BOQORADDA
DENMARK: WAA IN AYNU ISLAAMKA HOR ISTAAGNAA!
Queen Margrethe II, waxay dhalatay
sannadkii April 16, 1940. Waana faca shannaad ee reer Boqorka
Denmark u soo talin jirey. |
Boqoradda ka talisa
dalka Denmark ayaa ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan
muslimiinta dalkeeda jooga.
Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa
Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax dunida oo dhan khatar ku ah, isla
markaana ay tahay in la hor istaago. “waa in aynu muujinno diidmadeenna
Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa layaabka dunida.
Jariidadda kasoo baxda UK ee “The
Daily Telegraph” ayaa caddadkeedi 15/04/05 ku tilmaantay in
boqoraddu ay kharribtay sawirkii Denmark laga haystey oo ahaa in ay
tahay “jannadii xorriyadda” ee dadka nolosha cusub doonayaa ku soo hiran
jireen.
Boqoradda ayaa iyadoo u hadlaysey si ay
kalsooni ka buuxdo tidhi: “Sannadahaanba Islaamka ayaanu la halgamayney,
caalami ahaan iyo maxalli (lookal) ahaanba. Arrintu waa halgan, waana in
aynu si dhab ah u qaadannaa” ayay tidhi iyadoo ku sii dartay “arrintan
muddo dheer ayaannu iska dayney oo aanaan wax ka qaban, sababtoo ah
dulqaadkii iyo liidnimadii ayaa naga badatay” waxay Margrethe II intaas
sii raacsiisay “xukuumaddu waa inay wax ka qabato, oo hannaan kan hadda
jira ka fiican kula dhaqanto, waa haddii aynu fahamsannahay waxa aynu la
lagdamayno”
Boqoradda oo sii waddey hadalladeedan
oo muujinaya colaadda qaan-gaartey ee madaxda iyo shucuubta Reer
Galbeedku u qabaan Islaamka diin ahaan, iyo Muslimiinta dad ahaanba ayaa
dalkeeda ku guubaabisey: “Waa in aynu diirka ka caddayno
mucaaradnimadeenna Islaamka, waana in aynu mar-marka qaarkood u bareerno
in la inagu dhajiyo dacaayado la innagu maagayo, maxaa yeelay waxaa
jira waxyaabo aan loo dulqaadan karin” iyadoo markaas muslimiinta ula
jeedda. “Xataa markii aynu dulqaadanayno waa in aynu kala ogaanno ma
istus-tus bay naga tahay mise waa wax aynu ku qanacsannahay”
Muslimiinta Denmark oo cabsi ka
muujiyey tallaabooyinka ay dawlada Denmark qaadi doonto
mustaqbalka. Sawirka:
islamonline |
Ma ahan markii ugu horreysey ee ay
masuuliin sarsare oo Danish ahi ku dhawaaqaan hadallo liddi ku ah dadka
muslimiinta ah iyo guud ahaanba ajnabiga. Waxaa iyana xusid mudan in
xisbiga hadda ka taliya dalkaasi “Danish People's Party” oo ah
xisbi si aad ah uga soo hor-jeeda ajnabiga gaar ahaanna muslimiinta uu
waayadanba jideynayey sharciyo ka soo hor jeeda ajnabiga, gaar ahaan
muslimiinta.
Muslimiinta dalkaasi ayaa ka cabsi qaba
in hadalladan boqoradda ka soo yeerayi ay xukuumadda oo awalba iyaga ulo
booca ugu tukubaysey ku dhiirra geliyaan inay soo saarto sharciyo iyo
tallabooyin cusub oo la mid ah kuwii sannadkii 2004 oo lagu xakamaynayey
dhaqdhaqaaqa hoggaamiyayaasha muslimka ah oo ay xukuumaddu ku tilmaantay
“kuwo xagjir ah”, kuwaas oo si toos ah loola beegsaday imaamyada iyo
culimada dalka.
Hadalladan cusub ee boqoradda Denmark
ayaa lagu daabacay buug si rasmi ah loo daabacay oo ka hadlaya taariikh
nololeedkeeda “biography” oo 14/04/05 la soo saaray.
Saciid Westing oo Salaad
Tukanaya, Siciid waxa uu muslim ahaa laga soo billaabo sannadkii
1990-kii, waxana uu u dhashay dalaka Denmark. Waxan uu mar sii
horeysey yiri :"WELIGEEY KAMA AANAN QOOMAMAYN ISLAAMKA AAN
QAATAY" .
Guji...
|
Dhinaca kale waxay boqoraddu caddaysay
in aanay fahamsanayn dabeecadda Islaamka iyo farqiga u dhexeeya isaga
iyo diimaha kale, waxayna muslimiinta kula yaabtay sida ay har iyo
habeenba diintooda ugu dhaqmaan, waxayna arrintaas ka tidhi: “Waxaa
jirta arrin ay dadkani igaga yaabiyeen. Waa dad ay diintu noloshooda oo
dhan ku daabacantahay, marka ay qorraxdu soo baxdo ilaa marka ay
dhacayso, marka ay dhashaan ilaa inta ay ka dhimanayaan, intaasba
diintooda ayay ku daabeceen”. Waxay hadalka ula jeeddaa in ay
muslimiintu doonayaan in diintoodu dhaqankooda dhex-gasho, noloshoodana
raad iyo saamayn ku yeelato, taasi oo ah aasaaska Islaamka.
Arrintaasi waxay muujinaysaa Islaamka
ay reer galbeedku doonayaan ama ay ugu yaraan aqbalikaraan in ay la
noolaadaan nooca uu yahay.
Iyadoo boqoraddu tibaaxaysa sida ay u
doonayso in Muslimiintu u dhex-galaan bulshada Danishka, isla markaana
caddaynaysa in aanay macquul ahayn in Muslimiinta oo muslimiin ah iyo
Danishka oo Danish ah ay is barbar deggenaadaan ayay waxay tidhi: “Ma
ahan in aynu is barbar deggenaanno, ee waa in aynu is dhex galno”.
Hadalka boqoradda oo
ah buug dhan oo xanbaarsan waraysiyo iyo farriimo ayaa waxaa ka mid ahaa
hadallo kale oo Islaamka ku saabsan, kuwaasoo siyaabo kale loo
fasirankaro.
Waxaa ka mid ahaa
hadalladaas oo ay Muslimiinta Denmark soo dhaweeyeen in ay tidhi:
“Islaamka in badan baa nalagu dirayey, haddaannu nahay Reer Galbeed,
fikrad saxana kama haysanno, hadda waa in aannu islaamka diraasayno,
waanuna ku khasbannahay arrintaas”.
Dadka Denmark
tiradoodu waa 5.4 million, waxaana intaas laajiyiin (Immigrants)
ka ah boqolkiiba siddeed (8%). Muslimiinta dalkaasi ku dhaqana waxaa
lagu qiyaasaa 170,000 ama
boqolkiiba 3% tirada dadka Denmark..