Ninka aduunka ugu dheer ayaa lagusoo waramay in uu noqondoono nin
Soomaali ah oo 27jir ah oo lagu magcaabo Xuseen Bisad.
Dhererka xuseen waa 7ft 9in (2.40792 mitir), taas oo uu inyar
kadheeryahay ninka hadda dhererka aduunka haysta oo u dhashay dalka
Tunisia oo lagu magcaabo Radhouane Charbib, dhererkiisuna uu yahay
7ft 8in.
Waxaa wararku muujiyeen in Xuseen Bisad uu hadda yahay ninka ugu
dheer Soomaalida, laakiin si uu u qaato cinwaanka ninka ugu dheer
dunida, looguna daro buuga looyaqaan
Guinness Book Records ee lagu qoro waxyaabaha mucjisooyinka ah,
waa in khubaro cabirka kuxeeldheer arintaas cadeeyaan, waxaana
lasheegay in bisha soo socota markale lacabiri doono.
Waxaa lagusoo waramay in Xuseen uu sheegay in weli uu dherer ku
darsamayo, taas oo ay dhakhaatiirtu walaac kamuujiyeen in hadii
dhereku sii socdo ay u keeni doonto dhibaato caafimaad, taas oo
lagula taliyey in uu dhakhaatiirta latashado.
Xuseen Bisad waxa uu hadda kunoolyahay dalka Ingiriiska, gaar ahaan
woqooyiga magaalada London, xaafadda Neasden [eeg sawirka dhanka
bidix], halkaas oo qaxootinimo kutegey bishii September, markaas oo
uu kasoo kicitimay magaalada Qardho ee Soomaaliya, kadib markii
ruuga ay katoogteen tuugo. Markaas oo uu gaari nooca looyaqaan Lorry
u raacay dalka Itoobiya, kadibna halkaas diyaarad lagaga so qaaday,
markaas oo laba kursi ay shaqaalihii diyaaradaasi u qoondeeyeen.
Sida ay ku warantay jariidada "The Times UK" waxaa hadda Xuseen
loo ogolaaday in uu si rasmi ah u joogikaro dalka Ingiriiska.
Xuseen hadda shaqa mahaysto, laakiin waxaa taageera qaraabadiisa
kunool dalka Ingiriiska, waxaana lasheegay in dhererka sariirta uu
kuseexdaa ay tahay 9ft [2.743 mitir], kabaha uu xirto waxaa lagusoo
sameeyaa dalka Thailand qiimohooduna waa £600, cabirka kabahaasina
waa 26 [size 26].
Waxaa lasheegay in qoyskiisu aysan sidaas uwada dheerayn, xataa
waxaa jirta gabar mataantiisa ah oo lagu magcaabo Khadra oo
dhererkeedu yahay 5ft 5in [1.67 mitir], miisan ahaana aad ayey uga
yar tahay miisaanka Xuseen oo ah 33 stone [209.75 Kg].
Sida ay ku warantahay jariidada "the SUN' caddadkeedii maanta (feb
19), gabar lagu magcaabo Sarah oo u dhalatay dalka ingiriiska ayaa
markii ay qoraalka ninkaas ka aragtay jariidada aad u xiisaysay in
ay la kulanto. sidaad daraadeed ayaa jariidadu Xuseen iyo Sarah u
qabanqaabisay kulan dhexmara, taas ay ku kulmeen magaalada London. [Sawirka
dhanka midig ka eeg Xuseen iyo Sarah oo dhexda ia haysta].
Sarah oo 32 jir ah waxa ay sheegtay in ay jeceshahay ragga
dhaaddheer, taas oo xuseen uu halkaas kasoo dhalaalalay.
Sarah waxa ay jariidada 'the SUN UK' u sheegaty in "maadaama uu
xuseen iyada siiyey Ubax, ilsa mar ahaantaana ay ahayd gabdhii u
horeysey ee katirsan ururka dadka dhaadheer ee Ingiriiska, ay gabdha
badan oo urukaas ka tirsani kamasayri doonaan arintaas".
Waxaana wargeysku intaas kudaray haddaa xiriirkooda jacayl ee
Xuseen iyo Sarah uu horamar yeesho, waxay noqondoonaan qoyska ee ugu
dheer dalka Ingiriiska, waa sida wargeysku u dhigaye.
Waxaa wararku sheegeen in xuseen uu ahaa ninka Soomaaliya ugu
dheer ilaa sannadkii 1999 markaas oo uu dhererkiisu gaarey 7ft 7in,
intii kadambeyseyna uu aad u dheeraaday.
Cuntada uu cuno waxaa lasheegay in ay kamid tahay 5lb [2.27 kg]
oo baasto ah, waa cuntada dhexe ee maalintii.
Ninkii weligiis dunida ugu dheeraa, inta diiwaan gashan, waxaa
lagu magcaabi jirey Robert Wadlow oo u dhashay dalka Maraykanka,
waxaana dhererkiisu ahaa 8ft 11ins [2.47 mitir], ninkaasi waxa uu
dhintay sanadkii 1940.
Waxaa soo ururiyey Bahda SomaliTalk | Canada
Febraayo 19, 2002