Taariikhdii Imaamul Bukhaari
(raxima hu laah)
Dadka
inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan
yihiin inuu ka mid yahay shaq siyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda
Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal tooyada umadda Islaamka
kitaab kiisa loo yaqaan Saxiix-ul-Bukhaari laakiin isagu uu u
bixiyey Saxiixul Jaamic oo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran,
Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaqsantahay inuu yahay Bukhaari
Imaamu ahlul Xadiis iyo ninka ugu xifdin badan sunada Nabiga (scw) waana
kitaabka loogu kalsoon yahay agtooda Kutubta lixda ah ee waa wayn ee loo
yaqaan Situ Umuhaat kuwaas oo kala ah Saxiixul Bukhaari, Saxiixul Muslim,
Sunan Abii Daa’uud, Sunan At-tarmethey, Sunan Ibnu Maajah iyo Sunan An-Nisaa’i
.
Inta
uu jiro qof muslim ah oo baranaya sunnada Nabiga (scw), baalka uu
Imaamku kaga dhigan yahay taariikhda Islaamka waxa uusan ka engegeyn carabka
inta wanaaga ku xusaysa. Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta sunnada Nabiga (scw)
barashadeeda uheelan had iyo goor, fahamkeedana u oomman, waana Amiirul
muslimiin fil Xadiis.
Dhalashadii
Imaam Bukhaari (raxima hu laah)
Magaciisu
waa: Abu-Cabdullahi, Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim, ibnu muqiirah,
ibnu Burdazbah Al-Jacfi Al-Bukhaari wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara, oo
ku taal dalka Ruushka maanta loo yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu
ahaa 194H 13-ka bisha Shawwaal habeen jimceed, waxuu ahaa asalkiisu Faarisi
laakiin ku magacaabida (Aljacfi) Aabihiis baa wuxuu ku Islaamay Gacanta Al-yamaani
Aljacfi uuna u ahaan jiray Mowle sidaas baa loogu magac daray Al-jacfi.
Bukhaari
Aabihii, Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Mughiirah al-Jacfi, wuxuu ka mid ahaa
Muxaddisiintii waa weynaa ee reer Bukhaara wuxuuna caan ku ahaa uruurinta
iyo xifdinta Axaadiista Nabiga (scw). Bukhaari Aabihi wuxuu
geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga tagey
hanti fara badan. oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis Maalkayga oo dhan
ma garanyo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa
waxaa la wareegtay hooyadiis.
Barashadii
sii Cilmiga Xadiiska
Imaam
Bukhari markuu gu’ tobnaad gaarey ilaahey wuxuu laabtiisa ka buux shey
xiisaha barashada Axaadiista Nabiga (scw). Wuxuu galay dugsiga
Axaadiista lagu barto ee Bukhaara, sanad kadibna wuxuu marjac iyo tixraac u
noqday macallimiintiisa oo mararka qaarkood ka saxan jirey Matniga (Lafdiga)
iyo Asaaniida (Sil silada lagu kala wariyo Axaadista).Imaam Bukhaari Markuu
lix-iyo-toban jirsadey, wuxuu dusha ka qeybey kutub tay qoreen Ibnu Mubaarak
iyo Wakiic, Imaam Bukhaari Sareynta xifdigiisa iyo sugnaanta fahamka uu u
leeyahay Axaadiista Nabiga (scw) waxaa la yaabay culumadii Xiligiisa
nooleydey.
Imaam
Bukhaari Sideed-iyo-tobon markuu jiray wuxuu la xajiyey hooyadii iyo walaal
kii Axmed, Xajka ka dib, Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray Xaramka, ka
dibna wuxuu qoray kitaauu ugu magac daray “Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin”.
Wax yar ka dib wuxuu aadey magaaladii Nabiga (scw) Madiina Anabawiyah
, intuu joogeyna wuxuu qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “At-Taariikh
al_Kabiir.”
Imaamku
wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga (scw).
Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeeldheerayd xilligiisii,
waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo. Asagoo taa xusayana wuxuu yiri, Cilmi
dalabka waxaan u aaday Masar iyo Suuriya laba goor, Basrana afar goor, lix
sanaan Xijjaaz u joogey,inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u
raacayna maba koobi karo.
Arrimihii
dadka cajab geliyey ee Imaamku lahaa waxaa ugu weynaa xifdigiisa, Xaashid
Ibnu Ismaaciil ooy Bukhari isku xer ahaayeen, wuxuu yiri:
Bukhaari
wuxuu axaadiista nagala baran jirey culumada Basra. Axaadiista waa qoran
jirney isaguse ma qoran jirin. Arrintaa waa ku canaanannay, ka dib Bukhari
wuxuu codsay innaan waxaan qoranney u keenno wuxuuna ku kordhiyey
shan-iyo-toban-kun oo Xadiis oo xifdigiisa uu ka sheegay. Waxaan kutubteenna
ka sixi jirney xifdiga Bukhaari.
Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo
Xadiis(Sadex-boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay
saxiix wada tahay, iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn.
Waxaa
xifdiga u dheera fahamka iyo garashada Axaadiista. Wuxuu ku xeel-dheeraa
lifaaqida iyo tifa tirida Axaadiista marnana ma suuroobi jirin in Imaamka
hadalka Nabiga (scw) laysku daba mariyo. Muxudisiintii reer Baqdaad ayaa
isugu qasay muttuun (Lafdi) iyo asaaniiddii (Silsiladii) Axaadiista bal si
ay u hub sadaan qotoda iyo gunta garashada Bukhaari u leeyahay Cilmiga
Axaadiista markey maqleen innuu Baqdaad ku soo socdo.
Imaam
Bukhaari Markuu magaalada soo galay, waxaa loo qabtey xaflad balaaran oo
lagu soo dhawey nayey ooy ka soo qeybgalleen culumaddii Axaadiista ee reer
Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna waxaa Bukhaari loo soo bandhigay boqol
xadiis oo kas loo marooriyey ula kacna leys ku daba mariyey, Sidii lagu
yaqaaney Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu mid-mid u dhiraan-dhiriyey
Asnaadoodii saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka saaray (marlabaad buu ugu
celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga (scw) looga wariyey u
qaadaa dhigaya ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka Nabiga (scw).
Dhacdadaasi
waxay muu jisay xeel dheeraanta aqoontiisa xifdiga iyo garashadiisa Cilmiga
Xadiiska Nabiga (scw), Bukhaari wuxuu u adeegsaday inuu ku uruuriyo inta ugu
saxan uguna hubsan Axaadiista nabiga (scw) kuna qoro hal kitaab. Bukhaari
wuxuu yiri “Xadiis kasta oon ku qoray Kitaabkeyga labo rakco baan u tukadey,
Allaah baan kala tashaday (Istikhaara), sixadiisana waan hubsaday.” Waxey ku
qaadatay 16-sano (lix-iyo-toban-sano) inuu ku dhameeyo qorista kitaabka
Caanka ah ee uu garanayo Qofkasta oo Muslima oo wuxuun diina garanaya amase
maqlay Nabigaa (scw) sidaa yiri A-Saxiix-ul-Bukhaari. “ Waa Xujjo aniga iyo
Allaah noo dhexa” buu Imaamku yiri. Markuu dhammeys tirayna wuxuu u
bandhigay Axmed Inbu Xanbal, Yaxyaa Ibnu Maciin, Cali Inbu
Madiini, iyo Rag kale kuligoodna waxay u qireen kitaabkiisa sixid iyo
sugnaan. Arrintaasi waxey noqotey ficil aad loo mahadiyey nacfigiisa
iyo wax tar kiisana maanta la qirsanyahay oo qofkii Xadiis soo daliiliya ama
sheega haduu yiraahdo Rawaahul Bukhaari aan laga daba hadlayn Muslimiintuna
ku qanacsan yihiin inuu yahay warkii Nabiga (scw) ilaahow qabriga kuu nuuri
sidaad sunada u nuurisay.
Qofnimadiisii
Imaamul Bukhaari
Imaamka
waxaa lagu yaqaaney deeq, zaahidnimo iyo Alle ka cabsi. Wuxuu ahaa nin
Adduunku uusan agtiisa wax ka aheyn. Imaamku, Sidii culumaddii la xilli ahaa
lagu yaqaaneyba, Allaah nin ka baqa buu ahaa. Nin cibaado badan buu
ahaa. Waxaa la wariyey inuu maalin walba oo bisha Ramadaan ka mid ah uu
Qur’aan-ka dhamayn jiray.
Imaamku
waxuu ahaa Nin dadka xaqooda iska ilaaliya, hadaladiisii waxaa kamid ahaa
“Waxaan rajeynayaa innaan Allaah la kulmo, Annoon la iga xisaabin qof aan
xantay.” Welligiis qof xummeeyey uma caroon baa la wariyey xagga
zaahidnimada.
Bukhaari
waxuu ahaa nin caato ahoo cuno yar oo meel dhexaad ah aan dheerayn gaabnayna,
wuxuu ahaa nin timo jilic san, waxuu ahaa nin ahsaan badan aadna deeqsi u
ah, xataa waxaa la wariyaa inuu halmaalin sadaqaystay 3000 oo dirham, wuxuu
ahaa nin warax xalaal quudato ah, waxuu ahaa nin taqi ah oo cibaado badan
wuxuu kaloo ahaa marakay soo gasho bisha Ramadaan Quraanka wuxuu dhamayn
jiray maalin kasta.
Kheyr
kuu lahaa Bukhaari qoraal kan yar laguma soo koobi karo. Hadaad
fadaa’ishiisa rabto bal aqri tarjumada Imaam Ibnu Xajar Al casqalaani
kaqoray Imaamka ee ku taal hordhaca kitaabka uu ku sharxay
Saxiix-al-Bukhari oo lagu magaacabo Fatxul Baari oo runtii isna u
baahan in mar gooni ah laga sheekeeyo, waxaase kusoo koobaynaa waa kitaabka
ugu qaalisan kutubta lagu sharxay Saxiix Albukhaari dhinac walbaba.
Geesimadii
Imaamka
Markuu
muddo ka maqnaa Bukhaara ayuu bukhaari go’aansaday inuu ku laabto dad
kiisii iyo magaaladiisii. Markey maqleen reer Bukhaara safarka
bukhaari ee xagooda ah, farax iyo ray-reyn baa ka buuxsamay. Waxay
diyaariyeen qaabilaad aan hore loo arag, xatataa magaalada duleedkeeda bey
Teendhooyin ka dhiseen. Markuu Bukhaari magaalada yimid, wuxuu durbadiiba
guda galay baarista Axaadiista Nabiga (scw) . Hase yeeshee waxaa
damcay inuu handado,qash-qashaadna ka deyn waayey ninkii Bukhaara
xilligaa waalli-ga (amiirka) ka haa ee la oran jiray Khaalid Binu Axmed Ad-duhaley
ugana ahaa Khuraasaan dowladii Cabbaasiyyiinta.
Wuxuu
Imaamka ku yiri amiirkaas sida lagu yaqaan raga madaxda ah inay amar taag
leeyaan, gurigeyga caruurta wax iigu bar, Bukhaari wuxuu si geesinimo leh
ugu jawaabey, “Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo la meeraysto
iridaha guryaha madaxda, ee haddii cidi rabto iney aqoon kororsato ha
timaado dugsigeyga.” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha ku
celiyey oo yiri “ Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado, ha la fariisin ardada
kale ee gooni wax ugu dhig.” Bukhaari baa yiri, “Qofna kama mancin karo
xadiis dhegeysigi.” Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax ugu
dhigi mayo Imaamku Gacanta ayuu ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey
Madaxtooyda taas oo ay ku guul daraysteen Culimo Badan oo joogta xili kasta,
kuwaas oo ku mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaa’u Dowlah (culimada
dowlada).
Khaalid
Ibnu Axmed, Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey
magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo
waxuuna aaday magaalo kale oo ka tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis
ah ay daganaayeen, laakiin dul migaas kama faa iidin Amiirkii Khaalid ee
Bukhaari wuu habaaray ilaahayna waa ka aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee
haystay Khuraasaan ayaa amray in xoolahana laga qaado xabsigana loo taxaabo
Amiirkii isagoo Dameer saraan baa Jeelka ladhigay halkaas buuna ku dhintay
Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee dulmi iska ilaali walibana midka
culimada).
Waxaa
kaloo Geesinimada kamida inuu ku haray Maka mudo badana uu u wareegayey
dhulal badan inuu Cilmiga xadiiska kasoo horka laabto ilaahay na waa ku
guuleeyey oo waxuu kasiiyey Qayb wayn.
Geeridiisii
Imaam
ku waa ka xumaaday Tarxiilkaa lagu sameeyey wuxuuna go,aansday inuu
xagaa iyo Samarqandi, aado markuuse muddo usoo jiro ayuu
maqlay in dadku asaga isku khilaafeen, aaraa kala duwanna ka qabaan. Ka dib
Imaam Bukhaari wuxuu goostay inuusan magaalada gelin ee uu tuulo u dhow dego.
Waxaa la wariyey inuu markuu tuulada degey Allaah baryey oo uu yiri “
Allow dhulkii Ballaarnaa wa ila yaraaday ee I oofso” ka dibna wuu
xanuunsaday.
Imaamku
Asagoo xannuunsan ayaa ergo ka socota Samarqandi codsaneysana inuu
magaalada soo galo u timid. Markuu ajjiibeyna xanuunkii baa ku sii kordhay.
Imaamku wuxuu geeriyooday habbeenkii Ciidu-al-Fidri-ga ee bisha Shawwal
kawda aheyd, 256H. Cumrigiisu wuxuu ahaa Imaamka 62 sano oo laba-iyo-toban
habeen dhimman markii la oof-saday Imaam Bukhaari. Waxaa hubaal ah in
sanadkaas qoraxdii aqoonta cilmiga xadiiska dhacday. Waxaa damay oo shiiqay
ilayskii aqoonta ee u ifayey shucuubtii degeneyd Samarqand,
Bukhara, Baqdaad, iyo Nisaabuur. Imaam Bukhaari, Allaha u
naxariistee, si weyn baa loo tabey, Ragii xiligaa joogey ee gabayaaga ahaa
waxay mariyyeen gabayo boroordiiq ah ooy ku cabbireen siday Imaam-ka u
tabeen.
Gabagabadii
Ugu
danbayntii waxaa halkaan inoogu sugan ku waana qaadasho iyo ku dayasho
wanaagsan sida culimada Islaamku ugu dadaali jireen Barashada Sunada Nabiga
ayna u gali jireen safaro dhaadheer oo aan dhulkooda ahayn iyagoo dalbaya
khayr,waxaan kaloo ka faa iidaysanaynaa inuu cilmigu yahay midka la xifdiyo
oo qalbigaaga ku jira ee uusan ahayn oo kaliya midka waraaqaha ku qoran,
waxaan kaloo ka faa’iidaysanaynaa in ay muhiim tahay inaan ku camal falo
waxaan baranay ayna noo kordhiso alle ka cabsi, dhowr sanaan, xalaal miirad
iyo Cibaado.
Waxaan
kafaa iidaysanaynaa sida culimadu ay uga run sheegayaan cilmigooda ayna ugu
adag yihiin diintooda dhib kasta oo ay kala kulmaan iyo inaysan isu dulayn
qof ay bidayaan Mansab ama meeqaan dheeri ah, waxaa kaloo muhiim ah oo
ogaanay in dadka ahlu xaqa ah la dhibi jiray xataa xili hore, ilaa Saacadu
kadhacdona waa jirayaa dhibkaas marka waxaa nalooga baahan yahay Sabir
dheeraad ah.
Waxaa
iyana la oran karaa waa Mucjiso Shiikh dhintay 1200 oo sano kahor oo hadana
caan ka ah Caalamka Muslimiinta oo dhan, taasna waxuu ku mutays tay, wuxuu
jeclaaday Illaahay iyo Nabigiisa iyo Sunada Rasuulka oo uu xifdiyey oo
ilaaliyey Illaahayna wuxuu ku abaal mariyey inuu magiciisu waaro loona
duceeyo ilaa uu jiro qof Jecel Nabi Maxamed warkiisa (scw).
Gabagabdii
Imaamul Bukhaari waa bashar inagoo kale ah wuu gafaa wuuna asiibaa ma’han
macsuum sida Malaa’igata ama Nabiyaasha (cs) wuxuu asiibay waan qaadan wuxuu
ku gafayna waynu katagi sidaa waxaa ahaa hadalkii Imaamul Maalik ilaahay ha
u naxariistee “qof kasta hadalkiisa waa laqaadan waana latuuri ilaa
qabrigaan saaxiib kiisa ma’ahane” wuxuuna ula jeedaa Rasuulka (scw),
Bukhaari ilaahay baan jano iyo wanaag uga rajaynaynaa Ilaahow Firdowsa kugu
abaal mari, inagana ilaahay hanagu anfaco Cilmigiisa.
Fg:
Kitaabkaan waa dhaxal uu nooga tagay imaamku cidnana aan laga lahayn aadna u
fudud oo labaran karo ee yeynaan ka qadin dhaxalkaas wanaagsan, intaan kuma
dhama Taariikhdii Imaamka waa qayb kamida wuxuu ka raadsan karaa qofkii
siyaado raba kutub taan iyo kuwa kaloo fara badan.
Muqadama Fatxul baariga
Xaafid ibnu xajar
Siyaru aclaamu
Nubalaa Imaamu Thahabi