16-sano kaddib oo
dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
 
Saladii Jimcada oo lagu tukaday Masjidka
Isbahaysiga
Maalintii Jimcadii Agoosto 18, 2006 ahayd ayaa dad lagu
qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo
mudo 16 sano ah u xirnaa arrimo siyaasadeed, waxaana ka qaybgalay furitaanka
masjidkaasi mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta oo uu horkacayay
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Maxaakiimta Sheekh C/raxmaan
Maxamuud Janow, waxaana dadkii ka qaybgalay salaadda Jimcaha inta uu
masjidku qaadi waayay ku tukadeen banaanada uu lahaa masjidku.
 
Masaajidka oo ay ka muuqato burbur ayaa
waxaa dhismihiisii la bilaabay 1974-tii, waxaana la dhameeyay 1978 waxaana
kharashkii ku baxay bixiyey Boqortooyadii Sucuudi Carabiya. Masjikda oo ka
koobnaa goobo lagu tukado, goob wax lagu baro dadka, Maktabad weyn iyo
xafiisyo ayaa waxaa Imaan ka ahaan jiray kana akhrin jiray Tafsiirka Sheekh
Aadan Sheekh C/llaahi Cali, isla markaana ka siin jiray Idaacaddii Radio
Mogadishu.
 
Bidix: Hotel Weheliye | Midig: Hotel
Maka-Al-Mukarama
 
Bidix: Saldhiga Booliska Waaberi | Midig: Shaneemadii Soomaaliya
Dadweynihii ka qaybgalay salaaddii jimcaha
ayaa wajiyadoo waxaa ka muuqatay farxad iyo rayn rayn, waxayna qaarkood
sheegeen in aysan weligood ku tukan, isla markaana aysan il ka qaadin mudo
16 sano ah, waxayna arrintaani uga mahadceliyeen Maxaakiimta Islaamiga oo ay
sheegeen in ay tahay mid lagu xasuusan doono.
Masaajidku oo uu burbur ku muuqdo ayaa
loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddii
ayaa waxaa laga codsaday in ay ka qayb-qaataan dayactirka masjidkaasi oo ka
mid ah Masaajidda ugu waaweyn Qaaradda Afrika.
 
Midig: Taaladii Seyid Maxamed | Midig: Gurigii Ummadda
Mas’uuliyiintii Maxaakiimta ee ka
qaybgashay dib u furida Masjidkaasi ayaa waxay sheegeen in masaajidda ay
yihiin kuwa lagu tababaro Dhallinyarada lagana faafi’iyo diinta Islaamka,
waxayna u soo jeediyeen Shacabka in ay ka qayb-qaataan dayactirka
Masjidkaasi, iyadoo goobihii Taariikhiga ahaa ee ka ak dhawaan masjidaasi ay
gebi ahaantood burbureen, sida Golaha Shacabka.

Salaadii Jimcada ee Agosto 18, 2006 |
Sawirka: AmiinYuusuf
Warbixin Labaad: oo uu soo tebiyey
Muuse Maxamuud Jiisow
Masaajidka weyn ee isbahaysiga islaamka oo dhismihiisa ay iska kaashadeen
dowladii dhacday iyo dowlada sacuudiga sanadii 1978dii ayaa Jimcadii galay
mashquulkii ugu dadka badnaa 16 kii sano ee ugu danbeysay mudo sadax
maalmood oo dadka looga sheegayey in salaada jimcaha lagu tukan dono
masjidka isbahaysiga ka dib ayaa waxaa daafaha magaalada iyo dagmooyinka ku
dhow dhow isaga yimid dadweyne kumanyaalo ah oo muslimiin ah kuwaas oo mar
qure ku wada tukaday salaadii jimcaha.
 
Dadka ayaa bilaabay aroortii hore si aan looga buuxinin fadhiga hore ee
masaajidka si ay u arkaan madaxda cusub ee midowga maxaakiimta islaamka ku
waas oo u heelanaa in ay mar qura la tukadaan madaxdooda in mudo ah.
Masaajidka oo ay ka muuqatey dayactir la,aan iyo burbur inkasto oo ay
yaaleen roogagii uu masaajidku lahaa oo aan la qaadan intii uu dayacnaa mudo
gaareyso 16 sanadood.
Waxaa loo shiday manta masaajidka janareytaro yar yar si dadka loo
gaarsiiyo codka oo sameecadaha loogu gudbiyo masaajidka oo loogu talagalay
markiiba in ay ku dukadaan dadgaarayo
10.000 ayaa la buuxdhaafiyey oo hadane barxadii ay qaadi weyday
Inkasta oo looga barty dowladii dhacday marka masaajidka lagu tukanayo in
lagala socdo idaacada ayaa taasi meesha isaga baxday taasna badalkeeda waxaa
joogay idaacadaha gudaha iyo dibada oo filimo ka duubanayey ,
Waxaa la yaab ku noqotey dadkii halkaa ku dukanayey in ragcadii labaad ay
soo dul marto diyaaad weyn oo jog hoose ku socoto taasune waxey dadka
qaarkii u noqotey farxad labaad iyada oo amaanka ay sugayeen ciidamo ka
socdo golaha midowga maxaakiimta oo wajiyadoodu ay ka muuqato sida ay
raaliga uga yihiin isu imaatinka iyo isla dukashada shacabka iyo
hogaamiyayaasha bulshada waxaana ka muuqatey qashuuc iyo alle ka cabsi iyo
isku kalsoonaan ay farxadi ku dheehan tahay
waxayna dadkaasi isugu jireen mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday
maxkamadaha oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee
golaha fulinta maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed Sheekh C/raxmaan Max’uud
Faarax (Jinaqow) iyo Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo weliba qeybaha kala
gedisan ee bulshada oo isugu jiray Rag, haween iyo caruur
wadooyinka masaajidka soo gala ayaa waxaa buuxiyey baabuur ay wateen
dadkii ka soo qeyb galay tukashada salaada jimcaha ciidamada taraafikada
ayaan meehsa ka maqnayn oo lagu arkayey iyaga oo kala hagayo gawaarida soo
buuxdhaafiyey barxadii masaajidka weyn ee isbahaysiga islaamka oo manta
dadweyne aad u farabadan iskuugu yimaadeen ayna ku jireen kuwo aan weligood
arkin masaajidka iyo kuwo ay ugu danbeysay markii uu masaajidka qubbada ka
aqrin jiray allaha u naxariistee sh: adan sh: cabdulaahi cali mudo ku dhow
16 sanadood sida uu ii sheegay mid ka mid ah dadkii aan halkaa kula kulmey,
waxaasi dhacaayo ayaa waxey ku so aaday xili ay dalalka iga ay ku yabooheen in ciidamo amaanka suga la geynayo samaliya iyada oo aan wax dagaal ah iyo xasuuq ka dhicin bilihii ugu danbeeyey.
Sawiradii
Masjidka Isbahaysiga Muqdisho:::

arintu si kastaba ha ahaatee salaadaan ayaa si nabad ah loogu wada
kutaday markii ugu horeysay mudo 16 sanadood ku dhawaad ah
waxaasi dhacaayo ayaa waxey ku so aaday xili ay dalalka iga ay ku
yabooheen in ciidamo amaanka suga la geynayo samaliya iyada oo aan wax
dagaal ah iyo xasuuq ka dhicin bilihii ugu danbeeyey.
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666
002521653623
Wararka kale ee Maanta
halkan ka akhri....
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 19, 2006

Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho
|