SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print

Isku Aadka Horyaalka Yurub

MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Maxaakiimta & Ganacsiga!!

Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho oo uu ku soo xirtay Markabkii ugu horreeyay 11-sano kaddib...

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Iyadoo Maalintii Khamiista ahayd uu Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho uu ku soo xirtay markabkii ugu horreeyay 11-sano kaddib ayaa waxaa arrintaani si weyn ugu riyaaqay shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ku nool Gobalka Banaadir, waana waxqabadkii ugu weynaa ee golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ay qabtaan, waxaana maalinkii uu ku soo xirtay markabkaasi ilaa iyo maanta ku qulqulaya Dekedda weyn dad fara badan oo aan weligood arag wax Markab, qaarkood waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen ”ka Naxoow Nafta waa”.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Golaha Maxaakiimta oo ka hadlayey Munaasabaddii lagu furayay Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu yiri ”Furintaanka Dekedda waxaa ka naxaya caddowga Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso Itoobiya, kuwa u shaqeeya Caddowga Soomaaliyeed iyo cid kasta oo aan dooneyn horumar Soomaaliyeed, marka waa in aan fursaddaas qaaliga ah ilaashanaa”, waxa uu intaasi sii raaciyey ”Adinku waad faraxsan tihiin, laakiin caddogeenu waa uu naxsan yahay”.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isna ka hadlay munaasabaddaasi, ayaa waxa uu sheegay in furitaanka Dekedda uu tusaale u yahay wanaaga iyo is bedelka cusub ee ka dhacay dalka gaar ahaan Muqdisho.

Mareeyaha Dekedda Sheekh Cumar Axmed Weheliye ayaa isna sheegay in furitaanka Dekedda uu yahay mid si weyn ugu farxeen shacabka Soomaaliyeed oo iyagu mudo 16 sano ah ku soo jiray dhibaatooyin dhinaco badan leh.

Gen. Cali Xaashi Baraale oo isna ka hadlayey Munaasabaddii lagu furay Dekedda ayaa waxa uu yiri ”waxaa ayaan daro ah in maanta nin Mas’uul sheegayana uu yiraahdo in Deegaanadeena ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo tababar siinaya ciidamadeena, Askarina marka tababarka la siinayo waxaa la yiraahdaa, Caddowgaada koowaad waa kuma, waa inuu si hal haleel ah u yiraahdo caddowgeyga Koowaad waa hebel, marka askariga haatan tababarka la siinayo muxuu noqonayaa caddowgiisa koowaad, su’aashaas waxaan u daynayaa shacabka Soomaaliyeed”. Dekedda Furintaankeeda waxaa si weyn ugu farxay Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, hase yeeshee shacabka , waxay is weydiinayaan Dekeddaani is bedel ma ku sameyn doontaa Maciishadda iyo waliba Dakhliga ka soo xaroon doona waxa lagu qaban doono. Nin Odey ah ayaa waxa uu yiri ”Aad baan u soo dhaweynayaa furitaanka Dekedda, basle, waa in shacabka ay dareemaan maalmaha soo socda is bedel weyn oo ah hoos u dhac dhinaca maciishadda ah, haddii aysan tasi dhicina waxba kama duwanaan meyso Dekeddii Ceel Macaan”, waxa uu intaasi sii raaciyey ”waa og nahay in Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ka mid ah ay yihiin kuwo dhiig miirad oo doonaya in ay mar kasta faa’iido helaan, waxaan kula talinayaa Maxaakiimta in Ganacsigu uusan noqon Ganacsi Miileysi ah oo uu noqdo Ganacsi furfuran oo Xor ah, haddii uu Miileysi noqdo oo ay Ganacsatu ku heshiiyaan in qolaba mar ay keento Badeecooyinka taasi dhib ayaa ugu jira shacabka Soomaaliyeed, waana ka dagaalami doonnaa”.

”Ganacsatada nin walba badeeco gaar ah ayuu keensaday oo aan lagu faragelin isaga oo leen ka soo xirta shirkadda uu wax ka soo qaadanayo, taasina dan uguma jirto bulsha weynta Soomaaliyeed’ ayay tiri Haweenay ganacsi yar ku haysata Suuqa Bakaaraha.

”Waxaan maqalnaa shirkaad hebel oo keenta Caanaha hebel, Shirkad hebel ah oo keenta Bariiska noocaas ah, Ganacsade Hebel keena Naftada, Ganacsade hebel oo keena Baasiinka iyo Ganacsade Hebel oo keena gaaska, waxan u arkaa mid Gacan keliya ku jirta (Monopoly)” sidaa waxaa ku hadlay nin Gaadiidley ah oo ugu baaqay Maxaakiimta in ay la socdaan xaaladda Ganacsatada Soomaaliyed.

”Anigu waxaan ahay nin ganacsade ah, waxaan doonay in aan ganacsi ahaan u keeno Baasto ay bulshadu aad u jecel yihiin, markii aan heshiis la soo galay shirkaddii oo aan ka soo dedejiyey Dekedda Ceel Macaan, ayaa ninkii ganacsatada ahaa ee Baastadaasi horey ugu soo degi jirtay ayaa waxa uu u tagay shirkaddii aan ka soo qaatay Baastadaasi, wuxuuna ku yiri ’ Mar dambe idiin kama qaadanayo Anaa noocaan idinka dalbay ee maxaad ninkaas u siiseen’, waxaana loo sheegay in dib dame loogu noqon doonin, dib ayaan ugu laabtay shirkaddii oo ugu tagay inay mar kale iga iibiyaan Baasto, waxayna i yiraahdeen, raali ahow ee booskaan nin baa horey u xirtay, sidii ayaa la iiga joojiyey, waxaan sameeyo ayaan garan waayey, waxaa ii soo baxday in ummadda Soomaaliyed ay dhiig Miiranayaan Dhowr Ganacsato ah oo isbahaysatay oo mid waliba gooni wax ula soo dego oo cid kale aysan waxba u ogoleyn” ayuu yiri. Shacabka Soomaaliyeed waxay Maxaakiimta uga fadhiyaan sidii ay u joojin lahaayeen ganacsigaas ku jira gacanta keliya, haddii ay taasi dhici weyso waxaa dhici doona kacdoon la mid ah kii lagu qaaday Hogaamiye kooxeedyadii.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 28, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD