SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DOODFURAN
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qoraaladii Doodiihii 2003 halkan ka eeg....



Sidee Fikradayda ugu Daabacaa Bogga DoodFuran?

Qoraallada iyo fikradaha dadweynahu waxaa si tooska ah ugu daabaci karaan golaha DoodFuran, si toos ah ayaad u akhrisan kartaa. Waxaa shardi ah in qoraalladu yihiin kuwo ku socda qaab asluub, xushmad iyo fikrad saliim dhiibasho ah.

Wax lagaaga baahan yahay ma jiraan haddii aad akhrisaneysid fikradaha ku qoran DoodFuran. Laakiin haddii aad rabtid in aad fikradaada si toos ah u cabbirtid, waa in aad "naanays" (magac gaar kuu ah) iyo "Fure"ka samaysatid golaha.

Waxaadna ka samaysan kartaa bogga DoodFuran:

Haddii aad caawinaad u baahatid sidii aad golaha "Naanays" ama magac kuu gaar ah iyo "Fure" uga samaysan lahayd raac habkan hoos ku qoran:

1. Booqo bogga: http://www.somalitalk.com/dood/. Markaas guji linkiga "Register" ee boggaas dhankiisa sare ee xiga midigta - Eeg sawirka hoose.

2. Markaas baalka soo bixi doona waxa uu ku weydiinayaa in aad aqbalaysid nidaamka asluubta ee u deggan golaha DoodFuran iyo in da'daadu ka weyn tahay 13-sano-jir, markaas haddii aad aqbashid guji linkiga ku haboon - Eeg sawirka hoose meesha ka calaamadsan.

3. Haddii aad aqbashid, markaas baalka soo bixi doona buuxi meelaha ku habboon si aad u samaysatid naanays ama magac kuu gaar ah iyo fure.


XUSUUSIN: Ha illaawin in aad xarfaha ka muuqan doona bartamaha bogga ee loogu talo galay hubinta in aad sida ay yihiin u qortid meesha bannaan ee ka hoysa barta ay ku qoran yihiin. Ogowna meelaha leh callaamadda xiddigta (*) macneheedu waa shardi in aad buuxisid. Xusuusnow in ay shardi tahay in aad qortid email sax ah waayo emailkaas ayaa waxaa durbadiiba computerku kuugu soo diri doonaa link kuu suurta gelinaya in aad golaha si toos ah wax ugu qori kartid.

4. Markaas guji batoonka 'submit' ee dhanka hoose ee shaashadda. Waxaa soo bixi doona shaashad ku xusuusineysa in loo bahan yahay in aad furtid emailkaaga.

6. Markaas fur emailkaaga. (Waa emailkaaga caadiga ah ee aad ku buuxisey meelaha bannaan ee foomka sare) Waxaad durbadiiba heli doontaa email kaaga timid golaha DoodFuran oo kusoo dhoweneysa. Waxaa emailkaas ku qoran link ku saabsan sidii aad naanaysta aad samaysatay uga dhigi lahayd mid shaqaysa. Guji linkigaas.


XUSUUSIN: Haddii aadan gujin linkiga la socda emailka kaaga timid qaybta DoodFuran (ee kuugu soo dhacday Emailkaaga), markaas bogga doodfuran qoraalada toos uguma qori kartid.. Marka aad gujisid linkiga la socda emailka waxaad markaas suurtagal kuu noqon doona in aad qoraalada toos ugu qori kartid DoodFuran.

7. Waxaa markaas kuu furmi doona golihaha DoodFuran.

8. Markaas guji linkiga dhanka sare ee ay ku qoran tahay "Log in". Barta Username: ku qor naanaystaadii, sidookale barta Password: ku qor furahii aad samaysatay. Markaa guji batoonka "Log In" ee dhanka hoose.

9. Wixii markaas ka dambeya qoraallada si toos ah ayaad ugu qori kartaa golaha DoodFuran. Haddaba, guji qaybta ama mowduuca aad rabtid in aad u jawaabtid. Waxaad markaas arki doontaa laba batoon oo ay ku qoran yihiin "NewTopic" iyo 'Postreply".. Marka haddii aad rabtid in aad jawaabtid guji batoonka "Postreply", haddiise aad rabtid in aad adigu mowduuc cusub bilowdid guji "Newtopic".

10. Marka aad dhamaysid akhrinta iyo qorista qoraallada golaha DoodFuran, markaas haddii computerka aad adeesganeysid uu yaal meel dad u dhexeeye ah, sida goobaha "Internet Cafee" iwm, inta aadan ka bixin bogga golaha DoodFuran, guji linkiga dhanka sare ee ay ku qoran tahay "Log Out [iyo naanaystaada]" si aan qof kale magacaga ama naanaystaada u adeegsan.

11. Markaas waxaad xubin ka tahay golaha DoodFuran markii aad doontidna aad qoraaladda kusoo qori kartid, qoraallada waxaa shardi ah in ay waafaqan asluubta aad aqbashay iyo xeerka u deggan golaha DoodFuran ee anshax wannaaga iyo doodda hufan.

Xusuusnow wixii markaas ka dambeeya, marka aad soo booqatid bogga www.Somalitalk.com/dood/ waxa keliya oo aad u baahnaan doontaa waa 'naanaysta' iyo 'furaha' aad samaysatay. Haddii aad ilowdid guji linkiga "I forgot my password" ee ku qoran dhanka hoose ee meesha loogu talo galay furaha iyo naynaasta. (Eeg sawirka hoose).

Xusuusnow: Waxaa muhiim ah in aad waqtigaaga ku bixisid qoraal ama fikrad dadka akhritaa ay wax ka faa'iidayaan.

Bahda SomaliTalk.com waxay kugu soo dhoweynayaan golaha DoodFuran.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com