Ergay
Qureysheed Oo Nabiga (scw) Horfadhiya
Kadib markii ay islaameen labadaan geesi
ee horyaalka ah, Xamza iyo Cumar –Alle haka raalli noqdee—dulmigii iyo
xaqdarradii ayaa xoogaa feydmay, waxay mushrikiintu ka baraarugeen
sarkhaankii ay ku jireen ee silicdilyaynta muslimiinta iyo dullayntooda
ahaa, sidaa darteed waxay isku dayeen bal inay Rasuulka (scw) kula
gorgortamaan in si gacan furan loogu harqiyo wax walba oo suuragal ah oo
laga yaabo in ujeedadiisa uu hawlgalkaan ka leeyahayi ay tahay, si ay
uga joojiyaan, hasayeeshee waxaysan masaakiintaani u xog haynin in
dhamaan dunida qorraxdu usoo baxdaayi aysan garab kaneeco u dhigmin
marka la feerdhigo dacwadiisa, sidaa awgeed way ku fashilmeen wayna ku
guul darraysteen dantii ay dooneen.
Sida Albayhaqi uu sheegay maalin ayaa
Abujahal iyo dhamaan islawaynayaasha mushrikiintu ay talo goyn u
fariisteen, marka Abujahal ayaa hadalka furey oo yiri, odayaal sidaad la
socotaan ninkaan Muxamed arrintiisu waa nagu dheeraatey waana nagu dhex
fidday, maynu u dirro nin caalim ku ah sixirka, kahaanada –xiddiga
sheegnimada—iyo gabayga, oo la hadla una kuurgala kadibna nooga keena
warbixin cad xaaladdiisu waxa ay tahay, Cutba ayaa yiri, odayaal anigu
waxaan waqti hore daraaseeyay sixirka, kahaanada iyo gabaygaba, cilmi
ayaanna u leeyahay, mana dhici karto inuu iga qarsoomo haddii cudurkiisu
kuwaas yahay, markaas ayey yiraahdeen u tag hadaba Abalwaliidow, Ibn
Isxaaq wuxuu isagu qisadaan ka wariyay Muxamed Ibn Kacab Alquradi inuu
yiri, waxaa la iisheegay in Cutbata Ibn Rabiica (1)
–wuxuuna ahaa kaabbaqabiilka ciddiisee—uu maalin yiri isagoo xarunta
Qureysheed fadhiya Nabiguna (scw) uu meel gees ah oo masjidka kamida
fadhiyo, bulsha waynta Qureysheey miyaysan qumanayn inaan Muxamed la
kulmo inaan la hadlo? Oo aan u bandhigo waxyaalo ay suurowdo inuu
qaarkood iga aqbalo, si aan u siinno isna dhibkiisa nooga joojiyo –xilligaasina
waa markii Xamza islaamay oo ay arkeen saxaabada Nabiga (scw) ayagoo sii
badanaya oo kordhaya—markaasay dheheen: haa Abal waliidow, u tag oo la
hadal, Cutba waa dhaqaaqay ilaa uu Rasuulka (scw) la fariistay markaas
ayuu intuusan ujeeddadiisa guda galin hadallo xigmad yar ku hadaaqay oo
yiri, ma waxaad ka khayr badan tahay Haashim mise ka khayr badan tahay
Cabdulmudalib ama Cabdullahi, Nabiguna (scw) waa fiirinayey umase
jawaabin.
Markaas ayuu isdajiyay oo yiri,
maandhow waxaad dhexyada ka joogtaa meesha aad ogtahay, haybadda qoyska
ha ahaato amase qaymiga nasabkee, waxaadna reer tolkaa ula timid,
mushkilo wayn oo aad ku kala firdhisay isku duubnidoodii, ku liidday
cuqaashoodii, ku ceebaysay ilaah yadoodii iyo diintoodii, kuna
gaalaysiisay mowtidoodii hore ee aabayaashood, marka maandhow iga
dhagayso arrimo aan kuusoo jeedin doono, iskana fiiri waxaa suurowda
inaad qaarkood ogolaataaye, Rasuulku (scw) wuxuu yiri, dheh Abalwaliidow
waan ku maqlayaaye, markaas ayuu yiri, maandhow haddii dantaada aad
waxaan aad la timid ka leedahay ay tahay inaad hanti ku tabacdo
maalkayaga oo dhan ayaan isugu kaa daraynaa ilaa aad noqoto kan noogu
xoolo badan, haddaad sharaf iyo magac doonayso dushayadaan kuu caleemo
saaraynaa ilaa aannaan talo goosan adiga la’aantaa, haddii aad
boqortinimo ku doonayso boqorbaan kuu dooranaynaa, haddii waxaan kuu
imaanayaa rooxaano –jinniyo—yihiin aad arkeyso aadanse naftaada ka celin
karin caafimaad baan kuu raadinaynaa, hantiyadana waan kuu huraynaa ilaa
aad ka biskooto, waxaa suurowda in rooxaanuhu ninka ka adkaadaan ilaa
laga daaweeyee, ilaa Cutba hadalkii dhameeyey.
Rasuulka Allana (scw) waa dhagaysanayaa,
markaas ayuu yiri, ma dhamaysay Abalwaliidow? Markaasuu yiri, haa,
Nabiguna (scw) wuxuu yiri, iga dhagayso hadaba, suuye haye: ((Bismillahi
Raxmani Raxim: Xa miim: Soo dajintii katimid raxmad badanaha guud raxmad
badanaha gaar ahaaneedna ah: Kitaab loo kala saarsaaray aayaadkiisa
qoomkii wax garanaya: Bishaareeye digniin bixiye –isagoo ah—wayna ka
jeesteen badankoodii oo waxba maqli mayaan: Waxayna yiraahdeen
quluubtayada daboolbaa kaga xiran waxa aad noogu yeerayso dhagahayagana
culays baa kaga jira annaga iyo adiga dhexyadayadana darbi–teed—baa ku
xiran ee dhinacaaga u camal falo annaguna waan camal falaynaa)) Rasuulku
(scw) wuxuu guda galay inuu ku dul akhrinayo bilowga suuradda Fusilat,
Cutbana waa aamusay oo gacmaha inta gadaal ka ritay isku tiiriyay isagoo
dhagaysanaya, ilaa uu Rasuulku (scw) gaaray sujuudda suuaradaan ku jirta
kuna sujuuday, markaas ayuu yiri, waad maqashay Abalwaliidow, ee adiga
iyo waxaad maqashay ayaan isaga kiin dhexbaxay!!.
Markaas ayuu Cutba raggiisa xaggooda u
dhaqaaqay, markaas ayey inta isdhugteen dheheen, wallaahay wuxuu idiin
la yimid waji ka badalan wajigii uu idin kala tagey, markuu la fariistay
ayey dheheen: maxaad la kulantey Abalwaliidow? Wuxuu yiri: waxaan la
kulmay inaan maqlay hadal wallaahay aanan isagoo kale waligay maqal,
wallaahay inuusan gabay ahayn, oo sixir ahayn, oo kahaano ahayn, bulsho
waynta Qureysheey iga yeela talada oo markaan aniga iidaaya, isaga dhex
baxa ninkaan iyo hawlgalkiisa uu ku jiro oo faraha ka qaada, Allaan ku
dhaartaye hadalkiisu inuu yeelan doonaa dhacdo taariikheed wayn oo
waarta, haddii carabi disho gacan aan tiinna ahayn ayaad ku ciil
beesheen, hadduu carab ka guulaystana, boqortooyadiisu waa
boqortooyadiinii, cizigiisuna waa cizigiinnii, dadkana idinkaa ugu
mudnaan doona agtiisa, markaas ayey yiraahdeen, wallaahay Abalwaliidow
wuxuu kugu sixray carrabkiisa, markaas ayuu yiri, aniga taladaydu
wataase sidaad doontaan ka yeela.
Qisadaan dacalkeeda kale wuxuu
caddaynayaa in Cutba uu Nabiga (scw) dhagaysanayey ilaa uu gaaray qowlka
Alle ee ((Hadday jeestaan dheh –Nabi Alloow—waxaan idiinka digay suuxiso
–musiibo cirwareento ah—oo la mid ah cirwareentadii Caad iyo Thamud –asiibtay))
markaas inuu istaagay isagoo cabsi la gariiraya, markaas uu afka gacanta
ka saaray oo yiri: Ilaah iyo riximkaan kugu dhaariyee jooji, isagoo ka
cabsanaya in digniinta laga digayaa ku habsato, kadibna in uu nimankii
meesha fadhiyay xaggooda aaday ayuu hadalkii aan soo marray yiri.
Abutalib
Oo Shirinaya Bani Haashim iyo Banil Mudalib.
Dhacdooyinkii iyo maalmahii ayaa
mooshinkoodii ay ku socdeen iska baddalay, xaaladihii iyo duruufihii
ayaa isdooriyay, waxwaliba wajigoodii mid ka duwan ayey lasoo bexeen,
Abutalibna si xeeldheer ayuu ugu kuurgalayey sida arrimuhu u socdaan,
waxaana naftiisa kusoo badanayey dareen cabsiyeed isasoo taraya in
mushrikiintu maagan yihiin in ay dilaan wiilka walaalkiis dhalay, wuxuu
si taxaddar leh u fiirinayay dhacdooyin iska dabayimid usbuucyada lasoo
dhaafay gudahooda, tusaale ahaan waxay mushrikiintu ku haddadeen loollan
dagaal oo isaga ka dhan ah, waxay isku dayeen gorgoro wiilkiisa ay kaga
baddashaan Cumaarata Ibn Alwaliid si ay u dilaan,
Abujahal
dhagax danbasyaal ah ayuu sii walwaalay si uu wiilka walaalkiis dhalay
madaxa ugaga barraajiyo, Cuqbata Ibn Abimucayd go’ ayuu ku ceejiyey oo
wuxuuba ku sigay inuu dilo, Cumar Ibn Khataab isagoo seeftiisa wata ayuu
tagay si uu uga takhaluso wiilka walaalkiis dhalay Nabiga (scw),
Abutalib arrimahaan oo dhan ayuu u fiirsanayey wuxuuna ka urinayay
saxansaxo shar oo qalbigiisu la xasili la’yahay, waxaana agtiisa hubaal
noqotay in mushrikiintu go’aansadeen inay xeerkiisa iyo xurmadiisa
magangalinta jabiyaan, sidoo kale inay go’aansadeen inay dilaan
wiilkiisa Nabiga (scw) maxaa hadaba Xamze ama Cumar badbaadin karaan
haddii qof mushrikiinta kamid ahi si hallad ah gaadmo ugu dilo Nabiga (csw).
Ma waxbayse gooyeen Gaaladu oo amar ah (dhibka
Nebiga) anaguna waxbaan goynaynaa (ciqaabtooda): Suurat
Az-Zukhruf, Aaayada 79aad
|
Arrimahaan ayaa Abutalib hubsaday mana
aysan ahayn xaqiiqo un mooyee, waxay gaaladu wadatashiyo badan kadib
isku waafaqeen inay si aan qarsoonayn u dilaan Rasuulka Alle (scw),
go’aankaanina waa kan Alle ku tilmaamay qowlkiisa ((Misse waxay
go’aansadeen arrin –dilka Nabiga—annaguna waxbaan go’aansannay –ciribtirkooda))
43:79 maxaa hadaba Abutalib la gudboon si uu mushkiladaan uga lugboxo.
Markii uu arkay sida naxariis darrada
ah ee Qureyshi u hurinayso xumaatada loo dhan yahay ee lagala soo
horjeedo wiilka walaalkiis dhalay, wuxuu kulmiyay laftiisa Banihaashim
iyo lafta kale ee ay Cabdimanaf wada yihiin ee Banil Mudalib, halkaas oo
uu inta ka dhex istaagay ugu yeeray difaacidda Nabiga (scw) isagoo ku
dhiirri galiyay inay geeri iyo nololba iyagu dhiiggiisa leeyihiin
dadkana ka xigaan, hadaba raggii kulankaan kasoo qayb galay ee labadaan
lafood u dhashayi muslim iyo gaalba kulligood waxay Abutalib la qaateen
kuna garab istaageen mowqifkiisaan, ayagoo ka gubanaya xeerkooda magan
galinta ee la jabiyey, marka laga reebo Abullahab oo isagu nacaybkiisa
uu Nabiga (scw) u hayo dartiis tolkiis hareer maray oo Qureysh la
jirsaday.
Cunaqabayntii Guud
Afar dhacdo oo marka mushrikiinta loo
fiiriyo waawayn ayaa dhaqso isaga daba yimid muddo ku siman afar usbuuc
oo qura gudahood, dhacdooyinkaan oo kala ah: islaamiddii Xamza, kadibna
Cumar, kadibna Nabiga (scw) oo ku gacan sayray gorgorooyinkii ay usoo
jeediyeen, kadibna Banul Mudalib iyo Banihaashim oo axdi beeleed ku kala
xirtay muslimkoodii iyo gaalkoodiiba difaacidda Nabiga (csw) iyo
ilaalintiisa, dhacdooyikaan dartood ayey la wareereen mushrikiintu wayna
mudnaayeen wareer, sababtoo ah waxay ogaadeen in haddii ay isku dayaan
daldalidda Nabiga (csw) uu waadiga Makka dhiiggoodu harqinayo isaga
hortiis, waxaaba suurowda inay arrintu isu rogto qalalaaso amase sabuubo
ay dhamaantood la rogmadaan ama la cirib beelaan, xaqiiqooyinkaan oo
dhan ayey hubsadeen markaas ayey u leexdeen dulmi iyo gaboodfal kale oo
aan dilka gaarsiisnayn hasayeeshee ka qaraar dhamaann wixii ay
hagardaamo iyo dhib hore u gaysteen.
Axdigii Gaboodfalka
iyo Cadowtinimada
Waxay ku kulmeen daanta koonfureen ee
waadiga Muxassab halka –loo yaqaan daanta baniikinaana-Islamarkaana
waxay saxiixeen isbahaysi ka dhan ah labada lafood ee Banihaashim iyo
Banil Mudalib, axdigaan dulmiga ku dhisani wuxuu ka koobnaa qodobo aad u
naxariis daran oo kala ah sidaan: inaan lala xididin ama laga guursan,
inaan wax laga iibin ama laga soo gadan, inaan lala fariisan ama la
dhexgalin, inaan guryahooda la galin ama lala hadlin, ilaa ay Rasuulka (scw)
soo dhiibaan si loo daldalo, waxayna gaboodfalkaan ku qoreen saxiifad
laga saxiixay isimadda cuqaasha iyo dhamaan islawayneyaasha, ayadoo nin
walba ay u weheliso ballamo adag iyo dhaaro kulkulul “in aysan waligood
Banihaashim ka ogolaanaynin heshiis, in aysan waligood u turayn una
naxaynin ilaa ay Nabiga (scw) usoo gacan galiyaan si loo dilo” Ibn Qayim
wuxuu yiri, waxaa la sheegay in ninkii warqadaan gacantiisa ku qorayi uu
ahaa Mansuur Ibn Cikrama Ibn Caamir, waxaa kaloo lagu sheegay, Nadar Ibn
Xaarith, sida saxda ahise waa inuu ahaa Baghiid Ibn Caamir Ibn Haashim,
marka Nabiga (scw) ayaa habaaray islamarkiiba gacantii ayaa qallashay.
Markii axdigaan la ansixiyay oo uu
dhamaystirmay, waxaa saxiifaddii la suray meel gudaha Kacbada ah,
islamarkiibana waxaa la bilaabay dhaqan galintii iyo fulintiisii, hadaba
labadii lafood ee Banihaashim iyo Banil Mudalib dhinac ayey isugu
miirmeen muslimkoodii iyo gaalkoodiiba –marka laga reebo Abullahab—waxayna
ku urureen gudaha beer loo yaqaan gosha Abitalib, halkaas oo ay ku
oodmeen laga bilaabo dhalashada bisha Muxarram sannadka todobaad ee soo
saarista Nabiga (scw).
Saddex Sano Gudaha
Goshii Abitalib
Cunaqabatayntii iyo go’doomintii ayaa
qaraaraaday, waxaa ka dhamaaday cad iyo caano, baad iyo biyo, quud iyo
qori dhamaan wixii ay gacanta ku hayeen, laga soo bilaabo markii ay
hirgaliyeen axdigaan kuma aysan gaabsan mushrikiintu dhaqan galintiisa
kaliya ee waxay ku hawllanaayeen olole ballaaran oo ganacsatada
magaalada soo galaya lagala wareegayo bocsharooyinka ay ganacsiga u
wataan si aysan Banihaashim ugu gudbin, ilaa balaayadii, gaajadii iyo
waxla’aantii ay heerkii ugu xumaa gaareen, oo ay u dhib muteen inay
cunaan hargaha qallalan amase daaqaan caleenta geedaha, sidoo kale ilaa
waadiga gudihiisa laga maqlayey wiiraaska caruurta iyo dumarkooda ka
yeeraya baahi iyo aqsoobid darteed.
Sannadahaas oo dhan ma jirin wax jidiin
la mariyo oo gaari jiray si qarsoodi ah mooyaane, mana loo ogalayn inay
soo iibsadaan baahiyahooda bilaha la xurmeeyo waqti ka baxsan, xilliyada
qaarkood waxay raggooda gaashaan qaadka ahi u bixi jireen meelo fogfog
ayagoo ganacsatada Makko usoo socota kaga soo iibsanaya badeecooyinka,
laakiinse reer Makko si ay cunaqabataynta u meelmariyaan qaymaha ayey
badeecadaas ku qaaliyayn jireen ilaa ay cirmar noqoto aysanna awoodin
inay gooyaan.
Sarreen
|
Xakiim Ibn Xizaam ayaa marar sarreen
ula dhuuman jiray eeddadiis Khadiija Bint Khuwaylid, marka maalin ayaa
waxaa jidgooyo ku sameeyay Abujahal si uu ugu diido, arrintiina dagaal
ayey isu rogtay ilaa uu kala dhexgalay Abulbakhtari, una suuro galiyay
inuu sarreenkii yaraa u gudbiyo eeddadiis, dhinaca kale Abutalib wuxuu
cabsi ka qabay in Rasuulka (scw) gaadmo lagu dilo, markii habaynkii
hurdada la gaaro ayuu Rasuulka (scw) oran jiray seexo joodarigaaga ilaa
qofkii dilkiisa damacsani uu arko meesha uu seexday, markii gam’idda la
guda galo ayuu wiilashiisa ama walaalihiis amase adeerradiis gogosha uga
baddali jiray, Nabiguna (scw) joodarigii ninkaas seexan jiray.
Xilliga wareegtada Xajjka Rasuulka (scw)
iyo muslimiintuba waxay usoo bixi jireen meelaha dadku dagaan oo
islaamka ugu yeeri jireen, waxaynuna soo marray dhaqan xumadidii uu
Abullahab hawshaan ka gaysan jiray.
Burintii Saxiifaddii
Gaboodfalka
Saddex
sano oo kaamil ah ayaa gudubtay wax isbaddal ahina uusan soo kordhin,
hadaba curashadii bisha Muxarram sannadka tobnaad ee nabinnimada ayaa
waxaa si lama filaan ah u dhacday burinta axdigii gaboodfalka ahaa iyo
dulmiga, jeexidda warqaddii xaqdarrada lagu qoray, waxaana tallaabadaan
horseeday in markii hore Qureyshi ku kala qaybsanayd axdigaan qoristiisa
iyo dhaqangalintiisa qof ku qanacsan iyo qof dhibsanaya labadaba, waxaa
hadaba burintiisa ka shaqeeyey dadkii dhibsanayey.
Hishaam Ibn Camar oo u dhashay lafta
Bani Caamir Ibn Lu’ayi wuxuu ahaa dadkii markii hore kasoo horjeeday
meelmarinta axdigaas, islamarkaana wuxuu gaarsiin jiray Banihaashim
raashin uu si dhuumasho ah ugu gayn jiray habaynkii, ninkaani markii uu
qaymeeyey duruufta dadkaani heerka qaraar ee ay gaartay, wuxuu u tagay
ninkale oo lagu magacaabo Zuhayr Ibn Abi Umaya –hooyadiisna tahay
Caatika Bint Cabdilmudalib—markaas ayuu ku yiri: Zuhayrow ma waxaad ku
raalli noqotay inaad wax iska cunto iskana cabto abtiyaashaana xaaladda
aad ogtahay ay ku jiraan? Markaasuu yiri: war heedhe balo ku arki
waydaye maxaan sameeyaa nin kaliya unbaan ahaye, wallaahay haddaan hal
nina heli lahaa waxaan u istaagi lahaa burinta warqaddaas xun, Hishaam
wuxuu yiri: nin waad heshay, suuye waa kuma, suuye waa aniga, markaas
ayuu Zuhayr yiri, nin saddexaad inoo raadi.
Markaas ayuu wuxuu aaday Mudcam Ibn
Cadiyi, wuxuuna uga sheekeeyay ehelnimada Banihaashim iyo Banil Mudalib
iyo marxaladda qallafsan ee ay maanta ku jiraan, islamarkaana wuxuu ku
dhaleeceeyey ku waafaqsanaantiisa Qureysh axdigaas gurracan ee
xaqdarrada ku dhisan, markaas ayuu Mudcim yiri: war heedhe balo ku arki
waydaye maxaan samayn karaa hal nin ah unbaan ahaye? Markaasuu yiri
ninkale ayaa ku garab taagan, suuye waa kuma, Hishaam wuxuu yiri, waa
aniga, odaygii wuxuu yiri: war nin kale inoo raadi, suuye horaan u
raadshoo waa Zuhayr Ibn Abi Umaya, odaygii wuxuu yiri, nin afraad inoo
raadi.
Markaas ayuu wuxuu u tagay Abulbakhtari
Ibn Hishaash, wuxuuna usoo jeediyay hadalkii uu kula hadlay Mudcim oo
kale, markaas ayuu odaygii yiri: ma jirtaa cidkale oo figraddaan inaku
raacsan, suuye haayoo waxaa inala qaba, Zuhayr Ibn Abi Umaya iyo Mudcim
Ibn Cadiyi aniguna waan ku garab taag nahay, markaasuu yiri odaygii nin
shanaad inoo raadi.
Markaas ayuu wuxuu u tagay Zamcata Ibn
Aswad Ibnul Mudalib Ibn Asad, wuxuuna lasoo hadal qaaday eheltinimada
Banihaashim iyo xaqa sokeeye nimada ee la gooyey, islamarkaana wuxuu u
bandhigay kala shaqaynta jabinta axdiga gaboodfalka ku dhisan, markaas
ayuu odaygii yiri, ma jirtaa cidkale oo figraddaan nagu taageeri doonta
haddaan u istaagno, suuye haa, wuxuuna u magacaabay raggii hawgalka kula
jiray, marka raggaani intay wada ballameen ayey waxay ku kulmeen goobta
loo yaqaan xajuun, halkaas oo ay isku dhaarsadeen inay u istaagaan
jabinta axdigaas xaqdarrada ku dhisan, sidoo kale inuu Zuhayr Ibn Abi
Umaya noqdo ninka ugu horreeya ee arrintaan qarxinaya ragga kalana ay
markaas iska daba hadlaan ayagoo qaddiyaddaan ayidaya una jawaabaya
ciddii ka hortimaadda.
Subixii nin waliba wuxuu kusoo kallahay
xarunta Kacbada naadiga booskii uu ku lahaa, Zuhayrnna –ninkii hadalka
bilaabi lahaa—wuxuu soo kallahay isagoo iskujoog qurux badan ku labisan,
markaas ayuu Kacbada dawaafay todobo goor oo inta dadka xaggiisa usoo
jeestay yiri: bulshada reer Makkow ma cunnadaan cunaynaa oo dhar
quruxsan xiranaynaa, ayadoo Banihaashim rogmadeen, waxba aan laga iibin
lagana iibsan, wallaahay inaan fariisanayn ilaa aan jeexjeexo warqaddaas
arxan goyska ah ee khayr darrada lagu qoray.
Abujahal –oo dhinac fadhiyay—ayaa yiri,
beentaa weeye, wallaahay inaadan jeexi karin, Zumcata Ibnul Aswad ayaa
yiri, wallaahay adigaa ka been badan!! Markii horaba kama aannaan raalli
ahayn qoristeeda iyo wixii lagu qoray midna, Abulbakhtari ayaa yiri:
runtiis weeye Zumca, kama aannaan raalli ahayn waxa lagu qoray mana
ansixinayno, Mudcim Ibn Cadiyi ayaa yiri: runbaad sheegteene beenlow
waxaa ah ciddii wax kale ku hadashay, hor alle ayaan bari uga nahay
warqaddaas iyo waxa ku yaalba, Hishaam Ibn Camar ayaa isna yiri
hadalladaas hadal lamida.
Markaas ayuu Abujahal isagoo yaabban
yiri: waa arrin habayn la qorsheeyay, meel aan halkaan ahaynna taladeeda
lagu gooyay.
Dhinaca kale subaxaas waxaa masjidka
fadhiyay Abutalib oo sababta isna u yimidi tahay, in Alle Nabigiisa (scw)
tusiyey warqaddii xaaladda ay ku sugan tahay, in Alle u diray aboor oo
uu markaa cunay dhamaan wixii gudaheeda ku yaallay ee gaboodfal, rixin
goys iyo dulmi ahaa, marka laga reebo meel yar oo ay kaga taallay magaca
Alle subxaanah iyo xuskiisa, markaas ayuu Nabigu (scw) arrintaan
adeerkiis uga warramay, Abutalib markii uu arrintaan la kulmay ayuu guud
ahaan Qureysh ku yiri, warkaas ayuu Muxamed ii sheegay, hadduu been
sheegayo waan idiinka leexanaynaa sidaad doontaan ka yeela, haddii uu
run sheegayana waad ka noqonaysaan cunaqabataynta aad na saarteen iyo
xaqdarrada aad noo gaysateen, markaas ayaa waxaa la wada yiri, caddaalad
ayaad ku hadashay, Abujahal mooyee.
Kadib markii haddaba hadalkii la isku
jiidjiiday Abujahal iyo kooxdaan kasoo horjeedday, Mudcim Ibn Cadiyi
ayaa warqadda xaggeeda u dhaqaaqay si uu u jeexjeexo, mise wuxuu la
kulmay ayadoo aboor cunay kulligeed, marka laga reebo erayga (bismikallahuma)
iyo wixii magac iyo xus Alle ah ee ku jiray intaas ma aysan cunin.
Halkaas
ayaa warqaddii lagaga takhalusay uuna si buuxda ugu joogsaday axdigii
dulmiga ku dhisnaa ee Qureysh ku heshiisay, islamarkii ayuunna Rasuulka
Alle (scw) iyo dadkii la socdayi kasoo bexeen waadigii lagu go’doomiyey,
dhacdadaani waxay ahayd mucjisyo caqliga dadka ka wayn oo mushrikiinta
la tusiyey, mucjisadaas oo caddaynaysa nabinimada Rasuulka (scw),
hasayeeshee dhaqankoodu wuxuu ahaa sidii Alle nooga waramay ((hadday
arkaan mucjiso –wayn—way ka jeensanayaan oo waxay oranayaan waa sixir
isdabajoog ah)) 54:2.
Wafdigii Ugu
Dambeeyay Ee Qureysheed Ee Abutalib La kulma
Kadib markii Rasuulka Alle (scw) kasoo
baxay kayntii lagu go’doomiyey wuxuu guda galay inuu horay usii
anbaqaado hawlgalkiisa faafinta Islamka, Qureyshina inkastoo ay
joojiyeen axdigii cunaqabataynta, kama aysan waantoobin cadaadintii
muslimiinta iyo caqabadaynta dadka Islaamka soo galaya, Abutalibna kama
uusan gaabin inuu ilaalinayo Nabiga (scw), hasayeeshee wuxuu ahaa nin
da’diisu markaas kor u dhaaftay siddeetan sano, sidoo kale dhacdooyinkii
xanuunka badnaa iyo mushkilooyinkii waawaynaa ee sannado badan
xariirsanaa, haba ugu sii darraato cunaqabataynii goshee, ay xubnihiisa
jilciyeen, dhabarkiisa jabiyeen,, murqihiisana dabciyeen, bilo tirsan un
markii laga joogay kasoo bixitaankii gosha, waaba isagii oo cudurku soo
ridanayo, islamarkiibana waa kusii xumaaday, hadaba markaas ayey
mushrikiintu ka cabsadeen sumcad xumo ku haleesha carab dhexdeeda haddii
ay wax hagardaamo ah u gaystaan wiilka walaalkiis dhalay markii uu
dhinto ka gadaal, markaas ayey waxay isku dayeen inay Nabiga (scw) kula
garramaan Abutalib hortiisa, sidoo kale inay markaan uga tanaasulaan
fursado aysan xilligaan kahor marna ku raalli noqdeen, waxay hadaba
wafdigaani noqdeen ergadii ugu dambaysay ee Qureyshi leedahay ee
Abutalib la kulma.
Ibn Isxaaq wuxuu yiri iyo culumo kalaba,
markii uu Abutalib xanuunsaday, oo inuu cuslaaday ay Qureysh gaartay,
ayey odayaasha qureysheed isku yiraahdeen, “Xamze iyo Cumar waa
islaameen Muxamed hadalhayntiisuna waa ku faaftay qabiilooyinka carbeed
oo dhan, ina keena aynu Abutalib u tagnee, hannoo garsooro annaga iyo
wiilka walaalkiis dhalay, xaqiisana hannooga gooyo annagana hannooga
xaqsooree, wallaahay waxaan ka cabsanaynaa inuu taladaya naga xoogee –dacalka
kale ee qisadu wuxuu yiri, waxaan ka cabsanaynaa in odaygaan duqa ahi
geeriyoodo, oo markaas gadaashiis wiilkiisa dhib gaaro markaasna carabi
nagu ceebayso, markii hore kuma aysan dhicine markii uu dhintay ayey
wiilkiisa shiddeeyeen.
Sikastoo ay noqotaba, shan iyo labaatan
xubnood oo ay ku dhan yihiin waxgaradkii, isimmadii iyo ehlu sharafkii
Qureysheed ayaa u dareeray xagga Abutalib, waxaana raggaas ku jira Cutba
Ibn Rabiica iyo walaalkiis Shayba, Abujahal Ibn Hishaam, Ummaya Ibn
Khalaf, Abusufyaan Ibn Xarbi iyo rag badan oo islawaynayaasha iyo ehlu
sharafka kamid ah, markaas ayey hadalkooda ku bilaabeen, Abutalibow waad
la socotaa heerka qadarinta ee aad dhexdayada ka joogto, waadna u
jeeddaa xaaladdaada caafimaad oo runtii waanu kuu cabsannay, dhicana
kale xog ogaal ayaad u tahay dhibka naga dhexjira annaga iyo wiilka
walaalkaa dhalay, hadaba u yeer oo isagana u xaq goo annagana noo xaq
goo, makaas isna ha naga joogsado annana aan ka joogsanno, annaga iyo
diintayadaba dhinac ha naga maro annaguna aan isaga iyo diintiisa dhinac
kamarree, markaas ayuu Abutalib u cid diray Nabiga (scw) waana yimid,
marka wuxuu Abutalib yiri, adeer raggaani waa odayaashii iyo waxgaradkii
reer tolkaa oo dhamaantood maanta isu yimid si ay kuu siiyaan wixii aad
ka doonayso, adiguna aad u siisid wixii ay kaa doonayaan, islamarkaana
wuxuu uga warramay hadalkii ay odayaashu usoo jeediyeen iyo
tanaasulaadkii ay soo bandhigeen ee ahaa in labada dhinac mid waliba
midka kale ammaan galin doono.
Markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri, ka
warrama haddaan idin siiyo hal kalimad ah oo aadku dhawaaqaysaan,
kalimaddaas oo aad carab ku hananaysaan cajamna –dadka aan carab ahayn—idiinku
hoggaansamayso “dacal kale wuxuu sheegay inuu yiri isagoo Abutalib
hadalka ku wajahaya, waxaan ka doonayaa hal kalimad ah oo ay oranayaan,
carab ay ku hananayaan cajamna Jizyo –gibir madax furasho—idiin soo
xambaarayso, dacal kale, adeer maad ugu yeertid wax uga khayr badan?
Markaaas ayuu Abutalib yiri, oo maxaad ugu yeeraysaa, waxaan ugu
yeerayaa oraah qura oo Carabina idiinku hoggaansami doonto Cajamna aad
kula wareegaysaan hoggaanka maamulkooda, sida uu Ibn Isxaaq sheegay
markii uu sidaas yiri, hadalkii ayaa ku dhagay oo afkii ayaa malaysan
waa dartiis la kala tagay, mana aysan fahmin si ay ku diidi karaan hal
oraah ah oo ilaa heerkaan gaarsiisan amase ilaa xadkaan wax anfici karta,
islamarkiiba Abujahal ayaa soo booday oo yiri, maxay
tahay oraahdaasi, igu aabahaaye waan ku siinaynnaa iyada iyo toban
lamidehe, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: waxaad oranaysaan “Laa Ilaaha
Illallaah, Alle mooyee ma jiro ilaah kale oo xaq lagu caabudo, waxaadna
ka fogaanaysaan dhamaan ciddii isaga ka soo hartay” markaas ayey gacmaha
isla dheceen oo yiraahdeem: Muxamedow ma waxaad doonaysaa inaad
ilaahyadoo dhan hal ilaaha ka dhigto? Wallee arrintaadu waa mid yaab leh,
markaas ayey inta istaageen yiraahdeen, wallaahay inuusan ninkaani waxba
idin siinayne iska taga oo ku socda diintii aabayaashiin, ilaa annaga
iyo ninkaan Alle nakala xukumo, waana kala tageen.
Hadaba dhacdadaan ayaa Alle
qur’aankiisa ku tilmaamayay suuradda Saad markuu yiri ((Saad: Qur’aanka
xuska wayn leh –addoomaha anfacaya—ayaan ku dhaartaye: Ee kuwa
gaaloobayi islawayni ayey ku jiraan iyo dhinacmar—xaqdiidnimo: Imisaan
halaagnay iyaga hortood ummad –xaqa beenisay—oo ay markaas dhawaaqeen
xilli aan dhawaaqu waxba taraynin: Waxayna la yaabeen in uu u yimid
digniin bixiye iyaga kamida –bashar ah—waxayna yiraahdeen kuwii
gaaloobayi kani waa sixirroole been badane ah: Ma wuxuu ka dhigay
ilaahyadii –kasoo reebay—ilaah kaliya arrinkaani waa wax lala yaabo:
wayna kala tageen madaxdii –odayaashii madaxya waynta ee shirka—kamid
ahaa, iyagoo leh war socda oo ku adkaysta ilaahyadiina arrinkaani waa
arrin dan laga leeyahaye –in la iska kiin kormariyo)) 38:1—7.
Sannadkii Muragada
Jirradii ayaa kusii cuslaatay Abutalib,
hadaba shirkaan waxyar lagama joogin in geeridu qurgoysay, waxayna
dhimashadiisu dhacday bisha rajab sannadka tobnaad ee nabinimada, markii
gosha laga soo baxay lix bilood kadib, waxaa kaloo la sheegay in la
oofsaday bisha ramadaan sannadka tobnaad, geerida Khadiijo saddex
maalmood un kahor.
Sida
Bukhaari uu kitaabkiisa ku wariyey markii
Abutalib geeridu soo kor joogsatay waxaa usoo galay Nabiga (scw) isagoo
ay agfadhiyaan Abujahal iyo Cabdullahi Inb Abi Umaya, markaas ayuu
Nagigu (scw) yiri, adeer dheh Laa Ilaaha Illallaah oraah aan Alle
agtiisa kuugu doodo, markaas ayuu yiri, Abujahal iyo Cabdullahi,
Abutalibow ma waxaad nacaysaa diintii Cabdulmudalib? Marka Nabiguna (scw)
wuu kusoo celinayey kalimaddiisii labadii gaalna way kusoo celinayeen,
ilaa hadalkii ugu dambeeyey ee uu kula hadlay uu yiri, waxaan ku
sugnahay diintii Cabdulmudalib, markaas ayuu Nabigu (scw) inta istaagay
yiri, wallee waan kuu danbi dhaaf dalbin inta aan la ii diidin, markaas
ayey soo dagtay
((uma
habboona Nabiga iyo kuwii Alle rumeeyay inay u danbi dhaaf dalbaan
mushrikiinta)) 9:113 waxaa kaloo soo dagtay ((adugu ma hanuunin kartid
ciddii aad jeclaatay)) 28:56.
Markii odayga naftu daysay ayuu Nabigu
(scw) meesha ka kacay, wax yar kadibna Cali ayaa ka daba yimid oo yiri:
Rasuulka Allow adeerkaa odaygii dhunsanaayi waa dhintay, markaas ayuu
yiri: tag oo aas aabahaa, halkaas ayuuna ku dambeeyey ninkii odayga ahaa,
run ahaantiina uma baahna in la caddeeyo qaymaha uu Abutalib ugu
fadhiyey Nabiga (scw) iyo jiritaanka dacwadiisa, sidoo kale heerka uu ka
joogay ilaalinta iyo difaacidda Nabiga (scw), wuxuu ahaa dhufayska
kaliya ee ay dacwada Islamku kaga gabbato daandaansiga islawaynayaasha
iyo dhimmanayaasha, hasayeeshee wuxuu ku adkaystay khuraafaadka diintii
uu kasoo gaaray odayaasha hore, sidaa darteed ma uusan liibaanin si
buuxda, waxaana Bukhaari ku taal in Alcabbaas uu Nabiga (scw) waydiiyay:
maxaad u tartay adeerkaa, wuu ku difaaci jiray oo adiga dartaa u caroon
jiraye? Nabiguna (scw) wuxuu yiri: wuxuu ku jiraa meel sagxad ah oo
naarta kamida haddii aanan anigu jiri lahaynna wuxuu ku jiri lahaa gunta
hoose ee Naarta, sidoo kale wuxuu Nabigu (scw) yiri: waxaa laga yaabaa
in shafaacadaydu gaarto oo la galiyo sagxad Naarta ah oo cag caddada
gaarsiisan.
Xadiith ay culumada taariikhdu kusoo
arooriyeen kutubahooda wuxuu Nabigu (scw) yiri, Qureyshi ima gaarsiin
wax wayn oo aan dhibsado ilaa uu Abutalib dhintay, sidoo kale Muxamed
Ibn Siiriin wuxuu yiri: markii Abutalib geeridu soo kor joogsatay ayuu
Nabiga (scw) u yeeray oo ku yiri: adeer haddii aan dhinto dhex tag reer
abtigaa Baninajaar –reer madiino—cid martidooda ka difaaci ogi ma jirtee,
waxaa kaloo Abutalib laga wariyey inuu yiri: anigoo maalin la socda
wiilka aan adeerka u ahay –Nabiga scw—suuqa dilmajaaz ayaan harraaday,
markaas ayaan uga dacwooday, ciribtiisa ayuu dhulka ku dhuftay, markaas
ayaa biyo saafi ahi kasoo burqadeen, qisadaani waxay muujinaysaa in
Abutalib u raaci jiray Nabiga (scw) suuqyada markii uu u boxo si uu u
ilaaliyo.
Sayidadda Khadiija
Oo Xagga Alle Aadday
Kadib dhimashadii Abutalib labo bilood
ama saddex bilood amase seddex cisho –sida akhbaaruhu isu khilaafeen—waxaa
la oofsaday Ummul mu’miniin Khadiija Alkubraa meel roon Alle ha geeyee,
waxayna geerideedu dhacday bisha Ramadaan sannadka tobnaad ee taariikhda
nabinnimada, xilligaas oo cimrigeedu yahay lixdan iyo shan jir, halka
Nabiguna (scw) konton jirsaday.
Khadiija waxay dhalatay sannadka lixdan
iyo siddeedaad ee hijrada kahor, waxayna ku kortay guri madaxeed oo
sharfan, sidaa darteed waxay ku sifowday akhlaaqda wanaagsan waxayna u
dhalatay caqli badni iyo karti go’aan qaadasho, hadaba sifooyinkaani waa
kuwii ugu sabab noqday inay noqoto shakhsiyad sumcad wayn oo laga
haybaysto ilaa reer tolkeed ku magacaabi jjreen islaamnimada kahor
Daahira, sharafteeda iyo dhawrsanaanteeda awgeed, waxaana Nabiga (scw)
hortiis guursaday nin lagu magacaabo Abihaala, waxaana markii ay
dhimatay lagu aasay meel lagu magacaabo Xajuun oo hadda gudaha Makko ku
jirta.
Sida la ogsoon yahay Khadiija waxay
ahayd nicmo wayn oo Alle u galay Nabigiisa (scw), waxayna la noolayd
labaatan iyo shan sano ayadoo dajinaysa xilliga uu kacsan yahay, u
hiillinaysa xilliga la gardarraysto, ugu kaalmaynaysa gudashada xilka
wayn ee Alle saaray, la dhex muquuraysa halganka qaraar ee uu ku jiro,
la garab taagan nafteeda iyo maalkeeda ladaba, waxayna ahayd sida uu Ibn
Isxaaq ku sifeeyey wasiir ama lataliye daacadnimo qalbiga ugu haya,
sidaa darteed ayuu Nabigu (scw) ka yiri: way I rumaysay markii dadku igu
gaaloobay, I aamintay markii dadku I beeniyey, waxayna ila qaybsatay
maalkeeda markii dadku I qadiyeen, Allana wuxuu igaga irsaaqay caruur
cid kale waa iiga diiday.
Waxaa labada kitaab ee saxiixa ah kusoo
arooray in, Jibriil (cs) uu Nabiga (scw) u yimid oo uu yiri: Rasuulka
Allow Khadiijo waatanaa soo socota, waxayna siddaa weel iidaan ku jiro
ama cunno amase cabbitaan, markay hadaba kuu timaado ku dul akhri salaan
Alle uga timid, uguna bishaaree guri Jannada ku yaal ka samaysan xabbad
luul ah oo gudaha laga qoray gudihiisana aan qalyo iyo daal midna oollin,
dacal kale wuxuu kordhinayaa inuu Jibriil yiri: annigana iga gaarsii
salaanta.
Waxaana hubaal ah in Nabigu (scw)
jeclaa oo ay qalbigiisa meel khaas ah uga xirantay ilaa Caa'isho ay tiri:
marna kama uusan daali jirin inuu ammaano Khadiija, waligayna kama aanan
masayrin haweenay la ila qabo inta aan Khadiijo ka masayray, waxaana un
la iguursaday dhimashadeedii saddex sano kadib ammaanta darteed, ilaa
aan maalin inta masayr iqaaday aan iri maxaad ka sheegaysaa haweenayda
duqda ah oo Alle mid ka fiican kuugu baddalay, markaas ayuu Nabigu (scw)
carooday ilaa aan ka shallaayey, aanna go’aansaday inaanan waligay
xumaan ku sheegin.
Muragadii iyo
dhibkii oo cirka isku shareeray
Labadaan dhacdo oo xanuunka badan ayaa
isku xigsaday maalmo yar un gudahood, markaas ayey dareenka murugada iyo
qalbi gariirku ku waynaatay qalbiga Nabiga Alle (scw), kadibna kama
uusan dhex bixin in masiibooyinku si isdaba joog ah ugaga imaanayaan
reer tolkiis, kadib markii geeridii ku timid Abutalib ayey ku
dhiirradeen, waxayna bannaanka soo dhigeen xumaato iyo cadownimo aan
waxba la iskula harin, taasoo keentay inuu Nabigu (scw) reer Makko khayr
kala quustay, islamrkaana uu xagga Daa'if u cararay, isagoo rajo ka qaba
inay dacwadiisa aqbalaan ama u gargaaraan amase uga hiilliyaan reer
Makko, hasayeeshee kalama uusan kulmin cid u hiillisa iyo cid soo
dhawaysa midna, wayba uga dareen ilaa ay gaarsiiyeen wax uusan waligiis
Makko kala kulmin sida aan arki doonno –insha Allah—.
Dhinaca kale sida ay Nabiga (scw)
shiddadu ugu korortay ayey saxaabadiisana shiddayntu ugu korortay, ilaa
Abuubakar –ninka odayga ah ee sumcadda waynaa saaxiibka khaaska ah ee
Nabigana ahaa—ay duruuftu ku kalliftay inuu Makko isaga higroodo, ilaa
uu gaaray meesha loo yaqaan Barkal Qamaad, isagoo u jeeda dhulka
Xabashida, halkaasna uu kaga horyimid nin lagu magacaabo Ibn Dughna uuna
soo celiyey kadib markii uu magan galyadiisa ugu ballanqaaday.
Ibn Isxaaq wuxuu yiri: markii Abutalib
dhintay ayey Qureyshi gaarsiisay Rasuulka (scw) wax aysan waligeed
damcin noloshii Abutalib, ilaa uu qaballuus wax iskuma fale ahi xantoobo
ciid ah ku sayriyey madaxiisa sharafta leh, markaas uu gurigiisa soo
galay isagoo ciiddii madaxiisa ku rassaysan tahay, markaas mid
gabdhihiisa ka mid ahi ay madaxa u dhaqaysay ayadoo ooyeysa, Rasuulka
Allana (cw) wuxuu ku leeyahay ha ooyin gabadhaydooy, Alle ayaa aabahaa
difaacayee, markaas ayuu wuxuu leeyahay Qureyshi wax aan dhibsado ima
yeelin ilaa uu Abutalib dhintay.
Hadaba dhibaatooyinkaan xanuunka badan
ee isku xigsday dartood ayuu Rasuulku (scw) sannadkaan tobnaad ku
magacaabay “sannadkii murugada” magacaanina waa magaca sannadkaani ku
caanbaxay qaamuusyada taariikhda dhexdooda.
Guurkii Sowda Alle
Haka Raalli Noqdee
Bisha Shawaal sannadka tobnaad ee
nabinnimada ayuu Nabigu (scw) guursaday Sowda Bint Zumca, waxayna ahayd
gabdhihii hore u islaamay, hijradii labaad ayeyna u hijrootay dhulka
Xabashida, halkaas oo ninkeedii oo lagu magacaabi jiray Sakraan Ibn
Camar kana mid ahaa isaga laftiisu muslimiintii hijrooday uu ku dhintay,
waxaa kaloo layiri markii laga soo laabtay ayuu Makko ku dhintay, markii
hadaba ay cuddadeedii dhamaysatay ayuu Nabigu (scw) doonay
Dhacdadaan isku xirkeeda waxaa ka
shaqeeyey gabadha muslimadda ah ee lagu magacaabo Khowla Bint Xakiim,
gabadhaas oo markii Khadiijo dhimatay Rasuulka (scw) u tagtay oo tiri:
Rasuulka Allow miyaannaan kuu guurinayn, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri:
oo yaad ii guurinaysaa, markaasay tiri: haddaad rabtana gabar yar,
haddaad rabtana garoob, markaas ayuu yiri: waa tuma gabadhu waase tee
garoobku, markaasay tiri: haddaad gabar doonayso waa Caa'isho inanta uu
dhalay dadka ninka aad ugu jeceshahay, haddaad garoob doonaysana waa
Sowda Bint Zumca, marka Khowla waxay u tagtay odayga gabadhaan dhalay oo
ah nin wayn oo hawlgab ah, markaas ayey salaan kadib tiri: Muxamed Ibn
Cabdillahi ayaa gabadhaada hadalhaya, markaas ayuu yiri: nin sharaf
badan oo u qalma iyadu maxay tiri, markaasay Khowlo tiri: way rabtaa
markaasay ayuu yiri: ha iiyimaado.
Marka Nabiga (scw) oo ay socodkiisa dad
ku weheliyaan ayaa yimid, islamarkiibana waa lagu meheriyey gabadha,
waxaana ku xigay dhamaystirkii hawsha guurkaan, waxay hadaba Sowdo
noqotay gabadhii ugu horreysay ee Nabigu (scw) guursaday Khadiija kadib,
sannado kadibna waxay codsatay in fursaddeedii ay Nabiga (scw) ku lahayd
loo hibeeyo Caaisha, waxaa la yaab badan walaalkeed Cabdi Ibn Zumca oo
meel ku maqnaa ayaa yimid, markaas ayuu madaxa ciid isaga shubay, markii
uu islaamay ayuu yiri: wallaahay maalintaas caaq baan ahaa aan waxba
ogayn, marka aan ciidda isugu shubayo in Sowda uu Muxamed guursaday,
laakiinse caaq ma uusan ahayne islaam ayuusan maalintaas ahayn, marka
waxba ma uusan ogayn.
__________________________________
1: Cutbata Ibn Rabiica Ibn Cabdishamsi
Abul waliid, odayga Qureysheed iyo waliba mid kamida mas’uuliyiinteeda
waawayn ee xilliga jaahiliga, waxaa lagu sifayn jiray caqli badni,
dulqaad iyo ammaan badan, wuxuuna ahaa nin lagu yaqaan codkarnimo
hadalkiisu fulo, markii hore wuxuu ku koray agoonnimo uu soo korsaday
Xarbi Ibn Ummaya, markii ugu horreysay ee magaciisa la maqlay waxay
ahayd markii uu kala dhex galay labada qabiilo ee Hawaasin iyo Kinaana
oo uu dhex maray dagaal loo yaqaan dagaalkii fusaaqda, halkaas oo uu soo
jeediyay xallin labadii dhinacba ku qanceen, dagaalkiina sababtiisa ku
istaagay, sidaa darteed waxaa la oran jiray ma jirin nin xilliga
jaahiliga madaxnimo iyo magac wayni ku sifoobay isagoo faqiir ah marka
laga reebo Abutalib Ibn Cabdulmudalib iyo Cutba Ibn Rabiica, iyagu hanti
la’aan ayey magac waynaadeen.
Ayaan
darrise Cutba islaamka ayuu soo gaaray markaas ayuu islawaynaaday oo
xadkiisa dhaafay, wuxuuna ka qayb galay dagaalkii Badar isagoo
mushrikiinta lasocda, waxaana la sheegay inuu ahaa nin muruqyo waawayn
oo baaxad wayn, ilaa markii dagaalku bilaaban rabay loo waayey koofiyad
dagaal oo madaxiisa leeg, markaas go’ loogu duubay, dagaalkaan oo uu
wacdaro ka muujiyay wuxuu hoggaaminayay koox bilowgii horaba hore colka
isaga soo soocay isaga iyo labo qoyskiisa ah, halkaas oo uu dhex ugu
dhacay Caliyi Ibn Abitalib iyo Xamza Ibn Cabdilmudalib islamarkiina ka
takhaluseen, sannadka labaad ee Hijriga oo ku beegan sannadka 624 Ciise
dabadi.
Isha Sawirada:
http://abdulrashid.net/html/quran.asp
http://en.wikipedia.org/wiki/Makka
http://www.google.com/
Talo bixin ku aadan qoraalkan u dir
qoraaga oo emailka hoos ku qoran:::