise dhammaan way mataleysaa Beelaha kale ee Digil?
Jwaab: walaal sida aad ka
arkeysid magaca maxkamadda ma aha mid ku qotonta hal qabiil ,qof kasta
oo islaam ah oo dega gobolkan waan ku soo dhoweyneynnaa ,inkasta oo aan
annagu noqonney asaaseyaal ,hase yeeshee fulinteeda way u furan tahay
qof kasta oo dega Gobolka ,haddii ay qabaa’illada walaalaheenna iyagana
nagu soo biiraan waxaan leeyahay ku soo dhowaada,haddii ay furtaan
maxkamado kale waxba kama qabno oo waa iskaashaneynnaa.
Su.aal:Sheekh Xasan Waxaan ka
warqabnnaa in gobolkan uu ka jiro maamul uu horkacyo indhacadde ,markaas
isdee bay idin ku suuragaleysaa inaad ka shaqeysaan ?
Jawaab:Gobolka annaga ayaa u
dhalanney ,waxaana wadnnaa kitaabka ilaahey midka meel haysta iyo kan
aan haysan labadba waxaan ugu yeereynnaa kitaabka ilaahey mana u
maleynaayo inuu jiri karo qof ka soo horjeesta kitaabka ilaahey .
Su.aal :Guddoomiye Beelaha Dega
Gobolka Shabeellada Hoose maxaad ugu baaqeysaa?
Jawaab:Waxa dhamaan qabaa’illada
gobolkan dega ugu baaqayaa inay taageeraan maamul islaami ah oo ay iyagu
iska leeyihiin ,islamarkaasna u huraan naftooda iyo maalkooda.
Waxaa soo tebiyey: Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Uganda. xukuumada uganda iyo jamhada
mucaaradka ah oo kala saxiixday heshiis 20 sano kadib.
mudo 20sano ah oo ay jamhada mucaaradka ah ee
dalka uganda oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (LRA) ayaa
heshiis kukala saxiixday koonfurta sudan magaalada juba halkaasi oo ay
indhawawleba uga socdeen wadahadalo lagu dhexdhexaadinayo.
Afhayeen u u hadlay dawlada uganda ayaa
sheegay in jamhada LRA ay meel isugu gayso ciidamadeeda isla markaana ay
hukooda haysanayaa tan iyo inta si rasmi ah la isku aaminayo.
Jabhadda LRA xabad joojin ayeey ku baaqdey,
laakiin dowladda Uganda waxa ay sheegtey in loo baahanyahey qorshe guud oo
xabad joojinta ku xiga.
20 sano dagaal ka socday dalka uganda ayaa
maanta ay fursad u tahay in heshiiskan lagu soo afjaro, kumaakun ayaa ku
dhintay dagaalkan in kabadan halmayan oo kalena way ka qaxeen waqooyiga
dalka uganda oo ah halka ay jamhadu ka soojeedo ayna ka dagaalanto.
Dadka ku dhaqan waqooyiga uganda niyad
wayn umahayaan jamhada LRA waayo jamhadaas waxaa lagu eedeeyaa in ay
caruurta afduubto islamarkaana ay ka dhigato askar u dagaalanta jamhada.
Chad: dawlada chad ayaa amar dagdag ah ku
bixisay in ay wadankeeda isagabaxaan laba shirkadood oo saliida ka baarayay
dalka chad.
Madaxwayanah dalkaasi chad Mr: Idriss Deby
ayaa amar ku bixiyaya in ay labadaasi shirkadood isaga baxaan dalkiisa si
dag dag ah labadan shirkadood ee laga saarayo dalka chad ayaa kala ah
ChevronTexaco and Petronas oo laga kala leeyahay wadamada maraykanka iyo
malaysia.
Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey shirkadahaasi
in ay iska bixin waayeen canshuurtii ku waajibtey, kadibna ay dawladdu
go’aansatay in ay 24 saac gudahood dalkaas ay isaga baxaan.
Labadan shirkadoo oo 60% ku lahaa wax soo saarka saliidda laga qodo waddanka
Chad, kama aanay jawaabin amarka degdegga ah ee uga yimid dhanka dawladda
wadanka chad.
Madaxwayne Mr: Idriss Deby ayaa cadeeyay
in dawladiisu ay kafaale qaadayso in ay si dag dag ah ula wareegayso meelaha
kale ee harsan.
Go’aanka degdegga ah ee uu qaatay
madaxweyne Mr: Idiris Deby ayaa noqday mid ka yaabiyey suuqyada iyo
shirkadaha saliidda ee caalamka oo idil.
Dalka chad ayaa isku rogay hada mid
xiriir la leh shirkado chines ah 3 maal mood aya laga joogaa markii ay chad
marti qaaday Diplamasi chinese ah.
Sanadkan bilowgiisii ayaya ay dawlada chad
sheegtay in ay joojinayso waxsoosaarka saliid kadib markii ay sheegtay in
shirkadahaasi ay bixin waayeeen canshuurtii ku waajibtay.
Dabayaaqadii bishii December ayay ahayd markii
ay dawlada chad ay ka baxday banka aduunka kadib markii ay dawladu soo
saartay sharci cusub oo ka dhan ah wax soosaarka saliid dalkeeda kadib
markii ay dawladu sheegtay in ay iyadu si rasmi ah u maamulayso goobaha
waxsoosarka.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto
28, 2006
Minnesota:
Coleman iyo Kennedy oo Dalbaday in dib loo eego Shuruucda
Bangiyada...
ayagoo ka jawaabaya codsi uga
yimid Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo xawaaladaha ayey
labo warqadood...
Guji...
Warbixin ku Saabsan Heerka uu Marayo ololaha Nadaafadda G/Banaadir
iyo Mudaharaad ka dhan ah
wasiirka waxbarashada Puntland oo ay soo abaabuleen ardayda
Gambool oo ka..
Guji...
Aug 27
»BAAQ
KU WAJAHAN DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND & MAXKAMADAHA ISLAAMKA
Shir ay shalay galabnimadii isugu yimaadeen wax-garad
ka soo jeeda gobollada Puntland oo deggen magaalada London ayaa waxaa ka soo
baxay baaqyo ku kala wajahan dhinacyada isku hor fadhiya duleedka magaalada
Gaalkacyo...
AKhri....
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 26, 2006
Xarunta
Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin
waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...
Xawaaladaha
Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay
digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay..
Guji
Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay
joogaan Galkacyo
Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo...
Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70 Garsoorayaal...
Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay...
Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo dheeraad ah..
Furitaanka iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 25
Qaab Nololeedka Magaalada Leicester iyo Xaaladda
Soomaalida Degan | Warbixin Kooban
16-sano
kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu
qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka
Isbahaysiga oo muddo..
Guji...