SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

MOWLIIDKA, SAX MISE KHALAD? (Q-2AAD)

 QAYBTII 1-AAD HALKAN RIIX 

SH. FAARAX: Waad ku mahadsantahay sida qurxoon ee aad u dooday, laakiin ha moodin in aanu daliil la’aan iska soconayno. Waxaanu haysannaa xujooyin cad-cad oo tusinaya in mowliidku xaq yahay.

SH. BASHIIR: Ma aayad mise xadiis baad mowliidka u haysaa? Sheekh Faarax!

SH FAARAX: Haa, aayad kaliya maahee aayado badan iyo axaadiis badan baan u haystaa!

SH. BASHIIR:  Haye, bal soo daa waxa aad haysid, waxaanse kuu sheegayaa: haddii aad aayad ama xadiis mowliidka muujinaya keentid, anigu waan towbad keenayaa, waanna kugu raacayaa…

SH FAARAX: aniguna sidoo kale, qofka muslimka ah iyo xaqa il iyo aragti baa ka dhaxaysa.

SH BASHIIR: Waa saxe, soo daa daliil kaaga. 

1.      SH FAARAX: waxaa iigu daliil ah aayadda quraanka ah ee uu Ilaahay yidhi [macne] “dhab ahaan, Ilaahay (sw) iyo malaa’iktiisuba waxay ku salliyaan Nabiga (scw). Dadka muuminiinta ahoow idinkuna ku salliya oo salaama salaamid”

Haddee mowliidkuna waa Nabiga (scw) oo lagu salliyayo iyo ammaan loo jeedinayo. Sow xujo cad ma ahan?

SH BASHIIR: Ma ka jawaabi karaa?

SH FAARAX: Haa, haddaad jawaab isku haysid, daliil walba oo aan keeno waa in aad sheegtid waxa aad ku diidey.

SH BASHIIR: Haddee sheekh! Ma mowliidka ayaynu ka doodayney mise Salliga Nabiga (scw)? Mowliidku waa wax ka duwan salliga, qofwalbana wuu ogyahay. Teeda kale haddii xoogaa salli ah lagu dhex daro wax bidco ah, sida xafladda Mowliidka, dee miyay xalaalaynaysaa? Anigu maalin walba waxaan Nabiga (scw) ku salliyaa boqollaal jeer, marka yaynaan sheekh Faarax masalo kale ku wareegine mowliidka daliil ma u haysaa? Aayaddani waxay ina amartay inaynu Rasuulka (scw) ku sallino. Haddee saxaabaduba way ku sallin jireen, mowliidna ma aanay dhigi jirin, ee aynu sidoodii yeelno, oo Nabiga (scw) aynu ugu sallino sidii uu isagu ina baray! Waa intaas warka aan sheegayo. Teeda kale, bal tafaasiirtii salafka iyo culimadii hore u laabo! Heli maysid cid aayaddan mowliidka ku fasirtay. 

SH FAARAX: Waa runtaayoo sheekh Bashiir way kala duwan yihiin labada masalo, balse ii kaadi:

2.        Mowliidku waa farxad lagu farxayo dhalashadii Nabiga (scw), Ilaahayna wuxuu Quraanka ku yidhi:

{{ قُلْ بِفَضْلِ اللَّهِ وَبِرَحْمَتِهِ فَبِذَلِكَ فَلْيَفْرَحُوا هُوَ خَيْرٌ مِمَّا يَجْمَعُونَ

يونس:58}}

Aayaddani wuxuu Ilaahay innagu amray inaynu ku faraxno “fadliga iyo naxariista Ilaahay”. Haddaba sheekh Bashiir illayn maantoo dhan hadal daldali maynee, fadliga iyo naxariista Nabi Muxammed (scw) ka weyn oo aynu ku farxaynaa maxay tahay?

SH BASHIIR: Sheekh Faaraxoow horayna waan usoo ishaaraye, quraanka waa inaynu u fasirno sidii Saxaabada, Taabiciinta iyo Culimada Tafsiirku u fasireen. Haddii aynu Quraanka maskaxdeenna oo kaliya la aadno waynu lumaynaa. Bal waatan oo maktabaddii dhinaceenna ayay taallaaye iga tus hal mufasir oo aayaddan u fasiray sidaas aad sheegtay? Ma galnaa maktabadda?

SH FAARAX: (isagoo cimaamaddiisii caddayd iyo koofiyaddiisii dhulka ka qaadanaya) Ina kici.

SH BASHIIR: Waakan tafsiirkii ugu waynaa ee Ibnu Jariir. Ibnu Kathiirna waa kan.

SH FAARAX: Haa, tafaasiirta oo dhan way yaalliin. Maktabaddani way cammirantahay oo kani waa Baqawi, Qurdubi, Ibnu Al-Jowzii iyo Ibnu Al-Carabii, kuwo kalena way yaalliin.

SH BASHIIR: Maashaa Allaah, sheekh Faarax soo qabo kii aad doontid.

SH FAARAX: (wuxuu soo qabanayaa Tafsiika Qurdubi, wuxuuna soo saaray Suuratu Yuunus, 58) haa… haa… waxaa ku yaalla Ibnu Cabbaas iyo Abu Saciid Al-Khudri, waxay leeyihiin “fadliga aayaddu sheegaysaa waa Quraanka, Raxmadduna waa Islaamka”.

Bal u kaadi, (wuxuu fiirinayaa tafaasiirtii oo dhan, hadba mid buu soo saarayaa, laakiin wuu waayey wax aayadda ku fasiraya Mowliidka, intuu kitaabkii ugu danbeeyey ku celiyey halkiisii buu yeen:) al muhim Nabigu (scw) waa “raxmad”, taas ma muran baa ka taagan?

SH BASHIIR: Maya, laakiin taas kama aynaan doodayn. Raxmad iyo fadli Alleh inuu yahay la iskuma hayee ma ku haysaa cid ku fasirtay Mowliidka?

SH FAARAX: Allaylehe maya.

SH BASHIIR:Wax kale ma haysaa? 

SH FAARAX: Haayoo:

3.      Waxa kale oo iigu daliil ah xadiiskii Imaamu Muslim ee ahaa in uu Nabigu (scw) soomijirey Isniinta, markii la waydiiyeyna wuxuu yidhi: “Waa maalintii aan dhashay, [waxyigana] la igu soo dejiyey”. Marka maadaama oo Rasuulku (scw) wayneeyey malintii uu dhashay, haddee maxaad noogu diideysaa inaanu annaguna waynayno?

SH BASHIIR: Sheekh Faaraxoow arrintaas waxaan kaga jawaabayaa qodobbadan:

  • Nabigu (scw) wuxuu wayneeyey maalin walba oo Isniin ah, innaguna waxaynu ka doodaynaa waa maalinta 12aa ee Rabiicul Awal. Dee waa laba arrimood oo kala duwan. 12ka RA Isniin iyo maalin kalaba way noqon kartaa!
  • Nabigu (scw) wuxuu ku wayneeyey soon iyo cuntadii oo uu iska dhaafay, idinkuna waxaad ka dhigteen maalin ciid ah oo hilib iyo bariis la isla dhaco, waana wixii uu sameeyey lidkeed.
  • Nabigu (scw) maalinta 12aad ee bishan RA kuma aanu gaar yeelin wax xus ah ama cibaado ah, xataa lama hubo inuu yahay maalintii uu dhashay oo khilaaf baa ku jira, ee waxa uu soomay Isniinta asbuuc walba. Marka sheekhoow, aynu soonno maalin walba oo Isniin ah, sidaas baynu Rasuulka (scw) ku waynayn karnaa, ee ma ahan inaynu sharcigiisa u gacan dhaafno.

SH FAARAX: Allaylehe been lama sheegee,  arrintaasi waa runtaa oo waa laba shay oo kala duwan, laakiin:

4.      Maxaad ka leedahay xadiiskii Bukhaari iyo Muslim” ee ahaa in Nabigu (scw) uu jideeyey in la soomo maalintii uu Nabi Muuse (cs) badbaaday, Fircoonna la halaagay ee “Caashuuraa”? 

SH BASHIIR: Waxaan ka leeyahay laba jawaabood:

  • Jawaabtii aan kaga jawaabay xadiiskii hore, iyo.
  • Haddii ay Mowliidka tusinayso muxuu Nabigu (scw) iyo asxaabtu u fahmi waayeen? Illayn Nabigu (scw) isagaa caashuuraa soomay oo jideeyey, maalinta Mowliidkana isagaa ka aamusay. Miyuunan Nabigu (scw) iyo asxaabtu khayrka u baahnayn, mise innagaa ka fahan dheer? Alloow hadalkaas odhan maayee Adigu ha iga yeersiin.

SH FAARAX: Alloow anna ha iga yeersiin.

SH BASHIIR: Sideedana sheekh qaacido usuuliya ayaa jirta oo ah: “wax walba oo sababtiisu joogtay wakhtigii Nabiga (scw) oo aanu samayn, in la sameeyaa waa bidco, in laga tagaana waa sunne”

كل شيء كان سببه موجوداً في زمن النبي صلى الله عليه وسلم ولم يفعله ، ففعله بعده بدعة .

Taasina waa xaaladda mowliidka.

Qaacido kalana waxay leedahay: “wax cibaado ah in la sameeyaa waa xaaraam ilaa daliil loo helo”:

الأصل في العبادات الحظر ، فلا يشرع منها إلا ما شرعه الله ورسوله ، والأصل في العادات الإباحة ، فلا يمنع منها إلا ما حرمه الله ورسوله .

 Wax kale sheekh ma haysaa? 

5.      SH FAARAX: Haayoo mid aadan ka jawaabi karin baan hayaa. Xadiiskan uu Bukhaari wariyey bal si fiican u dhuux, deetana ka jawaab: Curwah [taabici] wuxuu yidhi: Thuweybah waxay ahayd adeegto uu Abuu Lahab lahaa, deetana wuu xoreeyey markaasay Nabiga (scw) nuujisey. Markii uu Abu Lahab dhintay ayaa waxaa riyo ku arkay qof qaraabadiisa ka mid ah, wuxuuna ku arkay xaaladda ugu xun. Suuye: maxaad la kulantay? Abu Lahab wuxuu yidhi: dabadiin wax khayra lama kulmin, lakiin waxaa la igu waraabiyey xorayntii aan xoreeyey Thuweybah.

Marka, sheekh Bashiir, kol haddii Abu Lahab oo gaal ah uu ku intifaacay farxaddii uu Nabiga (scw) ku farxay oo uu markaas jaariyaddiisii xoreeyey, miyaanay farxaddaasi innagana ina anfacayn?

SH BASHIIR: Horta sheekh Faaraxow, waxan ku moodayey in aad wax daliil u eg keenaysid, lakiin hadda waxaa ii muuqata inaad “laf cad toobin ku haysid”. Xadiiskan bal sharrixiisa dib ugu laabo, oo fiiri waxa ay culimadu kaga jawaabeen, maktabaddiina waynu dhex fadhinaayaa.

o       Waa marka koowaade, xadiiskani in kastoo uu Bukhaariga ku yaallo, haddana ma ahan hadalkii Nabiga (scw) iyo saxaabada (rc) toona. Waa xadiis mursal ah sida uu Xaafid Ibnu Xajarba sheegay. Sida la wada ogyahay, Bukhaari wuxuu dammaanad qaaday in axaadiista hadalka Rasuulka (scw) ah ee uu kitaabkiisa ku xusay ay saxiix ahaadaan, laakin hadallada “taabiciinta” ma dammaanad qaadin. Haddaba “xadiiskani” waa “mursal” mursalna inaanu xujo galin cidi kaaga warrami mayso, sheekhanaa.

o       Waa marka labaade, haddii lagaba soo qaado inuu saxiix yahay, lama cuskan karo, maxaayeelay waa “riyo” riyana diin lagama qaato, ka fiiri “Fatxul Baariga Ibnu Xajar baa yidhiye” 9/49

o       Saddexaad, arrinta aad sheegtay ee in Thuweybiya la xoreeyey markii Nabigu (scw) dhashay, oo Abu Lahab loogu bishaareeyey, waa mid khilaafsan sida ay qabaan culimada siirada iyo taariikhdu, Ibnu Xajar ayaa arrintaas ku caddeeyey “Fatxiga” iyo “Tamyiizka” labadaba. Ibnu Cabdul Bar, isna “Isteycaabka” ayuu ku sugay, sidaasoo kalana Ibnul Jowzii wuxuu ku caddeeyey “Alwafaa bi Axwaalil Mustafaa”. Sida Ibnu Xajar uu qoray wakhti dheer baa u dhexeeyey xorayntii Thuweybah iyo dhalashadii Rasuulka (scw).

o       Wuxuu Xaafid Ibnu Xajar soo guuriyey in xadiiskan (mursalka ah) uu khilaafsanyahay qawaacidda shareecada, maxaa yeelay “gaal camalkiisu ma anfaco”. Waaba mustaxiil buu xaafidku soo guuriyey. Teeda kale, xadiiskan bukhaari, kuma taallo in Abu Lahab uu ku farxay dhalashada Rasuulka (scw), xaggee ka keentay adigu sheekh? 

6.      SH FAARAX: Sheekh Bashiir, Xaafid Suyuudi oo ninka aad taqaanid ah ayaa arrinta Mowliidka kitaab dhan ka qoray.

SH BASHIIR: Oo muxuu daliishaday?

SH FAARAX: Wuxu daliishaday xujooyinkaas aan soo sheegay iyo hal xadiis oo kale.

SH BASHIIR: Oo muxuu yahay xadiiskaasi?

SH FAARAX: Waaba kan kitaabkiisii kaa shisheeyee soo qabo

SH BASHIIR: (Wuu soo qabtay “Xusnul Maqsad fi Camalil Mowlid”)

SH FAARAX: Ii dhiib anaa ka soo saarayee. (Wuu soo bixiyey) haa, wuxuu leeyehey: Waxaan helay xadiis kale oo loo daliishan karo mashruucnimada Mowliidka. Waa xadiiskii Beyhaqi ee ahaa in Nabigu (scw) uu naftiisa ka walqalay. Wuxuu suyuudi ku sii daray: Mar hadday sugantahay in Nabiga (scw) awowgiis horay uga walqalay, waxaa xadiiskan lagu fasirayaa inuu Ilaahay uga mahad celinayey abuurista uu abuuray, iyo inuu ummaddiisa u jideynayey Mowliidka!

SH BASHIIR: Sheekh Faarax iska hubi! Xadiiskani waa “daciif”, waxaana daciifiyey Ibnu Xajar. Waa kaase ka fiiri kitaabkiisa “Talkhiisul Xabiirka” 4/147, imaamu Nawawi isna wuxuuba yidhi: “waa xadiis baadil ah”, “Al Majmuuc”. Marka yaynaan waxaas diin ka dhigan sheekh, Ilaahay danbigaaga ha dhaafee. Daliil kale ma haysaa? 

7.      SH FAARAX: Haayoo Mowliidka waxaanu ku xusuusannaa Nabiga (scw) maalintii uu dhashay, ma waxaad naga rabtaa in aanu Nabiga (scw) iska illowno?

SH BASHIIR: May maya maya, sheekh waa in aynu had iyo jeer Nabiga (scw) xusuusnaano. Habeen iyo maalin, subax iyo galab, suuqa iyo guriga, masjidka iyo madarasada, goob iyo goor walba oo aynu joognaba waa in aynu qalbiga ku haynaa, afkana kaga sallinaa (sallallaahu caleyhi wasallam), sunnadiisana raacnaa. 

SH FAARAX: (isagoo madaxa ruxaya oo aad ula maqsuudsan uguna qanacsan hadallada sheekh Bashiir ayuu wuxuu gacanta ku rog-rogayaa tusbaxiisa boqollaha ah, wuuna yara fakarayaa) sheekhow jacaylka Nabiga (scw) ayuu kordhiyaa.

SH BASHIIR: sida aynu Nabiga (scw) u jeclaanayno Ilaahbaa quraanka inoogu sheegay, kaliya waxaad akhrisaa aayadda 31aad ee “Aalu Cimraan”, qolo ayaa sheegtay inay Ilaahay jecelyihiin markaas ayaa lasoo dejiyey “aayadda imtixaanka”macne {{waxaad ku dhahdaa: haddaad Ilaahay jeceshihiin aniga [Nabiga scw] isoo raaca, Ilaahay wuu idin jeclaanayaa denbigiinana wuu idiin dhaafine}} lana kaasho Ibnu Kathiir tafsiirkiisa.   

8.      SH FAARAX: Horta sheekhow way ii caddaatay in uusan Nabigu (scw) jideynin Mowliidka, waana iska caddahay in uu yahay “bidco” waa danbe la keenay, laakiin sow “bidco xasanah” iyo “bidco sayi’ah” ma jiraan? Mowliidku waa bidcah xasanah, waa wax wanaagsan oo Ilaahay loogu dhawaanayo, marka dee waa sunne! Sidaas maxaad ka qabtaa? 

SH BASHIIR: Walaal sheekh Faarax, maxaad maanta oo dhan isaga daba meeraysanaysaa, maad xaqqa u hoggaansantid? Waad ogtahay in Nabigu (scw) ka digey bidcada oo dhan oo aanu kala qaadin, oo uu yidhi “kullu bidcatin dalaalah” ee sidee adigu u khilaafi kartaa Rasuulka adoo leh “ mayee bidcada qaar baa wanaagsan”. Ilaahay ka cabso sheekh. Wax aan Ilaahay jideyn yaynaan jideyn. Hadalka ay culimada qaarkood, sida Imaamu Shaafici, ku yidhaaheen bidcadu waa laba qaybood oo mid baa wanaagsan tan kalana way xuntahay, hadlkaas dadka qaarkood si khaldan bay u fahmeen.

SH FAARAX: Oo maxaad adigu u fahamtay?

SH BASHIIR: Aniga ma ahan, ee waa in aynu u fahamno sida saxda ah ee ay iyagu ula jeedeen. Culimada bidcada diraasaadka ku sameeyeyna u fahmeen, sida Imaamu Shaadibi iyo Imaamu Ibnu Rajab. Waxay culimadaasi yidhaaheen: Waa khalad in la jideeyo “bidco diini ah”, oo cidina wax aan Ilaahay jideyn [sida mowlidka, xadrada…] diinta kuma soo dari karto.

Hadalka ay culimada qaarkood yidhaaheen ee ah in ay jirto “bidca xasanah” waxay ula jeedaan “bidcada luqawiga ah”. Maxaa yeelay erayga “bidco” waxaa soo galaya wax walba oo cusub, laakiin waxa cusubi waa un labo, wax adduunyada la xiriira, waana kan uu Imaam  Shaafici ula jeedo, waxaadna ka fahmaysaa kitaabkiisa “al-Risaalah” p 504, iyo wax cusub oo diinta lagu soo kordhiyey, waana kan uu Nabigu (scw) u jeedo, marka uu leeyahay “kullu bidcatin dalaalah”, xaasha Lillaahi in Imaamu Shaafici uu Nabiga (scw) khilaafo. Al Ciz bin Cabdisalaam isagu hadalkiisu waaba iska cadyahay oo wuxuu ka hadlayaa “al masaalix al mursalah” oo ah masalo kale oo waasic ah, daliilka sharciga ahna ka mid ah.

Waxaa isna arrintan ka yidhi hadal mudan in biyo dahab lagu qoro Imaamu Maalik, hadalkiisa anigu kuu fasiri maayo:

من ابتدع في الإسلام بدعة يراها حسنة فقد زعم ان محمدا صلى الله عليه وسلم خان الرسالة لأن الله يقول ( اليوم اكملت لكم دينكم واتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الاسلام دينا) فما لم يكن يومئذ دينا فلا يكون اليوم دينا

Shaadibi ayaa Ictisaamka ku soo wariyey 1/49 

SH FAARAX: (in muddo ah ayuu hoos fiirinayey, deetana maduxuu kor u qaaday) Horta sheekh Bashiirow, waxyaabaha aad daliishatay waa waxyaabo sax ah, kuwa aan anigu keenayna waad ka wada jawaabtay, jawaabahaaguna waa kuwo looqaateen ah, haddaba, waxaa ii caddaatay inaad iga saxsantahay, Ilaahay baan uga noqonayaa khaladkii aan muddada intaas le’eg dadka ku hoggaaminayey, Ilaahow ii danbi dhaaf (isagoo ilmadu ka qubanayso) towba yaa Rabbi, towba yaa Rabbi…

SH BASHIIR: Kulligeen Ilaahay ha inoo danbi dhaafo.

SH FAARAX: adigana Ilaahay khayr ha ku siiyo. Ma jiraan wax culimadii hore ah oo masaladan si fiican u caddeeyey?

SH BASHIIR: Miyaadan haysan kitaabkii Imaamu Taajuddiin al-Faakihaani ee “Al mowrid fi Camalil Mowlid”? Wuxuu ahaa caalim reer Iskandariyah oo dhintay 734 h.

Hadal aad u qiima badan buu halkaas ku leeyahay.

Ibnu Xaaj (dhintay 732) kitaabkiisa “Al Madkhal” juska labaad bilowgiisa akhri.

“Ictisaamka” Imaamu Shaadibi (dhintay 790) iyo Fataawihiisaba akhri.

Ibnu Taymiyah (dh:728) “majmuuciisa” akhri.

Sheekh culimada ka hadashayi way badanyihiine kutubta u laabo.

SH FAARAX: Ilaahay siraadka ha kuu iftiimiyo sida aad xaqa iigu iftiimisay, wax bidco ah baan diin moodayey. 

Labadii sheekh iyagoo aad u faraxsan ayay wad istaageen xabadkana si saaxiibnimo ah isu saareen.

Dhammaad

QAYBTII 1-AAD HALKAN RIIX 

W.Q: Cabdisamad Xoday | London UK
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 23, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD