Waxaan ka xumahay warka naxdinta leh ee ka soo yeerayay beryahanba halkaa iyo
bari guluf colaadeed oo cusub oo la isu adeegsaday hub culus, dhimasho, dhaawac
buuxa isbitaalada Qardho, Garowe, iyo Boosaaso. Waxaad moodaa dadka halkaas isku
haysta inay mudo dheer nabad ku jireen oo aysan warba u haynin qasaaraha dagaal
iyo inay fududahay in dagaal la bilaabo balse aysan fududayn in la joojiyo
tusaale: fiiriya walaalihiina koofureed. Walaalaha colloobay waxaan xusuusin
lahaa arrimahan soo socda:
1) Alla ka cabsi iyo rag iska dhicin hadday kula soo gudboonaadaan in
Alla ka cabsi la doorto ( Alla ka cabsigu isdifaac waa ogol yahay ee laakiin
xadgudubka iyo kibirka ku dhisan jahliga ayuu ka soo horjeedaa sida dagaal
qabiil iwm.
2) Waxaa soomaalida caado u noqotay in haddii ay dadyow deris wadaag ahi
is diriraan isla markiiba la ilaawo walaaltinimadii, islaanimadii,
derisnimadii, xididnimaddi, qaraabonimadii, xigaalonimadii iyo
Soomaalinimadiiba. Marka ummadda reer puntland ha xasuustaan inay walaalo
yihiin dhankasta oo aanay marnaba kala maarmi karin.
3) Reer Puntland taariikhda dib ha u jeedaaliyaano waxaan uga jeedaa
gobolkaas waqti dheer ayaa la dayacay oo uu dib u dhacsanaa- waxaana u sabab
ahaa cadaadiskii dawladdii Soomaaliyeed ee jiri jirtay,Ethiopia SSDF, iyo
dadkiisa nasiib wanaag gobolka sanadahan danbe horumarkiisa iyo
dhaqaalihiisaba aad ayuu u soo kacay waxaana heerkan gaarsiiyay dadkiisa
waayo dal waxaa dhisi kara dadkiisa ayagaana burburin kara. Reer puntland ha
kala doortaan inay dadkooda iyo iyo horumarkoodaba gacantooda ku burburiyaan
si ula kac ah iyo inay daystaan oo dantooda gartaan.
4) Marnaba yaan loo malaynin gulufkaan colaadeed inuu u dhexeeyo labo nin
oo keliya(Abdulahi & Jama) balse dhibaatada ka timaadaa waxay taaban
doontaa caruur iyo ciroole rag iyo haween waa haddaan laga hortegin. Marka
culimada. boqorada, Isimada, cuqaasha, hogaamiyeyaasha, aqoonyahannada iyo
dhammaan waxgaradka gobolka waa inaysan ka quusan nabad raadinta waana
inaysan is oran waxba kama qaban karno waana inay soo ceshadaan doorkoodii
hogaamiyenimo.
5) Wuxuu bado dagaalka wuxuu baro ayaa ka sii badan gaar ahaan caruurta
oo ayagu ku dayda dadka waawayn bal inay khilaafkooda ku dhameeyaan wada
hadal iyo inay ku dhameeyaan gacan ka hadal. Ogow colaada iyo nacaybka waa
lagu talaalaa caruurta.
6) Ugu danbayntii dulqaad iyo isutanaasul ayaa loo baahan yahay iyo in
laga fikiro mustaqbalka caruurta- iskuul fiican, biyo nadiif ah, wadooyin
fiican, daryeel caafimaad, ganacsi nadiif ah kaasoo dhalin kara shaqooyin
badan oo dadka faqriga ka saara.
ILAAHOW UMADDAAN QALBIGOODA ISWAAFAJI.