KULAN DHEXMARAY QEYBTA QAXOOTIGA IYO URURKA DHAQANKA GEESKA AFRIKA EE DEGMADA
BORLANGE SWEDEN
MAY 18, 2002
Kulan aad u xiiso badan oo dhexmaray maamulka qaxootiga Borlange iyo
Soomalida ku dhaqan magaaladaas oo uu soo qabanqaabiyey ururka Dhaqaka Geeska
Afrika ayaa noqday midkii iigu horeeyey oo noociisa oo kale ah oo aan ka
qeybgalo. Is-barasho guud ka dib waxaan gudo galnay inaan cuno cunto Soomaali ay
soo diyaariyeey haween Soomaali iyo Swedish-ba isugu jira, intaa ka dib waxaa
hadalkii furay gudoomiyaha ururkaan C/qaadir Maxamed Axmed (Cag-ma-dhige)
waxuuna faahfaahiyey mudadii gaabneyd oo uu ururkan jiray iyo howlihii uu u
qabtey dadka Afrikaanka ah ee degen degmadaan iyo gaar ahaan Soomaalida, waxuuna
xusay barashada Diinta Islaamka, Dhaqanka, Afka-Soomaaliga, Barashada Computarka
iyo dumarka oo inta badan Isticmaala Internet Bilaash ah iyo raga oo iyagana ka
faa'iideystay fursadaan.
Malika Hellberg
Jakob
Snoder |
Waxaase si aad ah ii soo jiitey kolkii ay Malika hellberg oo Swedidh ah ay ku
hadashay magaca dumarka Soomaaliyeed iyadoo sidatey dharkii lagu yaqaanay
hablaha Muslimiinta gaar ahaan kii soomaalida, ayey waxay aad ugu dooday in
dumarka oo dhan iyadoon iyada iska saareyn inay caruur badan heystaan aysana
suurta gal ahayn inay meelo fog fog u doontaan tabarka tolida dawaarada,
barashada Afka-wadankan iyo baahida balaaran oo ay dumar ahaan u qabaan inay
korosadaan aqoonta kombuutarka.
U qeybsanaha arimaha qaxootiga ee degmadaan Jokob Snoder ayaan weydiiyey sida
uu arko la shaqeynta ururada Soomaalida iyo shaqo la'aanta haysa halka ay ka
timid , waxuuna ii sheegay inuu si aad iyo aad ah ugu faraxsan yahay horumarna
ay sameeynayaan inkastoo uu ii sheegay inay jiraan ururo gaaraya 5-6 oo ay
fiicnaan lahayd inay Soomaalidu sameytaan hal urur oo awood leh oo ay danahooda
ku Ilaashadaan, sida ayuu yiri shaqo la�aanta heysata Soomaalida oo ay shaqo
bixiyayaasha Swedish-ka ay midab-takooreyn gaar ahaan waliba dumarka oo aysan
kala daadsanaan ku daweyn karin, isutaguna sidaad ogtahay waa owood.
Malika Hellberg ayaa ugu dambeyntii iyadoo ku hadlaysa magaca dumarka
Soomaalida waxay ka codsatey in il-gaar ah lagu eego dumarka iyo caruurta
Soomaaliyeed oo inta badan aysan sahlanayn inay helaan baahida ay u qabaan inay
horumariyaan aqoontooda gaar ahaan tan casriga ah ee tignoolijiyada.
C/qaadir Cag-ma-dhige oo ah gudoomiyaha ururkaan ayaa ku doodaya in
Swedish-ka iyo ajaanibta degan Borl�nge ay laftigooda leeyihiin ururo aad u
farabadan, hadana si kastaba ha ahaatee waxaa wax lala yaabo ah in ay degmadaan
degan yihiin dad Soomaaliyeed oo gaaraya 250 qof oo marka laga reebo 50 qof inta
kale ay yihiin caruur, marka aad 50 qof u qeybiso 6 urur waxaa kuu soo baxaya in
Soomaali sida badan inay aad iyo aad u kala qeybsan yihiin taasina aysan suurta
gal ka dhigi karin inay danahooda guud ilaashadaan.
Ururkaan ayaad moodaa inuu ka duwan yahay ururada kale ee degmadaan ka jir
iyo kuwe kale oo Soomaalida Sweden leedahay maxaa yeelay waxay si firfircoon uga
qeybqaateen siyaasada degmadaan oo ay kursi ku leeyihiin baarlamaanka degmadaan
iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin muslimiinta ku dhaqan degmadaan iyo xubnaha
oo ay ka mid yihiin Swedish iyo Afrikaan kaleba siduu ii sheegay C/qaadir
Maxamed Axmed (Cagmadhige)
C/xakiim Axmed Guuleed
Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2002
AKHRI::: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
HOOYO QIRATY INAY DISHAY LABO CUNNUG
Dilkii loo geystay Ilmo yar oo meydkiisa lga helay buurta Gustaf ee ku taala
dibadda caasimada Sweden Stockholm ayaa la xaliyey. Ilmahaan yar ayaa la dilay
mar xafladi ka jirtey buurtaan.
Hooyo 30-dameeyo jir ah ayaa qiratay shalay inay dishay cunugaan, halka cunug
kalena meydkiisa laga helay Firintijeer u yaalay haweenaydan gurigeeda mar ay
boliiska baarayeen gurigeeda.
Hooyadaan oo aan magaceeda la shaacin ayaa ka dambeysay dilka labadan sebi
sida ay sheegeen boliiska Nacka, ilaa iyo hada lama yaqaan sababta ku kaliftay
hooyadan inay disho Ilmaheeda iyaduna maysan cadeyn sababta ku kaliftey dilkaan
foosha xun.
Xeerilaaliyaha ayaa ku soo oogay hooyadaan dil labo caruur ah. Caruurta
aabahood ayaa waxuu isuguna ku raagay shaqo la�aan sida ay sheegeen xafiiska
kaalmeeyo dadka faqriga ah ee aan is dabari Karin ee Soomaalidu u taqaan Ceyrta
oo uu ka tasinaa in mudo ah. Hooyadaan ayaa iyadu shaqo haystay kana
shaqeynaysay xafiis Ganacsi.
Dhankale haweenaydaan ayaa ku guulaysatey inaan cidina ogaan uurka ilmaheeda
ay dishay, xitaa shaqaalaha ay la shaqeynaysay, eheladeeda iyo saaxiibadeed
ayaan ogaan inay uur leedahay iyo in kale.
Ilmahaan ayay u dhaxaysay qiyaastii hal ama labo sano lamana garan ilaa hada
inay yihiin lab ama dhadig, waxaana loo gudbiyey Dhaqaatiirta si ay u cadeeyaan
sidaas waxaa yiri Jan Ullen oo ka tirsan boliiska Nacka.
Waalidka isku daya dilka caruurtooda ayaa beryahaan denbe si aad ah oo lala
yaabsan yahay ugu soo batey dalkan, sababta ku kalifta ayaa ilaa hada la fahmin,
iyadoo dadkaan intooda badan ay leeyihiin aqoon sare oo ayba qaarkood yihiin
Dhakhaatiir takhasus sare leh. Waxa kaliya oo la ogyahay in karkabada ama
xasilooni darada (stress) ay ka mid tahay sababaha waaweyn ee la ogyahay.
C/xakiim Axmed Guuleed
Stockholm, Sweden
FAAFIN:
SOMALITALK.COM | MAY 18, 2002
|