SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

CIIDDA IYO AXKAAMTEEDA

Magaca Ilaahay anigoo ku bilaabaya, kuna sallinaya Nabigeenna Muxammad ah waxaan halkan ku soo koobayaa arrimaha soo socda:

  • Danta Ciidda laga leeyahay iyo Xikmaddeeda

  • Arrimo ay tahay in lagu baraarugsanaado Maalinta Ciidda

  • Talooyin ku saabsan Jaaliyadda iyo Ciidda

  • Sunnooyinka Ciidda iyo Aadaabteeda.

Danta Ciidda laga leeyahay iyo Xikmaddeeda:

Ciiddu waa astaan weyn oo ka mid ah astaamaha ummadi leedahay. Ummad waliba waxay leedahay maalmo ay weyneyso, faraxdo, soona bandhigto kaabayaasha jiritaankeeda. Ummadda Islaamka waxaa iyada intaas u dheer in ay maalitaas Rabbigeed u mahad celiso, weyneyso isla markaana muujiso addoonnimadeeda.

Dhammaan ciidaha Islaamku waxay ku xidhanyihiin maalmo iyo dhacdooyin Ilaahay agtiisa ku weyn. Ciidul Adxaa waxay la xidhiidhaa gudashada Rukunka Islaamka ee Xajka, meesha ay Ciidul Fidri ka danbayso dhammaanshaha bisha barakaysan ee Ramadaan. 

3 ciidood oo keliya:

Islaamku wuxuu aqoonsanyahay saddex ciidood oo keliya. Ciidda Fidrada, Ciidda Udxiyada iyo maalinta Jumcada ayaa ah ciidaha kaliya ee loo oggolyahay in ay u dabbaaldegaan muslimiintu ciid ahaan.

Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ayaa sida uu weriyey Anas Bin Maalik (rc) markii uu yimid magaalada Madiinah waxay reer Madiinah lahaayeen laba maalmood oo ay ciyaaraan. Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ayaa markaas ku yidhi: “wuxuu Ilaahay idiinku beddeley labo maalmood oo kuwan ka khayr badan, Al-adxaa iyo Al-fidri”, waxa weriyey Abudawuud iyi Nasa’ii waana saxiix.

Arrimo ay tahay in lagu baraarugsanaado Maalinta Ciidda

Ciiddu waa cibaado ee yaanay caado kaa noqon:

Dad badan ayaan maalinta ciidda dareemin in ay gudanayaan cibaado weyn oo ka mid ah astaamaha Islaamka. Qaarkood salaadda ayaaba ka tagta iyagoo ku mashquulsan farxadda ciidda. Taasi waxay burin kartaa ama yarayn kartaa ajarkii iyo abaal-gudkii aad heli lahayd.

Israafka iska ilaali:

Dad badan ayaa maalinta ciidda ku talax taga xafladda ciidda. Cuntooyin badan baa la daadiyaa, cabitaanno iyo mac-macaanna wedkood baa gala. Hadda ma habboona iyadoo dadka qaarkood ay gaajo la ildaranyihiin in aynu ku xad-gudubno riyaaqa iyo rayn-raynta ciidda. 

Talooyin ku saabsan Jaaliyadda iyo Ciidda

Dadka muslimiinta ah ee ku dhex nool bulshooyinka kale waxaa ku habboon in ay maalinta ciidda uga faaiidaystaan siyaabo kala duwan. Waa fursad qaali ah oo aan in badan soo laalaaban. Waxaan kula talinayaa jaaliyadahaas:

  • Inay weyneeyaan oo muujiyaan Ciidda: Meesha aad joogtid ha laga dareemo jiritaanka Islaamka iyo joogitaanka Muslimiinta. Haddii aad shaqaynlahayd ama wax-barasho aadi lahayd, maalintaas waxaad xaq u leedahaay in aad fasax qaadatid cid kuu diidi kartaana ma jirto, waa haddii aad wakhti ka hor sii sheegatid.
  • Midnimadiinna Muujiya:

Waxaa wax laga xumaado ah, in muslimiinta qurbaha joogta oo awalba aanay tiradoodu badnayn marka loo eego dadka ay la deggenyihiin, ay maalinta ciidda koox-koox ugu kala xeroodaan meelo kala duwan sidii adhi goosan ah. Runtii, waxay ahayd in ay illaawaan midabka, luuqadda, aslka iyo danaha gaarka ah oo ay wada jir gacnaha is qabsadaan. Isku day in aad muslimiinta midaysid, haddii aadan samayn karinna adigu ha kala qaybin!

  • Carruurta xoogga saara: haddii aadan ilmahaaga dareensiin Ciidda Muslimiinta waxaa maskaxdooda ku beermaya ciidaha iyo maalmaha ay weyneeyaan bulshada aad dhex joogtaan. Haddaba waa in ilmaha looga farxiyo maalintaas si aan marnaba caadi ahayn. Waa in uu ilmuhu dareemo in tani ay tahay ciiddiisii taasina tahay ciid ummad kale. Markii ciiddu soo dhawaato waa in ilmuhu kugu wareeriyo: aabbo! Ciiddii waa goorma?! Mamma! Maxaan ku ciidi doonaa?! Ciiddu ilmaha ha u noqoto maalin maalmaha ka sheeggan.

Sunnooyinka Ciidda iyo Aadaabteeda

Ciiddu waxay leedahay sunnooyin iyo aadaab loo baahanyahay in qofka muslimka ahi ilaaliyo si cibaadadiisu u noqoto mid maqbuul ah.

Haddaba waxaa aadaabtaas iyo sunnooyinkaas ka mid ah:

  • Is la is qurxiyo: waa arrin la isku raacsanyahay
  • In la soo qubaysto: waxay ka sugnaatay saxaabadii Rasuulka (صلى الله عليه وسلم)
  • In aan la soomin maalinta ciidda: Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ayaa diidey, waana xaaraam.
  • In wax la soo cuno intaan salaadda Ciidul Fidriga loo bixin: Timir, tiro isdheer ayaa sunne ah.
  • In aan waxba la soo cunin salaadda Ciidul Adxaa ka hor: Udxiyadiisa ayuu wax ka cunayaa, hadduusan udxiyo qalinna salaadda ka bacdi ayuu wax cunayaa.
  • Waxaa sunne ah in bannaanka lagu tukado: Masjidka in ciidda lagu tukadaa waa wax aan fiicnayn haddii la awoodo.
  • In la lugeeyo ayaa sunne ah: oo haddii meesha lug lagu gaadhi karo ma fiicna in gaadiid la qaato.
  • Jidkii aad ku baxday ha ku soo laaban: waxaa sunne ah in aad sii socodkana waddo martid soo socodkana waddo kale.
  • Allaahu akbar: waxaa sunne ah, oo aad loo jecelyahay in aamlinta ciidda Ilaahay la weyneeyo iyadoo lagu dhawaaqayo Allaahu akbar. Ma jiraan erayo gaar ah oo la is faray in lagu dhawaaqo waxaase jira erayo saxaabada ka sugnaaday, sida:
    •  الله أكبر الله أكبر، لا أله إلا الله، والله أكبر الله أكبر، ولله الحمد
    • الله أكبر الله أكبر الله أكبر، لا إله إلا الله، والله أكبر الله أكبر، ولله الحمد
    • الله أكبر الله أكبر، ولله الحمد، الله أكبر وأجل، الله أكبر على ما هدانا
  • Udxiyada: Ciidda Adxaa, waxaa sunne aad u adag ah in la gawraco udxiyada. Waa gawrac Ilaahay loogu dhawaanayo. Haddii dhulka aad joogtid aan looga baahnayn ama aan waxbaba lagu gawricin; maxaa kuu diidaya in aad u dirtid meel looga oomanyahay? Yaa uga baahi badan dalkeennii hooyo oo ay ku noqonayso udxiyo, sadaqo iyo qaraabo xidhiidhin isku mar ah.
  • Dumarku inay xijaabkooda ku soo baxaan: Ummu Cadiyah (rc) waxay tidhi: Wuxuu Nabigu (صلى الله عليه وسلم) na amray in aanu soo saarno: Hablaha, dumarka caadad qaba iyo inamaha makhabbiyadaha ahba. Kuwa caadad qaba salaadda ayay ka dheeraanayaan, waxayse ka qayb qaadanayaan khayrka iyo ducada muslimiinta. Waxaan idhi: Rasuul Alloow! Middayo inaysan jilbaab haysan baa laga yaabaaye! Wuxuu yidhi: Walaasheed jilbaabkeeda wax ha ka huwiso.

Lama oggola inay gabdhuhu qurux zaa’id ah soo qaataan ama cadar isa soo mariyaan.

  • Hanbalyee: waa wax wanaagsan in maalintaas la isku hanbalyeeyo, la is bogaadiyo, la isa soo booqdo, la is xidhiidhiyo, quluubtana la isku xaadho. Saxaabadii ayaa laga wariyey in ay isku tahniyadayn jireen.

 

Ciid mubaarak!!

Taqabalallaahu minnaa wa minkum!!

Wa kulla caamin wa antum bi kheyr!!

           

W.Q: Cabdisamad Xoday | London UK
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2006

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD