English Version:: READ
HERE... CLICK HERE...
_________________________________________
Heshiis-badeedkii
DFKMG ee Soomaaliya & Topcat::
Qormadan waxaa kamid ah:
- Topcat Marine Security: Xafiis dadkii ka batay,
mise Khiyaamo indha qabasho ah (scam)...
- S’aalo
ka Taagan Heshiis-badeedkii Soomaaliya.....
- Dhibka Heysta shirkadda Top Cat oo
Rajo-darro ku Reebay Magaalada St. Stephen, South Carolina, USA
- Mulkiilaha shirkadda
Top Cat Security, Casini, ooy uga qorantahay musalaf New Jersey dhexdeeda.
Topcat Marine Security: Xafiis dadkii ka batay,
mise Khiyaamo indha qabasho ah (scam)...
-
"Heshiiska aan maanta saxiixnay waxa uu difacayaa dhul badeedka Soomaaliya, waxa
uu ka qaalib noqon doonaa burcadda badda, waxana uu joojin doonaa kalluumaysiga sharci darda ah iyo sharci darro kula bixida khayraadka dabiiciga ah ee badda,"
sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Geedi.. [DHEGEYSO::
|
DAAWO]
Goobaha Qoraalada Loo Yaqaan "Blog" ee
Maraykanka oo Waxa ugu Badan ee Lagaga Doodo ay Noqdeen Heshiiskii Topcat iyo
Soomaaliya...
Tarjumadii SomaliTalk.com, Yurub | Dec 4,
2005 | Updated::::::
Sheeko xariirtan yaa iska celin kara, waxay
ahayd xilli aan sidaas u sii fogeyn markii uu markab kuwa dalxiiska ah oo
adeegsanaya codka sawaxanka dheer iska celiyey burcad-badeed Soomaali ah?
Haddaba waa in qof uun oo jooga meel uu wax uun ka sameeyo burcadaas lagu
qayliyey. Sidaas waxaa qoraalkeeda ku biliwday qoraa deggan magaalada New York
oo magaceeda la yiraahdo Kathryn Cramer oo dabagal dheer iyo baaritaan ku
samaysay shirkada lagu magacaabo
Topcat Marine
Security ee dhowaan magaalada Nairobi heshiis kula gashay dawlada Federaalka
Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
Aan idiin kala dhex baxno qaybo aan ka soo
tarjuney qoraalkii dheeraa ee Kathryn Cramer ay kaga hadashay madaxda
Soomaaliyeed, heshiiska ilaalinta badda Soomaaliya iyo shirkada "Top Cat".
Kathryn Cramer waxay tiri:
K. Cramer |
Maanta (Jimce 25/11/2005) waxaa lagu dhawaaqay
in shirkad Ameerikaan ah, Topcat Marine Security, ee
545 8th Ave. Suite 401, New
York, NY 10018, ay heshay shaqada! waxaad is weydiin kartaa cayrsiga
burcdad-badeedku in ay tahay arrin cabsi badan, laakiin qolyahan Topcat waxay
haystaan arrin weyn oo taas ku xambareysa (ku dhiiri gelineysa): Xafiis dadkii kabatay oo ku yaal Manhattan; miyaadan adiguba go'aansan lahayn in aad
burcad-badeed cayrsatid haddii aad xafiis la wadaagi lahayd in badan (waxana ay
xustay websiteyo oo kamid yahay website jinsi ah iyo magacyo dhawr ah oo uu ka mid ahay bangi ay sheegtay in magaciisa
layiraahdo "Liechetensteinische-Amerikanische Union Bank Corp." kaas oo sida
muuqata gobolka New York ka sameeyey hawlo aan loo fasaxin oo la xiriira
dhaqdhaqaad bangi, waa sida ay tiri Kathryn Cramer.)
Waxaan layaabanahay yaa nimankaan siinaya hubka,
ayey tiri.
Haddii si aan kaftan kujirin u hadlo, ayey
tiri Kathryn Cramer, waxay u muuqataa [haddii aysan ahayn khiyaano indha qabasho
ah - scam) in shirkada doonyaha ay heshay shirkad gaar loo leeyahay
oo militeri ah oo jaal la noqota, taas oo danayneysa in ay ahaato qarsoodi,
waxaana dhici karta in shirkada doonyahu ay hadda siisay nus (bar) kamid ah
kontanka million ee doolar. U malayn maayo in Topcat ay weligeed cag dhigtay
xafiiska in ka badan tan website xafiiskaas la wadaagaa uu albabka iga furi
lahaa haddii aan garaaci lahaa, ayey tiri Kathryn Cramer [Waa website jinsi ah
oo qoruhu sheegay in uu xafiiska la wadaago Topcat oo sida uu qoruhu sheegay aan
ku haboonayn in link laga dhigo.]. Sidoo kale ayey tiri, Peter Casini oo ah
ninka warku sheegay in uu heshiiska saxiixay waxa uu ku lug yeeshay dhawr
musalifnimo (shirkado
kacay ama suuqa ka baxay) - Waxaad hoos ku arki
doontaa waraaqaha maxkamada oo ka kooban 29 bog kuwaas oo qeexaya dhibaatooyinka
dhaqaale ee la soo gudboonaadey Topcat iyo Casini.. [Cinwaanka:
Mulkiilaha shirkadda
Top Cat Security Casini ooy uga qorantahay musalaf New Jersey dhexdeeda].
Kathryn Cramer oo muujineysa in shirkada Topcat
aysan lahayn cinwaan sugan waxay tiri:- waxay is weydiisey su'aalahan:
Yaa biyaha Badda Soomaaliya ammaan ka dhigaaya? ma shaqaalaha websiteyada (dotcoms)?
kuwa khibrada sare leh ee doonyaha leh? yaa sheegi kara? maxay isugu
qarinayaan cinwaan aan jirin (fake address)? Xafiisyada Manhattan (New York) waa
qaali laakiin lacagta intaas leeg waa lagu kiraysan karaa xafiis.
Adigu masiin lahayn $50 million oo doolar qof aan
kala jeclayn in uu kiraysto xafiis rasmi ah, kaas oo been ka sheegay dariiqa uu
deggan yahay? Haddii aan xafiisba jirin sidee qofna u rumaysan karaa in hawshii
ammaanka la qaban doono?.
Bishii April 2004 ayey Topcat u guureen degmada Berekely (magaalada St. Stephen ee gobolka
South Carolina) waxana ay ka guureen lix bilood ka
dib...
Qisadii dhex martay shirkada Topcat iyo
magaalada St. Stephen hoos ayaad kaga dhergi doontaan, [Cinwaanka:
Dhibka Heysta
shirkadda Top Cat oo Rajo-darro ku Reebay Magaalada St. Stephen...], balse
marka hore aan sii wadno qormadii Kathryn Cramer.
Ms. Cramer waxay tiri Jariidada Daily Nation ee
Kenya ayaa wax ka qortay dhibaatada dhaqaale ee "Topcat", jariidadaas oo wacday
Casini iyo qof u qaabilsan xiriirka dadweynaha. Qoraalkii Daily Nation oo gebi
ahaantiisu tarjuman hoos ayaad ku arki doontaa. [Cinwaanka:
Su’aalo
ka Taagan Heshiis-badeedkii Soomaaliya...]
Waxaa qalaw igu soo yiri
layaabka ah: sidee ayey u qorshaynayaan in ay dhinac maraan Maraykanka iyo
Cunaqabataynta Qaramada Midoobey, ayey tiri
Ms. Cramer. Xitaa waxa keliya oo ay shirka la yimaadeen hadduu yahay doonyaha aadka u
dheereeya oo loo naqshadeeyey ammaanka, waxay tasi iila muuqataa in ay ka hor
imanayaan qaanuunka USA State Department , maadaama uu jiro qodob la xiriira
doonyahay oo ku qoran liiska loo yaqaan
United States Munitions List.
Kathryn Cramer waxa ay sheegtay in qoraalo
badan oo loo
soo diray su'aalo lagu weydiinayo, mid kamid ah su'aalahaasna ay ugu weyneyd:
Yaa bixinaya lacagtan $55 million ah? Su'aalaha oo xitaa ay is weydiisey
hay'adda wararka ee Reuters (qormadeedii 28/11/2005 ee xusayey in aysan cadayn
meesha ay ka imaneyso lacagta lagu bixinayo heshiiskaas, maadaama ay dawladda
Soomaaliya ku tiirsan tahay mucaawinada deeq bixiyayaasha). Waxaa jirtey in
markii hore la isla dhex maray in la xusay lacagta Midowga Yurub (EU) ee
toddobaadka wararka lagu sheegay in ay dhici karto inloo adeegsado in la siiyo "Top Cat", laakiin
waxaa la ii sheegay, ayey tiri, arrintu sidaas ma aha. Haddaba haddii aan
Midowga Yurub ahayn, markaa waa ayo? ayey is weydiisey. Waxana ay halkaas ku xiriirisay war ku
saabsan shirkii Nairobi ka furmay (23/11/2005) kaas oo socdey muddo afar
maalmood ah kaas oo loogu talo galay in wax laga ogaado baahida Soomaaliya si loo
horumariyo Soomaaliya - JNA (Joint Needs Assessment).
Waxaa kale oo ay sheegtay in la soo weydiiyey, xaggee ayey
"Top Cat" ka dhigan doontaa deked ay adeegsato. Ms. Cramer oo la
hadleysa akhristayaasha waxay tiri: xusuusnow
in dalkani - Soomaaliya - yahay kii ay dawladiisa Kumeelgaarka ahi ay diidey in ay tagto
caasimada Muqdisho arrimo la xiriira ammaanka awgeed. Sidaa dareedeed maxay u
adeegsan doonaan marso ama deked ahaan. Yaa ilaalinaya doonyahooda dgeereeya?
Waxaan u malaynayaa in doonyaha xawaaraha dheereya ay faa'iido yeelanayaan
burcad-badeedada. Ayey tiri.
Ms. Cramer oo qoraalkeedii sii wadata waxa ay
xustay qormo ay qortay shabakada Mountain Runner, taas oo ah: in shirkada "Top
Cat Marine Security" ay u diiwaan gashan tahay magaca Laura Casini, kuna diiwaan
gashan guri la degan yahay (ama goob aan ganacsi ahayn). Waxa loo xusay meesha shirkadaasi ka diiwan
gashan tahay sababtoo ah in ay xiiso leedahay taasi waayo, ayaa qoraalku raciyey,
waxa hawl-galkooda loo wareejiyey magaalada St Stephen, South Carolina, laakiin
xaaladu waxa ay is bedeshey bishii October ee 2004. (Qoraalku waxa uu xusay in
gabadha lagu magacaabo Laura Casini ay ilmo adeer yihiin Peter Casini. Waxaana
magaalada New York uga diiwaan gashay Baar (meel khamri) oo cinwaankiisa sida
laga yaabo ku diiwaan gashan guri la degan yahay oo ku yaal wadada Queens.)
Waxa kale oo la xusay in shabakada "Top Cat -
www.topcatmarinesecurity.com"
laga bixiyey linkiyadii qoraladu ku qornaayeen, kaddib markii su'aalo ka
yimaadeen
heshiiskii Soomaaliya ay la saxiixdeen ee ahaa $55 million oo doolar muddo lab
asano ah...
Ms. Cramer waxaa indhaheeda soo jiitey qoraal
kusoo baxay shabakada Voices Magazine, qoraalkaas oo difaacaya shirkada "Top
Cat". Waxana ay calaamad saartay hadal halkaas ku qoran oo ah: Shirkada
xarunteedu tahay magaalada New York ee
Topcat Marine Security ayaa heshiis qiimihiisu dhan yahay in ka badan $50
million la saxiixatay dawlada Federaalka Kumeelgaarka ah, taasoo kumeel gaar
ahaan u degan Nairobi (waa sida warku u dhigaye) si ay u gelbiyaan
maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya.
Waxa ay Ms. Cramer tiri: waxaan calaamadiyey
qayb kamid ah hadalkii qoraaga taageersan "Topcat", waayo waxaa dhici
karta in ay tahay arrintii ku dhalisay Casini ama tagerayaashiisa ee gacan siinaya hadalkii aan qoraalkayga ku bilaabay ee ahaa in burcad-badeed ay
weerareen markabka dalxiiska ahaa. Waxaana ay Ms. Cramer sheegtay in jariidadaasi ay bixisay
aragti cusub oo ah waxa xaqiiqo ahaan ay qabanayaan 'Top Cat', oo ah waxa ay
kontonka million ku qabanayaan, oo ah Gelbin? Hadaba marka waxay qabanayaan gelbin?
Laakiin haddii ay wax gelibinayaan waa in ay la dagaalamaan burcad-badedka, sow
sidaas ma aha? Sida Hub? sow sidaas ma aha? ayey qoraalkeeda ku xoojisey. Waa meeshaas halka ay akhristayaashu
rabaan in ay ogaadaan. Sidaas daraadeed haddaan ku laabano arrintii cunaqabataynta
Hubka, ma wexey soo dejisanayaan hub?, ay tiri.
Kathryn Cramer waxa ay xustay qoraal cinwaankiisa
laga dhigay:- "Soomaalia: Dawlad Qaran, mise carruur joogta dukaan nac-naca lagu
gado?" Waxana qoraalkaasi xusan sida loola yaaban yahay in dawlada
xubneheeda ku kooban Jowhar ee aan tegi karin magaalada deriska la ah iyo Balcad
sidee ayay u saxiixi karaan heshiis malaayiin doolar ah iyadoo aysan jirin soo
bandhigid, tartan loo galo cida heshiiskaas qaadaneysa, maxkad sare oo aan dalku
lahayn iyo cid madax bannaan oo kor kala socota aysan jirin. (Baarlamaan ka
dooda).
Websiteyada ku xiriirsan qormada Ms. Cramer oo
aan qayb ka soo qaadanay ayaa u qornaa sidan:
- Shabakada Mountainrunner ayaa qortay:
Shirkadii HAFZA waxa ay bishii March 2005 joojisey hawsheedii ku aadanayd
Puntland arrimo la xiriira ammaanka awgeed. Heshiskaas hore ee HAFZA waxa uu
ahaa $50 million oo doolar. Malaha waxaa isku aad lacagta HAFZA iyo tan TOPCAT
ayadoo
aan loola qasdin, laakiin waxaa dhici karta in ay tahay 'albaab dambe' oo
lagu weecinayo mashruucii HAFZA oo loo adeegsanyo qaab kale. (Sida la
xusuusto Bishii Febraayo 2005 shabakada "shirkada" Hafza ayaa shaaca ka
qaaday waraaqihii lagu saxiixday heshiis la sheegay in la kiraystay
magaalada xaafuun muddo 99 sanadood ah. Heshiiskaas oo Xaafuun ka dhigaysa
mid si toos ah uga madax bananan sharciyada iyo qawaaniinta Soomaaliya iyo
kan Puntland.. [Eeg
halkan....])
- Shabakada Gasandoil ayaa qortay: Ethiopia
iyo shirkad Duch ah oo magaceedal ayiraahdo Pexco ayaa makey taariikhdu ahayd
19-10-05 waxay kala saxiixdeen heshiis la xiriira shidaal ka
barista dhulka Soomaalida ee loo yaqaan Ogaden ee bariga Itoobiya ka xiga.
Heshiikaas waxaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday wasiirka Macdanta
iyo Tamarta ee
Itoobiya oo lagu magacaabo Alemayehu Tegenu iyo qareenka
shirkada oo magaciisu yahay Keith S. Jackson. Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa
in muddo 25 sano ah shidaal qodista laga samayn doono gobolka Feerfeer iyo
Abred. Waxaana lagu qiyaasay aaga bedkiisu yahay 29,865 sq km in dakhliga ugu horeeyaa uu noqon doono $5 mm.
Kathryn Cramer oo qoraalkeedii sii wadata waxa
ay xustay
waraysigii
November 27-keedii ee FOX NEWS la yeeshay Peter Casini ee uu kaga hadlayey qandaraaska Soomaaliya. Waxana ay xustay in uusan waraysigaas ku bixin
akhbar badan, uusan u hadlin si cod karnimo ah... [
Daawo
halkan...].
Kathryn Cramer waxa ay shabakadeeda ku qortay
in loo soo diray email hanjabaad ah, waxana ay qortay IP-Adrresskii looga soo
diray, emailkaas oo ay sheegtay in lagu soo qoray erayo ay kamid yihiin:
Haddii la rabo in xaqiiqada la ogaado waa in la
baaro Kathryn Cramer xiisaha wareersan ee ay ku burburineyso shirkada
doonyaha. Sidaas daraadeed su'aashayda ku saabsan adiga -Kathryn- waxay tahay
mid fudud - sawirada qoyskaaga? Yaa adigu tahay xaqiiqadii? ma kuwa xeebaha
waardiyeeya? Haddii qof uu gaari-boolis ka iibiyo booliska magaalada qofkii
wax iibiyey ma waxa uu noqonayaa boolis?
Ms. Cramer waxa ay ku jawaabtey qormo yar oo ay
shabakadeda ku daabacday oo ay tiri:- maadaama sawiradu muujinayaa (waa sawirada
websitekeeda'e) qof caato ah oo caddaan ah oo timaheedu casuus yihiin oo carruur
haysata, ma ahi midna arrimaha sare.;- waxana ay halkaas ka dhigtay [Linkigan...].
[Waxana ay xustay in qoraaladaas ay qortay ay sababeen in emailkeeda ay
kusiyaadiyeen Nigerian Spam].
Waxana ay tiri iyadoo qormadeedii halkii ka sii
waday, sidoo kale waa in aan sheego in ay muuqato in dad badani lacag ku
leeyihiin Casini iyo hawlgalkiisa, dadkaas oo aad iyo aad u danaynaya in ay
ogaadaan cinwaankiisa. Meel uun kamid ah Virginia waa malahayga ugu dhow in uu
hadda ku sugan yahay, ayey tiri Kathryn Cramer.
Waxana ay dubadiiba qoraalkeeda ku xejisey
warkii Voice of America ee Dec 1, 2005, ee ahaa in khubarada ku xeel
dheer tamarta ay sheegeen in sannadka 2020 in afar-meelood-oo-meel Oil-ka ay
adeegsan doonaan Maraykanku in ay ka iman doonto qaarada Afrika.
Qoraalada ay dadweynuhu kaga jawaabayeen
qoraalkii Ms. Cramer ayaa waxaa kamid ahaa in qoraa uu yiri: Mr. Xasan Abshir oo
wax ka saxiixay hesiishka macmalka ah, hadda uguma horeyso heshiis $50 million
ah oo uu saxiixo, waa sida uu qoraalku u dhigaye. Waxana la xusay labadan dhacdo
ee hore oo la sheegay in uu Xasan Abshir wax ka saxiixay laakiin aan waxba ka
hir gelin heshiisyadaas.:
- Heshiiskii October 25keedii sannadkii
2000: Wax yar kaddib markii la doortay dawladii kumeel gaarka ahayd ee Carta,
in Hassan Abshir Farah, oo ahaa wasiirkii macdanta, Biyaha iyo khayraadka
dabiiciga ah, iyo wasiirkii Beeraha, Yusuf Moalim Amin, ay la saxiixdeen
heshiis shirkad Maraykan ah oo magaceeda la yiraahdo
WORLDWATER CORP.
- Total, Fina, ELF oo bishii February 2001
Soomaaliya la galay heshiis baaritaan shidaal.
Heshiisyada kale ee la xusay oo la
sheegay in aan waxba ka qabsoomin waxaa kamid ah Heshiiskii ay DFKMG la
saxiixatay shirkada reer Hindiya ee magaceeda la yiraahdo Sobha Renaissance Information Technology (SRIT),
heshiiskaas oo ka dhacay Hidiya July 21, 2005, waxaana Soomaaliya
u sdaxiixay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Xasan Axmed Jaamac,
Lataliyaha gaarka ah ahna Afhayeenka Madaxweynaha, Yuusuf Maxamed Ismaacil
iyo Agaasimaha guud ee xafiiska ra'iisul wasaaraha, Maxamed Cali
Nuur.
[Eeg halkan.. English version] |
Linkiyada kale ee qoraalkaas kusii xiriirsan
waxaa kamid ah qaybo ka hadlaya heshiiskii Terry iyo DGPL ee ku saabsanaa
shiidaalka iyo Khayraadka Puntland, mid kamid ah qorayaasha ayaana heshiiskaas
meel kaga xiriiriyey Xasan Abshir Faarax.
Qoraa kale oo muujinaywy qaabka ay tahay
dawlada Soomaaliya ayaa yiri: Bal ila eega dawlada laga hadlayaa waatan, waxana
uu link u sameeyey Vedio-gii TV-ga ABC Australia ka soo duubay Jowhar Bishii
September ee sanadkan 2005.. [
Halkan
ka Daawo Video Jowhar.... ].
Qorayaasha arrintaas ka dooday waxay hadalkooda
ku xoojiyeen saxiixa wasiirka kalluulaysiga ee heshiiskan (TOPCAT & SOOMAALIYA
ee $55 million iyo labada sano) in looga dan lahaa in arrinta dhabta ah ee
meesha ka jirta la majara habaabiyo, waxaase meesha ku jiraa waa in loo dig iyo
dam leeyahay Batroolka Soomaaliya, gaar ahaan bartroolka ku jira badda. Waxayna
xuseen sida "calooshooda u shaqaystayashu" ay guusha uga gareen dalka Angola,
labada kooxood ee UNITA iyo MPLA, waa sida qoraalku u dhigaye. Waxana ay xuseen
"calooshooda u shaqaystayaasha" ku sugan Koonfur Afrika iyo kuwa ku sugan
Jabuuti ee loo yaqaan French Legionaries.
Waxana ay qorayaashu xuseen in shir December 7,
2005 lagu qaban doono Minneapolis looga hadli doono sidii Afrika looga cirib
tiri lahaa "Calooshooda u shaqaystayaasha" - (mercenaries). Waxana ay intaas
raciyeen in ay muuqato in shirkado calooshood u shaqaystayaal ah ay dalka
Soomaliya ka cayrinayaan shirkadihii sharciga ahaa. Qoraalku waxa uu xusay ,
iyadoo aan lakala saarin, shirkadaha ilaa hadda la sheegay in ay heshiisyo la
xiriira shiidaalka la galeen Soomaaliya in ay kamid yihiin:
Conoco, Amoco, Phyllips, AGIP, Total, Range
Resources (Puntland), Equitable Life Investment Company inc (Somaliland),
Petronas iyo kuwo kale.
Sidaas daraadeed, ayey yiraahdeen, TOPCAT iyo
saaxiibadeeda suurta gal uma noqon doonaan in ay hawgalka heshiiskaas
hirgashadaan, waayo dalka Soomaaliya waa dal u kala qoqoban qabqablayaal-dagaal.
Waxaana qoraalku kusoo gabaga gabeeyey: In
dadka Soomaaliyeed ay la gudboon tahay in ay si qumman u maamulaan khayraadkooda
dabiiciga ah si ay uga gudbaan iska hor imaadka iyo macaluusha. Waxaana halkaas
link looga dhigay sawirka aad hoos ku arki doontid oo muujinaya qof dumar ah oo
Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalkeeda dhexdiisa aadna u tabaalaysan.. [Eeg
sawirada hoose].
Isku soo xoorinta qormadan, waxay isugu buyo
shubatay in shirkaas lagu sii xiriiriyey shirkado hore uga qayb qaatay heshiisyo
dalal Afrika ah oo dagaalo ka dhaceen, waxaana tusale loo soo qaatay
shirkada Sandline International taas oo heshiis la gashay dalka Papua New Guinea
sannadkii 1997 xukunkii Julius Chan, sidoo kale dalka Sierra Leone sannadkii
1998 heshiisna la gashay madaxweyne Kabbah iyo Liberia sannadkii 2003.
Halkaas waxaan uga gudbeynaa qaybo aan kasoo
tarjumney qormadii dheerayd ee Kathryn Cramer, waxaadna hoos ka arki doontaa
qaybihii kale ee aan kor ku xusnay ee la xiriirey qormadii wargeyska Daily
Nation, qisadii TopCat & magaalada St. Stephen iyo Maxkamadihii musalifka ee
Casini iyo qoraaladii laga qoray.
Arrin kale oo xusida mudan: 1997 / 1998 -
Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana
ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la
xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood
ee kala ah Achair Partners (Swiss), Progresso (Italian).
Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay
warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u
gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo
nin matalayey "madaxweynihii markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in
Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10
million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas
wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta
oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in
heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi
Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nur Elmy Osman.
Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan
yahay 500,000 tons. [Eeg
Qormadii Sunta...]
Su’aalo
ka Taagan Heshiis-badeedkii Soomaaliya
Qoraalkii
Kevin J. Kelly ee New York iyo Stephen Mburu Nairobi
Taariikkdii daabacaadda: 27/11/2005
Jariidadda
“Daily Nation”- Kenya
Akhbaaraha
shabakadaha wararka ee Maraykanka ayaa tilmaamay in shirkad ka diiwaangashan
Maraykanka ay goosatay iney ka dhammeyneyso khatarta burcad-badeedku ku hayaan
xeebaha Soomaaliyeed uu walaac ku jiro shirkadaas hab-dhaqaaleedkeeda .
Shirkadda "Top Cat Marine Security" oo heshiis labo sanadood ah kuna kacaya
$ 55 milyan oo
Doolar kula gashay dowladda Soomaaliyeed magaaladda Nayroobi Jimcadii (25/11/05)
ayaa ku guuldarreysatay inay diyaariso mushaarkii shaqaalaheeda waqti ka mid ah
sanidkii la soo dhaafay sida uu daabacay wargeyska la yiraahdo "The Post and
Courier" ee ka soo baxa Charleston, South Carolina oo ah halka ay ka howlgasho
shirkaddaasi.
Wuxuu
kaloo wargeysku sheegay in Peter Casini oo ah madaxa cilmibaarista iyo
horumarinta ee shirkaddaas lala xiriiriyey guuldarrooyin ganacsi iyo shirkado
kacay (suuqa ka baxay). Casini iyo Geeddi ayaa si wadajir ah uga qeybqaatay
xafladdii qalin-ku-duugga heshiiskaas oo ka dhacay Nayroobi.
Mr Casini
wuxuu gaashaanka ku dhuftay akhbaartaas wuxuuna ka cagojiidayey inuu ka jawaabo
su’aalo, mar telefoon lagula xiriiray.
Mar la
weydiiyey in shirkaddoodu diyaarinweyday mushaarkii shaqaalaha iyo in kale ayuu
yiri: “Maya. Mindhaa waxaad ka hadleysaan shirkad kale. Shirkaddayadu waa 'Top
Cat'”.
Si kastaba
ha ahaatee, mar e-mail lagu xiriiray si ay arrinta wax uga dhahaan ayaa
madaxweyne ku-xigeenka shirkadda qeybta xiriirka dadweynaha oo la yiraahdo
Maryann Johnson tiri: “sheekada shirkadda laga qoray ayaa ahayd sanado hore
waxaana qoray wariye ka soo jeeda magaalo yar oo isha warka uu ka helayba uu
ahaa dambiile dambi ku cadddaaday. Shirkaddani weligeed si toos ah ugama
warbixin arrintan.
Ms Johnson
waxay tiri: “ shirkaddani dhaqaalo ahaan waa sugantahay waana degentahay waxayna
kunturaad ka heysataa adduunkoo dhan iyadoo dhinaca ku heysa shirkadaha ugu
waaweyn ee “badaha” difaaca.
Waxay
kaloo sheegtay in Mr Casini uu ahaa madaxa cilmi-baarista iyo horumarka laguna
abaalmariyey bilad-sharaf ah in loo magacaabo mid ka mid ah seddexda shirkadood
ee ugu horreeya samaynta doonyaha dunida ka jira.
Waxay ku
dartay in Mr Casini uu ahaa shaqaale ee uusan ahayn mulkiilaha shirkadda.
Markii
heshiiska qalinka lagula duugayey Soomaaliya ayaa Casini sheegay in shirkaddu
diiradda saaridoonto markab weyn oo istaaga meel xeebta ka durugsan kaasoo
diraya/adeegsanaya diyaarad yar si ay u weerarto maraakiibta ganacsiga.
"Top Cat" waxay kunturaadyo la gashay hay’adaha dowladda Maraykanka.
Febraayadii dhoweyd, shirkaddu waxay u dirtay doon kuwa wax waardiyeeya ah oo
lagu magacaabo “Cobra Predator” kooxda kahortagga argagixisada ee ka howlgasha
Gobolka Maryland. Doon baa loo gatay iney gacan ka geysato ilaalinta warshad
nukliyeerka dhalisa oo u dhow Washington, DC.
“Senitor”
Maraykan ah ayaa bogaadiyey sida ay wax-ku-oolka u yihiin doomahaasi.
Sidaas ayey qoryay jariidada
Daily Nation ee ka soo baxda magaalada Nairobi ee dalka Kenya. [Eeg
halkan - Eglish Version]
Dhibka Heysta
shirkadda Top Cat oo Rajo-darro ku Reebay Magaalada
St. Stephen
(Gobolka South Carolina, USA)
Qore: Nita Birmingham oo ka socda jariidadda Post and Courier. [Daabacaad:
Oct 12, 2004]
St. Stephen waxay u muuqatay iney heshay lammaane wax ka qabandoona
shaqo la’aantii heysatay kaddib Markii shirkadda samaysa doonyaha aan xabbaddu
karin ay sheegtay iney ka howlgaleyso St. Stephen oo shaqo yaraani ka jirtay
bishii Abriil ayna howlgelindoonto shaqaale dhan 250 qof.
Laakiin lix bilood kaddib ayaa St. Stephen waxay ku dambeysay maxkamad iyo
kala-furasho aan la mahadin.
150 doomood
oo la filayey in shirkadda Top Cat soo saarto sanadkeeda ugu horreeya kuna
sameyso meel horay warshad koronto u ahayd oo ku taal duleedka S.C. Highway 45
ayaan waxba ka soo naaso caddaan. Shaqo-abuurkiina warkiisaba daa.
Taas
cagsigeeda, albaabkii shirkadda waxaa lagu dhuftay quful, shirkaddiina waxaa soo
wajahday in laga saaro meeshay degeneyd, mid ka mid ah madaxdeediinna waxaa loo
taxaabay xabsiga iyadoo lagu eedeeyey wax isdabomarin sidoo kalana waxaa lagu
xukumay lacag lagu leeyahay Isniinta.
Madaxa
shirkadda Onyx International, Vincent Chappell oo ay bakhaarada isla isticmaali
jireen Top Cat iskuna dayey inuu shirkaddaas ka caawiyo iney meel kale degto
ayaa sheegay in yaabiso u timid. Dadkiina neeftii baa ka soo boodday, annaga
keliya maaha laakiin dadweynihii xaafadda degennaa oo dhan.
Wax soo saarka Top Cat iyo guuritaankeeda ay ka guureyso New Jersey oo u
guureyso St. Stephen ayaa u muuqday mid qumman, waxaa sidaas yiri kormeeraha
degmada Berkeley, Jim Rozier. Shirkadda waxaa loogu talogalay inay doonyo
dheereeya oon xabbaddu karin u sameyso hay’adaha sharci ilaalinta, kuwa shilalka
u gurmada iyo kuwa ka hortagga argagixisada. Shirkaddu ma helin wax ku
dhiirrigeliya iney meel kale ka howlgasho.
Madaxa
howlgalka Top Cat, Peter Casini ayaa bishii Abriil sheegay in guuridda shirkaddu
abuuridoonto ugu yaraan 75 shaqo sanadka soo socda dhexdiisa sidoo kalana la
filayo in shaqadu ay seddex-jeer-laab kordhidoonto labo sano gudahood.
Waa war ay ku faraxdo magaalada St. Stephen iyo nawaaxigeedu maxaa yeelay waxa meesha ka
baxay 1,000 shaqo tobankii sano ee u dambeeyey, waxaa sidaas yiri duqa magaalada,
Robert Hoffman waqtigaas.
Waxaa dhowaan shaqo la’aan soo istaagay 300 qof kaddib markii markii
Georgia-Pacific ay xirtay warshaddii Russellville plywood sanadkii 2002.
Tirokoobkii
shaqo la’aanta ee gobolka Berkeley wuxuu ahaa 4.6 boqolkiiba bishii Agoosto.
Madaxweynaha shirkadda Onyx International, Gwendolyn Crosby, ayaa u dhuundaloosha
dalabaadka shaqada ee shirkadda. Onyx waa shirkad yar oo ku shaqo leh bakhaaro
iyo daabbulaad. Crosby waxay dhowaanahan u baahneyd 50 qof shaqo afar maalmood
ah. Waxaa shaqadii soo raadsaday dad ka badan 300 oo qof ayey tiri Crosby,
waxayna heleysay telefoonno waqti dheer ka dib markii shaqadii lagu kala baxay.
Waa wax laga xumaado in Top Cat ka soo bixiweyday balanqaadkeedii. “Waxaan
joognaa meel dhaqaalaheedu aad hoos ugu dhacay markaad isu fiiriso shaqooyinkii
la lumiyey iyo kuwa la abuuray. Waxay la mid tahay adoo ku soo dhacnay meel
cidla’ ah,”. Waxaa sidaa yiri duqa Hoffman.
Rozier iyo Maamulaha
dhaqaalaha ee degmada Berkeley, John Scarborough, ayaa sheegay in aad
mooddo in dhaqaaluhu u saamixin shirkadda Top Cat. Hoffman wuxuu yiri ma
garanayo waxa ku dhacay shirkaddaas kaddib balanqaadkeedii hore.
”Waxaan
aniga lafteydu isku dayey inaan u kuurgalo shirkadda labo jeer anigoo cagaheyga
ku socda ayaan booqday si aan u arko waxa meesha ka socda laakiin meeshii cidna
kama helin,” waxaa sidaas yiri Hoffman.
Isagu ma ahayn qof keliya ee xiiseynayey shirkadda Top Cat.
"Dad badan
oo ka socda hay’adaha sharci ilaalinta ayaa shirkadda u dhabbogalayey mana
filayo iney ahaayeen dad u socday iney doomo gataan,” waxaa sidaas yiri Crosby.
Ganacsato iyo dad kale oo arka albaabkii Top Cat oo quful lagu
dhuftay ayaa ku hakada xafiiska shirkadda Onyx iyagoo weydiinaya in shirkadda
Top Cat ay weli shaqeyso iyo in kale iyo weliba goorta shaqaalaheedu
imaandoonaan, Crosby
baa sidaas sheegtay.
Ma jirto cid
ka socota Top Cat oo soo xaadirtay maxkamad ku taal Moncks Corner Isniintii
dacwo-lacageed yar darteed si ay isaga difaacaan dacwad ay soo oogtay shirkadda
Onyx oo ku saabsan in Top Cat ay bixinweyday lacag koronto. Garsoore David ayaa
hoosta ka xariiqay lacag dhan $ 5’960.45 oo aysan Top Cat bixin.
Madaxweyne ku-xigeenta shirakadda Top Cat qeybta iibka iyo kunturaadyada,
Marianne Cillard oo 36 jir ah ayaa laga rabaa maxkamadda sare ee St. Stephen
maanta kaddib markii xabsi la dhigay asbuucii hore - (waa maalintii wargeysku
qoraalka qoray oo ahayd Oct 12, 2004). Gillard waxaa lagu eedeeyey
iney qortay jeeg dhan $ 650 oo lagala baxay bangi ku yaal New Jersey. Gillard
waxay sheegtay ineysan diyaar u ahayn inay ka hadasho arrintaas maalintii la
xiray ka dib waxayna su’aalihii u gudbisay qareemada shirkadda iyadoon markaas
qareemada lala xiriirikarin si ay arrinta faallo uga baxshaan.
Waxaaa kaloo maxkamadda ku taal Moncks soo oogtay warqad dhul-ka- saarid ah oo
ka dhan ah Gillard iyo Casini oo guryo ka kireystay xaafadda Pinopolis.
Iskuduwaha maxkamadda ayaa sheegay in warqaddii ka saaritaanka ahayd aan wax
laga qaban maxaa yeelay Gillard iyo Casini oon meel loogu hagaago la aqoon.
Teleefoonka Top Cat ee magaalada St. Stephen ayaan shaqeyneyn sidoo kalana ma lahayn
teleefoon ku horqornaa magaca Casini.
Sidaas waxaa qortay jariidada Post and Courier. [Eeg
halkan.... English version]
Mulkiilaha shirkadda
Top Cat Security Casini ooy uga qorantahay musalaf New Jersey dhexdeeda.
Tarjumadii qormadii
Aamina Cabdi Maxamuud ee
28 November, 2005
Jimcihii
bishu ahayd 24 Nufeembar ayaa dowladda ku-meelgaarkaa ee Soomaaliyeed kunturaad
labo sano ah oo ku kacaysa $ 55 milyan la gashay
shirkadda Top Cat oo ka diiwaangashan Egg Harbor, New Jersey, USA. Cinwaanka
shirkaddaas, waqtigaan xaadirka ah lama oga. Qoraalo-maxkamadeed ayaa caddeynaya
in Mr. Casini oo helay go’aano looga xirayo guriguu degenaa iyadoo lagu
dabojoogo canshuuro iyo wax la mid ah. Booqo boga labaad ee xogtii maxkamaddaa:
[Guji halkan....]
Heshiiska waxaa weeye in shirkaddaasu la siiyo lacagta kor lagu xusay iyadoo
bedelkeeda laga rabo iney hesho waddo ay kalluunkii iyo kheyraadkii badda
Soomaaliyeed dib loogu soo cesho Soomaalida.
Si kastaba
ha ahaatee, waxaa jirta sheeko khalad ah oo la siiyey warbaahinta caalamka - in
shirkaddu ka caawineyso dowladda ku-meelgaarkaa iney dhammeyneyso burcadda badda.
Ka hor March 2005 ma jirin burcad-badeed abaabulan. Laakiin waxaa isweydiin
mudan maxaa kor u dhigay burcad-badeedka kaddib intii la doortay madaxweyne
C/hi? Waxaa jira su’aalo kale oo ku wajahan kor u kaca burcad-badeedka iyo
qaabka doomaha cad cad oo dheereeya loogu isticmaalayo burcadnimada oo la helay.
Heshiiskani wuxuu u dhaxeeyaa labo qeybood oo musalifiin ah: Midi waa Mr. Peter
J. Casini, maareeyaha shirkadda Top Cat iyo Xasan Abshir oo ay u magacaawday
wasiirka kalluumeysiga dowlad aan shaqeyneyn oo ku-meelgaar ah.
Labada dhinacba waxay qaadanayaan mas’uuliyadda wixii ka yimaadda
cidday sida khaladka ah u matelayaan. Shirkadda Casini waxay mas’uul ka tahay
waxa uu ka yiri shirkaddiisa isagoon bannaanka soo dhigin iney muddo 4 jeer
musalifeen iyadoo arrintaasi ay gashay diiwaannada makxamadaha New Jersey. Xasan
Abshirna wuxuu mas’uul ka yahay metelaadda khaladka ah maaddaama uusan heysan
awood u fasaxeysa inuu kunturaad galo iyadoon la heyn sharci fasaxaya iyo dowlad
loo dhanyahay midna. Dowladdu waxay u qeybsantahay labo kooxood oo kala jooga
Jowhar iyo Muqdisho. Xasan Abshir wuxuu ku qabiilyahay madaxweyne C/hi oo Jowhar
deggen. Heshiiskan mugdigu hareeyey ee lagu matalayo dadka Soomaaliyeed ayaa ah
eex cad ahna waxa dhidibbada u aasay iska-horimaadka jira.
Taariikhda Peter Casini
Mr. Peter
Casini wuxuu u dhashay qoys Maraykan ah oo Talyaaniga ka soo jeeda wuxuuna
sanadkii 1991 bilaabay inuu dhiso oo qaabeeyo doomo isagoo isticmaalaya
magac-ganacsi ah “Cobra” halka la yiraahdo Grand Egg Harbor River oo ku taal New
Jersey.
Mr. Casini waxaa la soo darsay musalafnimo dheer iyo in dhowr jeer shirkaddiisa
lala beegsaday sharciga gobollo badan sida Texas, South Carolina iyo New
Jersey.
Sida ay maxkamad caddeysay, Mr. Casini wuxuu soo maray afar jeer oo
shirkaddiisa doomuhu kacday ilaa 1992 isagoo mar walba qaadanayey magacyadan:
-
Marine Investors Inc., oo laga dhisay/diiwaangashay New jersey
(NJ) 1995. Shirkaddu waxay kacday 1999.
-
Cobra Sport Fishing Boats
Inc., laga diiwaangashay Egg Harbor, NJ waxay gashay musalafnimo iyadoo uu
qabtay cutubka 7-aad ee musalafnimada ee u yaal Maraykanka NJ dhexdeeda.
Keyskani wuxuu wataa summadda ah 01-14277- NJ.
-
Cobra world Champion
Powerboat Corp., laga diiwaangeshay NJ bishii Febraayo 2000 iyadoo
magacyadaas horana jiraan. Waxay wadataa summad ah 01-16889-NJ.
-
Tsunami Marine
Manufacturing Corporation oo la sameeyey bishii Febraayo 2000 waxaana lagu
daray shirkadaha kacay bishii July 2001. summaddu waa 01-16890-NJ.
Sharciyada lala tiigsaday Mr.
Casini
1. Graustein vs. Casini’s Marine Investors Inc.:
Kiiskan wuxuu ka dhanyahay Casini oo jabiyey
qandaraasyo (kuntaraadyo) sidoo kalana dayacaad sameeyey. Bishii July 2000 maxkamad ku taal
Texes ayaa u xukuntay Graustein inuu la siiyo lacag dhan $ 175,000 iyo
khidmadii qareemada oo dhan $ 75,000 marka la isku geeyana gaaraya $ 250,0000.
Mr. Grasustein wuxuu kaloo soo oogay dacwad kale oo ka dhan ah shirkadda Mr.
Casini laakiin dacwaddii waa la iska tuuray maaddaama ay shirkaddii Casini ay
musalaftay. Isha mari shabakada internetka ee cinwaankeedu yahay: Ref. http://www.njb.uscourts.gov/
[Eeg Halkan..]
2- Dacwad yar oo ka dhacday maxkamad ku taal Moncks Corner, South Carolina.
Shirkad la yiraahdo Onyx ayaa dacwad ku oogtay Top Cat iyadoo loo heystay
ineysan bixin lacagtii khidmooyin loo qabtay ooy ku jirtay lacag koronto. Xaakim
David Brown ayaa qalinka ku dhuftay lacag aysan shirkaddaasi bixin oo dhan $
5,960.45. Sheekadaas ka fiiri cinwaankan: http://charleston.net [Eeg
halkan...]
Akhristayaal waad isweydiin
kartaan:
Maxay C/hi
Yuusuf iyo Xasan Abshir iyagoo matalaya ummadda Soomaaliyeed ku keeneen inay la
saxiixdaan heshiis khalad ah shirkad kacday oo leh taariikh dheer oo musalafnimo
ah, aan heysanna wax hantiya oo weliba lahayn cinwaan sugan oo loogu soo hagaago?
Khidmo yar ood bixiso ayaad ku ogaankartaa inaad macluumad ka heshid shirkadaha
sharci ahaan sugan ee dunida ka diiwaangashan. Waa nasiib-darro inay Soomaali
metelaan dad noocaas oo kale ah oo indho xiran. Ka fiiri halkan maqaalkii
shakiga lahaa ee jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Kenya ka qortay
shirkaddaas: [Guji halkan...].
Heshiiska sidaan oo kale qaaliga u ah wuxuu ku habboonyahay in lala galo
shirkado caalami ah oo furfuran lehna dhaqaale iyo meel loogu soo hagaago mana
ahayn in albaabka gadaale lagoo soo gesho shirkado tuugaa oo la soo xushay.
Qormadii
Aamina Cabdi Maxamuud oo Af-Ingriisi
ah [ka eeg halkan.. English version]
Halkan ka daawo Waraysi lalayeeshay Peter Casini
Tixraac:
http://www.asx.com.au/asx/research/CompanyInfoSearchResults.jsp
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2005
|